13.07.2015 Views

1myYNse

1myYNse

1myYNse

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Af aan hagaagsanaynMa jiro af aan lahayn naxwe iyo xeerar uu ku dhisan yahay, xeerarkaa haddii aan la raacinna afka waxba la is ku la garanmaayo. Haddaba af soomaaliga beryahan dhibaatooyin waaweyn bay dadkiisu ku hayaan, dhibaatooyinkaas oo meelobadan ka soo gala. U gu horrayn ku hadalkii qummanaa ee afku wuu sii lumayaa oo waa la burburiyay. Marka labaad siqarriban baa loo qoraa gaar ahaan higgaadinta. Kolka saddexaadna afaf qalaad baa la gu dhex walaaqaa oo la gu silciyaa.Saddexdaa arrimood iyaga oo goor walba inoo muuqanaya, jejebinta ku hadalka waxaa u gu daran warfidyeenka ka soojeeda soomaalida koonfureed. Taas baan tusaalayaal ka bixinayaa. Wax aan se codsanayaa kolka aynnu gefka is katoosinaynno yaan la dhihin ”is ku af soomaali ma nihin”. In sidaa loo hadlaa waa xilkasnimo darro, waayo afku wuu innagadhexeeyaa, waana in aynnu wada hagaajinnaa.Gefafka warbaahinta koonfurtu af soomaaliga ka gasho waxaa u gu daran ka la soocid la’aanta falka la ga warramayo ciddasamaysay iyo cidda la gu sameeyay (fale iyo lagufale). Bal u fiirso arrimahan hoose:”Madaxweynaha waxaa dhaliil dusha uga tuuray kooxda nabad-diidka ah.” Hadalkaasi sax ma aha, waxaa se qumman”Madaxweynuhu wax uu dhaliil dusha kaga tuuray kooxda nabad-diidka ah.” Haddii kale qofka falku ka imanayaa ma ahamadaxweynaha ee isaga ayuu falku ku dhacayaa. Qof wariye ah baa idaacadda VOA ka yidhi: ”Dad ka cabanaya siduu ula dhaqmay booliiska.” Hadalkaasi isaguna ma hagaagsana, wax ay se ahayd booliisku. Haddii kale macnuhu waa dadkaayaa sidaa u la dhaqmay booliiska ee booliska ma aha cidda sidaa u la dhaqantay dadka.Labada eray ee uga iyo kaga laba macno oo aad u ka la duwan bay sameeyaan. U fiirso ”Cabdi qalin buu daaqadda ugatuuray Canab”, ”Cabdi saaxiibkii cadaw buu uga hiiliyay”, ”Cabdi dadka ayuu magaalada uga warramay”, ”Cabdi lafihiisaayuu uga baqay ninka hubaysan”. Taa waxaa ka duwan: ”Cabdi qalin buu dusha kaga tuuray Canab”, ”Cabdi garaddaradaayuu saaxiibkii kaga hiiliyay”, ”Cabdi nabad buu magaalada kaga warramay”, ”Cabdi hubka ayuu ninka kaga baqay”.Tusaale ahaan qof baa dhahaya: ”Bannaanbax looga soo horjeedo dagaalka”, taas oo ku hagaagsanaan lahayd ”bannaanbaxlagaga soo horjeedo dagaalka”. Haddii kale waa in ay noqotaa”sababta looga soo horjeedo dagaalku waa noloshii oo kuburburtay”.Warbaahinta wax ay ka yidhaahdaan ”waxaad si toos ah innooga dhegaysanaysaan”, taasina ma qummana ee waxaahagaagsan ”waxaad si toos ah nooga dhegaysanaysaan”. Innooga iyo nooga waa hadal ka la duwan.”Shaqadaa waxaa dawladda uga baxaysa lacag badan”, waa hadal u eg in laga wado ”hawshaa waxaa dawladda ugasoo baxaysa”. Waxaa hagaagsan”hawshaa waxaa dawladda kaga baxaysa lacag badan”.Qaaq baa warfaafinta ka akhriya ”warka maanta waxaa halkan idiinkaga soo jeedinaya...”, waxaa se sax ah ”warka maantawaxaa halkan idiinka soo jeedinaya”.Ma aha ”warkii oo idiinkaga imanaya…”, laakiin waa ”warkii oo idiinka imanaya…”.Qolada BBC wax ay yidhaahdaan ”barta Internet-ka oo ciwaankeennu yahay bbcsomali.com” waxaa se sax ah ”ciwaankayaguyahay… Labada eray ee ”waxayaga” iyo ”waxeennu isku macne ma aha.Nin baa VOA barnaamijka ciyaaraha sida u akhriyay (26/06/2014): Axmed Muuse oo Nayjeeriya baallahakaga ciyaara ayaa daqiiqad ka dib bareejeeyay.” Bal ka warran ”baallaha kaga ciyaara”? Wax uu u dan lahaa“baallaha uga ciyaara”.”Arrintaa Cabdi muxuu uga jawaabay?” macnaheedu wax uu noqonayaa ”ma ahayn Cabdi arrintaa in uu ka jawaabo”,waxaa se hagaagsan ”Arrintaa Cabdi muxuu ka ga jawaabay?”Ma dhihi kartid ”goor dhow waxaa i soo wacay Cabdi”, laakiin dheh ”goor dhowayd waxaa i soo wacay Cabdi” iyo ”goor46

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!