12.07.2015 Views

DHAXALREEBHIBF2014program

DHAXALREEBHIBF2014program

DHAXALREEBHIBF2014program

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Han iyo HilaadinRashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)Xoolo carar ah haddii uu meel cidla ah gabbalku ugu dhacayo kama fekeraan halista bahalka caawa ku soo fool leh. Irmaantailmaheedii saaka laga reebay baa kelideed hoyata, waayo ayada waxaa dowga ku carraabisa abuurta dhalanka ah eehooyada. Kuwa kale marka ay indhaha saaraan bahalka soo weeraray ayay didmada ordaan. Sidaas ayaa loo yidhi waa“indhakugaraadleh”. Waxaa laga wadaa wixii toos ugu muuqda oo qudh ah ayey gartaan. Shinniduna, sida Alle Quraankaku xusay, dhulka ayey ku fooftaa; ubaxa ayey miirta ka nuugtaa oo malab bay ka suubbisaa (Suuratul Naxal, 68-69).Waxqabadkeedu wuxuu ku dhisan yahay hab xidhiidhsan oo si weyn isugu dubbaridan, natiijadu na waa awlalloxabagbarsheed malab ah. Aboorku na dundumo malaasan buu dhisaa, shimbirtu na caws iyo qori bay buulkeeda ka samaysaaoo ay ogaxdeeda dhigataa, mayeedhaanka kale na qaarkood godad bay qotaan oo guri ka dhigtaan.Noolaha mayeedhaanka ahi markan waxqabad buu leeyahay, hayeeshee waa waxqabad aan ku iman kuna salaysnayn caqlifekeray oo ujeeddadiisa sii hilaadiyey. Sababtu waxaa weeye, mayeedhaanku ma laha han iyo hilaadin ee abuurta dhalankaAlle ku abuuray (instinct) ayaa ku riixda waxa uu suubbinayo. Waa sababta ugu wacan in aan falaadkoodu isbeddel iyohorumar u yeelannin. Shinnidu, tusaale ahaan, weligeed isku si bay malabka u samaysaa; farsamo iyo dalag midna waxcusub ma soo kordhiso. Sababtu waa hilaadin iyo hummaagayn baanay lahayn.Aadamiga ayaa kartidaas leh. Asaga ayaa waxa jooga ka hilaadiya oo maskaxdiisu suuraysaa wax aan markaas jirin. CaqliAlle ku gaar yeelay buu aadamigu ku gartaa wax aan hortiisa oollin oo aan indhaha u muuqan, maqal, ur iyo taabasho naaan lagu haleeli karin. Hilaadintu waa malamalayn iyo mala’awaal, waana halabuurka maskaxda dadka ee suuraysahummaagyo kale oo caqliga u muuqanaya.Ereyga hilaadin waxaynu ka tarjumaynaa ereyga imagination ee afingiriiska ah. Marka aynu u noqonno afkii reer miyigasoomaaliyeed, roob meel fog ka hillaacay bay hilaadin jireen meesha lagu malayn karo in uu hayo. Cidla kama mutuhinayninee dhulka iyo cimilada labada ba way yaqaanneen oo hilaadintoodu qiyaas bay ku fadhiday. Waxaa jooga ayaa lagatemediyaa waxa maqan iyo waxa iman kara, sidaa darteed jidka isbeddelku hilaadin buu ku bilaabmaa. Hilaadinta toganimarkan waa ayada oo ay maskaxdeennu waxa jooga ka ambabaxdo, wax aan jirin na ka halabuurto. Xeel iyo aqoon bayku sal leedahay oo doorrooneyaal kale ayey hummaagaysaa oo lagu hawl galaa. Xaaladda lagu sugan yahay baa lagahilaadiyaa xaaladda ka wacan ee looga guuri karo. Gebiga aqoonta aadamiga iyo horumarkiisu ba hilaadinta caqliga ayeysalka ku hayaan.Hilaadintu, marka cilmibaadhis laga hadlayo waxay u dhigantaa macnaha ereyga Hypothesis, sidaa darteed hilaaddu waajawaabta cilmibaadhistu is hordhigto ee ay tijaabo geliso. Ma na aha taasi sheeko laga male’awaalo meel madhan eexaqiiqooyinka jira ayaa laga dhambalaa. Mar haddii aanay xaqiiqada jiraalka ahi gun la soo taabto lahayn na hilaadinteeduna meel ay ku dhammaato ma laha.Laba isku xidhanHanka iyo Hilaaddu waa laba isku xidhan; qof walba meesha hankiisu jiro ayey hilaaddiisu taal. Ka soo qaad,tusaale ahaan, sheekadii yarayd ee koobka. Laba qof baynu hordhignay koobkii la yidhi badhkii baa wax kujiraan, ama dhinaca kale, badhkii baa madhan (waa isku mide). Qofkii yidhi koobka kala badhkii baa buuxaayaa lagu majeertay oo hankiisa la yidhi dhinaca wacan buu wax ka eegay. Aragtidaasi malaa meesha way kujirtaa, ha yeeshee geesta kale na murti baa taalla. Bal u fiirso weedha “koobka badhkii baa madhan”, waxay gees kaleinnaga tusaysaa hanka aadamiga ee mar kasta arkaya waxa dhiman iyo heerka aan weli la gaadhin. Hanka dhimaalkaarkaya ayaa dhala hilaadinta heel ka wacan ta lagu sugan yahay. Hayaanka horumarka aadamigu ugu sahan tegey dayaxaiyo meerayaasha ka shisheeya ee dusheenna ah, cilmiga iyo teknolojiyada casrigan, qaab-dhismeedka bulsho siyaasadeediyo qiiyamta xorriyadda iyo dimoqraadiyadda hannaanisa wadanoolaanshaha iyo waxwadaqabsiga dadka, intaba waxaakeenay oo had walba na horkacaya hanka iyo hilaadinta joogtada ah ee wax maqan higsanaya.21

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!