12.07.2015 Views

DHAXALREEBHIBF2014program

DHAXALREEBHIBF2014program

DHAXALREEBHIBF2014program

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Gorfayn buug:”Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal”Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”Dhaxalreeb oo arrinkiisa tirsigani yahay mala’waal, waxaa habboon in aynnu ku soo qaadannno buug taariikheed oo cusuboo ku saabsan nin han iyo hammi weyn lahaa. Hanka iyo hammiguna sidoodaba waa damac wanaagsan oo mala’awaalkuqofka mustaqbalka ka tuso. Haddaba nin soomaaliyeed oo yaab lahaa oo la odhan jiray Sharma’arke Cali Saalax laba boqoliyo konton sannadood hortood wax uu hawaystay in uu noqdo madaxweyne dawladeed, wuuna ku guulaystay. Taariikhdaasoo ah mid qaayo leh iyada iyo kuwo badan oo la mid ah maanta horteed xaggeeda loo ma dhaqaaqin. Sidaas buu sooyaalkaummadeed oo dhami u baylahsan yahay. Tanna qoristeeda wax uu Eebbe ku ilhaamiyay Axmed Ibraahin Cawaale, wax uunaciwaan u ga dhigay Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal - Taariikh-nololeeddii Xaaji Sharma’arke Cali Saalax (1776 - 1861).Qoraaga buuggan wax aan hore u ga akhristay saddex buug oo aan run ahaantii mid walba tayadiisa u bogay. Haa, tayadabuugaagta qoraagan wax aan u gu bogay sida aqoonaysan ee sugnaanta iyo raadraaca leh ee uu hiddaha u soo gudbiyo,isaga oo adeegsada af soomaali hodan ah oo dabaqabasho u ah erayo sii dhimanaya. Dirkii Sacmaallada, Sitaad iyo QaylodhaanDegaan saddexdaba wax aan ka helay akhris aan mahadiyay oo naftayda meel u buuxiyay.Anigu ilaa yaraantii wax aan maqli jiray qiso ku saabsan suldaan beri fog ka talin jiray xeebaha waqooyi ee dalka. Taariikhahacaynkan ah wax ay ahayd in la ga barto hay’adaha qaranka ee tacliinta iyo warfaafinta, laakiin weligeed ma ay dhicin;waxaa la ga jecel yahay qiso ku saabsan geeljire basarxumo iyo batraannimo sameeyay. Xaaji Sharma’arke Cali Saalax waxuu noolaa intii u dhaxaysay 1776 - 1861, wax uuna ku dhashay degmada Maydh ee gobolka Sanaag. Reerahoodu wax aylahaayeen dhaqasho miyi, ganacsi magaalo iyo badmaaxnimo intaba. Tusaale ahaan xilligii uu yaraa adeerradii qaar baadegganaa Cadan oo ahayd magaalo aad u cammiran. Halkaas ayuu isaguna barbaarnimo ku tegay oo adduun-araggiisaiyo hankiisu ku dhismeen.Iyada oo la doonayo in la sababeeyo ninkaa waxa dhaqaajiyay ee ka dhigay ninkii weynaa ee uu noqday, taariikhdu waxay ina baraysaa dhacdo qofnimadiisa aad u taabatay. Qisadu wax ay odhanaysaa xilli ku beegan 1790-nadii, Sharma’arkeoo labaataneeyo gu jira, ayaa Cadan la joogay adeerkii Yuusuf Boore Cawad. Labaatan jir maalintaa Cadan joogana loo gama fadhiyo wax aan ahayn in uu xoogsado oo wax dhaqdo. Hayeeshee adeerkii Sharma’arke wax uu ku eedeeyay in uuyahay mashaqayste dantiimooge ah. Yuusuf isaga oo sida la yidhi yarka talo ka la quustay ayuu maalintii dambe gole tolkaCadan deggani hadhimo isugu yimaaddeen ka dhex fadeexadeeyay oo dhaliishii ku qiray. Dabcan daqiiqaddaa indhahaadeerradii iyo ilmo adeerradii ee soo wada eegay ma xanuun yarayn. Sidii buu isaga oo aan soortii la soo dhigay dhadhamingolihii ka kacay.Sharma’arke maalintaa goortii uu meeshii ka tegay wixii uu dareemayay iyo sidii uu u fekerayay waa aynnu qiyaasi karnaa,hayeeshee qoraaga buuggu taa wax uu innagu tusay sawir suugaaneed oo aan dhacdada runteedii la ga dhigan karin. Guudahaanna qisadani iyada oo hubaashii ninkaa aad u saamayn karta, haddana qofna abuurtiisa dhabta ahi sidaa fudud u madoorsoonto, sidaa darteed Sharma’arke karti aanu u dhalan canaan ku ma heleen.Si walba, Sharma’arke maalintaa wax uu u guntaday xoogsi adag, wax uuna ka bilaabay badmaaxnimo. Doonniganacsi oo daafaha Badda Cadmeed isaga gooshi jirtay ayuu raacay. Muddo yar ka dib ninkii doonnida lahaawax uu macaashay hanti aad u ga badan wixii uu filayay, taana wax uu ku helay kartida iyo hawlkarnimadaSharma’arke. Dabadeed wax uu u ballanqaaday haddii ay dhawr goosh oo kale sidan u faa’iidaan in uu doonnidabaisaga siin doono. Sidii bay noqotay oo waqti ka dib Sharma’arke ayaa doontii yeeshay. Sidaas buu ka ga mid noqdaybadmaaxyada hantida leh ee la yaqaan.In badan kartida iyo ayaanku waa ay is wataan, waana halka ay ka dhalatay murtida soomaaliyeed ee tidhaahda ”GeesiIlaahay ma xilo”. Haddaba Sharma’arke oo doontiisa ganacsi ku shaqaysta ayay dhacdo caan noqotay la kulantay. Maalintii33

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!