12.07.2015 Views

DHAXALREEBHIBF2014program

DHAXALREEBHIBF2014program

DHAXALREEBHIBF2014program

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Dadka intii magac tolliimo iyo isbahaysi hiil wadaagtaa waxay lahaayeen xeer gudahooda ah; intii kala abtirsiin ah ee daaqaiyo ceelku kulmiyo ama ba isku degaan ahina waxay lahaayeen xeerar ay ku kala baxaan, markii arrin la isku qabto. Sidaasayuu ereygani meel weyn ugaga jiray soojireenkii dhaqanka Soomaalida.Waxaa halkan na xusid gaar ah mudan, xeerkani waxa uu habaynayey xidhiidhka u dhexeeya koox bulsheedyo, ee marnama abbaaraynin faldhaqanka kelida qofeed; falaadka qofka waxaa loo aanaynayey qoloda uu ka dhashay, aydaa na ciqaabiyo cawil-celin ba qaadaysay. Markii ay timid dawladnimo, ee Afsoomaaliga na la qoray, ayaa ereygan xeer loo qaatayereybixinta macnaha law.Inta qaybood ee uu leeyahay ba hadda waxaa la yidhaa Xeer. Tusaalaheedu waa Xeerka Ciqaabta,Xeerka Ganacsiga (business law) Xeerka Dawladda Hoose, Xeerka Qoyska, Xeerka Madaniga iwm. Dhanka kale, XeerkaAnshaxa (code of conduct) iyo Xeer-nidaamiye (Internal Regulation) waxaa ayaga gaar yeelaya labada erey ee lagu xidhiiyey(anshax iyo nidaamiye).Qaanuun (qaynuun):Ereygani waa erey Afcarabi ah oo soomaaliyoobay. Waxaana uu si buuxda ugu dhigmaa ereyga law. Ereygan qaanuunwaxa uu buuxiyaa oo loo adeegsadaa isla inta loo adeedsado ereybixinta xeer ee kor ku xusan.Sharci:Waa erey Afcarabi ah. In kasta oo uu wax badan la wadaago ereyga hore ee qaanuun, waxa uu si gaar u tilmaamayaaxalaalaynta ama sharciyeynta. Hayeeshee Soomaalidu inta badan ereyga sharci, qaanuun iyo xeer isku macne ayey uisticmaalaan.Dastuur:Asagu na waa erey Afcarabi ka soo jeeda; waxaa na uu u dhigma aconstitution. Dastoorku ama dastuurku waxa uu ku saabsanyahay habaynta dhismaha xidhiidhada siyaasadeed ee bulshada, sida mabaadida xorriyadaha iyo xuquuqda muwaadiniinta,dhismaha hay’adaha qaranka iyo waajibaadkooda kala duwan iwm. Isla macnahaas ayaa hadda loogu dhaqmaa loonaarkaa in ereygu tusayo sharicga koowaad ee ay shuruucda kale ka dhambalanto ee ay hirgelinayso.Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne).45

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!