30.12.2014 Views

Ladda ner PDF-fil - MSD

Ladda ner PDF-fil - MSD

Ladda ner PDF-fil - MSD

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

IMPLANON NXT

Implant

War loogu talogalay isticmaalaha

Implanon NXT, oo ah maqaar-gale (implant) ah 68 mg oo loogu talogalay

isticmaal ah maqaarka hoostiisa

Etonogestrel

Si taxadir leh u akhri dhammaan qoraalkan yar ka hor inta aanad bilaabin

isticmaalidda dawadan.

• Waxa dhici karta in macluumaadkaa la soo bandhigay uu kaa gargaaro inaad

go’aansatid inaad isticmaashid Implanon NXT oo aad si haboon oo sax ah u

isticmaashid.

• Hayso qoraalkan yar. Waxa aad u baahan doontaa inaad akhridid marka kale

mudada aad isticmaalaysid Implanon NXT, sababta oo ah waa muhiim in laga

warqabo arrimaha soo bixi kara mustaqbalka.

• Dawadan adiga ayaa laguu qoray. Ha siin dadka kale. Waxa dhici karta inay

waxyeeleyso, xiitaa haddii astaamaha ama calaamadaha ay isku arkeen la mid

yihiin kuwaaga.

• Haddii aad qabtid su’aalo kale oo dheeraad ah, weydii dhakhtarkaaga ama

farmasiilahaaga.

• Haddii mid ka mid ah saameynada dawada uu noqdo mid culus, ama haddii aad

aragtid saameyno aan ku qornayn waraaqdan yar, fadlan u sheeg

dhakhtarkaaga ama farmasiilahaaga.

Qoraalkan yar:

1. Waa maxay NXT maxaana loo isticmaalaa ....................................................1

2. Waa maxay waxa la rabo inaad taqaanid ka hor galinta Implanon NXT ......3

3. Sidee loo isticmaalaa Implanon NXT ..............................................................8

4. Saameynada suurtogalka ah............................................................................10

5. Sida meel loo dhigo Implanon NXT .................................................................11

6. Macluumaad dheeraad ah ................................................................................12

7. Macluumaad loogu talogalay xirfadlaha caafimaadkaError! Bookmark not defined.

1. WAA MAXAY IMPLANON NXT MAXAANA LOO ISTICMAALAA

Implanon NXT waa ka-hortag uureysi oo maqaarka la galiyo (maqaar-gale) oo

lagu sii cabeeyo qalab galin oo la tuuri karo. Maqaar-galuhu waa ul yar oo

caag ah oo jilicsan oo cabirkeedu yahay 4 sentimitir oo dherer ah iyo 2

milimitir oo ah dhexroor, oo uu ku jiro 68 miligaraam oo ah walaxda firfircoon

ee etonogestrel. Qalabka galintu waxa uu xirfadlaha caafimaadka u

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

2

IMPLANON NXT

Implant

oggolanayaa in la maqaar-galaha la galiyo meel wax yar ka hooseysa

maqaarka cududdaada sare. Etonogestrel waa hormoon (hormone) haween

oo u eg progesterone. Qadar yar oo ah etonogestrel ayaa si joogto ah loogu

sii daayaa dhiigga. Maqaar-galaha laftiisu waxa uu ka sameysan yahay

ethylene vinyl acetate copolymer, oo ah balaastig aan ku milmaynin jidhka.

Waxa kale oo ku jira qadar yar oo ah barium sulfate kaasoo keenaya in la

lagu arko raajo.

Implanon NXT waxa loo isticmaalaa in lagaga hortago uureysiga

Sidee buu Implanon NXT u shaqeeyaa

Maqaar-galaha waxa la galiya meel wax yar ka hooseysa maqaarka. Walaxda

firfircoon, etonogestrel, waxay u shaqeysaa laba siyaabood:

• Waxay joojisaa soo-daynta ukunta ka imanaysa ukun-sideyaasha

(ovaries).

• Waxay isbeddelo ku sameysaa afka ilmo-galeenka taasoo dhib ka

dhigaysa in shahwaddu gasho ilmo-galeenka.

Natiijo ahaan, Implanon NXT waxa uu kaa badbaadiyaa uureysiga mudo ah

saddex sannadood, laakiin haddii miisaankaagu siyaado yahay waxa laga

yaabaa in dhakhtarku ku taliyo in maqaar-galaha hore loo beddelo. Implanon

NXT waxa uu ka mid yahay dhawr hab oo lagaga hortago uureysiga. Hab kale

oo ah xakameynta uurka oo wax badan la isticmaalo waa Kiniinka isku-darka

ah (combined Pill). Marka la barbardhigo Kiniinka la isku-daray, Implanon NXT

waxa isticmaali kara dumarka aan isticmaali karin ama aan rabin inay

isticmaalaan estrogens. Marka aad isticmaashid Implanon NXT lagaama rabo

inaad xusuusatid inaad maalin kasta qaadatid kiniin. Tani waxay ka mid tahay

sababaha Implanon NXT si weyn la isugu haleyn karo (waxtar ka badan

99%). Marrarka dhifta ah ee maqaar-galaha si sax aan loo galin ama aan la

galinba, waxa laga yaabaa in aanad ka badbaadsanayn uureysiga. Marka

aad isticmaalaysid Implanon NXT, waxa laga yaabaa in dhiiggaaga caadada

uu is beddeli karo oo noqon karo mid maqan, aan joogto ahayn, dhif ah, ama

marrar badan yimaada, ama marrar dhif aad u culus. Qaabka dhiig-baxa ee

aad aragtid saddexda bilood ee ugu horeeya waxa uu guud ahaan

tilmaamayaa qaabkaaga dhiig-baxa ee mustaqbalka. Waxa laga yaabaa in

dhiigga caadada ee xanuun leh laga fiicnaado.

Waxa kale oo aad joojin kartaa isticmaalka Implanon NXT wakhti kasta (Akhri

sidoo kale “Goorta aad rabtid inaad joojisid isticmaalka Implanon NXT”).

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

3

IMPLANON NXT

Implant

2. WAA MAXAY WAXA LA RABO INAAD TAQAANID KA HOR GALINTA

IMPLANON NXT

Lidka uureysiga ee hormoon ah, oo uu ku jiro Implanon NXT, kaama

badbaadinayaan cudurka HIV (AIDS) ama cudur kale oo galmada la isugu

tabiyo.

Ha isticmaalin Implanon NXT

Ha isticmaalin Implanon NXT haddii aad qabtid mid ka mid ah xaaladaha hoos

ku taxan. Haddii mid ka mid ah xaaladaas uu adiga ku hayo, u sheeg

dhakhtarkaaga ka hor inta aan lagu galin Implanon NXT. Waxa laga yaabaa in

dhakhtarkaagu kugula taliyo in aad isticmaashid hab xakameyn uuraysi oo aan

ahayn hormoon.

• haddii aad xasaasiyad ama alerji u leedahay etonogestrel ama mid ka mid

ah waxyaabaha uu ka sameysan yahay Implanon NXT.

• haddii aad qabtid xinjir dhiig oo ah xidid dhiig (thrombosis). Xinjir dhiig oo

ah xidid dhiig waa xinjir dhiig oo ku jirta xidid dhiig [tusaale ahaan lugaha

(Xinjir dhiig oo ku Jirta Xidid Dhiig oo Arooriye ah oo Hoos Jira (deep

venous thrombosis) ama sambabada (pulmonary embolism) (gufeysan

halbowle wadne)].

• haddii aad qabtid ama uu kugu dhacay maqaar hurdi/jaale ah (maqaarka

oo hurdi/jaale noqoda) (jaundice)), cudur beer oo daran (marka beerku

aanuu u shaqeynaynin si sax ah), ama buro ah beerka.

• haddii aad qabtid (uu kugu dhacay) ama haddii laga yaabo inaad qabtid

kaansarka naaska ama xubnaha taranka.

• haddii aad qabtid dhiig-bax ah siilka oo aan sababtiisa la garanaynin.

Haddii mid ka mid ah xaaladhaas uu kugu soo baxo wakhtiga ugu

horeeya adiga oo isticmaala Implanon NXT, isla markiiba la tasho

dhakhtarkaaga.

Taxadir gaar ah ka samee Implanon NXT

Haddii Implanon NXT la isticmaalo iyada oo ay jiraan mid ka mid ah xaaladaha hoos ku

qoran, waxa laga yaabaa inaad u baahan tahay in lagugu hayo la-socod soke.

Dhakhtarkaaga ayaa kuu sharixi kara waxa la sameynayo. Haddii mid ka mid ah kuwan

uu adiga ku khuseeyo, u sheeg dhakhtarkaaga ka hor inta aan lagu galin Implanon

NXT. Sidoo kale haddii xaaladdu kugu soo baxdo ama ka sii darto inta aad

isticmaalaysid Implanon NXT waa inaad u sheegtid dhakhtarkaaga.

• haddii uu kugu soo dhacay kaansarka naasaha;

• aad qabtid ama uu kugu dhacay cudur ah beerka;

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

4

IMPLANON NXT

Implant

• uu mar uun kugu dhacay xinjir dhiig oo ah xidid dhiig (thrombosis);

• aad qabtid sonkor/sonkorow ama macaan;

• uu miisaankaagu siyaado yahay;

• uu kugu dhaco qallal ama suuxdin (epilepsy);

• aad qabtid tiibay/tiibisho;

• aad qabtid cadaadis dhiig oo sareeya ama dhiigkar;

• aad qabtid ama uu kugu dhacay chloasma (oo ah baro maqaarka ah oo ah

hurdi-cawlan, gaar ahaan wajiga); haddii taasi jirto iska ilaali in qorraxda

ama iftiinta “ultraviolet” wax badan ku soo gaadho.

Xaalado culus oo suurtogal ah

Kaansar

Macluumaadka lagu soo bandhigay hoos waxa laga helay daraasaad laga

sameeyay dumar maalin kasta qaata lidka uureysiga ee afka laga qaato oo

uu ku jiro laba hormoon dumar oo kala duwan (“Kiniinka”). Lama yaqaano in

waxyaabahan la arkay ay sidoo kale khuseeyaan dumarka qaata lidka

uureysiga ee ah hormoon kale, sida maqaar-galeyaal uu ku jiro progestagen.

Kaasarka naasaha waxa la arkay inuu wax yar ku sii badan yahay dumarka

qaata kiininka isku-darka ah, laakiin lama yaqaano in taas ay daweyntu

keentay. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa in helitaanka burooyinka ay u sii

badan yahay kuwa qaata kiniinka isku-darka ah. Dhacdada kaansarka

naasaha ee korodhay waxa uu si tartiib ah u yaraadaa ka dib joojinta kiniinka

isku-darka ah. Waa muhiim in si joogto ah loo baadho naasahaaga waana

inaad la xidhiidhid dhakhtarkaaga haddii aad dareentid wax buruq ama

meel kuusan ah oo ku jira naasahaaga. Sidoo kale waa inaad

dhakhtarkaaga u sheegtid haddii qaraabo soke ay qabto ama uu mar uun

kugu dhacay kaansarka naasaha.

Marrar dhif ah, burooyin ah beerka oo aan waxyeelo lahayn iyo xiitaa tiro ka

sii tiro yar kuwa waxyeelo leh ayaa lagu sheegay haweenka isticmaala

Kiniinka. Haddii aad dareentid xanuun ubucda ah, waa inaad isla

markiiba la xidhiidhid dhakhtarkaaga.

Xinjir Dhiig oo ku Jirta Xidid Dhiig (Thrombosis)

Xinjir dhiig oo ku jirta xidid dhiig oo arooriye ah (oo loo yaqaano ‘venous

thrombosis’) waxay gufeyn kartaa xididka dhiig ee arooriyaha ah. Tani waxay

ka dhici kartaa xididada dhiigga ee arooriyaha ah ee ku jira lugta, sambabada

(lung embolus), xubin jidh oo kale.

Isticmaalka lidka uureysiga ee kasta oo ah isku-dar hormoon ah waxa uu

kordhiyaa halista yeelashada xinjiro marka la barbardhigo haweenay aan

qaadan wax ah lidka uureysiga ee ah isku-dar hormoon. Halistu uma sareyso

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

5

IMPLANON NXT

Implant

sida halista yeelasho xinjir dhiig wakthiga uurka. Halista ka imanaysa

hababka ah kaliya progestagen sida Implanon NXT waxa la aaminsan yahay

inay ka hooseyso halista isticmaaleyaasha Kiniinka uu ku jiro estrogens.

Haddii aad si lamo-filaan ah u aragtid calaamadaha xinjir dhiig oo ku

jirta xidid dhiig, waa inaad isla markiiba aragtid dhakhtarkaaga. (Sidoo

kale akhri “Goorma ayaa rabaa inaad la xidhiidhid dhakhtarkaaga”).

Xaalado kale

Isbeddelo ah qaabka caadada dhiigga

Sida lidka uureysiga kale ee ah kaliya progestagen, waxa laga yaabaa in

qaabkaaga dhiigga caadada uu is beddelo marka aad isticmaalaysid

Implanon NXT. Waxa laga yaabaa inaad isku aragtid isbeddel ah inta jeer

(maqnaansho, sii yaraan, marrar ka badan intii hore ama dhiig aan joogsi

lahayn), xoogga dhiigga (oo yaraaday ama kordhay) ama mudada uu socdo

dhiiggu. Maqnaanta dhiigga waxa soo sheegay 1 ka mid ah 5-tii haween

halka 1 ka mid ah 5-tii haween ay soo sheegtay dhiig caado oo ah marrar

badan iyo/ama sii dheeraaday. Marmar waxa la arkay dhiig caado oo culus.

Baadhitaanada caafimaadka waxa lagu oggodaay in isbeddelada dhiigga

caadada ay ahaayeen sababta ugu badan ee loo joojiyay daweynta (qiyaastii

11 %). Qaabka dhiig-baxa ee aad isku aragtid inta lagu jiro saddexda bilood

ee ugu horeeya guud ahaan waxa uu tilmaamayaa qaabka dhiig-baxaaga ee

mustaqbalka. Isbeddel ku dhacay qaabka dhiig-baxa macnihiisu ma ah in

Implanon NXT aanuu kugu haboonayn ama ku siinaynin badbaadinta lidka

uureysiga. Guud ahaan, uma baahnid inaad qaadid wax ah talaabo. Waa

inaad la tashatid dhakhtarkaaga haddii dhiiggaaga caadadu uu culus yahay

ama sii dheeraado.

Dhacdooyin la xidhiidha galinta iyo saarista

Waxa laga yaabaa in maqaar-galuhu ka guuro goobtii galinta ee hore, haddii

aan si sax ah iyo/ama sababta oo ah awoodo dibadda ah (sida gacanta oo

lagu dhaqaajiyo maqaar-galaha ama ciyaaraha istaabashada leh). Marka ay

jiraan dhacdooyinkaas waxa dhib noqon kara helista maqaar-galaha waxana

laga yaabaa in saaristiisu u baahan tahay jeexitaan sii weyn. Haddii aan la

heli karin maqaar-galaha, oo aanay jirin wax marag ah inuu soo baxay, lidka

uureysiga iyo halista saameyno progestagen la xidhiidha oo aan la rabin ayaa

laga yaabaa inay sii jiraan mudo ka dheer inta aad rabtid.

Fiixda Ukun-sidaha

Inta lagu jiro isticmaalka dhammaan lidka uureysiga ee hormoon ah ee ah

qadar yar, waxa ukun-sideyaasha ku sameysi kara kiishash yaryar oo

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

6

IMPLANON NXT

Implant

dheecaan ka buuxo. Waxa kuwan la yidhaahdaa fiix ukun-side. Badanaa

iskood ayay isaga baaba’aan. Marmarka qaarkood waxay keeni karaan

xanuun ah ubucda oo khafiif ah. Kaliya marrar dhif ah ayay keeni karaan

dhibaatooyin sii culus.

Isticmaalidda dawooyin kale

Fadlan u sheeg dhakhtarkaaga haddii aad qaadatid ama aad dhawaan

qaadatay wax ah dawooyin kale ama dhir, oo ay ku jiraan dawooyin la iibsado

iyada oo aan u haysan waraaq dhakhtar. Dawooyinka qaarkood waxay

Implanon NXT ka horjoogsan karaan inuu si sax ah u shaqeeyo. Kuwan waxa

ku jira dawooyinka loo isticmaalo daweynta

o

o

o

o

o

qallalka ama suuxdinta (sida primidone, phenytoin, barbiturates,

carbamazepine, oxcarbazepine, topiramate, felbamate),

tiibay/tiibisho (sida rifampicin),

Cudurka HIV (sida ritonavir, nelfinavir, nevirapine, efavirenz),

cudurada kale ee la kala qaado (sida griseofulvin),

niyad/caadifad ah diiqeysan ama murugo ku jirta (geedka la isku

daweeyo ee la yidhaahdo St. John’s wort)

Waxa kale oo laga yaabaa in Implanon NXT uu qas galiyo shaqeynta

dawooyinka kale; sida firfircoonida ciclosporin oo korodha iyo waxtarka

lamotrigine oo yaraada.

Markasta u sheeg dhakhtarka, kuu qoray Implanon NXT, dawooyinka ama

dhirta aad isticmaashid. Sidoo kale dhakhtarka kale ama dhakhtar ilko oo kale

oo kasta oo kuu qoraya dawo kale (ama farmasiga bixinaya dawada) u sheeg

inaad isticmaashid Implanon NXT. Waxay kuu sheegi karaan haddii aad u

baahan tahay inaad sameysid taxadiro dheeraad ah oo loogu talogalay lidka

uureysiga ee aan ahayn hormoon; isla markaana haddii ay sidaas tahay

waxay kuu sheegi doonaan mudada taxadiradaas la sameynayo sababta oo

ah waxa laga yaabaa in falgalka ama isqasiddu socoto ilaa afar todobaad ka

dib joojinta dawada. Haddii ay jiraan dawooyin aad qaadanaysay mudo

dheer, oo yareyn kara waxtarka Implanon NXT, waxa laga yaabaa in

dhakhtarkaagu sidoo kale ku taliyo hab xakameyn uureysi oo si waxtar leh

loola isticmaali karo dawooyinkaas. Haddii aad rabtid inaad isticmaashid

walax dhir ah oo uu ku jiro “St. John’s wort” adiga oo hore u isticmaali jiray

Implanon NXT waa inaad marka hore la tashatid dhakhtarkaaga.

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

7

IMPLANON NXT

Implant

Implanon NXT oo lala isticmaalo cunto iyo cabitaan

Ma jiraan wax tilmaamo ah oo sheegaya in cuntada iyo cabitaanka wax

saameyn ah ku sameeyaan isticmaalka Implanon NXT.

Uurka iyo Naas-nuujinta

Waa in aanad isticmaalin Implanon NXT marka aad uur leedahay, ama aad u

maleynaysid inaad uur leedahay. Haddii shaki kaaga jiro inaad uur leedahay

ama aanad lahayn, waa inaad sameysid baadhitaan uur ka hor inta aanad

bilaabin isticmaalidda Implanon NXT.

Implanon NXT waa la isticmaali karaa marka aad naas nuujinaysid. Inkasta oo

qadar yar oo ah walaxda firfircoon ee Implanon NXT uu soo raaco caanaha

naaska, ma jiro saameyn uu ku yeesho soo saarista ama tayada caanaha

naaska, ama korniinka iyo horumarka ilmaha. Haddii aad naas nuujisid oo

aad rabtid inaad isticmaashid Implanon NXT, fadlan u sheeg xirfadlahaaga

caafimaadka.

Baabuur wadista iyo isticmaalidda mishiinada

Ma jiraan wax tilmaamaya in wax saameyn ah uu isticmaalka Implanon NXT ku

leeyahay soo-jeedista iyo ka-fiirsashada.

Goorma ayaa la rabaa inaad la xidhiidhid dhakhtarkaaga

Baadhitaanada joogtada ah

Ka hor inta aan lagu galin Implanon NXT, xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka waxa

uu ku weydiin doonaa xoogaa ah su’aalo ku saabsan taariikhdaada caafimaadka iyo

ta qaraabadaada soke. Waxa kale oo uu xirfadlaha daryeelka caafimaadku cabiri

doonaa cadaadiska dhiiggaaga, isla markaana iyada oo ku xidhan xaaladdaada

shakhsi ahaan, waxa laga yaabaa inuu sameeyo baadhitaano kale. Marka aad

isticmaalaysid Implanon NXT, waxa laga yaabaa in xirfadlahaaga daryeel caafimaad

uu ku weydiisto inaad u soo laabatid baadhitaan caafimaad (oo caadi ah) ka dib

xoogaa wakhti ah marka lagu galiyo maqaar-galaha. Inta jeer iyo nooca baadhitaano

dheeraad ah waxay ku xidhaan doontaa xaaladdaada shakhsi ahaan.

Sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogal ah ula hadal dhakhtarkaaga haddii:

• aad wax isbeddelo ah ku aragtid caafimaadkaaga, oo gaar ahaan la xidhiidha

qodobada lagu sheegay qoraalkan yar (sidoo kale akhri ”Ha isticmaalin Implanon

NXT” iyo “Taxadir gaar ah ka samee Implanon NXT”; ha iloobin qobodaba la

xidhiidha qoyskaaga soke);

• aad qabtid xanuun laabta ah oo daran ama barar ah lugahaaga, xanuun laabta ah

oo aan sababtiisa la garanaynin, neefsashada oo dhib ah, qufac aan caadi ah, gaar

ahaan marka aad qufacdid dhiig;

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

8

IMPLANON NXT

Implant

• aad qabtid xanuun caloosha ah oo daran ama la moodo inaad leedahay midab

hurdi/jaale ah;

• aad buruq ama kuus ka dareentid naaskaaga (sidoo kale akhri “Kaansar”);

• aad qabtid xanuun degdeg u yimid ama daran oo ah qaybta hoose ee

calooshaada;

• aad qabtid dhiig-bax siilka ah oo aan caadi ahayn oo culus;

• lagaa dhigi doono qof aan dhaqaaqaynin (tusaale ahaan lagugu xadeyn doono

sariirta) ama laguu sameyn doono qalitaan (la tasho dhakhtarkaaga ugu yaraan

afar todobaad ka hor);

• aad tuhunsan tahay inaad uur leedahay.

3. SIDEE LOO ISTICMAALAA IMPLANON NXT

Fadlan u sheeg xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka haddii aad uur

leedahay ama oo aad u maleynaysid inaad uur leedahay ka hor inta aan

lagu galin Implanon NXT (tusaale ahaan haddii aad yeelatay galmo aan

badbaadsanayn intii lagu jiray wareegga dhiigga caadada ee hadda).

Sida loo isticmaalo

Waa inuu Implanon NXT galiyo oo saaro kaliya xirfadle daryeel caafimaad oo

yaqaana habraaca lagu sharaxay dhinaca kale ee qoraalkan yar. Xirfadlaha

daryeelka caafimaad ayaa isaga oo kula tashana go’aamin doona wakhtiga

ugu haboon galinta. Tani waxay ku xidhan tahay xaaladdaada caafimaad

(tusaale ahaan habka xakameyn uur ee aad hadda isticmaashid). Adiga oo ka

beddelanaya hab lid uureysi oo hormoon ah oo kale mooyaane, waa in

galinta la qabto 1-5 maalmood ka dib dhiig-baxaaga caadada ee iskii u yimid

si meesha looga saaro uur. Xirfadlahaaga daryeel caafimaad ayaa kula talin

doono (si aad u heshid macluumaad dheeraad ah akhri Qaybta 7.1 ee

qoraalka “Goorta la galinayo Implanon NXT”).

Ka hor galinta ama saarista Implanon NXT, xirfadlahaaga daryeel caafimaad

waxa uu ku siin doonaa dawo kabuubyeyn goob (local anesthetic). Implanon

NXT toos ayaa loo galiyaa maqaarka hoostiisa, oo ah xagga hoose ee

cududdaada isticmaalka yar (waa cududda aanad wax ku qorin). Sharaxaad

ku saabsan habraaca galinta iyo saarista Implanon NXT ayaa lagu muujiyay

qaybta 6.

Waa in Implanon NXT la saaro ama la beddelo mudo aan ka badnayn

saddex sannadood ka dib galinta.

Si lagaaga gargaaro inaad xusuusatid goorta iyo meesha Implanon NXT la

galiyay, iyo goorta ugu dameysa ee ay tahay in la saaro Implanon NXT, waxa

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

9

IMPLANON NXT

Implant

uu xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka ku siin doonaa Kaadh Isticmaale oo

muujinaya macluumaadkaas. Kaadhka ku kaydso ama ku hayso meel

ammaan ah!

Ka dib hawlgalka galinta, waxa uu xirfadlaha daryeelka caafimaadku ku

weydiin doonaa inaad maqaar-galaha ku dareentid taataabasho. Maqaar-gale

si sax ah loo galiyay meesha waa inuu si cad u dareemi karo xirfadlaha

daryeelka caafimaadka iyo waliba adigu, dhabtiina waa in labada dhammaad

lagu dalici karo inta u dhexeysa suulka iyo farta. Waa in la ogaado in

taataabashadu aanay 100% ku habooneyn cadeynta joogista maqaar-galaha.

Haddii uu jiro shakiga ugu yar waa inaad isticmaashid hab ah caqabad (sida

cinjirka galmada ama kondhom) ilaa xirfadlaha daryeelka caafimaada iyo

adigu aad si dhab ah u hubsataan in maqaar-galaha meesha la galiyay.

Marrar dhif ayaa dhici kara oo loo baahdo in xirfadlaha daryeelka

caafimaadku isticmaalo raajo, sawirka “ultrasound” ama sawirka “magnetic

resonance imaging,” ama loo baahdo inuu qaado saambal ama qayb dhiig ah,

si loo hubiyo in maqaar-galuhu ku jiro gudaha cududdaada.

Haddii ay dhacdo inaad rabtid in la beddelo Implanon NXT, maqaar-gale

cusub ayaa isla markiiba lagu galin karaa ka dib marka maqaar-galihii hore la

saaro. Maqaar-galaha cusub waxa la galin karaa isla cududdii hore iyo goobtii

hore ee uu ku jiray maqaar-galihii hore. Xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka

ayaa kula talin doona.

Marka aad rabtid inaad joojisid isticmaalka Implanon NXT

Waxa aad xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka weydiisan kartaa inuu kaa

saaro maqaar-galaha wakhti kasta oo aad rabtid. Haddii aan maqaar-galaha

lagu dareemi karin taataabasho, waxa uu xirfadlaha daryeelka caafimaadku

isticmaali doonaa raajo, sawirka “ultrasound” ama sawirka “magnetic

resonance imaging” si loo helo maqaar-galaha. Iyada oo ku xidhan booska

saxda ah ee maqaar-galaha waxa laga yaabaa in saaristu ay wax yar dhib

noqoto oo loo baahdo qalitaan yar.

Haddii aanad rabin inaad uur yeelatid ka dib saarista Implanon NXT, weydii

xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka habab kale oo la isku haleyn karo oo ah

xakameynta.

Haddii aad joojisid isticmaalidda Implanon NXT sababta oo ah waxa aad

rabtaa inaad uur yeelatid, waxa guud ahaan lagu taliyaa inaad sugtid ilaa aad

ka yeelatid caado dhiig oo dabiici ah ka hor inta aanad isku dayin inaad uur

yeelatid. Tani waxay kaa gargaaraysaa inaad ogaatid goorta ilmuhu dhalan

doono.

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

10

IMPLANON NXT

Implant

4. SAAMEYNADA SUURTOGALKA AH

Sida dhammaan dawooyinka kale, Implanon NXT waxa uu keeni karaa

saameyno aan rabin, inkasta oo aanay qof kasta ku dhicin.

Dhiigga caadada ayaa iman kara xilliyo aan joogto ahayn marka la

isticmaalayo Implanon NXT. Kan waxa laga yaabaa inuu yahay kaliya dhiig

khafiif ah oo aan xiitaa u baahnayn suuf, ama dhiig culus, oo socda xilli yar oo

u baahan suufka nadaafadda. Waxa kale oo laga yaabaa in aanad yeelin wax

dhiig ah. Dhiigga caadada ee aan joogtada ahayn calaamad uma ah in

badbaadinta lidka uureysiga ee Implanon NXT ay yaraatay. Hase yeeshee,

haddii dhiig-baxu culus yahay ama sii dheeraado la tasho dhakhtarkaaga.

Saameynada culus ee suurtogalka ah

Saameynada culus ee aan fiicneyn waxa lagu sharaxay qaybta 2 “Kaansar”

iyo “Xinjir dhiig oo ku jirta xidid dhiig”. Fadlan qaybtan ka akhriso macluumaad

dheeraad ah oo la tasho dhakhtarkaaga isla markiiba marka taasi haboon

tahay.

Waxa la soo sheegay saameynada soo socda:

Aad caam u ah

(>1/10)

Fin doob;

Madax-xanuun;

korodh ah

miisaanka jidhka;

danqasho iyo

xanuun ah

naasaha;

dhiig-bax aan joogto

ahayn;

caabuq ku dhaca

siilka;

Caam ah

(1/10-1/100)

timaha oo go’a;

dawakh;

niyad diiqadeysan;

niyad kacsan;

fiigsanaan;

rabitaan galmo oo yaraaday;

rabitaan cunto oo kordhay;

xanuun ubucda ah;

lallabo/yalaalugo;

naqas caloosha ah iyo

xiidmaha;

dhiig caado oo xanuun leh;

miisaanka jidhka oo

yaraada;

astaamo u eg kuwa

infuluwensaha ama

hargabka;

xanuun;

daal;

dareen kulayl ah oo degdeg

Ma aha caam

(1/100-1/1000)

cuncun;

cuncun ah aagga taranka;

finan;

soo bixid timo oo siyaado ah;

dhafoor-xanuun (migraine);

walwal;

hurdo la’aan;

hurdo-hurdo;

shuban;

matag;

calool-istaag;

caabuq ah marinka kaadida;

raaxo-daro ah siilka (sida

dheecaan ah siilka);

naasaha oo balaadha;

dheecaan ah naasaha;

dhabar xanuun;

qandho;

xejin hoore/biyo;

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

11

IMPLANON NXT

Implant

Aad caam u ah

(>1/10)

Caam ah

(1/10-1/100)

ah;

xanuun ah goobta maqaargalaha;

dareen-celin ah goobta

maqaar-galaha;

fiix ah ukun-sideyaasha;

Ma aha caam

(1/100-1/1000)

kaadida oo dhib ah ama

xanuun leh;

dareen-celinno alerji;

barar iyo xanuun ah cunaha;

sanboor;

laabato xanuun;

muruq xanuun;

lafo xanuun;

Marka laga reebo saameynadaas, cadaadiska dhiigga oo sare u kaca ayaa

marmar la arkay. Waxa kale oo arkay maqaar saliideysan. Waa inaad u tagtid

dhakhtarkaaga isla markiiba haddii aad isku aragtid astaamaha angioedema,

sida (i) waji, carab ama cune bararsan; (ii) liqista oo dhib ah; ama (iii) finan iyo

neefsashada oo dhib ah. Inta lagu jiro galinta ama saarista Implanon NXT,

xoogaa ah diisan maqaar, xanuun ama cuncun ayaa laga yaabaa inuu dhaco

iyo, marmar dhif ah, caabuq. Waxa sameysmi kara qolof ama boog ayaa laga

yaabaa inay ka sameysanto goobta galinta. Dareen ah kabuubyo (ama

dareen la’aan) ayaa laga yaabaa inuu dhaco. Soo tuurista ama dhaqaaqa

maqaar-galaha ayaa suurtogal ah, gaar ahaan marka si aan sax ahayn loo

galiyay. Qalitaan ayaa laga yaabaa in loo baahdo marka la saarayo maqaargalaha.

Haddii mid ka mid ah saameynadaas uu sii cuslaado, ama haddii aad aragtid

waxyeelooyin kale oo aan ku jirin qoraalkan yar, fadlan u sheeg dhakhtarkaaga.

5. SIDA MEEL LOO DHIGO IMPLANON NXT

Ka fogee tiigsiga caruurta iyo aragga caruurta.

Ha isticmaalin ka dib taariikhda dhicitaanka ee ku qoran alaabta iyo

kartoonka.

Dawadani uma baahna wax ah xaalado kaydin oo gaar ah.

Dawooyinka waa inaan laga takhalusin iyada oo la isticmaalayo biyaha

bulaacadda ama qashinka guriga. Weydii farmasiilahaaga sida looga

takahaluso dawooyinka aan loo baahnayn. Talaabooyinkani waxay gargaari

doonaan badbaadinta deegaanka.

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

12

IMPLANON NXT

Implant

6. MACLUUMAAD DHEERAAD AH

Waxa Implanon NXT ku jira

Waa hal qalab isticmaal oo uu ku jiro hal maqaar-gale

• Walaxda firfircoon waa: etonogestrel (68 mg)

• Walxaha kale ee uu ka kooban yahay waa: ethylene vinyl acetate

copolymer, barium sulfate iyo magnesium stearate.

Sida Implanon NXT u eg yahay iyo waxa ku jira baakada

Implanon NXT waa lid uureysi ah hormoon oo maqaarka hoos gala oo mudo

dheer shaqeeya. Waxa uu ka kooban yahay maqaar-gale ah kaliya

progestagen oo ka muuqda raajada oo lagu sii cabeeyay qalab isticmaal oo

horumarsan, diyaar u ah isticmaalka, oo hal mar la isticmaalayo. Qalabka

isticmaalka oo midabkiisu yahay cadaan xigeen waa 4 sentimitir oo dherer ah

iyo 2 mm oo ah dhexroor waxana ku jira etonogestrel iyo barium sulfate.

Qalabka isticmaalka waxa loo farsameeyay inuu fududeeyo galinta maqaargalaha

taasoo ah meel wax yar ka hooseysa maqaarka cududdaada sare (ta

isticmaalka yar). Waxa maqaar-galaha galinaya oo saaraya xirfadle daryeel

caafimaad oo yaqaana habraacyada. Si saaristu aanay dhib u yeelan waxa

muhiim ah in maqaar-galaha la galiyo meel kaliya wax yar ka hooseysa

maqaarka (akhri dhinaca kale ee qoraalkan yar). Waa in la isticmaalo

kabuubyeynta ama suuxinta goobta ka hor galinta iyo saarista maqaargalaha.

Halista dhib soo kordha way yar tahay haddii fariimaha la raaco.

Hay’staha Ruqsada Suuq-geynta iyo Sameeyaha

Goobta ayaa lagu buuxin doonaa

Alaabtan oo dawo ah waxa oggolaansho looga hayaa Dawladaha

Xubnaha ka ah EEA ee soo socda iyada oo wadata magaca ah Implanon

NXT ama Nexplanon:

Osteeriya, Biljam, Jamhuuriyada Jegga, Denmark, Finlaan, Faransiiska,

Jarmalka, Ayslaan, Talyaaniga, Ayrlaan, Luksombuur, Maalta, Nederlaan,

Maalta, Norway, Bortoqiiska, Jamhuuriyada Islofaak, Isbayn, Isweedhan,

Boqortooyada Midowday.

Qoraalkan yar waxa markii ugu dambeysay la aqbalay

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

13

IMPLANON NXT

Implant

Fiiro:

Sawiradan waxa kaliya ee loola jeedaa in lagu sharaxo habraacyada

galinta iyo saarista ee loogu talogalay haweenayda la siinayo maqaargalaha.

Fiiro: Habraacyada saxda ah ee galinta iyo saarista Implanon NXT ee uu

adeegsanayo xirfadlaha daryeel caafimaad waxa lagu sharaxay

Koobitaanka sifooyinka alaabta iyo qaybta 7 ee ku yaala dhinaca kale ee

qoraalka yar ee xidhmada isticmaalaha.

6.1 Sidee loo galiyaa Implanon NXT

• Galinta Implanon NXT waa inuu sameeyo kaliya xirfadle daryeel caafimaad oo yaqaana habraaca.

• Si loo fududeeyo galinta maqaar-galaha, waa inaad u jiifsatid dhabarkaaga, iyada oo cududdaadu

wax yar ka qaloocsan tahay xagasha oo u jeedo dibadda.

• Maqaar-galaha waxa la galin doonaa dhinaca gudaha ee cududdaada sare ee isticmaalka yar

(cududda aanad wax ku qorin).

• Goobta galinta waxa laga tilmaami doonaa maqaarka, goobta waa la jeermi-dili doonaa oo la

kabuubyeyn doonaa.

• Maqaarka waa la kala jiidi doonaa waxana irbadda si toos ah loo galin doonaa maqaarka

hoostiisa. Marka caaradu gasho gudaha maqaarka, irbadda si buuxda ayaa loo galin doonaa

iyada oo la sameynayo dhaqaaq barbar la ah maqaarka.

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

14

IMPLANON NXT

Implant

• Silbadaha basaliga ah waxa la furayaa iyada oo tartiib hoos loo riixayo oo si buuxda dib loo

riixayo ilaa uu ka joogsado xagga dambe si loo celiyo irbadda. Maqaar-galuhu waxa uu ku hadhi

doonaa cududda sare marka dib loo celiyo ama dib loo saaro irbadda.

• Joogista maqaar-galaha waxa lagu xaqiijin karaa dareemid (taataabasho) isla ka dib

galinta. Maqaar-gale si sax ah loo galiyay meesha waa inuu si cad u dareemi karo

xirfadlaha daryeelka caafimaadka iyo waliba adigu. Waa in la ogaado in taataabashadu

aanay 100% ku habooneyn cadeynta joogista maqaar-galaha.

• Marka aan maqaar-galaha lagu dareemi karin taataabasho ama marka joogitaankiisa uu

shaki ku jiro waa in la isticmaalo habab kale si loo xaqiijiyo joogitaanka maqaar-galaha.

• Ilaa joogitaanka maqaar-galaha la xaqiijiyo waxa laga yaabaa in aanad ka badbaadsanayn

uureysi waana in la isticmaalo hab lid uureysa oo caqabad ah (sida cinjirka qalmada ama

kondom).

• Waxa lagu siin doonaa faashad cudbi ah oo jeermi-dilan oo wadata faashad cadaadin si loo

yareeyo cad-go’a. Waxa aad iska qaadi kartaa faashada cadaadiska gudaha 24 saacadood

waxana aad faashada yar ee dul saaran goobta galinta iska qaadi kartaa gudaha 3-5 maalmood.

• Ka dib galinta maqaar-galaha, waxa uu xirfadlaha daryeel caafimaad ku siin doonaa Kaadh

Isticmaale oo uu ku qoran yahay goobta galinta, taariikhda galinta iyo taariikhda ugu dambeysa

ee la rabo in la saaro ama la beddelo maqaar-galaha. Dhig meel ammaan ah sababta oo ah

macluumaadka ku qoran kaadhka oo mustaqbalka fududeyn kara saarista.

6.2 Sidee ayay tahay in loo saaro Implanon NXT

• Waa in maqaar-galaha uu saaro kaliya xirfadle caafimaad oo yaqaana habraaca.

• Maqaar-galaha waxa la saraaya haddii aad codsatid in la saaro ama –ugu dambeyn saddex

sanno ka dib galista.

• Meesha ay tahay goobta galinta waxa lagu tilmaamayaa kaadhka Isticmaalaha.

• Xirfadlaha daryeel caafimaad ayaa heli doona maqaar-galaha. Haddii maqaar-galaha uu heli

waayo xirfadlaha daryeel caafimaad waxa laga yaabaa in la isticmaalo raajo, sawirka “ultrasound”

ama farsamooyinka sawiridda ee “magnetic resonance imaging”.

EU UPL

RA 0450 EU P11 (ref 11.0)

NL/H/0150/II/029/G

15

IMPLANON NXT

Implant

• Cududdaada sare waa la jeermi-dili doonaa oo la

kabuubyeyn doonaa.

• Jeexid yar ayaa lagu sameyn doonaa cududda meel wax

yar ka hooseysa caarada maqaar-galaha.

• Maqaar-galaha si tartiib ah ayaa loogu riixaa xagga meesha

la jeexay waxana lagu soo saaraa qabato.

• Marmarka qaarkood, waxa dhici karta in cad adag uu ku wareegsan yahay maqaar-galaha.

Haddii ay sidaas tahay, jeexis yar ayaa loo baahan yahay in lagu sameeyo cadka ka hor inta aan

maqaar-galaha la saarin.

• Haddii aad rabtid in xirfadlahaaga daryeel caafimaad uu Implanon NXT ku beddelo maqaar-gale

kale, waxa maqaar-galaha cusub la galin karaa iyada oo la isticmaalayo isla meesha la jeexay.

• Meesha la jeexay waxa lagu xidhi doonaa qabatooyinka “steri-strip”.

• Waxa lagu siin doonaa faashad cudbi ah oo jeermi-dilan oo wadata faashad cadaadin si loo

yareeyo cad-go’a. Waxa aad iska qaadi kartaa faashada cadaadiska gudaha 24 saacadood

waxana aad faashada yar ee dul saaran goobta galinta iska qaadi kartaa gudaha 3-5 maalmood.

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!