Create successful ePaper yourself
Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.
Wasaaradda Qaxootiga Ajaanibta iyo Qalabixinta

Dadka deggan

Danmark

Buug tixraaca oo ku saabsan bulshada

deenishka looguna talagalay dadka

cusub oo ku soo biiray Danmark

Medborger i Danmark

Somali
Sidee buuggaan loo adeegsanayaa

Buuggaani waa warbixin guud oo la

xiriirta bulshada deenishka, iyo sida ay

tahay noqoshada deggane cusub ee

Danmark. Si ummada farabadani uga

wada faa’iideystaan, wuxuu buuggaani

kusoo baxay afdeenish iyo dhowr

luqadood oo kale.

Buuggaani waa tilmaan-bixiye qofku uu

ka raadsan karo, markuu warbixin uga

baahdo mawduuc gaara. Hase yeeshee

qofku buugga waa akhrisan karaa billow

ilaa dhamaad.

Buugga meesha aad rabtid ayaad lasoo

bixi kartaa, adigoo adeegsanaya tusmada

iyo diiwaanka erayada ee ku yaalla

qeybaha ugu dambeeya ee buugga.

Erayo badan oo buugga ku yaalla waxaa

lugu calaameeyey xiddig*.Taasina waxay

muujineysaa in aad erayga sharaxiisa ka

heli kartid ugu dambeysta buugga.

Buuggu dabcan su’aal kasta kama

jawaabi karo. Sidaa darteed waxaa ku

qoran magacyada, adareesyada,

telefoonnada iyo bogagga Internetka ama

emaillada heyadaha aad ka heli kartid

warbixin dheeraad ah ama kuusii

tilmaami karaya heyad kale oo arrinta

shaqo ku leh. Sidoo kale waxaa kamida

qeyb qoreysa warbixinno muhiima oo ku

saabsan mujtamaca deenishka, halkaasoo

luguu tilmaamayo bogagga Internetka ay

khuseyso. Ugu dambeysta buugga waxaa

kale oo aad ka heli kartaa liiska

magacyada heyadaha howshoodu la

xiriirto qalabixinta degganayaasha cusub

amase si gaara u daneeya dadka ajaanibta

ah.

Qeybaha ku saabsan shuruucda iyo

qawaaniinta dabcan sidoodii loomasoo

guurinin ee caadi ahaan si guud ayaa loo

sharxay.

Sidoo kale shuruucda iyo qawaaniintu

waa isbeddelaan, sidaa darteed buuggaan

uma adeegsan kartid, in aad ogaato

xuquuqda iyo waajibaadka aad leedahay

xaalad kasta. Xaaladaha qaarkood waxaa

lagama maarmaan noqon karta in aad

warbixin dheeraada ka raadsato, tusaale

ahaan, kumuunaha, heyad heer qaran ah,

shirkaddaada guryaha ama qareen, taasoo

ku xiran hadba waxa arrintu ku saabsan

tahay.
Tusmo

3

1

2

3

4

5

Degganaha cusub kusoo dhowow

Danmark

Joqoraafiga iyo shacabka

Danmark – bulsho dimoqoraadi ah oo

sharci ku dhisan

Qaabka xukunka

Bulsho sharci ku dhisan

Danmark xiriirka ay la leedahay dunida kale

Soo gelitaanka iyo joogista

Usoo haajiridda Danmark

Dib ugu laabashada dalkii hooyo

Qaadashada dhalashada deenishka

Mudada ugu horreysa ee dadka cusub

oo ku soo biiray Danmark

Kaalmada iyo talabixinta kumuunaha

Soo dhoweynta degganayaasha cusub

Kaalma turjubaan

Guryaha

Tayada guryuhu waa sarreysaa

Helitaanka meel aad degtid

Guryaha ijaarka ah

Guryaha wadajirka loo iibsado

Guryaha sida gaarka loo iibsado

Sharciyada ku saabsan guryaha iyo

nawaaxiga guryaha

Guurid

4

6

10

11

17

20

22

23

26

28

30

31

32

33

34

35

36

38

41

41

42

46

8

9

10

11

12

Shaqada iyo Suuqa Shaqada

Nolosha shaqaalanimada ee Danmark

Helitaanka shaqada

Furashada shirkad ganacsi

Fursadda tababaridda ee qofka aan

shaqeyn

Dhaqaalaha iyo Isticmaalka

Hagidda dhaqaalaha gaarahaaneed

Kireysashada iyo amaah ku iibsashada

Ceymisyada

Xuquuqda isticmaalayaasha

Nidaamka canshuuraha deenishka

Dhaqanka iyo waqtiga firaaqada

Xorriyadda fekerka iyo hadalka

Gudashada arrimaha diinta ee Danmark

Wacyigelinta dadweynaha ee Danmark

Xarakaadka ururrada

Ciyaaraha iyo isboortiga

Caafimaad iyo cudur

Heyadaha caafimaadka deenishka

Ceymiska caafimaadka iyo maamulka

isbitaallada

La xiriiridda dhakhtarka

Gelidda isbitaalka

Daaweynta ilkaha

Daawooyinka

Caado iyo nolol maalmeed

84

85

89

91

92

94

95

96

97

97

98

100

101

103

104

106

107

108

109

110

111

116

118

120

122

6

7

Qoyska

Qoyska iyo bulshada

Noocyada kala duwan ee qoyska

Xiriirka labada qof wadan nool

Marka bulshadu arrinta soo faragelineyso

oo ay gacan siineyso

Dhalidda carruurta

Carruurta iyo dhallinyarada

Nolosha waayeelnimada

Marka nafta waqtigeedu dhamaato

Iskuulka iyo Waxbarashada

Caadada waxbarashada Deenishka

Iskuulka aasaasiga ah

Iskuulka aasaasiga ah kadib

Tacliinta sare

Nidaamka waxbarashada Deenishka

Kaalmada Waxbarashada Qaranka (SU)

Waxbarashada dadka waaweyn

Aqoonsiga waxbarashooyinka dibedda

Luqadda deenishka ee ajaanibta waaweyn

48

49

50

51

53

54

58

63

65

66

67

68

75

77

78

80

81

81

82

Dhowr warfaafuno oo muhiim ah

Halkaan warbixin dheeraad ah

ayaad ka heli kartaa

Ururro iyo zarumo muhimad oo

wax khaas ku ool u leh

degganayaasha cusub

Xafiisyada dowladda ee maamul

goboleedyada Danmark

Xafiisyada shaqada da dalaala ee

Danmark

Xisbiyadda siyaasadeed

Faahfaahinta erayada

Liiska erayada buuga

Kolofoon

128

131

132

134

136

138

139

150

155
4

Degganaha cusub kusoo dhowow

Danmark

Gacaliye degganaha cusub,

In dal kugu cusub aad nolol cusub ka billowdo waxay kugu dhalin kartaa isbedello

waaweyn. Qofku wuxuu la kulmayaa dad cusub iyo nidaamyo cusub. Qofku wuxuu

baranayaa caadooyin, hiddo iyo dhaqan laga yaabo iney ka duwan yihiin kuwii uu

yaqiin. Sidaa darteed ayaa gaar ahaan muddada ugu horreysaahi la timaadaa

caqabado farabadan, waxaana loo arkaa waxaan la fahmi karin.

Buuga aad gacanta ku heysid waxaan u qornay inaan xoogaa kuu fududeyno nolol

maalmeedkaaga cusub.Waana warbixin guud oo la xiriirta bulshada deenishka iyo ku

cusboonaanta Danmark.

Dabcan bulshada deenishka hal sawir oo kaliya lagama bixin karo. Danmark – sida

dalalka intooda badan – waa bulsho noocya badan oo ka turjumeysa aragtiyo iyo

mabaadi’ kala duwan oo ah xagga siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo

diintaba.

Waxa sababaya in kala duwanaantu sii xoogeysato waa, in Danmark bulsha ahaan

aan leenahay wadajir ku saleysan caadooyin aasaasi ah. Waana caadooyinka sida

dimoqoraadiyad, daryeel, xorriyad, sinnaan iyo xurmeyn ka dhexeysa shacabka ayadoo

aan loo eegin jinsi, da’, midab iyo diin (ama mabda’) toona. Qof kasta wuxuu leeyahay

xuquuq iyo waajibaad, qof kastaana wuu ka qeyb geli karaa howlaha mujtamaca si

xorriyad iyo sinnaan ah ayadoo la ilaalinayo sharciga.

Nidaamka dimoqoraadiyadda Danmark wuxuu ku dhisan yahay, in dalka lugu maamulo

dimoqoraadiyad ka turjumeysa rabitaanka dadweynaha, halkaasoo dadweynuhu si xor

ah usoo doortaan dadkii uga wakiil noqon lahaa doorashooyinka dowladaha hoose

iyo kuwa qarankaba. Dimoqoraadiyadda waxaa kamida, sidoo kale, in qofku fekerkiisa

uu cabbiri karo, una hadli karo ama uu wax u qori karo si xor ah, in ururro la

sameysan karo, iyo in qofku uu waajibaadkiisa diiniga ah si xor ah u gudan karo.

Dimoqoraadiyadda iyo wadatashiguba guud ahaan muhiim ayey u yihiin heer kasta ee

bulshada oo ay ahaataba.Waxaana laga doonayaa qof kasta inuu ka qeyb qaato geeddi

socodka dimoqoraadiyadeed ee bulshada – haddii ay ahaan laheyd kumuunaha, ururka

shaqaalaha, naadiga isboortiga, guddiga degganayaasha guriga aad deggan tahay, ama

guddiga iskuulka carruurta ama xanaanada.
5

Mabaadi’da dimoqoraadiyadda ee ku saabsan sinaanta iyo xorriyadda u dhexeysa

dadka oo dhan, waxay qofka kaliga ah iyo qoysaskaba fursado badan u siinayaan sidey

u abuuran lahaayeen nolosha ugu habboon. Hase yeeshee mabaadi’da

dimoqoraadiyaddu waxay sidoo kale xadeynayaan khiyaarka qofka. Hadafka

xadeyntuna waa sugidda, in aan cidna lugu xadgudbin, ama aan siyaabo kale dhibaato

loogu geysan.

Waxaa kamida, tusaale ahaan, inaan bulshadu oggolaaneyn, in cidna lugu takooro

jinsigooda, dalka ay u dhasheen, midabkooda, rumeysnaan, falkooda xagga jinsiga ah

ama cuuryaannimo, sidoo kalena inaan bulshadu oggolaaneyn, in cidna loo geysto

dhibaato ama gudniin jirdilyo ah. Is-qadderin iyo in dadku ama kooxaha kala duwani

isfamhaan waa arrimo aad muhiim ugu ah mujtamaca deenishka.

Danmark iney tahay bulsho daryeel leh waxaa shardi u ah, in qof kastaa intii

karaankiisaa uu ugu deeqo qaranka, taasoo ay kamid tahay in uu wax barto, shaqeysto,

bixiyo canshuurta, isla markaana uu naftiisa iyo qoyskiisaba biisho.Tan kale, haddii loo

baahdo, wuxuu qaranku qofka u fidin karaa kaalmo, wuxuuna saacidaa bulshada

kuweeda liita (aan isdebberi karin). Tusaale ahaan wuxuu qof kasta xaq u leeyahay

kaalma dhakhtar ama isbitaal oo bilaash ah, waayeellada iyo cuuryaamiintuna waxay

xaq u leeyihiin saacidaad gaar ah ee la xiriirta nolol maalmeedkooda. Waxaa kale oo

kamida in dadka aan shaqeynin la siiyo kaalma dhaqaale, iyadoo la adeegsanayo

nidaam ka kooban xuquuq iyo waajibaad, kuwaasoo gacan ku siinaya sidey wax u

baran lahaayeen ama ay u saldhigi lahaayeen suuqa shaqada.

Waa arrin dhamaanteen karti iyo dadaal dheeraada nooga baahan – degganayaasha

cusub iyo kuwii haraba – inaan ku dhegganaanno oo aan horumarinno qaran ku dhisan

dimoqoraadiyad, daryeel iyo isixtiraam u dhxeeya dadweynaha.

Danmark waxaan aaminsanahay in kala duwanaanta (ama dhaqamada cusub) ee adiga

iyo qaar kalaba ay dibedda nooga keenayaani uu sababi karo dibu cusboonaan iyo

firfircooni. Sidaa darteed waxaan rejeyneynaa in aad si firfircoon uga qeyb geli doonto

bulshada, maadaama aad hadda qeyb kamida tahay.

Gebegebadii waxaan kugusoo dhoweyneynaa Danmark - waxaanna kuu rejeyneynaa

bash-bash iyo baraare in aad ka heshid noloshaada cusub ee dalkaan.
1 JOQORAAFIGA IYO SHACABKA
7

Midnimada qaranka

deenishka

Ka tirsan tahay dalalka

Norden

Danmark waa dal yar oo dhulkiisu siman

yahay, wax buura ahna maleh. Wuxuuna

ku yaallaa inta u dhexeysa badda bari iyo

badda woqooyi. Intiisa badanna biyo ayaa

ku xeeran.Wuxuu ka kooban yahay gacanka

Jylland iyo 406 jasiiradood. Jasiiradaha

ugu waaweyni waa Sjælland, Fyn,

Lolland iyo Bornholm.

Jasiiradaha kale badankood aadbay u

yar yar yihiin, dad yar ayaana deggan ama

lamaba deggana. Dhulka deenishka biyo

ayaa xeeran, qeyba badanna buundooyin

ayaa isku xira.

Caasimadda, oo isla markaana ah

magaalada dalka ugu weyn, waxaa la

yiraahdaa København, waxayna ku taalla

Sjælland. Jylland magaalooyinka ugu

waaweyni waa Aarhus, Aalborg iyo

Esbjerg. Fyn magaalada ugu weyni waa

Odense.

Marka laga hadlayo Danmark waxaa inta

badan loo qaataa Jylland iyo jasiirdaha.

Hase yeeshee Grønland iyo jasiiradaha

Færøerne ee ku yaalla badda Atlantigu

sidoo kale waxay ka tirsan yihiin midnimada

qaranka deenishka, inkastoo ay

leeyihiin maamul hoosaad madax bannaan.

Danmark waxay xubin ka tahay

EU*, inkastoo Grønland iyo Færøerne ay

doorteen iney bannaanka ka ahaadaan.

Danmark waxay ka tirsan tahay dalalka

Norden, oo sidoo kale ay kamidka yihiin

Sweden, Norway, Finland iyo Iceland.

Dhanka koonfureed waxay Danmark

xuduud la wadaagtaa Jarmalka. Danmark

waxay sidoo kale xiriir sokeeye la leedahay

dalalka baltigga ee kala ah Estland,

Letland iyo Litauen, oo ku yaalla dhanka

kale ee badda bari.

Shacabka Danmark wuxuu in yar ka

badan yahay 5.2 malyan. Inkastoo ay

jiraan lahjada badan, dhamaaan isku

luqad ayey ku hadlaan – af-deenish.

Qiyaastii 260.000 qof – 5% ee shacabka

– ayaa ajaanib ah. Qiyaastii 80.000

kamidahi waxay u kala dhasheen Norden,

EU iyo Woqooyiga Amerika. Inta kale

waxay u dhasheen yurubta bari, bariga

dhexe iyo Afrika – gaar ahaan Turkiya,

Pakistan, Ciraaq, Iraan, Soomaaliya iyo

Yoguslaviyadii hore.

Danmark maanta waa bulsho aqooneed

oo warshadeynta ku horumartay, kuna

dadaasha waxbarashada iyo hal-abuuridda.

Astaan gaara waxaa u ah heerkeeda

5% ayaa ajaanib ah

Shaqaalaha oo xirfado loo kala qeybshay

Wadan ahaan Danmark waxaa shaqeeya dad ku dhow 2,8 malyan.

Waxay u kala qeybsan yihiin xirfadaha soo socda:

Percent (lasoo gaabiyey)

Beeraha, kalluumeysiga iyo alaabta ceeriin 4

Warshadaha 17

Tamarta iyo biyaha 1

Shirkadaha dhismaha iyo qalabka 6

Ganacsiga, hoteellada iyo maqaayadaha 18

Gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta hawada 7

Maalgelinta, adeegga ganacsiga iwm. 12

Adeegyada guud iyo kuwa gaarka ah 35

Wadar 100

Danmark i tal, Danmarks statisk 2002

Bulsho aqooneed

JOQORAAFIGA IYO SHACABKA
8

JOQORAAFIGA IYO SHACABKA

sare ee xaaladda bii’ada, taasoo sidoo

kale keentay wax soo saarka aadka u

weyn ee xagga teknolojiyada bii’ada iyo

sameyta mashiinnada hawada korontada

ka dhaliya ee casriga ah.

Danmark waxay dibedda la leedahay

xiriir ganacsi oo aad u weyn, kaasoo

dhoofinta alaabta warshadeysani uu

yahay qiyaastii 75%, halka wax soo

saarka beeruhuna yahay in ku dhow 12%

ee alaabta la dhoofiyo oo dhan.

Shabakad gaadiidka

dadweynaha oo aad u

casri ah

Danmark waxay leedahay jidad iyo xadiidka

tareenada oo farabadan iyo shabakad

gaadiidka dadweynaha oo casri ah. Qofku

wuxuu Bus ama Tareen ugu safri karaa

dalka intiisa badan iyo waqtiyada intooda

badan. Sidoo kale maraakiib ayaa isku

xirta meelaha aan buundo ka dhisneyn.

Dalkii Baaskiillayaasha

Danmark waxay kamid tahay dalalka adduunka ugu baaskiillayaasha

badan. Waqtiyada buuqa ah waxaad magaalooyinka ku arkeysaa

safafka dad baaskiilla wata – oo qaar badani ay carruuri gadaal u

saaran yihiin – una socda ama ka yimid shaqo iyo xaruma kale.

Jidadka intooda badan waxaa loo calaameeyey si baabuurreydu

isaga jiraan dadka baaskiillada wata. Waxa jira khad baaskiillada

iyo calaamado baabuurreyda xasuusinaya iney ka digtoonaadaan

baaskiillayaasha jidka goynaya.
JOQORAAFIGA IYO SHACABKA

9

JOQORAAFIGA IYO SHACABKA

København

Roskilde

Kilometer

0 50

Odense

Nyborg

Rødbyhavn

Nakskov

Maribo

Næstved

Haslev

Ringsted

Køge

Slagelse

Korsør

Rønne

Århus

Hammel

Ebeltoft

Hadsten

Nykøbing

Randers

Bjerringbro

Nykøbing M

Silkeborg

Kolding

Ringkøbing

Svendborg

Skælskør

haderslev

Vejen

Bramming

Varde

Grindsted

Nordborg

Sønderborg

Kerteminde

Sorø

Fåborg

Vojens

Assens

Åbenrå

Fredericia

Horsens

Odder

Ikast

Skanderborg

Aalborg

Nørresundby

Støvring

Hirtshals

Hjørring

Brønderslev

Års

Frederikshavn

Sæby

Skagen

Grenaa

Herning

Holstebro

Struer

Skive

Thisted

Hanstholm

Lemvig

Viborg

Vejle

Billund

Brande

Skjern

Holbæk

Kalundborg

Helsingør

Hundested

Hillerød

Frederikssund

Frederiksværk

JYLLAND

FYN

SJÆLLAND

SVERIGE

TYSKLAND

BORNHOLM

Esbjerg

Middelfart

Ribe

Tønder
2 DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI

AH SHARCI KU DHISAN
Qaabka xukunka

11

Awoodda sharci

dejinta, fulinta iyo

xukumidda

Dimoqoraadiyadda

waxaa la sameeyey

1849

Danmark waxaa ka jira dimoqoraadiyad

loo dhan yahay*. Taas waxaa loola

jeedaa, in go’aamada ugu muhiimsan ay

gaarayaan siyaasiyiin – haddii ay noqon

laheyd baarlamaanka*, guddiyada maamulka

gobollada* iyo guddiyada maamulka

kumuunayaasha* - ay soo doorteen

shacabku.

Dowladda iyo baarlamaanka ayaa sharciga

dejiya. Dowladda iyo heyadaha qaranka

ayaana sharciga dhaqan geliya. Maxkamadaha

– maxkamadda degmada, tan

gobolka iyo tan sare – ayaa xukuma, isla

markaana xadeeya ciqaabta dacwooyinka

u dhexeeya, tusaale ahaan, dadweynaha,

dadweynaha iyo shirkadaha gaarka ah,

ama dadweynaha iyo heyadaha dowladda.

Awood qeybinta noocaan ah waxaa

loogu talagalay iney kahor tagto ku tagri

falidda awoodda iyo in lugu dadaalo sidii

awoodda shacabku* ku waari laheyd.

Dastuurka

Dimoqoraadiyadda deenishka, awoodda

shacabka*, waxaa la sameeyey sanadkii

1849-kii. Waxayna beddeshay nidaamkii

kali taliska* ahaa ee boqorka sinaayey

awood xad dhaafa lagasoo billaabo

1660-kii.

Saldhiggiisuna waa dastuurkii bishii

Juun 1849, kaasoo ahaa dastuurkii dimoqoraadiga

ahaa ee Danmark ugu horreeyey.

Mabdi’diisuna – inkastoo dastuurku

uu soo maray wax ka beddelid badan

– weli waxaa laga heli karaa dastuurka

hadda jira ee ka yimid 1953-dii.

Dumarku waxay xaqa codeynta heleen

1915-kii, kadib markii dastuurka la beddelay.

Dastuurku wuxuu qorayaa shuruucda

aasaasiga u ah maamulka qaranka, wuxuuna

shacabka siinayaa xuquuq iyo

xorriyado aasaasi ah oo fara badan.

Waxaa laga yaabaa in kuwaasi yihiin

kuwa qiimaha ugu weyn u leh nolol maalmeedka

deenishka. Marka ay dadku ka

hadlayaan "xuquuqdooda dastuuriga ah"

waxaa laga wadaa, tusaale ahaan, xaqa

in qofku uu si xor ah u hadli karo, xaqa in

la shiri karo, xaqa sameysashada ururro,

xorriyadda diinta iyo xaqa lahaanshada

hanti gaar ahaaneed tan ay ka hadlayaan.

Qoyska boqortooyada

Boqortooyada deenishku waa tan adduunka

ugu faca weyn. In kabadan 1000

sano ayey Danmark ka jireen boqorro iyo

boqorado, amiirro iyo amiirado. Boqorkii

Danmark ugu horreeyey, inta la ogsoon

yahay, wuxuu ahaa Gorm duqoow, kaasoo

talin jirey xilligii 900. Laga billaabo 1660

ilaa 1849 waxaa dalka xukumi jirey

boqorro kali taliyaal ahaa.

Maanta waxaan leenahay boqortooyo

dastuuri ah oo ku shaqeysa si dimoqoraadiyadda

waafaqsan. Taasna waxaa

kamida, in awoodda sharci dejinta ay

boqorka iyo baarlamaanku si wadajira u

leeyihiin.

Shuruucda waxaa isku raaca baarlamaanka

waase inuu boqorku saxiixaa.

Xuquuqda

dastuuriga ah

Boqortooyada dunida

ugu faca weyn

Boqortooyo dastuuri ah

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN
12

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN

Qoyska boqortooyadu malahan wax

awood siyaasadeed ah, hase yeeshee wuxuu

qabtaa howlo badan oo uu uga wakiil

yahay Danmark gudaha iyo dibeddaba.

Beddelidda dastuurka ee 1953-dii

waxay dhalisay, in boqorku nin kaliya

uusan noqon karin, ee ay gabadhuna

sidoo kale boqor noqon karto.

Awoodda sharci dejinta

Baarlamaanka qaranku, golaha shacabka,

wuxuu ka kooban yahay 179 xubnood oo

ka kala socda xisbiyo siyaasadeed oo kala

duwan. Xubnaha baarlamaanka waxaa

markiiba la doortaa muddo 4 sano ah.

Hase yeeshee Ra’iisul wasaaruhu wuu

kala diri karaa baarlamaanka, wuxuuna

ku dhawaaqi karaa doorasho cusub, inta

aysan 4ta sano dhamaan.

Margrethe II

Boqorad Margrethe II waxay boqoradda Danmark aheyd lagasoo

billaabo 1972-dii.

Monarkiyada deenishka ayaa looga jecel yahay dadweynaha agtooda.

Siyaabo badan ayuuna tusaale ugu noqday midnimada qaranka iyo

waxyaabaha isku xira muwaadiniinta bulshada deenishka.

Laba kamida xubnaha baarlamaanka

waxaa lagasoo doortaa Grønland, laba

kalana Færøerne.

Waxaa calaamadaha ugu muhiimsan ee

awoodda shacabka kamida, iney tahay

mid qayaxan, oo la fahmi karo. Dhamaan

doodaha baarlamaanku sidaa darteed

dadweynaha waa u furan yihiin. Qof

kastaana waa la xiriiri karaa siyaasiyiinta,

oo su’aala weydiin karaa. Nidaamka

siyaasadeed waxaa sidoo kale koontaroola

oo dhaliila dadweynaha ayagoo

adeegsanaya saxaafada.

Dadweynaha u furan
13

Maamulka qaranka

Maxkamado madax

banaan

Maxkamadda

degmada iyo

maxkamadda gobolka

Awoodda Fulinta

Dowladdu waxay ka kooban tahay

wasiirro ka socda hal ama dhowr xisbi,

waxaana hogaamiya Ra’iisul wasaare.

Dowladdu waa iney iscasisho, ama doorasho

cusub lugu dhawaaqo, haddii baarlamaanka

intiisa badani aysan dowladda ku

kalsooneyn. Ra’iisul Wasaaraha ayaa

wasiirrada magacaabaya, kuwaasoo mid

kastaa yeelanayo masuuliyad u gaara.

Wasaaraduhu – ayaga, degmooyinka iyo

gobollada – dhamaantood waa qeybo

kamida awoodda fulinta, waxaana caadi

ahaan loo yaqaan "maamulka qaranka".

Shaqada dowladda iyo wasaaradaha

ee ugu muhiimsani waa soo diyaarinta iyo

maamulidda shuruucda.

Awoodda Xukumidda

Maxkamadaha deenishku waa madaxa

bannaan yihiin.Taas waxaa loola jeedaa in

dowladda iyo baarlamaanka midkoodna

aysan fara gasha karin sidey wax u xukumayaan.

Danmark waxay leedahay maxkamad

sare, 2 maxkamad gobol iyo 82 maxkamadaha

degmooyinka ah. Sidoo kale

maxkamado gaara oo kala duwan ayaa

jira, kuwaasoo ku shaqa leh qaadidda

dacwooyin khaas ah. Waxaa kamida,

tusaale ahaan, maxkamadda shaqada iyo

maxkamadda badda & ganacsiga.

Dacwooyinka badankood – kuwa madaniga

ah iyo kuwa ciqaabta intaba – waxaa

marka ugu horreysa lugu qaadaa maxkamadda

degmada*. Haddii go’aanka

maxkamadda degmada abiil laga qaato,

waxaa sida badan dacwada loo gudbin

karaa maxkamadda gobolka*.

Maxkamadda sare waa maxkamadda

dalka ugu sarreysa. Waxaa jirta maxkamadda

racfaanka, taasoo ujeeddadeedu

tahay, iney qaaddo oo kaliya dacwooyinka

abiilka laga qaatay, oo sida caadiga ah

kasoo gudbay maxkamadda gobolka.

Go’aanka karo.

Qofku wuxuu u dacwoon karaa maxkamadda

gaarkaa ee dacwooyinka, haddii

uu doonayo in kiiskiisa ciqaabta dib loo

furo, tusaale ahaan, warbixin cusub oo

soo korortay darteed, ama haddii uusan

qofku ku qanacsaneyn sida qaaddigu ama

difaacu kiiska ula tacaalay.

Kumuunayaasha iyo dowladaha

hoose

Danmark waxay u qeybsan tahay gobollo

iyo degmooyin leh guddiyo si madaxbannaani

ah loo soo doortay. Sidaana waxaa

loo yeelay si loogu dadaalo in go’aamada

intooda badan loo gaaro qaab dadweynaha

aad ugu dhow.

Halka baarlamaanka iyo dowladdu

iyagoo adeegsanaya sharciga ay ka dejiyaan

qaabka guud ee ay bulshada deenishku u

shaqeyn laheyd, hadafka kumuunayaasha

iyo dowladaha hoose waa iney buuxiyaan

qaab dhismeedkaa.

Tusaale ahaan, baarlamaanku wuxuu

soo saaray sharciga qalabixinta*, kaasoo

degmooyinka ku amraya iney qaadaan

Maxkamdda sare

Maxkamadda gaarka

ah ee dacwooyinka

Degganayaasha u dhow

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN
14

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN

Xisbiyada iyo

liistooyinka

dadweynaha

Maamul hoosaadka

dowladaha hoose

tallaabooyin horumarinaya qalabixinta

dadka ku cusub Danmark.

Kumuunayaashu waxay leeyihiin guddoomiye

degmo iyo cadad xubno ah oo ka

tirsan guddiga degmada, luguna doortay

doorasho caadi ah. 4tii sanaba mar ayey

dhacdaa doorashada dowladaha hoose.

Doorashooyinkaa waxaa isu soo sharaxa

xisbiyo iyo liistooyinka dadweynaha*

intaba.

Kumuunayaashu siyaabo badan ayey u

yeelan karaan siyaasad maxalli ah oo u

gaara. Sidaa darteed degmooyinka farqi

ayaa u dhexeeya la xiriira inta qofku

canshuur u bixinayo, cadadka xarumaha

xanaanada iyo guryaha waayeellada ee

loo baahan yahay, iyo noocyada fursadaha

dhaqanka iyo fasaxyada ee la siinayo.

Si aad uga qeybgasho doorashooyinka

baarlamaanka iyo iyo doorashooyinka

guud*, waa in aad heysatid dhalashada

deenishka.

Dadka u dhashay EU way ka qeybgeli

karaan doorashada baarlamaanka yurub*

– ama hajoogaan dalkooda hooyo ama

dalka ay deggan yihiin.

Xilliga doorashada ama aftida guud

waxaa qof kasta loosoo diraa kaarka

doorashada, oo muujinaya goorta iyo

meesha uu qofku tegayo si uu u codeeyo.

Ka faa’iideysiga xaqa doorashadu

waa mid kamida qeybaha ugu muhiimsan

ahaanshaha muwaadin ama deggane Danmark.

Waana hab muhiima oo qofku ku

hanan karo saameyn la xiriirta sidii aan u

hagi laheyn bulshadeenna iyo nolol maalmeedkeennaba.

Qeyb muhiima

oo kamida

muwaadinnimada

Heer gobol

Xaqa doorashada

Maamulka gobolku wuxuu qabtaa howlo

kala duwan, oo laysla gartay in heer gobol

ahaan loo fuliyo. Waxaana kamida gaadiidka

dadweynaha qaarkood, maamulka isbitaallada,

iyo kormeerka guud ee bii’ada.

Doorashooyinka iyo ka qeybgalka

siyaasadeed

Qof kasta oo ay u buuxsantay 18 sano

xaq ayuu u leeyahay inuu codeeyo ama

isu sharaxo doorashooyinka dowladaha

hoose. Hase yeeshee dadka aan heysan

dhalashada EU* iyo Norden waxay ka

qeybgeli karaan oo kaliya, haddii ay Danmark

joogto u degganaayeen 3dii sano ee

ugu dambeysay doorashada horteed.

Haddii uu qofku doonayo inuu cod ku

yeesho dadka doorashooyinka dowladaha

hoose loosoo sharaxayo, ama uu doonayo

inuu isisoo sharaxo, wuxuu ku biiri karaa

xisbi siyaasi ah, ama wuxuu iskasoo

sharixi karaa liistada dadweynaha.

Si uu cod ugu yeesho go’aanka dadka

isu sharaxaaya baarlamaanka, waa in

qofku uu xubin ka yahay xisbi siyaasi ah.

Xisbiyada siyaasadeed
15

Guddiga qalabixinta

Kumuunayaasha badankood waxay leeyihiin

guddiyo kala duwan oo qaabilsan mowduucyo

gaara. Waxaana kamida guddiga waayeellada,

guddiga dhallinyarada iyo guddiga qalabixinta.

Howsha guddiga qalabixintu waa inuu guddiga

maamulka kumuunaha kala taliyo howlaha

qalabixinta kumuunaha.

Warbixin dheeraad ah oo la xiriirta in guddi

qalabixin ka jiro - ama la sameyn doono -

waxaad ka heli kartaa kumuunaha. Sidoo

kalana waxaa kumuunaha lugu dhiirri gelin

karaa inuu aasaaso guddi noocaas ah.

Kumuunaha waxaa waajib ku ah inuu xogheyn

u qabto guddiga qalabixinta.

Guddiga qalabixinta kumuunuhu wuxuu

doorashooyinka dowladaha hoose wakiillo u

doortaa guddiga ajaanibta ee heerka qaran ah,

ee laga dhex doorto xubnaha qaxootiga iyo

ajaanibta. Guddigaani wuxuu wasiirka

qaxootiga, ajaanibta iyo qalabixinta kala

taliyaa arrimaha khuseeya ajaanibta iyo

qaxootiga.
Xisbiyada iyo ururrada hadafka gaara leh

Qofku siyaabo badan ayuu bulshada saameyn ugu yeelan karaa, oo

aan aheyn oo kaliya inuu waqtiga doorashooyinka codeeyo ama uu

xisbi siyaasadeed xubin ka noqdo.Tusaale ahaan, wuxuu xubin

firfircoon ka noqon karaa urur hadafkiisu yahay fulinta hal ama

dhowr danood oo gaara – urur qabta danaha gaarka ah.

Ururrada hadafyada gaarka ahi qiima weyn ayey u leeyihiin

dimoqoraadiyadda deenishka, waayoo si firfircoon ayey uga qeyb

qaataan doodaha guud, waxaana wax laga weydiiyaa bareerayaasha

xagga siyaasiyiinta.

Marka bareere sharci baarlamaanku ka baaraandegayo, waxaa

bareeraha caadi ahaan hore loogu diraa ururro kala duwan oo aqoon

gaara u leh ama daneeya mowduuca sharcigaasi khuseeyo.

Ururrada hadafyada gaarka ah - sida ururrada bukaanka, ururrada

dumarka, ururrada bii’ada ama suuqa shaqada - waxay sidoo kale

ku dadaalaan iney ku dhiirri geliyaan siyaasiyiintau iney soo

jeediyaan ama u codeeyaan bareere sharci, oo faa’iido u leh arrinta

ay horumarinteeda ka shaqeeyaan.
Bulsho sharci ku dhisan

17

Waajibka sir-xafididda

In Danmark dimoqoraaddi tahay macnaheedu,

sidoo kale, waa iney tahay bulsho

sharci ku dhisan.Taasna macnaheedu waa

in awoodda fulintu ay hoos tagto koontarool

dimoqoraaddi ah, iyo in awoodda

xukumiddu ay ka madax bannaan tahay

maamulka kale. Waxaa kale oo kamida,

in degganayaasha oo dhan ay leeyihiin

xuquuq iyo xorriyado asaasi ah, in degganayaasha

ay waajib ku tahay iney

sharciga dhowraan, iyo in ay xaq u leeyihiin

adeeq caddaalad ah ee maamulka

dowladda iyo maxkamadahaba.

Shaqaalaha dowladda waxaa saaran

waajib sir-xafidideed. Taas macnaheedu

waa in waxyaabaha aad u sheegto aysan

usii gudbin cid kale oggolaashadaada

la’aanteed – tusaale ahaan, cidda aad u

shaqeyso ama dhakhtar.

Xuquuqdaada iyo fursadda

dacwooshada ee ku wajahan

heyadaha qaranka

Sharciga maamulka heyadaha qaranku wuxuu

dhigayaa sida heyadaha qaranku

degganayaasha ula macaamili lahaayeen.

Sharcigu wuxuu tusaale ahaan qeexayaa in

diidmada codsiga had iyo jeer sabab loo yeelo.

Waxaa kale oo uu qeexayaa, in heyadda

qaranku had iyo jeer kaala taliso fursadaha

dacwoosho ee kuu furan.

Sharciga waxaa kamida shuruuc ku saabsan

muddada ay tahay in ka shaqeynta kiiskaagu

qaadato, iyo nooca warbixinnada aad deggane

ahaan xaq u leedahay in aad hesho. Sharcigu

wuxuu haddaba qeexayaa shuruucda u dhigan

ka shaqeynta kiisaska ee wasaaradaha,

waaxaha, guddiyada iyo golayaasha,

kumuunayaasha iyo dowladaha hoose.

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN

Xaqa ogaashada

warbixinta lagaa hayo

Garyaqaanka

baarlamaanka

Sida uu dhigayo sharciga maamulka qaranku,

waxaad xaq u leedahay in aad

akhrisato warbixinta kiiskaaga ku qoran.

Haddii aad codsato waxaad sida caadiga

ah ogaan kartaa warbixinta ku dukumentigaaga.

Hase yeeshee codsigaaga waa la diidi

karaa, haddii maamulku u arko, in ay

dhaawici karto qof seddexaad haddii

warbixinta lasii gudbiyo.

Garyaqaanka baarlamaanka waxaa

doorta baarlamaanka, wuxuuna qaadaa

dacwooyinka ku saabsan khalad ama

dayacaad ka dhacday heyadaha dowladda.

Taasi waxay ku timaadaa in loosoo

dacwoodo ama in isagu uu tallaabo

qaado. Garyaqaanku waa ka madaxbannaan

yahay dowladda. Cid kasta waa

lasoo xiriiri kartaa garyaqaanka, haddii

ay la noqoto in xafiis dowladeed uu

jebiyey sharciga ama uu galay khalad la

xiriira ka shaqeynta kiiska. Hase yeeshee

waa in qofku uu horta tijaabiyaa meela

kale oo arrintu khuseyso oo loo dacwoon

karo. La xiriiridda garyaqaanku waa

bilaash.
18

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN

Waa in qofka

maxkamad la horgeeyo

24 saac gudahood

Ganaax iyo Xabsi

Xukumo aan shuruud

ku xirneyn iyo qaar

shuruud ku xiran

Xukun dil ahi ma jiro

Dhallinyarada

da’doodu ka yar tahay

15 sano

Dembiga iyo ciqaabta

Haddii qof looga shakiyo inuu dembi

galay, boliiska ayaa dacwadda baaraya,

xafiiska xeer ilaalinta ayaa dacwdda

kusoo oogaya, maxkamadda ayaana go’aan

ka gaareysa in qofka la ciqaabo.

Haddii qofka la qabto luguna eedeeyo

dembi, wuxuu xaq u leeyahay in 24 saac

gudahood qaaddi la hor geeyo, kaasoo

go’aan ka gaaraya in qofku sii xirnaanayo

inta baaritaanku socdo iyo in kale.

Qofka lugusoo oogo kiis ciqaaba waajib

kuma ahan inuu hadlo marka boliisku

wareysanayo, wuxuuna xaq u leeyahay

qareen.

Waxaa jira laba nooc oo kala duwan oo

ciqaab ah, kalana ah ganaax iyo xabsi.

Xukumada xabsiga ahi waxay kala yihiin

mid shuruud ku xiran iyo midaan shuruud

ku xirneyn. Haddii qofka lugu xukumo

xun shuruud ku xiran, wuxuu qofku xabsi

muteysanayaa oo kaliya haddii uu galo

dembi cusub oo kale. Hase yeeshee waxaa

dhici karta in xukunka shuruudda ku

xiran ay la xiriiraan shuruuda kale, tusaale

ahaan, in uu qofku oggolaado in la daweeyo.

Danmark qofka lama toogto. Haddaba

ciqaabta ugu adag ee maxkamaduhu

isticmaali karaani waa xabsi-daa’in.

Dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 15

sano lama ciqaabi karo. Hase yeeshee waxaa

loo sameeyaa abaabullo ijtimaaci ah.

Waxaa tusaale ahaan dhici karta in

cunugga loo diro koorsooyin gaar ah ama

loo wareejiyo xarun xiran oo habeen iyo

maalin ah.

Xukunka shuruudda ku xiran iyo kan ku

xirneyn intuba waxay keeni karaan dhibaatoyin

halis ah, waayoo haddii qofka la

xukumay waxaa waraaqdiisa dembi

la’aanta ku aalleysa sababta loo xukumay

iyo ciqaabta lugu xukumay.

Taasi waxay keeni kartaa mudda kadib,

iney aad ugu adkaato inuu shaqo

helo, waayoo shaqa bixiyuhu wuxuu xaq

u leeyahay inuu arko waraaqda dembi

la’aanta inta uusan qofka shaqaaleyn ka

hor.

Dacwad furasho lacag la’aan ah

Haddii aad qeyb ka tahay dacwad socota,

isla markaana aadan dhakhli sare laheyn,

waxaad codsan kartaa, in kharashka

dacwadda lagaa bixiyo. Haddii luguu

oggolaado dacwad furasho lacag la’aan

ah, dowladda ayaa kaa caawineysa

bixinta kharashka looyarka iyo kan dacwaddaba.

Haddii ay ku heysato dhibaato xagga

sharciga ah, waxaad sidoo kale la xiriiri

kartaa xafiiska gargaarka sharciga ama

qareenka heeganka leh, halkaasoo ay

sharciyaqaannadu ay ku siin doonaan

talabixin la xiriirta xallinta dhibaatooyinka

xagga sharciga ah, taasoo bilaash

ah ama aad wax yar bixineysid.

Waraaqda dembi

la’aanta

Saacidadda qaranka

Kaalma sharci
19

Qof kastaa waa la

xiriiri karaa booliska

Mudaaharaadyo

Wadashaqeynta SSP

Sharciyada boolisku

ku shaqeeyo

Booliska

Xilka asaasiga ah ee boolisku waa inuu

ku dadaalo xasillooni iyo kala dambeyn,

dhowrista sharciga iyo inuu ka hortago,

baaro soona caddeeyo dembiyada. Qof

kastaa waa la xiriiri kartaa boliiska, si

looga caawiyo helitaanka alaabta ama

dadka ka lumay, ama ay ula socodsiiyaan

booliska ku xadgudub sharciga.

Tusaale ahaan waad la xiriiri kartaa

booliska haddii dhac ama dhib luugu

geysto, ama haddii ay kula tahay in midab

kala sooc luguu geystay.

Boolisku sidoo kale waxay sameeyaan

Bassaborrada iyo leysinnada.

Danmark waa la oggolyahay in la mudaaharaado,

waase in marka hore booliska la

wargeliyaa. Boliisku sidoo kale mudaaharaadka

goobjoog ayey ka noqonayaan.

Howshooduna waa in mudaaharaadku u

dhaco si nabadgelyo ah.

Boolisku meela badan ayay waxay kala

shaqeeyaan iskuullada iyo heyadaha sooshaalka,

taasoo loo yaqaan wadashaqeynta

SSP (oo u taagan "Iskuulka", "heyadaha

Sooshaalka" iyo "Booliska"), si looga

hortago in dhallinyaradu dembiyo ku

kacaan.

Booliska waxaa u dhigan sharciyo kala

duwan oo laga rabo iney raacaan marka

ay qof qabanayaan ama ay wareysanayaan.

Waa ineysan adeegsan gacan kahadal

ama hendedaad. Qofka ay qabtaanna waa

iney ku wargeliyaan xuquuqdiisa.

Guud ahaan Danmark wuxuu boolisku

kamid yahay xirfadaha dadweynuhu ay

sida aadka ugu kalsoon yihiin. Haddii

qofku uusan ku qanacsaneyn sida ay

boliisku ula dhaqmeen wuxuu u dacwoon

karaa xafiiska xeer ilaalinta*.

Sida xafiiska xeer ilaalintu cabashada

ula tacaalayo waxaa il gaara ku eegaya

Guddiga Dacwooyinka Booliska*, oo ah

heyad madaxbannaan, fursad gaar ahna

u heysata iney saameyn ku yeelato sida

xafiiska xeer ilaalintu dacwada ula tacaalayo.

Waa mamnuuc inuu qofku sharciga isagu

iska fushado, sida inuu dad waxyeello u

geysto dhib ay hore ugu geysteen awgeed.

Taasi waa Aargoosi, waxayna keeneysaa

ciqaab.

Kalsooni weyn ee

booliska

Aargoosi waa

mamnuuc

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN
20

Danmark xiriirka ay la leedahay

dunida kale

DANMARK – BULSHO DIMOQORAADI AH SHARCI KU DHISAN

Xiriirra badan oo

caalamiya

Heshiisya caalamiya

EU

Maadaama Danmark tahay dal yar,

waxay si aad ah u daneysaa iney wax

wadaqabsi xoog leh leedahay oo isaga

gudba xuduudaha oo dhan. Sidaa darteed

waxay Danmark leedahay xiriirro badan

oo caalamai ah.

Tusaale ahaan waxay Danmark xubin

ka tahay ururka midowga Yurub (EU),

Guddiga Yurub, Qaramada Midoobay (UN),

Ururka Heshiiska Woqooyiga Atlantikada

(NATO), Ururka Wax wadaqabsiga xagga

Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) iyo

Ururka Caafimaadka adduunka (WHO).

Sidaa darteed ayey Danmark saxiixday

heshiisyo kala duwan oo caalami ah lana

xiriira ilaalinta xuquuqul insaanka.

Tusaale ahaan, heshiiska UN ee loogasoo

horjeedo jirdilyada, heshiiska UN ee la

dagaallanka nooc kasta oo midab kala

sooc ah, heshiiska UN ee la dagaallanka

nooc kasta oo lugu takoorayo dumarka

iyo heshiiska UN ee xuquuqda carruurta.

Tan ku saabsan xubinnimadeeda Guddiga

Yurub, waxay Danmark ku biirtay

heshiiska xuquuqul insaanka ee Yurub,

taasoo saameyn weyn ku yeelatay qawaaniinta

deenishka.

Danmark waxay EU xubin ka aheyd laga

billaabo 1973-dii, oo markaas la dhihi

jirey Isbaheysiga Yurub (EF). Laga billaabo

markii Danmark ku biirtay, waxay EU

saameyn ku yeelatay qeyba fara badan,

dadweynaha deenishkuna badanaa way

ku kala qeybsanaayeen su’aasha ku

saabsan xiriirka Danmark la leedahay EU.

Ayadoo adeegsaneysa xubinnimadeeda

UN waxay Danmark ku dadaashaa iney

gacan ka geysato kaalmada dadka liita

iyo iney adduunka laga abuuro nabad iyo

horumar, isla markaana la horumariyo

qadderinta xuquuqul insaanka.

Xubinnimada xulafada NATO iyo ururka

dhaqaalaha reer galbeedka OECD waxay

Danmark ku xireysaa dalalka USA,

Canada iyo dalal kale oo badan oo reer

Yurub ah.

Wadashaqeyn caalami ah ee xagga

horumarinta

Danmark waxay kamid tahay dalalka

tirada yar ee bixiya lacag ka badan

heerkii ay UN xadeysay oo aheyd 0,7%

wax soo saarka dalka (GNP), ee loogu

talagalay iskaashiga horumarinta dalalka

saboolka ah ee Afrika, Asia iyo Latinamerika.

Mucaawinadaa dhaqaale waxay u

qeybsan tahay mid lasii mariyo UN iyo

ururro kale oo caalami ah, iyo mid toos

ay Danmark u siiso dalka loogu talagalay.

Mucaawinadu waxaa had iyo jeer saldhig

u ah wadashaqeyn joogta ah ee dalalka

la siinayo, si ay iyagu ula wareegaan

horumarinta mujtamacooda.

Kaalmeynta dadka saboolka ah, horumarinta

sinnaanta ragga iyo dumarka,

dimoqoraadiyadda, xquuqul insaanka iyo

wax soo saar taya leh ayaa kamida

waxyaabaha asaaska u ah mucaawinooyinka

Danmark bixiso.

UN

NATO
3 SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA
Usoo haajiridda Danmark

23

Booqasho iyo joogis

Soo galootiga iyo

waxay Danmark

kusii dhaleen, tiro

qiyaaseed:

1980: 153.000

1990: 215.000

2001: 396.000

Xigasho: Danmarks statisk og

integrationsministeriet

Sidoo kale eeg

www.inm.dk

Danmark waa loosoo guuraayey muddo

boqollaal sano ah. Markii laga reebo

dalalka deriska sida Jarmalka, Poland iyo

Sweden oo si isdaba jooga muddo dheer

loogasoo guuri jirey, waxaa kaloo sheegid

mudan Hollandeeska oo soo guuray

1500aadkii, Yuhuudda oo soo gelaayey

laga billaabo 1600aadkii iyo dadkii

fransiiska ahaa loo yiqiin "huguenotter"

oo soo galay dhamaadkii 1600aadkii.

Sanadihii 1970-meeyadii ayaa shirkado

deenisha oo badani shaqaale ka keensadeen

gaar ahaan dalalka Turkiya,

Pakistan, Yugoslavia iyo Marokko,

sanadihii ugu dambeeyana waxaa

Danmark soo galay dad badan oo kala

yimid dalalk adduunka oo dhan, oo

qaxootiya ama qoys ahaan lugu keenay.

Si aad Danmark usoo gashid waa inaad

heysatid baasaboor aan dhacsaneyn ama

dukument kale oo la aqoonsan yahay.

Dadka ajnabiga ah ee doonaaya iney

Danmark joogaan muddo kabadan 3

bilood waa iney iqaamad leeyihiin. Haddii

qofku Danmark ka shaqeynayo waa inuu

leeyahay iqaamad shaqo iyo degganaansho

intaba. Danmark waxay wadashaqeyn

gaara la leedahay dalalka nooradka sida

Norway, Sweden, Finland iyo Island.

Sidaa darteed sharciyo gaara ayaa

khuseeya dadka u dhashay dalalka woqooyiga.

Waxaa kuwaas la mida dadka u

dhashay dalalka xubnaha ka ah EU*,

EØS iyo Swizerland. Dadka u dhashay

dalalka nooradku shuruud la’aan ayey

soo geli karaan degina karaan Danmark.

Dadka u dhashay dalalka xubnaha ka ah

EU*, EØS iyo Swizerland waxay waraaqda

degganaanshaha ka sameysan karaan

xafiiska qaranka ee gobollada*, taasoo

waafaqsan shuruucda EU ee sida gaarka

ah u khuseysa dhaqdhaqaaqa xorta ah ee

dadka.

Dadka u dhashay dalal aad u badan

waxaa looga baahan yahay Viisa si ay

Danmark usoo galaan.Waxa laga yaabaa

iney kasoo qeyb geli lahaayeen kulan

dhaqameedyo ama u imaanayaan booqasho

la xiriirta ganacsi, dalxiis ama qoys.

Qofkii Danmark Viisa kusoo gala xaq

uma laha inuu shaqeeyo, waxaana caadi

ahaan qofka la siiyaa Viisa 3 bilood ah.

Bogga Internetka ee Waaxda Socdaalka*

ayaad ka heli kartaa liiska dalalka

dadkoodu ay Viisa u baahan yihiin si ay

usoo galaan Danmark. Viisaha waa in

laga codsadaa intaadan Danmark soo

aadin, laga codsado wakiilka (safaarad

iwm.) Danmark u fadhiya dalkaaha

hooyo. Danmark waxay xubin ka tahay

heshiiska Schengen. Sidaa darteed waxaa

Viisaha Danmark lugu tegi karaa dalalka

Schengen oo dhan.

Qaxootiga iyo Magangelyo

doonnada

Danmark waxay ku biirtay heshiiska qaxootiga

ee UN (Heshiiska Geneve) ee la

sameeyey 28/07/1951, sidaa ayeyna u

qaadeen masuuliyadda megangelinta dadka

lugu raadjoogo sababtoo ah asalkooda,

dalka ay u dhasheen, diintooda

Viisaha

Heshiiska Geneve iyo

heshiiska yurub ee

xuquul insaanka

SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA
24

SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA

ama aragtidooda siyaasadeed. Dadka

noocaasa waxaa loo aqoonsadaa iney

yihiin qaxooti waafaqsan heshiiska

Geneve. 500 oo kamida qaxootiga sanad

walba Danmark soo gala, waxaa lugu

qaabilaa heshiis ka dhexeeya heyadda

qaxootiga adduunka, UN, iyo Danmark.

Marki laga reebo heshiiska qaxootiga

waxay Danmark sidoo kale ku jirtaa

heshiisya kale oo caalami ah, tusaale

ahaan Heshiiska Xuquul Insaanka ee

Yurub iyo heshiiska UN ee loogasoo

horjeedo jirdilyada, kuwaasoo tusaale

ahaan ku waajibinaaya Danmark iney ka

megangeliso ajaanibta in dib loogu celiyo

daldalaad, jirdilyo, dhibaatooyin naxariis

darro ama bahdelaad ah ama ciqaab.

karaa Maxkamadda Qaxootiga, oo ama

Xafiiska Imagrationka go’aankooda ku

raaci karta ama beddeli karta go’aanka oo

qofka siin karta sharci.

Codsadayaal

qaxootinimo

Haddii codsiga

qaxootinimada la

aqbalo

Haddii codsiga

qaxootinimada la diido

Magangelyo doon waa qof ajnabi ah oo

qaxooti ahaan dal kale ka codsanaya inuu

iqaamad ka helo. Marka Danmark codsi

qaxootinnimo la qaddimo Waaxda

Socdaalka* ayaa go’aan ka gaareysa in

kiiska lugu qiimeynayo Danmark ama dal

kale ee EU iyo in codasadaha loo celiyo dal

seddaxaad oo amaana kana baxsan EU.

Haddii Waaxda Socdaalku u arko in magangelyo

doonuhu soo buuxiyey shuruudihii

magangelyada, wuxuu qofkaasi

helayaa oggolaasho uu Danmark ku joogo

qaxootinnimo. Intaa kadib waxaa Xafiiska

Imagrationku go’aaminayaa kumuunaha

uu qofku degi lahaa.

Haddii magangelyo doonaha diidma la

siiyo, wuxuu isla markiiba u dacwoon
25

Xubnaha qoyska ee

ugu dhow

Xaasnimada ama wada

noolaashadu waa iney

xaqiiqo tahay

Qoyska isu-keenidda

Dadka sida joogtada ah u deggan Danmark

waxay sida sharciga ajaanibtu*

dhigayo dalka keensan karaan qaar

kamida xubnaha qoyskooda, haddii ay soo

buuxiyaan shuruudo dhowr ah. Taasna

waxaa la yiraahdaa "isu-keenidda qoyska",

taasoo sida caadiga ah khuseysa xaaska iyo

carruurta da’doodu yar tahay.

Iqaamad lama siinayo xaaska ama

saaxiibka aan runta aheyn, ee hadafkeedu

yahay oo kaliya in qofka sharci loogu

sameeyo.

Iqaamadda

Iqaamadda looga gol-leeyahay joogitaan

mudda dheer ah waxaa ugu horreyntii la

siiyaa qaxootiga iyo dadka qoysahaan

lugu keenay. Haddii qofku heysto iqaamadda

looga gol-leeyahay joogitaanka

muddada dheer ah, wuxuu qofku caadi

ahaan heli karaa iqaamadda abadiyada ah

dhowr sano kadib, haddii uu isku taxallujiyey

inuu qalabixinta bulsahada deenishka

sameeyo, isla markaana uu kasoo

baxo shuruudo dhowra. Waxaa kamida

aan deyn ilaa xad gaareysa dowladdu ku

leheyn ama uusan gelin dembi culus.

Helidda iqaamadda

abadiyada

SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA

Shuruudaha ku

saabsan guri,

dhaqaale, wada

noolaasho iwm

Qofka raba in qoyskiisa loo keeno waxa

laga doonayaa inuu soo buuxiyo shuruudo

gaara oo dhowra, taasoo hadba ku xiran

qofka codsanaya nooca uu yahay.Tusaale

ahaan waxaa shuruud noqon karta

xaaladda xagga guriga iyo dhaqaalaha ee

qofka halkan deggan, waxaa kale oo

shuruudda kamida in labada isqabaa

da’doodu ka sarreyso 24 sano. Waana in

xiriirka ay leeyihiin Danmark uu ka culus

yahay kan dal kale. Ujeeddada shuruudahaa

laga leeyahay waxaa kamida in

dadka aadka u yar yar laga difaaco in

lugu cadaadiyo guur aysan dooneyn, isla

markaana lugu dadaalo aasaaska ugu

habboon geeddi socodka qalabixinta.

Haddii qofku sharciga khiyaano ku qaatay,

amase uu sida qof aan la dooneyn uga

diiwaan gashan yahay Sistamka Warbixinta

Schengen*, wuxuu qofku halis ugu

jiraa in sharciga lagala noqdo iyadoo aan

loo eegin in sharcigu abadiya yahay iyo in

kale.

Sharciga muddada xadeysan leh sidoo

kale ayaa loola karaa sababa badan

darteed, kuwaasoo ay kamid yihiin haddii

sababtii qofka sharciga lugu siiyey aysan

run aheyn amase ay baaba’day. Haddii

tusaale ahaan qofka qoysahaan loogu

keenay xaaskiisa oo halkaan deggan, oo

aysanna la nooleyn xaaskaa, sida caadiga

ah qofkaa sharciga waa lagala noqonayaa.

Iqaamadda waa la

kansali karaa ama waa

baaba’eysaa
26

Dib ugu laabashada

dalkii hooyo

SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA

Massafurin

Qaxootiga waxaa u gaara – intii

iqaamad aan dhaceyn laga siinayo – inuu

ku hoos noolaan karo badbaadada bulshada

deenishka, haddii ay dhici karto in

waxyeello loo geysto haddii uu dalkiisii

ku laabto. Taasna waxaa ku hoos jirta,

tusaale ahaan, in iqaamadda lagala

wareegayo haddii uu fasax u aado dalkiisii

hooyo.

Ugu dambeyntii sharcigu – ayadoo

aan loo eegin inuu xadeysan yahay iyo in

kale – qofka caadi ahaan waa ka dhacayaa,

haddii uu ka tanaasulo degaankiisa Danmark

amase uu muddo dheer degganaado

dalka dibaddiisa.

Qofka ajnabiga ah Danmark waa laga

masaafurin karaa, haddii uu galo dembi

culus ee la xukumo.

Haddii aad goorey noqotaba aad ku

taameysid in aad ku laabato dalkaagii

hooyo, hase yeeshee shaki kaaga jiro in

xaaladda dalkii ay amaan tahay, amase

shaki kaaga jiro sidii aad dhaqaale ahaan

isu debberi laheydeen, waxaad talo iyo

tusaale ka heli kartaa Heyadda Qaxootiga

deenishka. Sidoo kale kumuunuhu wuxuu

adiga iyo qoyskaagaba fidinayaa kaalma

dhaqaale oo aad dalkii hooyo ugu

noqotaan ama dal kale oo aad hore u

joogi jirteen. Sidoo kale qeybta ku

saabsan soo dhoweynta degganayaasha

cusub ka eeg bogga 32.

Haddii aad ku taameysid in aad ku

laabato dalkaagii hooyo amase dal kale

oo aad hore u joogi jirtay waa in aad la

xiriirto kumuunaha aad deggan tahay.

Kumuunuhu wuxuu isagoo tixraacaya

xaaladdaada dhaqaale qiimeynayaa

kaalmada lugu siin karo. Saacidaaddu

waxay ka kooban tahay bixinta kharashka

safarka, in lagaa saacido raridda alaabtaada,

saacidaadda degitaanka, gadashada

iyo raridda qalabka shaqada, kharashka

ceymiska jirrada iyo daawo dhakhtarku

kuu qoray oo aad sii qaadaneysid.

Talabixin iyo

saacidaad dhaqaale

Kumuunaha ayaa

qiimeynaya

Haddii aad Danmark ku timid qoysahaan,

aadna dooneysid in aad dalkaagii ku

laabato, waxaa lugu saacidayaa oo kaliya

markii aad la laabaneysid qofkii qoysahaan

luguugu keenay.

Shuruuda gaara oo

khuseeya dadka

qoysahaan lugu keenay
27

Hal mar kaliya

Kaalmada

dibu-qalabixinta

Hal mar kaliya ayey suuragal tahay in

luguu fidiyo kaalma dhaqaale oo aad

dalkii hooyo kula noqoto ama dal kale oo

aad hore u joogi jirtay.

Haddii ay kuu buuxsantay 65 sano, amase

ay kuu buuxsantay 55 sano aadanna

shaqeysan karin, waxaad heli kartaa

kaalma gaara oo la yiraahdo "kaalmada

dibu-qalabixinta". Waana lacag bil kasta

lugu siinayo muddo 5 sano ah. Shardiga

lagaa doonayo si aad lacagtaa u hesho

waa in aad heysato sharciga abadiyada,

isla markaana aad Danmark degganeyd

ugu yaraan 5 sano.

SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA
28 Qaadashada dhalashada deenishka

SOO GELITAANKA IYO JOOGISTA

Sida uu dastuurku dhigayo baarlamaanka

ayaa gaaraya go’aanka in qofka dhalashada

deenishka la siiyo. Waxaana lugu

ansixiyaa sharci gaara oo baarlamaanku

isku raaco in muddaaba mar. Haddaba si

aad u qaadato dhalashada deenishka, waa

in aad soo buuxisaa shuruudaha baarlamaanku

u jideeyey.

Waxaa shuruudda kamida aqoonta

afka deenishka, taasoo caddeyn laga

keenayo iskuulka luqadda ama nidaamka

kale ee waxbarashada. Sidoo kale waxaa

shardi ah in qofku in mudda joogto u

degganaa Danmark. Sida caadiga ah waa

in qofku Danmark degganaadaa ugu

yaraan 9 sano. Dadka aan dal laheyn iyo

qaxootigu waa iney Danmark deggan

yihiin 8 sano. Qofkii dembi gala

dhalashada ma helayo ilaa muddo ay

kasoo wareegto. Haddii qofku galo dembi

aad u culus, taasi waxay keeneysaa

inuusan marna deenish noqon kareyn.

Sidoo kale qofku deenish ma noqon karo,

haddii uu qaranka ka qabo deyn xilligii

dibu bixinteeda la gaaray, marka laga

hadlaayo gudidda lacaga gaara oo

dowladdu ku siisay ama amaah, iyo sidoo

kale canshuur luguugu leeyahay.

Marka aad codsaneysid dhalashada

deenishka waa iney kuu buuxsantay 18

sano. Dhalashada deenishka waxaad ka

codsan kartaa xafiiska boliiska xaafadda

aad deggan tahay. Boolisku waxay sidoo

kale kuu sheegayaan mu ddada ay caadi

ahaan ka shaqeynta codsigu qaadaneyso.

Dadka qaarkood waxay dhalashada

deenishka ku qaadan karaa saxiix qoraal

ah. Marka laga reebo dadka deenishka u

dhashay iyo muwaadiniinta dalalka kale

ee Noradka, waxaa iyaguna kamida

dhallinyarada ajnabiga ah oo aan dembi

gelin, dalkana degganaa ugu yaraan 10

sano. Warbixin dheeraada iyo foomba

waxaad ka heli kartaa xafiiska qaranka ee

maamul-goboleedka ee ku yaalla meesha

aad deggan tahay.

Marka aad hesho dhalashada deenishka

waxyaabaha aad xaqa u leedahay

waxaa kamida, in lugu siiyo baasaboorka

deenishka, in aad u codeyso isuna sharaxdo

doorashada baarlamaanka.
4 MUDADA UGU HORREYSA EE DADKA

CUSUB OO KU SOO BIIRAY DANMARK
Kaalmada iyo

talabixinta kumuunaha

31

Shaqo hel

Iskuulka sare waa

billaaw wanaagsan

Mar alla markii aad Danmark iqaamad

ka hesho, waxaa weeya dhab ahaan in aad

barato bulshada deenishka, oo aad ku

dhaqaaqdo xayaato waxgal leh.

In badan oo kamida nolol maalmeedka

bulshada deenishka waxaa lugu qaataa

goobaha shaqada, mid kamida sida ugu

wanaagsan ee aad ku dhexgeli karto

bulshada deenishkuna waa in aad dhakhso

shaqo ku hesho. Sidaa ayaadna sidoo

kale dhakhso ugu gaari kartaa sidaad

naftaada iyo reerkaagaba ugu filnaan

laheyd.

Hase yeeshee dad badan ayaa dhibaato

kala kulma iney dhakhso shaqa helaan,

maadaama aysan weli in ku filan ka

aqoon luqadda deenishka. Se gooniya uga

eeg fursadahaaga qeybaha la xiriira soo

dhoweynta degganayaasha cusub iyo

shaqo iyo suuqa shaqada. Akhri bogagga

32 iyo 84.

Gelidda iskullada lugu xeroodo* waa xal

wanaagsan. Halkaa waxaad ka heli

kartaa fursado badan oo lugu barto

deenishka, bulshada deenishka iyo

luqadda deenishka intaba. Qeybaha ku

saabsan wacyi gelinta Danmark ka eeg

bogga 104.

Dhamaan degganayaasha cusub waxay

kaalmo iyo latalin ka heli karaan kumuunaha

sida joogtada ah loo dejiyo. Haddii

aad qaxooti tahay waaxda socdaalka*

ayaa isagoo tixgelinaya arrimo badan kuu

raadinaya kumuunihii lugu dejin lahaa.

Markii sharciga lugu siiyo waa in aad la

xiriirto kumuunaha aad deggan tahay, si

luguu diiwaan geliyo. Haddii aad sharciga

ku heshay qaxootinnimo waaxda socdaalka

ayaa kaasoo diiwaan gelinaysa

kumuunaha aad degi doonto. Markii lugu

diiwaan geliyo, waxaa isla markiiba luguu

sameynayaa lambar shakhsi ah), oo ka

kooban taariikhda dhalashadaada iyo

sanadka iyo afar lambar oo qof qofka

kale kaga duwan yahay. Lambarka

shakhsiga ahi wuxuu u egyahay sidatan:

23 (maalinta) 04(bisha) 54(sanadka)

–3476. Lambarka dumarka waxaa ugu

dambeeya tira isla eg (sida 6), raggana

waxaa ugu dambeeya tira isdheer.

Waa in aad isticmaasho lambarka

shakhsiga ah, marka aad la xiriireysid

heyadaha iyo xarumaha qaranka.

Marka kumuunaha lagaa diiwaan geliyo,

isla markiiba waxaad ka diiwaan gashan

tahay ceymiska caafimaadka qaranka,

waxaana lugu siinayaa kaarka ceymiska

caafimaadka. Akhri bogga 110.

Waxaa lugu siinayaa

lambar shakhsi ah

Waxaa lugu siinayaa

kaarka ceymiska

caafimaadka

MUDADA UGU HORREYSA EE DADKA CUSUB OO KU SOO BIIRAY DANMARK
32

Soo dhoweynta degganayaasha cusub

MUDADA UGU HORREYSA EE DADKA CUSUB OO KU SOO BIIRAY DANMARK

barnaamijka soo

dhoweynta

Kontaraad gaar ah,

waxbarid iyo tababarid

Kumuunaha aad degan tahay ayaa kuu

fidinaya barnaamij soo dhoweyneed,

kaasoo kaa caawin doona sida ugu dhakhsaha

badan in aad afka deenishka ku

barato, oo aad isdebberto. Ka qeybqaadashada

barnaamijka soo dhoweyntu waa

lacag la’aan. Nidaamka soo dhoweyntu

waa gacan fidin, haddiise aad qaadatid

lacagta soo dhoweynta, waa waajib ku

saaran in aad ka qeyb gashid dhaqdhaqaaqyada

barnaamijka, isla markaana

aad shaqo diyaar u ahaato.

Nidaamka waxaa loogu talagalay oo

kaliya dadka u dhashay dalal ka baxsan

EU* iyo Norden.

Barnaamijka soo dhoweyntu wuxuu ka

kooban yahay kontaraad shakhsi ah,

koorso ku saabsan fahamka bulshada,

barashada luqadda deenishka iyo tababar

shaqo*.

Kontaraadda shakhsiga ahi ballan kugu

waajib noqoneysa oo idinka dhexeysa

adiga iyo kumuunaha, oo ah in aad isla

soo diyaarisaan. Qaar kalena waa lagasoo

qeyb geli karaa diyaarinta kontaraadda,

si loogu dadaalo iney ximbaarsanaato

dhaqdhaqaaqyada iyo fidinta sida gaarka

ah waxtarka kuugu leh. Kontaraaddu

waxay tusaale ahaan goyneysaa kartaa

heerkee barashada luqadda deenishka

lagaaga billaabayaa. Waxaa kaloo ay

qeexi kartaa dhaqdhaqaaqyada iyo

khibradaha aad u baahan tahay inta

aadan codsan waxbarasho ama shaqo.

Kontaraadda waa in la sameeyo bil

gudaheed kadib markii aad heshid sharciga

ee kumuunaha guri lagaa dejiyo.

Kontaraadda shakhsiga ahi qiima weyn

ayey kuu leedahay inta aad ku cusub tahay

bulshada deenishka. Sidaa darteed waxaa

lagama maarmaan ah in aad shuruud ku

xirtaa. Tusaale ahaan waa in aad

hubsatid, in qorshuhu tixgelinaayo

heerkaaga xagga karaanka iyo baahidaada,

eyna kamid ahaadaan fursado la

taaban karo oo suuragelinaya in aad

horukac sameyn kartid, aadna ka

faa’iideysan kartid aqoontaada iyo khibraddaadaba.

Haddii goorey noqotaba, markii guud

ahaan waqtigu saamaxo, aad rabooto in

aad dib ugu laabato dalkaagii hooyo, waa

in ayadana sidoo kale lugu daraa kontaraadda.Taasi

waxay ku suuroobi kartaa,

tusaale ahaan, in Danmark aad ka hesho

fursad aad kaga shaqeysato dalkii hooyo

ama aad ka qeybqaadato mashruuc

horumarineed ama dibu-dhismeed. Sidoo

kale eeg qeybta ku saabsan dib ugu

laabashada dalkii hooyo bogga 26.

Waa in aad shuruud ku

xirtaa kontaraaddaada

gaarka ah
Kaalma turjubaan

33

Turjubaanku waa

dhexdhexaad

Adigaa ka masuula in aad barato afdeenishka

sida ugu dhakhsaha badan – tusaale

ahaan aad la socoto duruusta af deenishka

ee bilaashka ah.

Haddiise weli aadan ku hadli karin afka

deenishka waxaad xaalado badan ku

gacan siin kara turjubaan. Waana heyadaha

qaranka cidda qiimeyneysa in aad

turjubaan u baahan tahay, ayagaana ka

masuula iney turjubaan kuu dalbaan.

Waxaa luguu qabanayaa turjubaan aad

isticmaasho. Turjubaanka waxaa masuuliyadi

ka saaran tahay inuu turjumo wax

kasta oo la yiraahdo sida ugu dhameystiran,

oo uusanna si kutalagala wax uga

tegin. Turjubaanka waxaa sida heyadda

qaranka u saaran waajibka sirxafididda,

waana inuu ahaadaa dhexdhexaad aan

dhanna raacsaneyn. Turjubaanku waa

inuusan wadahadalka dhexgelin, haddii

uusan faahfaahineyn arrin mugdi ku jiro.

Talooyin wanaagsan – ku saabsan hadlidda

adoo turjubaan adeegsanaya:

• Halahadlin turjubaanka ee la hadal

qofka aad xaqiiqa ahaan la hadleysid.

• U hadal si tartiiba oo qayaxan.

• Sheeg oo kaliya inta aad dooneysid in

turjubaanku sii gudbiyo.

MUDADA UGU HORREYSA EE DADKA CUSUB OO KU SOO BIIRAY DANMARK
5 GURYAHA
Tayada guryuhu waa sarreysaa

35

Heerka guryaha Danmark si aad u muuqata

ayuu ugasoo reynayey lagasoo

billaabo 1950meeyadii. Marka uu dakhliga

deenishku tartiib usii kordhaba, waxaa

lasii dhisaayey guryo waaweyn. Isla

markaana qoysasku waxay dhalayeen

carruur tira yar, gaar ahaanna laga

billaabo 1960meeyadii dad badan ayaa

kali kali ama labo labo u deggan guri

ama abaartamento. 1955 in ku dhow

kala bar dadweynuhu waxay degganaayeen

guryo ka yar qofkiiba hal qol. 45 sano

kadib waxaa caadi noqotay in qoyska qof

walba qol yeesho.

1970 guryaha seddax meeloodoo

meel ayaan laheyn qubeys u gooniya, suuli

ama kuleylka dhexe. 2000 waxay u

degtay boqolkiiba toddoba kaliya,

waxayna eysan gaar ahaan laheyn oo

kliya qubeys u gooniya. In yar maahee

guryaha casriga ah oo dhami waxay

leeyihiin kuleylka dhexe ama kuleylka fog.

taasoo laga wado, in kuleylku ka yimaado

warshadda kuleylka dhexe soo deysa,

taasoo isticmaasha olyo ama gaaska

dabiiciga ah. Gurya tira yar ayaa weli

lugu kululeeyaa foornooyin ku shaqeeya

olyo ama Betroleum.

Gaar ahaan 1960meeyadii ayaa

deenish badani degeen guryaha halka

qoys ah (villooyin). 2000 waxay dadka

guryaha halka qoys ah degani ku laban

laabmayeen kuwii 1955kii. Isla markaana

waxaa hoos u dhacay qeybtii dadweynaha

ka degganeyd guryaha dabaqa ah, oo

hoos ugu dhacday boqolkiiba 50 ilaa

boqolkiiba 30.

Tirada dadka guryaha iska leh ayaa si

aada kor ugu kacday. Sababtuna maahan

oo kaliya, in guryaha halka qoys deggan

yihiin inta ugu badan ay yihiin kuwa ay

ayagu leeyihiin. Laakiin sababtu sidoo

kale waa, in qaar badan oo kamida guryaha

dabaqa ah, oo marki hore ijaar

ahaa, loo beddelay kuwa gaar ahaan loo

leeyahay. Hase yeeshee gurya badan oo

dhabaqyo cusub ah ayaa guryo la kireeyo

ah.

Qiimaha guryaha kirada ah iyo kuwa

la leeyahay aad ayuu u kala duwan yahay,

taasoo ku xiran hadba meesha uu ku

yaallo, da’da dhismaha, weynanka, iyo

sida uu u dayactiran yahay.

GURYAHA
36

Helitaanka meel aad degtid

GURYAHA

Kiro, Qeybka gadasho

iyo lahaansho

Guryaha ijaarka ah badankood waxay ku

yaallaan dhismayaal dabaqyo badan ah.

Qaar badan oo kamida waxaa laga dhisay

baloogyo waaweyn, oo isku meel kaga

yaalla xaafadda guryaha ee magaalooyinka

waaweyn. Kumuunayaashu waxay heystaan

cadad gurya ah, oo ay kamid yihiin

guryaha dhallinyarada iyo waayeellada,

kuwaasoo ay kireystayaasha siin karaan.

Qofku waa inuu soo buuxiyaa shuruudo

gooniya si loo siiyo guryahaas. Kumuunahaaga

weydii fursadaha.

Sidoo kale waxaa jira shirkado

birifaatiye oo guryaha kireeya. Dadka

guryaha leh qaarkood ayaa sidoo kale

iska ijaara hal ama dhowr qol. Waa dhif

in guryaha halka qoys ah layska ijaaro.

Guryaha halka qoys ahi intooda

badan waa gurya si gaara loo leeyahay,

kuwaasoo lugu kala iibsado suuqa guryaha

gaarka ah. Sidoo kale waa suuragal

in la iibsado guryaha abaartamentooyinka

ah ama kuwa safafka u dhisan (rækkehuse).

Qaar ayaa waxaa leh ururrada

saamilayaasha guryaha. Taasoo macnaheedu

yahay, in la saa iibsado saami iyo

sidoo kale xaqa in aad degto guriga.

Haddii aad dooneyso meel aad degtid,

waxaad:

• Weydiisan kartaa xafiiska guryaha ee

kumuunaha.

• Isku qori kartaa liiska sugidda

abaatamentooyinka ee shirkadaha

guryaha*.

• Fiiri xayeesiimaha joornaallada maalinlaha

ah ama jaraa’idyada xaafadaha*.

Ama xayeesiin ayaad qoran kartaa

• Ka baaran kartaa Internetka. Halkaana

bilaash ayaad xayeesiin ugu qoran

kartaa. Internetka maktabadda ayaad

ka geli kartaa.

• Rog bogogga "tilmaanta guryaha" ee

bogagga jaallaha ah* ee buugga telefoonada.

• Ku dheji xayeesiin dukaamada xaafadda

• Weydii qoyska, asxaabta iyo macaruufka.

Xayeesiimaha eeg ama

dadka weydii
Dad badan ayaa deggan guri (villa) ay leeyihiin

Danmark dadweynaha boqolkiiba 63 ayaa deggan guri hal qoys

kaliya. Waana gaar ahaan xaas carruur leh, intooda badanna ayaga

ayaa guriga iska leh.

Guryaha halka qoys kaliya ah intooda badani waa villooyin

(parcelhuse), oo laga wado guryo kali kali u dhisan. Qaar kalena waa

guryo saf ahaan u dhisan (rækkehuse).

Dadweynaha boqolkiiba 30 waxay deggan yihiin guryo ku yaalla

dhismayaal dabaq ah . Waana gaar ahaan qof kali ah ilmana aan

heysan. Guryaha dabaqa ah intooda badani waa guryaha kirada ah

(lejligheder).

Dadka qaarkood waxay deggan yihiin gurya wadaag ah (kollektiv),

oo qof walba qolkiisa leeyahay, waxayna wadaagayaan kharashka,

sameynta raashinka iy howlaha kale ee guriga.

Dhallinyara badan ayaa abaartemento wadaaga, ama qol ka kireysta

cid Villa iska leh.

Ardadu waxay qol ka kireysan karaan guryaha ardada

(Kollegieværelse). Guryaha ardada arday badan ayaa degan mid

walba qolkiisa leeyahay. Caadi ahaan qolalku waxay leeyihiin suuli

iyo qubeys, halka ay wadaagaan kushiinka iyo qolka fadhiga.
38

Guryaha ijaarka ah

GURYAHA

Guud ama gaara

Xaq iyo waajib

Waxaad xaq u

leedahay kontaraadda

kirada

Guryaha kirada ah waxaa leh shirkad

biribaatiya ama shiradaha guryaha

dadweynaha*. Waxaad isku qori kartaa

liiska sugidda guryaha.Taasoo macnaheedu

yahay in guri lugu siinayo markii magacaagu

liiska usoo kor maro. Hase yeeshee

sugiddu waxay qaadan kartaa sanado

badan. Waydii shirkadda guryaha.

Shirkadaha guryaha ee biribaatigaa

inta badan malahan liis sugid. Milkilaha

ayaana gurigii bannaan qofkuu doono siiya.

Kontaraadda kirada

Kireeyaha iyo kireystaha guriga labaduba

waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad.

Waxayna ku xusan yihiin shuruucda

kireynta. Waxaa kamida tusaale ahaan

shuruucda fasixidda guriga. Kireyste ahaan

waxaad sida caadigaa fasaxeysaa adigoo

bixinaya 3 bilood oo digniina. Kireeyuhuna

si kedisa dibedda kuuma xoori karo,

haddii aad waajibaadkaaga dhowrto.

Shuruucda kireynta waxaa sidoo kale

kamida xeerar ku saabsan heerka la

doonayo ineysan kiradu dhaafin, cidda

guriga dayactireysa, iyo meeqa qof ayaa

degganaan karta.

Sida uu ku xusan shuruucda kireynta

waxaad dalban kartaa kontaraadda

kireynta, oo qoreysa heshiiska adiga iyo

kireeyuhu aad kala gaarteen. kontaraaddu

sidoo kale waa iney xustaa ballan ku

saabsan muddada digniinta ee aad guriga

fasixi kartid. Sidoo kalena waa iney

qeexdaa xaallada gurigu ahaanayo,

marka aad ka guureysid.

Ha saxiixin kontaraadda adigoo aan

kulligeed iska akhrin xataa sadarrada yar

yar, hana saxiixin adigoo aan iska fiirin

guriga iyadoo kireeyuhu kula joogo.

Haddii ay jiraan wax guriga ka halleysan

ama ka maqan, waa in aad ku

qortaa ama cad waraaqa oo kale ama

kontaraadda lafteeda, oo kadibna adiga

iyo kireeyuhu aad wada saxiixdaan.

Haddii aad guriga ku aragto dhaawac

ama wax ka maqan, marka aad soo degto

kadib, waa in aad waardiyaha shirkadda

ku wargeliso 14 maalmood gudahood.

Markaa bixin meysid dayactirka dhaawacyo

adigu aadan geysan.

Debaaji ama rahan

Waa in aad ku xisaabtantid in aad bixin

doontid debaaji ama rahan, kahor amase

isla marka bixinta kirada guriga ee ugu

horreysa. Inta uu noqonayase waa in

adiga iyo kireeyuhu aad isku afgarataan.

Kireeyuhu wuxuu rahanta u isticmaali

karaa inuu ku dayactiro dhaawacyada

aad guriga u geysatid. Haddiise aad

guriga uga guurto sidii uu ahaa markii

aad soo degtay oo kale, waxaad xaq u

leedahay inuu rahantaada kuusoo celiyo,

marka aad guureysid.

Haddii aad tihiin xaas guriga wada

degaya, waxaa idiin furan in labadiinna

magac aad kontaraadda ku wada qorataan.

Sidaa ayaa midkiin guriga kusii degganaan

karaa haddii qofka kale dhoofo ama

aad kala tagtaan.

Guriga ka fiiri

dhaawac iyo nusqaan

Dabaajiga kala heshii

kireeyaha

Labada magac ku qor

kontaraadda kirada
39

Waxaa jira xad u

dhigan qolkiiba inta

qof ee deggan

Meeqa qof ayaa deggan

Kireeyayaasha qaarkood ayaa kontaraadda

ku xusa inta qof ee ugu badnaan guriga

degi karta. Kumuunayaashuna waxay

dooran karaan iney xadeeyaan inta qof ee

qolkiiba ka degi karta guriga. Kumuunaha

weydii shuruucda arrintaa khuseysa.

Kireysasho ku meel gaara

Waa suuragal in aad guri kasii kireysato

kireyste ama qof saamile ah. Taana

waxaa loogu yeeraa "Kireynta Kireystaha",

waxaana la oggol yahay 2 sano, ama

mudda ka badan, haddii milkiluhu uu

oggolaado.

Kireyste kasii kireyso

GURYAHA

Kumuunaha ka

weydiiso amaah iyo

kabid

Talabixinta dacwada

Saacidaadda guryaha kirada ah

Waxaad kumuunaha ka codsan kartaa

amaah aad deboosit ahaan ugu dhigato

guriga. Kumuunuhu wuxuu isagoo tixraacaya

xaaladdaada xagga dhaqaalaha

iyo bulshada qiimeynayaa inuu amaah ku

siiyo iyo in kale. Amaahda waxaad soo

gudeysaa.

Kireyste ahaan waxaad sidoo kale

kumuunaha ka codsan kartaa kabidda

kirada oo loo yaqaan cemiska guriga.

Kumuunuhu wuxuu cadadka kabidda ku

jaangoynayaa:

• Meeqa qof ayaa guriga deggan

• Weynanka guriga

• Inta kiradu la egatahay

• Inta dakhligiinna guud la egayahay

marka laysu geeyo.

Dadka howlgabka ahi waxay codsan

karaan kaalma guri oo gaara.

Haddii aadan ku qanacsaneyn go’aan

kumuuhunu kaa gaaray, waxaad ka

dacwoon kartaa. Waraaqda kumuunuhu

kuusoo direy waa in ay ku qornaato

talabixin dacwo oo kuu sheegeysa heyadaha

aad u dacwoon karto, iyo muddada

aad heysato.

Beddelasho

Shirkadaha guryaha iyo guryaha saamileydu

leedahay qaarkood waxaa suuragal

ah in aad guriga ka beddelato kireyste

kale.Taasoo macnaheedu yahay in haddii

aad guri heysato aad ku beddelan karto

mid ka yar ama ka weyn. Amase guri kale

oo ku yaalla xaafad kale.Waydii xafiiska

maamulka guryaha*, in aad guriga

beddelan karto.

Iska horimaad iyo dacwo

Haddii adiga iyo kireeyuhu aad isku fahmi

weysaan, tusaale ahaan, dayactirka, beddelasho

ama sii kireynta, waad ka

dacwoon kartaa. Haddii aad deggan

tahay guryaha shirkadda dadweynaha,

waxaad u dacwoon kartaa guddi dacwooyinka

degganayaasha oo gaar ah.

Weydii ururka degganayaasha* ama

kumuunaha, sidii aad ula xiriiri laheyd

guddigaa.

Haddii aad deggan tahay shirkad

guryaha oo biribaati ah waxaad u dacwoon

kartaa guddiga kirada guryaha*.

Waana sidoo kale haddii aad deriska isku

qabataan, tusaale ahaan, tan ku saabsan

shanqar.

Ka bedelo kireyste
40

GURYAHA

Talabixin ku saabsan

guryaha

Latalin

Shirkadaha guryaha dadweynaha ee

waaweyn qaarkood waxay leeyihiin waax

dadka kala talisa arrimaha guryaha,

kuwaasoo ku siinaya talooyin wacan oo

ku saabsan arrimaha la xiriira guryaha.

Sidoo kale waxay kaa caawinayaan in aad

fahamto waraaqaha ku saabsan guriga.

Dimoqoraadiyadda degganayaasha

Shirkadaha guryaha dadweynaha waxay

leeyihiin dimoqoraadiyad degganayaasha

oo horumarsan, taasoo macnaheedu

yahay in degganayaashu ay iska dhex

doortaan wakiillo uga qeybgala guddiga

degganayaasha, kaasoo saameyn ku

yeelanaya, tusaale ahaan, sidii dhulka

dadka kawada dhexeeya loo farsameyn

lahaa. Wakiillada degganayaashu waxay

sidoo kale isku raaci karaan nidaam

shirciyeed guryaha, abaabulina karaan

xarakaadyo loo dhan yahay.

Dimoqoraadiyadda

degganayaasha

guryaha shirkadaha

dadweynaha

Waad ka qeyb qaadan kartaa

Haddii aad deggan tahay guryaha xaafadda waxaad ka qeyb qaadan

kartaa sidii xaafadda loo hagaajin lahaa. Waxaad ka qeybqaadan

kartaa doorashada wakillada guddiga degganayaasha, guddiga

guryaha wadaagga ah ama ururka dadka dhulka leh ama noocya

kale oo degganayaasha ku lug leh. Waxaad ka qeyb qaadan kartaa

shirarka iyo abaabullada degganayyashu qaban qaabiyaan. Waana in

aad si firfircooni ah uga qeybgashaa, haddii aad tahay wakiil

degganayaashu ay doorteen ama in aad soo jeediso abaabul ku wajahan

carruurta iyo dadka waaweyn intaba. Sidaa ayaadna u saameynta

kartaa guryaha xaafaddaada ulana kulmi kartaa deriskaaga.

Sidoo kale shirkadaha guryaha biribaatigaa

ee waaweyn waxaa degganayaashu iska

dooran karaan wakiillo danahooha u

qaabilsan xagga kireeyaha. Wakiillada

degganayaashu waxay xaq u leeyihiin iney

helaan xisaabaadka kireeyaha guryaha,

uuna kala tashado, tusaale ahaan, inta

kireeyuhu uusan kirada kordhin ama

uusan dayactir xoog leh billaabin.

Guryaha degganayaasha iyo qolka

wadaagga ah

Guryaha dadweynaha iyo kuwa saamileyda

ah badankood waxay leeyihiin guryo degganayaasha

ama qolal la isla wadaago, oo

degganayaashu ay ku qabsan karaan

abaabulla kala duwan. Haddii aad tahay

deggane waad kireysan kartaa guriga

degganayaasha, si aad xaflad ugu qabsatid.

Sidoo kale fursadda

saameynta guryaha

gaar ahaaneed

Aadidda shirarka iyo

xafladaha

Weydii marka aad soo degto, sida degganayaasha xaafaddu u

kulmaan iyo inuu jiro urur degganayaasha*.
Guryaha wadajirka

loo iibsado

Guryaha sida gaarka

loo leeyahay

41

Waxaad ka qeyb

qaadaneysaa go’aaminta

sharciyada iyo

dhaqdhaqaaqyada

Shirweynaha guud

ayaa go’aaminaya

kirada guryaha iyo

qiimaha saamiga

Guryaha saamileydu waa mid kamida

guryo (villooyin) badan ama mid kamida

abaartamentooyin badan, oo ay leeyihiin

maamulaanna urur saamileyda guryaha.

Si aad u hesho guri saamiya, waa inaad

iibsato saami. Sidaa ayaadna wax ugu

yeelaneysaa dhismaha dhismaha oo dhan,

xaqna ugu yeelaneysaa guri. Saamiga

kasokow waa in aad kiro siineysaa ururka

saamileyda.

Saamile ahaan waxaad isla markaa xubin

ka tahay ururka saamileyda dhismaha.

Halkaa waxaad adiga iyo saamileyda kale

wada go’aamineysaan, tusaale ahaan,

abaabullada ururku sameynayo iyo

shuruucda khuseynaya ururka iyo degganayaasha.

Go,aamada muhiimka ah ee ururka saamileyda

dhismaha waxaa lugu gaaraa

shirweynaha guud ee sanadlaha ah.

Waana shirweynaha guud cidda go’aamineysa

meeqa ayuu qiimaha saamigu

noqonayaa iyo inta kirada lala ekeysiinayo.

Meelaha qaarkood qiimaha saamigu aad

ayuu u yar yahay, hase yeeshee kirada

bisha ayaa badan. Meela kalena waa taas

caksigeeda. Hase yeeshee guryaha saamileyda

intooda badan waxay ka qiima

jaban yihiin guryaha gaarka loo leeyahay.

Guri gaar loo leeyahay wuxuu noqon

karaa guri villaa ama abaartamento uu

qofku iibsado.

Si aad u iibsan kareyso guri lahaansho

gaar ahaaneed waa in aad leedahay

dhalashada deenishka. Hase yeeshee

haddii aad sharci leedahay waxaa laga

yaabaa in luguu oggolaado, haddii aad

codsato. Foomka codsiga waxaad ka heli

kartaa Wasaaradda Cadaaladda.

Dallaalka guryaha iyo qareen

Guryaha lahaanshaha gaar ahaaneed

intooda badan waxaa la gadaa ayadoo la

adeegsanayo dallaalka guryaha. Eeg

xayeeysiimaha joornaallada ama

Internetka, ama dallaalka guryaha ee

xaafadda aad dooneysid in aad guri ka

iibsatid.

Dallaalka guryaha marka ugu horreysa

wuxuu metelayaa gadaha, hase

yeeshee wuxuu iibsadaha siin karaa

talooyin la xiriira sharciyada iyo xuquuqda

la xiriira beeca.Waad dooran kartaa

in aad guri iibsato dallaalka guryaha

la’aantii.

Hase yeeshee iyadoo aan eegin qaabka

aad dooraneysid, waxaa wanaagsan in

aad qareen adeegsato. Sidaa ayaadna ku

hubsaneysaa in dantaada la tixgeliyey.

Sidoo kale qareenku wuxuu ku jiraa

ceymis megdhaw kabixinaya wixi khalad

ah ee qareenku galo.

Ogolaashada

gadashada guryaha

Talabixin ku saabsan

sharciyada iyo xuquuqda

Had iyo jeer adeegso

qareen

GURYAHA
42

Sharciyada ku saabsan guryaha

iyo nawaaxiga guryaha

GURYAHA

Bangi mase heyadda

amaahda hantida

maguurtada ah

Amaah

Waxaad lacag guri gadasho ka amaahan

kartaa bangiga ama xarunta amaahda

guryaha*. Bangigu wuxuu intuusan kuu

oggolaan qiimeynayaa sida aad amaahda

dib ugu gudi karto. Halkan waxaa door

weyn ka dheelaya in aad shaqeyso iyo in

aad dakhli joogta ah leedahay. Xarunta

amaahda guryahase guriga ayaad rahan

u dhigeysaa.

Waardiyaha

Dhismayaasha la kireeyo iyo guryaha

saamileyda intooda badan waxay leeyihiin

waardiye u shaqeeya milkilaha, wuxuuna

qabtaa howlaha asaasiga ah sida tusaale

ahaan dayactirka meelaha wadaagga ah.

Waardiyuhu wuxuu sidoo guryaha ka

fuliyaa dayactirro yar yar ama wuxuu ugu

yeeraa farsamayaqaan. Waardiyuhu

wuxuu yaqaannaa xerarka shuruucda iyo

nidaam sharciyeedka guryaha.

Dhameynaya waxyaabaha

yar yarka ah

Dhismayaasha la kireeyo iyo guryaha

saamileyda intooda badan waxay leeyihiin

nidaam sharciyeedyo.Waxaana sameeyey

milkilaha guryaha ama degganayaasha

ayaa go’aansaday. Nidaam sharciyeedku

wuxuu dhigayaa sharciyada sida dhaqidda

jaranjarada, nadaafadda, xayawaanaadka,

iyo xereysashada baaskiillada iyo gaariyaasha

carruurta.

Haddii shaki kaaga jiro xeerarka nidaam

sharciyeedku qorayo, haddaba weydii

waardiyaha ama deriskaba.

Weydii wixii aad ka

shakisid

Qashanka

Kumuunayaashu waxay leeyihiin sharciyo

kala duwan oo ku saabsan sida qashaanka

loola tacaalayo. Meela badan waa in

degganayaashu qashanka kala soocaan

kadibna ku ridaan mid walba weelka ama

konteenarka loogu tala galay. Taas macnaheedu

waa in qashanka kushiinka, dhalooyinka

iyo waraaqaha mid kasta

konteenarkiisa lugu rido.

Kala soocidda

qashanka
43

GURYAHA

Shanqar iyo xaq dhowr

Marka dad badan ay isku meel wada deggan yihiin, si gaara ayey

muhiim u tahay, in lays xaq dhowro.Taasoo macnaheedu yahay in la

dhowro nidaamka guryaha, oo guud ahaanna la ixtiraamo deriska,

oo aan la buuqin ama aan la sameyn wasaq dhibeysa dad kale.

Guryaha dabaqa ah derisku kama maadan karaan in ay is maqlaan.

Tallaabada dhulka la dhigayo, codka dheer, ooyinta carruurta iyo

codka TVga iyo muusig mar mar ah intuba waxay la xiriiraan nolol

maalmeedka.

Hase yeeshee haddii shanqar caadi ahi noqoto qeyla joogta ah, taasi

markaa waa wax aan loo dulqaadan karin. Haddii aysan wax ka

beddeleyn inaad la hadasho deriska shanqaraya, waxaad la hadli

kartaa guddiga ururka degganayaasha ama waxaad u dacwoon

kartaa waaxda dacwooyinka degganayaasha kumuunaha ama guddiga

kirada guryaha*.Taasina waxay keeni kartaa in deriska shanqaraya

lugu khasbo inuu guuro.

Rinjiga gaboobay, olyada, bateriga iyo

haraaga daawada, kuwaasoo khatar ku

noqon kara bii’ada iyo caafimaadka, waa

in la geeyo meelaha sida gaarka ah loogu

uruuriyo. Qashinka waaweyn sida moobilka

iyo firinjiteerrada waa in la geeyo goobaha

qashinka ee mar labaad la isticmaali

karo*. Weydii kumuunaha sharciyada

khuseeya meesha aad deggan tahay.

Anteenada

Guryaha kirada ah intooda badan waxay

nidaam anteena wadaag ah, oo isla

markiiba aad kamid tahay marka aad

guriga soo degto. Waxayna noqon kartaa

nooca loo yaqaan "Hybridnet" (Kabel-tv)

ama qalab anteena dadka kawada

dhexeysa. Caadi ahaan wuxuu qarashka

Shuruucda sida gaar

ka ah u khuseysa

qashanka khatarta u

ah bii’adda iyo

caafimaadka

Anteenada wadaaggga

ah ee guryaha kirada ah
44

GURYAHA

anteenadu lasocdaa kirada guriga.

Waxaad anteenna dhegsan kartaa oo

kaliya marka milkiluhu kuu oggolaado.

• Alaabta ku dhaqanaya weel biyo ku

jiraan, ee aadan isticmaalin biyo iska

soconaya.

Ururrada dadka

guryaha leh qaar ayaa

anteena wadaaga leh

Ururrada anteenada

ayaa xukuma

kanaallada

Canshuuraha dadbani

waa badan yihiin

Haddii aad deggan tahay guri aad leedahay

waad xiran kartaa anteena kuu

gooniya. Waxaase dhici karta in ururka

milkilayaasha guryuhu* ay leeyihiin nidaam

anteena wadaag ah.

Qaar badan oo kamida nidaamyada anteena

wadaagga ayaa waxaa u sameysmay

qaab ah urur anteeno. Hakaana waxaad

ka qeybgeli kartaa go’aanka kanaallada

laga fiirsan karo guryaha xaafaddaada.

Korontada, Biyaha iyo kuleylka

Danmark isticmaalka korontada, biyaha

iyo kuleylku guud ahaan waa qaali.

Bulshadu waxay daneyneysaa iney xadeyso

isticmaalka tamarta si ay badbaadiso

bii’ada. Sidaa darteed ayaa canshuuraha

isticmaalka tamartu u sarreeyaan.

Waad yareyn kartaa isticmaalkaaga

korontada, biyaha iyo kuleylka, tusaale

ahaan adigoo:

• Daminaaya nalalka qolalka aan la

joogin.

• Isticmaalaya nalalka koronta cuniddoodu

yar tahay. Nalalkaasi caadi

ahaan waa ka qaalisan yihii kuwa

caadiga ah, hase yeeshee 10 jeer ayey

ka cumri dheer yihiin.

• Ku qubeysanaya tubbada shaawarka,

meesha aad berkedda ka isticmaali

laheyd

Bedelidda Dhismaha

Haddii aad guriga adigu leedahay, sidii

aad doonto ayaad gudihiisa u habeysan

kartaa ama dib ugu dhisan kartaa.

Ayadoo la taxaderaayo amaanka ayaase

waxaa jira sharciyo dhowr ah kuna

saabsan gelinta korontada, biyaha iyo

kuleylka. Qaarkoodna waa iney geliyaan

farsamayaqaanno la aqoonsan yahay.

Haddii aadan sharciga dhowrin, Ceymisku

ma bixinayo magdhawga wixii dhaawacyo

ah oo yimaada.

Haddii aad dooneysid in aad si weyn u

bedesho dibedda sida tusaale ahaan

dhisidda koridoor ama barando, ama aad

dooneysid in aad dhisato daash ama

garaash baabuur, waxaa haddaba jira

shuruuc iyo qawaaniin badan oo ku

saabsan weynanka iyo qaabkaba. Haddaba

la xiriir xafiisyada ku shaqada leh ee

kumuunaha si aad hore ugu heshid oggolaashooyinka

lagama maarmaanka ah.

Haddii aad kamid tahay ururka guryaha

wadajirka loo iibsado, waa in aad iska

hubisaa in xeer hoosaadka ururku dhigayo

wax xadeyn gaara ah inta aadan

dhismaha ku dhaqaaqin.

Haddii aad guriga kireysatay, waxaad

guriga ku sameyn kartaa isbedello iyo

hagaajin xadeysan.

Sharciyada korontada,

biyaha iyo kuleylka

Kala tasho kumuunaha

wixii ballaarin ah

Dadka saamiyada

leh waa iney guddiga

wargeliyaan

Kireystayaashua iyo kireeyuhu

waa ka ballamaan

wixii beddelid ah
45

Si xor ah ayaad u rakiban kartaa

mashiinnada dharka ama alaabta dhaqa,

waase in rakibaadda la ansixiyaa. Haddii

aad dooneysid in aad sameysid isbeddello

waaweyn sida in aad dhisato kushiin

cusub ama aad dayactirtid musqusha,

waa in aad oggolaasho uga heysataa

kireeyaha. Qarashka shaqada adiga ayaa

iska bixinaya, waxaase laga yaabaa in

lacagta qaar uu kuu celiyo kireeyuhu,

marka aad guureysid.

La hadal kireeyaha ama xafiiska

maamulka dhismaha, ka hor inta aadan

howlgelin.

GURYAHA

Ceymiska

Ceymiska degaanku wuxuu khuseeyaa

inta guriga ku nool oo dhan, wuxuuna

megayaa hantida sida moobilka, dharka,

qalabka muusigga iyo TV, haddii la xado

ama ay ku baaba’aan tusaale ahaan dab

ama fatahaad. Xatooyada waa isla

markiiba booliska lugu wargeliyo, haddii

kale ceymiska magdhaw kama heleysid.

Inkastoo aad qol kira ah ka deggan tahay

villo ama abaartamento, waa muhiim in

aad leedahay ceymis adiga degaankaaga

daboolaya.

Magdhawga xatooyada,

gubasha iyo fatahaadda

Haddii aad deggan

tahay qol kiro ah

Arrimaha ceymiska ka akhriso bogga 97.
46 Guurid

GURYAHA

Waa in aad wargelisaa

marka aad guureysid

Kumuunayaashoo dhan waxay diiwaan

geliyaan dadka kumuunaha deggan. Haddaba

haddii aad guureysid waa in aad

kumuunaha lasocodsiisid. Waana iney

noqotaa ugu dambeyn shan maalmood

kadib, marka aad guurtid.

Galka guuritaanka ka

qaado boostada

Xafiiska boostada ayaad ka heli kartaa

galka guurista, oo ay ku dhan yihiin

dhamaan waraaqaha iyo foomamka aad

isticmaaleysid, marka aad sheegeysid

guurista.
6 QOYSKA
Qoyska iyo bulshada

49

Xuquuq siman iyo

masuuliyad wadaaga

Mujtamaca deenishku wuxuu ku saleysan

yahay ixtiraamka qofka shakhsiga ah iyo

masuuliyadda wadajirka ee noloshada

qoyska iyo nolosha bulshada intaba.

Taana waxaa kamida, in ragga iyo

dumarku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad

isku mida, in ay kawada qeybgeli karaan

arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha si

siman.

Waxaa sidoo kale kamida, in qofka

shakhsiga ah iyo qoysaskuba iyagoo la

kaashanaya mujtamaca masuuliyadi kawada

saaran tahay, in carruurta dhallinyaradu

helaan koritaan iyo waxbarasho

wanaagsan.

Mujtamacu waxay iyadoo la kaashaneysa

qoysaska iyo qofka shakhsiga ah

howla kala duwan oo fara badan,

kuwaasoo khuseeya caawinta dadka ay ku

adag tahay iney isaga filnaadaan howl

maalmoodkooda.

Howl maalmeed ku mashquuliya

Shaqadu waxay aad u buuxisaa nolol maalmeedka

qoysaska. Qoysaska intooda badanna

ninka iyo naagtuba waa shaqeeyaan, waqtiga

shaqadooduna ilaa heer waa isku mid.

Gaar ahaan qoysaska carruurtoodu yar yar

tahay dadka waaweyni waqti aad u badan ayey

ku bixiyaan shaqo iyo waxbarasho.Taasoo

macnaheedu yahay, in aan waqti badan loo

heyn nolol qoys iyo daryeelka qofka aadka u

xanuunsan.

Taasina waa mid kamida sababta keentay, in

Danmark qoysasku heyadaha qaranka u daayaan

qabashada qeyba kamida howlaha

caamka ah. Waxaana sidaa darteed u suuragala

cuuryaamiinta, dadka jirran iyo waayeellada

aan isdebberi karin in lugu haayo xarumaha

maalinlaha ama la dejiyo guryaha xanaanada.

Waa caadi in carruurta yar yar lugu haayo

xarun maalmeed ama heyn maalmeed. In

kabadan boqolkiiba 90 carruurta u dhexeysa 3

ilaa 5 sano waxaa lugu haayaa guriga dibaddiisa.

Carruur badan oo rooroon ayaa iyaguna

iskuulka kadib taga xarumaha waqtiga fasaxa

iskuulka ama xarunta xilliga fasaxa. Eeg

bogga 73.

QOYSKA

Dumar aad u yar ee deenisha ayaa guriga ka

shaqeeya. Laakiin weli dumarka ayaa qabta

howsha guriga inteeda badan. Hase yeeshee

howl qeybsigu waa sii sinmayaa, gaar ahaan

qoysaska carruurta yar yar heysta, kuwaasoo

naagtu ay dhallinyar tahay, ayna leedahay

tacliin sare iyo shaqo intaba.
50

Noocyada kala duwan ee qoyska

QOYSKA

Billowga waqtigii 1900meeyadii waxaa

caadi aheyd in qoysaska deenishku

carruur badan dhali jireen. Hase yeeshee

100kii sano ee ku xigtay tirada qoysaska

carruurta badan lahaa hoosey u dhacday,

isla markaana waxaa caadi noqotay in

kali ahaan laba qof kaliya loo dego.

Halka qoysasku isku celcelis ay ka koobnaayeen

4,3 qof sanadkii 1901, tiradu

waxay aheyd 2,2 sandkii 2000.

Isbeddellada ugu waaweyni waxay dhaceen

laga bilaabo 1960meeyadii. Qoysaska ka

kooban aabbe, hooyo iyo carruur weli waa

kan ugu caadisan, carruurta ka yar 18

sano marki 4 loodhigo 3 meel ayaana weli

la degganaa waalidkood sanadkii 2000.

Dad badan ayaa guursada marka waayeeloobaan,

halka qaar kale oo badanna ay

wada noolaadaan iyagoo aan isqabin.

Qaar kamida xaasaska ayaa kala taga, oo

dib u raadsada cid kale oo ay la noolaadaan.Taasna

waxay keentaa in carruurtu

ku dhex koraan qoysas ay kamid yihiin

"cusub" aabbe, hooyo ama walaalo. Sidoo

kale carruur badan ayaa la deggan hooyo

ama aabbde kaliya, inkastoo ay si joogto

ah usoo booqdaan waalidka kale.

Sidaa ayeyna Danmark uga asaasmeen

noocya badan ee shabakado qoyska oo

kala duwan, kuwaasoo ka duwan aadna

uga dabacsan sida xaaladdu ahaan jirtay

boqol sano ka hor. Laakiin si kastaba ha

ahaatee waxay noqon karaan kuwa aad u

hagaagsan aadna isugu xiran.

Noocyada Qoysaska

Sanadkii 2002 waxaa Danmark wadar ahaan

ka jiray in ku dhow

2,9milyan oo qoys, oo isku celcelis ahaan

noqonayey

2,2qof qoyskiiba.

Waxay haddaba u kala qeybsanaayeen qiyaas

ahaan noocyada qoysaska soo socda:

14 % Xaas isqaba carruurna leh,

4 % Qaar isla nool carruurna leh,

21 % Xaas isqaba oo aan carruur laheyn,

6 % Qaar isla nool oo aan carruur laheyn,

4 % Hal waalid oo carruur heysta,

49 % Qof kaligii nool oo aan carruur heysan.

Xigasho: Danmarks Statistik
Xiriirka labada qof wada nool

51

Guur

Cidna waa inaan guur

lugu qasbin

Duqa magaalada mase

wadaadka kaniisadda

Waajibka

ismasruufidda

Labada qof waa isguursan karaan markii

ay u buuxsanto 18 sano. Dhallinyarada ka

yar 18 sano waa iney oggolaasho gaara ka

codsadaan xafiiska maamul goboleedka.

Sidoo kale sharciya gaara ayaa khuseeya,

haddii qofku doonayo inuu dibedda qof

kasoo guursado kadibna looguu keeno

Danmark. Waa inuusan qofku hore xaas

u aheyn, waana inuusan guursan walaal

ama qaraabo dhow, taasoo laga wado

waalidka, carruurta iyo waalidka waalidkii.

Sidoo kale qofku waa inuu isagu

go’aansadaa, qofka uu doonayo inuu

guursado. Danmark guurka aasaaskiisu

waa khiyaarka labada qof, waana sharci

darro, in qofka lugu khasbo guur uusan

raalli ka aheyn. Haddii qofka guurka lugu

khasbay, guurkaas waa la kansali karaa.

Waxaa laysku guursan karaa qaab

madani ah ama kaniisadda. Nikaaxa

madaniga ah meherinaya duqa magaalada.

Nikaaxa kaniisaddana waxaa ridaya

sheekha kaniisadda dadweynaaha ama

diin mujtamacyo kale, halkaasoo wadaadku

uu oggolaasho wax mehrin heysto.

Nikaaxyada ka dhacay dalal kale

waxay sharci ahaan Danmark la mid

yihiin kuwa ka dhacay halkaan.

Marka laba qof ay is qabaan waxaa waajib

ku ah in ay dhaqaale ahaan is biilaan,

taasoo loo yaqaan waajibka ismasruufidda.

Guud ahaanna wax kasta oo qofku

leeyahay waxay kawada dhexeeyaan

labada qof. Marki carruuri timaadana

labada qof waxaa ka dhexeysa masuuliyadda

carruurta.

Marka dadku ay doortaan iney isla degaan,

lagana yaabo iney ilmo isu dhalaan iyagoo

aan isqabin, arrintaa waxaa loogu yeeraa

"guurka aan waraaqda laheyn".

Haddii labada qof waraaq la’aan ay isla

deggan yihiin, toos isuguma yeelanayaan

waajibaadka xagga sharciga ama dhaqaalaha

ah sida dadka isqaba oo kale.

Gaar ahaan waxay arrintaasi muhiim

noqotaa haddii carruuri jirto, ama marka

la kala guurayo.

Haddii carruur leysu dhalo iyadoo aan

leys qabin, hooyada ayaa heleysa masuuliyadda

waalidnimada, haddii labada waalid

aysan ku heshiinin in ay wada yeeshaan

masuuliyadda waalidnimada*.

Qoys aan isqabin kala tegayo, waa in ay

ku heshiiyaan wadaagidda waxyaabaha

ka dhexeeya, haddii ay deyn qabaanna qof

kastaa tiisa iska bixiyaa. Sidoo kalena

waa iney isku afgartaan halka carruurtu

degi lahaayeen. Haddii ay ku heshiin

waayaan sidey wax u qeybsan lahaayeen,

waa in maxkamadi u kala saarto. Haddii

ay ku heshiin waayaan qofka carruurtu la

degayaan, waa iney gacan weydiistaan

xafiiska gobolka*.

Danmark qaniisiintu degganayaasha kale

ayey kala mid yihiin xagga xuquuqda iyo

waajibaadka, waxayna isla geli karaan

Guur waraaq la’aan ah

Masuuliyadda

waalidnimada

Isafgaranwaa wuxuu

sababi karaa dacwad

maxkamadeed

Wada noolaashada

diiwaan gashan

QOYSKA
52

QOYSKA

Qeybsanaya masuuliyadda

carruurta

wada noolaasho diiwaan gashan, taasoo

sharci ahaan u xireysa sida guur oo kale.

Kala tegid iyo isfurid

Haddii aysan xaaska la aheyn inuusan

qofka kale la noolaan karin, wuxuu xaq u

leeyahay inuu ka tago. Kala tegiddu waa

nooc ah waqti tijaabo, halkaasoo labada

qof ay kala degganaanayaan, laakiin ay

weli isqabaan. Ninka iyo naagtu waxay

isfuri karaan, markii ay kala degganaayeen

muddo hal sano ah. Haddii ay ku

heshiiyaan in ay isfuraan, waxay isfuri

karaan 6 bilood kadib.

Haddii gogoldhaaf ama jirdilyo ay

furriinka sabab u yihiin, waxay isfuri

karaan iyagoo aan hore u kala guurin.

Haddii ay carruur leeyihiin ayaga ayaa ku

heshiinaya sidii ay u qeybsan lahaayeen

masuuliyadda carruurta. Haddii ay ku

heshiin waayaan shuruudaha furitaanka,

waa in ay gacan weydiistaan xafiiska

gobolka*. Ugu dambeyntiina dacwadda

maxkamad ayaa dhedhexaadin karta.

Waalidka aysan carruurtu la degganeyni

waa inuu kan kale siiyaa lacag u gooyaa.

Waana lacag yar, wuuse u badin karaa

hadduu doono. Lacagta carruurta loo

gooyo canshuurta ayaa caadi ahaan laga

goosan karaa.

Lacagta carruurta ee

aabaha laga jaro

Ilma soo rididda sharciga ah

Danmark ilma soo rididda sharciga ahi waxay ka jirtay lagasoo

billaabo 1973.Taasoo macnaheedu yahay, in naagtu xaq u leedahay

in isbitaalku ilmaha si kutalagala uga rido, inta uusan uurku

dhaafin asbuuca 12aad. Xaalado aad u khaasana waxaa suuragala

in ilmaha lasoo rido xilligaa kasii dambe.

Haddii aad dooneysid in aad ilmaha iskasoo ridid, la xiriir dhakhtarkaaga,

kaasoo kuu diri doona isbitaalka. Soo rididda ku talagalka

ah waxaa caadi ahaan loo sameeyaa sida qalliin oo kale,

waana lugu suuxinayaa. Waxaa sidoo kale suuragala in daawo loo

adeegsado soo rididda ilmaha. Waana ilma soo ridid kaniiniyaal la

cuno ay u sabab noqdaan.

Haddii qof doonayo inuu ka guuro oo ay

isfuraan xaaskiisa waa inuu la xiriiro

xafiiska gobolka uu deggan yahay. Haddii

aad deggan tahay København, waxaad la

xiriiri kartaa Overpræsidiet* (oo la mida

xafiiska maamul goboleedyada). Halkaana

waxaad ka heli kartaa talabixin ku saabsan

arrimaha kala tegidda, furriinka,

masuuliyadda waalidnimada, qeybinta

guriga, lacagta waalidka carruurtiisa loo

jaro ama xaas hore.

Naagta ayaana kaligeed go’aansaneysa in ilmaha lagasoo rido iyo

in kale.

Sanad kasta Waxaa Danmark lasoo ridaa 15.000 ilaa 20.000 oo

ilmaa. Dadka qaar ayeyna la tahay iney aad u badan yihiin. Mid

kamida doodda looga soo horjeedo ilma soo rididdu waa, in ay

damiir ahaan qalad tahay in naf la gooyo. Aragtida qawaaniinta

asaaska u ahi waa, in fursadda ilma soo rididdu ay muhiim yahay,

si looga maarmo in dumarku dhalaan ilma aysan dooneyn amase

ay naftooda khatar ku geliyaan adeegsiga ilma soo rididda sharci

darrada ah.
Marka bulshadu arrinta soo

faragelineyso oo ay gacan siineyso

53

Cidna waa inaan dhib

loo geysan

Kaalmada gargaarka

deg degga iyo

xarumaha gargaarka

Saacidaad raadso inta

aan dhib dhicin

Waxa ka dhacaya inta u dhexeysa guriga

afartiisa derbi waxay khuseysaa sirriyada

nolosha, qaranka iyo kumuunuhuna

sooma farageliyaan. Hase yeeshee qoyska

cidna – carruur iyo cirroolaba – waa

inaan loo geysan jirdilyo ama xadgudub

toona. Haddii qofka wax lugu dhufto, la

hendedo ama galmo lugu qasbo, markaa

qofku waa inuu saacidaad raadsadaa,

isagoo la xiriiraya kumuunaha ama,

haddii xaafadaha ay ku yaallaan, xarumaha

gargaarka degdegga ah iyo

xarumaha talabixinta.

Xaalada degdegga ah wuxuu qofku ku

wareegi karaa xarunta degdegga ah, oo

uu ka heli karo meel uu seexdo inta

xaalkiisu meel u dhacayo. Isla markaa

waxaa suuragala inuu helo kaalmo xagga

arrimaha bulshada, maskaxda iyo xannaaneyntaba

ah.

Xarumaha gargaarka waxay dalka

kaga kala yaallaan meela kala duwan,

qaar ragga iyo qaar dumarkaba. Xarumaha

gargaarka badankooda waxaa

loogu talagalay dumarka u baahan ka

difaacidda ninka dilaya amaba qof kale si

xun ula dhaqmaya.

Waxaa lagama maarmaana in aad gargaar

doonatid inta aan arrintu gaarin

heer aad xarun gargaar u guurtid. Haddii

aad gargaar u baahan tahay la xiriir

kumuunaha ama xarunta talabixinta,

halkaasoo aad xaq u leedahay in aad

qarsoodi ahaato.

Carruurta iyo qofka weyn ee cudud ahaan

ama maskax ahaan cuuryaanka iyo

qoysaskoodu waxay heli karaan gargaar

nolol maalmeedkooda u fududeynaya.

Hadafkuna waa in qofka cuuryaanka ahi

ku noolaado nolol aad u nashaad badan,

sida u mudunna ugu dhow molosha

caadiga ah. Degmooyinka iyo gobolladu

waxay leeyihiin lataliyaal cuuryaamiinta,

kuwaasoo kala taliya xagga fursadaha

helitaanka qalabka cuuryaamiinta, guryaha,

waxbarashada iyo shaqada.

Carruurta cuuryaamiinta ah intooda

badani waalidiintooda ayey la deggan

yihiin, waxayna dhigtaan xarumaha

xannaanada, iskuullada iyo xarumaha

waqtiga fasaxa ee caadiga ah. Hase

yeeshee qaar ayaa dhigta xaruma xannaano

ama iskuullo gaara, halkaasoo

carruurta ay tababaraan ama waxbaraan

shaqaale aqoon gaara u leh.

Dhallinyarada iyo waayeelkaba waxaa

loogu talagalay waxbarasho gaara,

xarumo maalintii ama afar iyo labaatan

saaca, goobo madadaalo, goobo farsamo

iyo goobo shaqo oo la ilaaliyo.

Qaar ayaa deggan guryo u gooniya,

kana hela heyadaha qaranka saacidaad

shakhsiya iyo mid camaliya. Qaar kale

ayaa deggan xarumo gaara, guryo dad

badani wadaagaan ama guryo la ilaaliyo.

Gargaarka carruurta

iyo dadka waaweyn ee

cuuryaanka ah

Fidin khaas ahaaneed

QOYSKA
54

Dhalidda carruurta

QOYSKA

Baarista dhakhtarka

iyo umulisada

Gal ayaa idinla

soconaya adiga iyo

ilmahaba

U diyaar garowga

dhalmada

Dumarka uurka leh waxay xaq u leeyihiin

in dhakhtarka iyo umulisadu siyaaba kala

duwan u baaraan. Marka ugu horreysa

dhakhtarkaaga ayaa ku baaraya, marka

uurkaagu sagaal asbuuc yahay. Waana in

aad adigu ballan ka sameysataa.

Dhakhtarku "galka socdaalka" ayuu kuu

sameynayaa, kaasoo baaritaannada dhakhtarka

iyo umulisada oo dhan aad la

imaaneyso. Galka waxay dhakhtarka iyo

umulisadu ku qorayaan halka uu uurku

marayo. Hadafka baaritaannadu waa in

isha lugu haayo xaaladdaada iyo tan

ilmahaba, iyo in wixii dhibaata ah waqti

hore laga war helo.

Gobollada qaar ayaa dumarka u fidiya

marinta Sawirka dhegeysiga gudaha*.

Sawir marintaa ayaa suuragelineysa

ogaanshaha in ilmuhu qabo cuuryaannimo

culus oo xagga jirka ah, ama inay jiraan

dhibaatooyin kale. Adiga ayeyna kugu

xiran tahay in aad ka faa’iideysato fursadaa.

Baaritaannada waad usoo wadan kartaa

ninkaaga, ama saaxiibtaa ama hooyadaa.

Aad ayey kuu caawin kartaa in aad ka

qeyb gasho isu diyaarinta dhalmada, gaar

ahaan haddii ay tahay markii ugu

horreysay ee dhasho. Halkaana waxaad

ku baraneysaa arrimo la xiriira waxaa

jirkaaga ku dhacaya inta aad uurka

leedahay, iyo sida ilmuhu u koraan. Sidoo

kale waxaa luguu tababarayaa sidii aad

u neefsan laheyd ama jimicsan laheyd,

taasoo carbineysa jirka isla markaana

foosh sahleysa xanuunkana yareyneysa.

Umulisada kala xiriir wixii fursado isu

diyaarinta dhalmada ah ee laga heli karo

xaafaddaada.

Ninkaaga, ama qof kale oo aad dooneysid

iney kula joogto marka aad

dhaleysid, waad usoo wadan kartaa tababarka.

Qeybaha dhalmada badankood waxay

fursad kuu siinayaan in aad gurigaaga

ugu dhashid si lamida tan isbitaalka. Mid

kamida umulisooyinka isbitaalka ayaana

xilliga dhalmada guriga idinkugu

imaaneysa. Qeybaha dhalmada ee aan

fursaddaa laheyni waxay qofka u diri

karaan meel kale. Gobollada qaar kamida

nidaam gaara ayey guri ku dhalidda u

sameeyeen, taasoo umuliso gaar ahi ay ku

shaqa leedahay baaritaannada uurka iyo

guri ku dhalidda intaba.

Haddii aad dooneysid in

aad guriga ku dhashid

Weydii mar kasta oo shaki qabtid

Dhakhtarka iyo umulisadu waxay diyaar u yihiin iney kaaga jawaabaan

su’aal kasta aad qabto, inta aad uurka leedahay. Haddaba

xasuusnow in aad weydiiso, marka kasta oo aad shakisid, haddii ay

ahaan laheyd qaababka loo dhalo, siyaabaha xanuunka loo yareeyo

xilliga dhalmada ama arrima kale oo aad uga duwan. Su’aalahaaga

hore usii qoro, si aadan arrin muhiima isaga hilmaamin.

U sheeg sidoo kale, haddii ay jirto qaab gooniya oo aad dooneysid in

aad u dhasho ama arrimo dhalmada kadiba, sida tusaale ahaan

raashinka lagaa siinayo isbitaalka ama kliinikada.
55

QOYSKA

Marka dhaliddu

bilaabato

Aabaha ilmuhu goob joog

waa ka noqon karaa

Marka aad dareento in dhalmadu billaabaneyso,

waa in aad wacdaa qeybta

dhalmada ee isbitaalka. Halkaana waxaa

luguu sheegayaa in la joogo waqtigii aad

isbitaalka imaan laheyd, ama waxay kaa

codsanayaan in aad mar kale soo wacdo.

Adinka ayaana ku shaqa leh safarka soo

aadidda isbitaalka. Ha hilmaamin qalabkaaga

suuliga iyo joogga dharka ilmaha

ah ee ugu horreeya.

Dhalmadu waa dhacdo aad u xiisa leh,

taasoo astaahisha inuu kula qeybsado qof

aad kuugu dhow. Aabbayaal badan ayaa

ka qeybgala dhalmada, laakiin haddii

taasi aysan kuu suurageleyn, waxaa

kusoo raaci kara qof kale oo aad ku

kalsoon tahay, gacanna ku siin kara inta

aad dhaleyso.

Qaab gooniya oo aad dhaleysaa ma jiro,

adiga ayeyna ku jirtaa in aad inta fooshu

ku heyso socsoconeyso, fadhineyso ama

jiifaneyso. Meela badan ayey suuragal

tahay in aad berked biya kulula dhexgasho.

Marka aad dhaleysid waxaad heli

kartaa qaabab kala duwan oo daweyn

xanuun yareyn ah. Umulisada ayaana

qiimeyneysa qaabka adiga kuugu habboon.

Haddii qalliid uu lagama maarmaan

noqdo, waxaad kala dooran kartaa in

lugu suuxiyo iyo in meesha qallaiinka

lagaa kabaabyeeyo.

Adiga ayaa go’aanka

iska leh
56

QOYSKA

Xiriirka muhiimka ah

ee ugu horreeya

Qeybta nasashada

dumarka dhalay

Caddeynta dhalashada,

magacbixinta iyo

waqlasha

Kaniisadda dadweynaha ayaa

dadka oo dhan diiwaan gelisa

Xiriirka xagga istaabashada ugu horreyaa

qiima weyn ayey u leedahay hooyada iyo

ilmaha intaba. Sidaa darteed umulisadu

waxay ku weydiin doontaa in aad rabto in

ilmaha dhabta luguu saaro, isla marka uu

dhasho. Waa talo wanaagsan in ilmaha

dhakhso naaska lugu duwo dhalidda kadib,

sababtoo ah waxaa sidaa ku fududeyneysa

in aad isla markiiba ku dhaqaaqdo

nuujinta. Iyo sidoo kale in caanaha ugu

horreeya, dambarka, ay ku jiraan nafaqooyin

iyo maadooyin jirka difaac u leh,

kuwaasoo ilmaha muhiim u ah. Haddii

aadan dooneyn in aad ilmaha naaska

nuujinin, waa in aad umulisada u sheegtid.

Marka aad dhashid adiga iyo ilmahaba

waxaa la idiin wareejinayaa qol ku yaalla

qeybta nasashada dhalmada*. Halkaana

waxaa lagaa saacidayaa xannaaneynta

ilmaha, isla markaana waxaa lagaala

talinayaa sida ugu habboon ee aad u

nuujin laheyd, ugu qubeyn laheydii ama u

heyn laheyd ilmaha cusub.

Marka ilmuhu dhasho, foom ayaa waalidiinta

la siiyaa si ay usoo buuxiyaan oo u

geeyaan ama ugu diraan xafiiska kaniisadda

ee xaafadda ilmuhu ku dhashay.

Xafiiska kaniisaddu wuxuu u sameynayaa

warqadda dhalashada. Kaniisadda dadweynaha*

ee deenishka ayaa dowladda uga

masuula diiwaan gelinta ilmaha dhasha

oo dhan iyadoo aan diin loo eegin.

Kaniisadda dadweynaha ayaa sidoo kale

diiwaan gelisa dhamaan magacyada

carruurta dhalata. Haddaba magaca

ilmaha loo bixinayo waa in xafiiska

kaniisadda loo sheego. Waana in sidaa la

yeelo ugu dambeyn marka ilmuhu jiro lix

bilood. Markaa ilmaha waxaa loo sameynayaa

caddeynta dhalashada iyo magaca.

Ilmaha sidoo kale waa loo magac bixin

karaa marka kaniisaddu u waqlaleyso,

ama macbad kale oo la aqoonsan yahay.

Markaa ilmaha waxaa loo sameynayaa

caddeynta dhalashada iyo waqlasha.

Caddeynta waxaa loo isticmaalayaa,

tusaale ahaan, codsiga baasaboorka.

Lama oggola in ilmaha loo bixiyo magac

"dhibaato" ku noqon kara, una keeni kara

in lugu caayo ama lugu dacaayadeeyo.

Wasaaradda kaniisadaha ayaa soo saartay

wareegto magacyada la oggol yahay

ay ku qoran yihiin, waxaana laga akhrisan

karaa bogga internetka wasaaradda.

Qofku wuxuu wasaaradda kaniisadaha,

isagoo u maraya xafiiska kaniisadaha, ka

codsan karaa oggolaasho magac aan

wareegtada ku xusneyn.

Haddii mid kamida waalidiintu heysto

ama ku lahaan jirey dal kale dhalasho,

waxaad ilmahiinna u bixin kartaan magac

aan Danmark laga aqoonsaneyn, haddii

magacu ka yahay magac koowaad oo

caadi ah dalka aad labadiinnu ama

midkiin uu ka yimid.

Dumarka uurka leh oo dhan waxay xaq u

leeyihiin fasax dhalmada kahor iyo kadibba.

Sidoo kale ilmaha aabihii in mudda

ah ayuu fasax dhalmo qaadan karaa.

Magaca koowaad waa

inuu ahaadaa mid la

aqoonsan yahay

Fasaxa dhalmada iyo

fasaxa waalidnimada
57

Kalkaalisada caafimaadka

ayaa booqasho ku imaaneysa

Heyadaha dowladda iyo shirkadaha

qaarkood ayaa heshiis guud, ama ballan

ku saabsan, in shaqaalaha la siiyo

mushaar inta ay fasaxa dhalmada ku

jiraan.Waalidiinta aan mushaarka fasaxa

dhalmada qaadan, kumuunaha ayey ka

heli karaan ceyrta fasaxa dhalmada.

Sidoo kale taasi waxay khuseysaa dadka

shirkadaha leh haddii ganacsigoodu soo

jiray ugu yaraan 6 bilood. Waalidiinta

carruurta yar yar heystaa waxay sido kale

heli karan ceyrta fasaxa waalidnimada.

Shuruudaha ku xiran waaxda arrimaha

bulshada iyo caafimaadka ee kumuunaha

ayaad kala xiriiri kartaa.

Waxaad xaq u leedihiin in gargaaraha

caafimaadku idin soo booqdo, taasoo

lacag la’aan ah. Booqashada koowaad

waxay dhici kartaa asbuuc kadib marka

hooyada iyo ilmaheedu guriga yimaadaan.

Kadibna booqasha kasta waad ka

ballameysiin.

Howsha gargaaraha caafimaadku waa

inuu idin kala taliyo sida ugu habboon ee

aad ilmaha ula qabsan laheydeen.

Gargaaraha caafimaadku waxay la soconeysaa

koritaanka ilmaha ayadoo cabbireysa

oo miisaameysa. Waxay baareysaa

dareenka ilmaha, waxayna qiyaaseysaa

xaaladdiisa xagga nafaqada, iyo horukaciisa

xagga luqadda iyo xarakaadka.

Gargaaraha caafimaadku wuxuu si gaara

u tixgelinayaa sida qoyska oo dhan u nool

yahay, waxayna idin siin kartaa talooyin

ku saabsan koritaanka ilmaha, waxaadna

kala hadli kartaan wixii shaki idinkaga jiro.

Gargaarayaasha caafimaadku cilmi

ahaan waa kalkaaliyaal takhasus gaara

leh. Sidaa darteed sidoo kale waxay

idinkaga jawaabi karaan su’aalaha la

xiriira sidii aad ilmaha ula tacaali laheydeen

marka uu jirran yahay.

La soconaya

koritaanka ilmaha

QOYSKA

Ilmihiinnu wuxuu dhakhtarka qoyska ka

heli karaa baaritaanna caafimaad oo

badan oo bilaash ah. Ka eeg bogga 113.

Baaritaannada

dhakhtarka (qoyska)

Gargaaraha caafimaadku waxay qaban

qaabin kartaa kooxo hooyooyina oo

deggan isku xaafad mudda isku dhowna

wada dhalay. Hooyooyinka doonaya si

isbeddel ah ayey guryahooda ugu kulmi

karaan, si ay u sheekeystaan oo ay wixii

waaya’aragnima ah isu dhaafsadaan.

Kooxaha hooyooyinka
58

Carruurta iyo

dhallinyarada

QOYSKA

Carruurta waa in la dhegeysto lana siiyo

xanaano

Danmark waxaa guud ahaan carruurta loo arkaa noolayaal

madax bannaan, kuwaasoo dadka waaweyn laga doonayo iney

dhegeystaan, kana qeyb geliyaan go’aamada ayaga khuseeya,

marka ugu horreysa ee ay wax kala gartaan.

Qoysaska, xarumaha xannaanada iyo iskuulladuba waxay xoogga

saaraan sidii carruurtu ku baran lahaayeen iney masuuliyad

qaadaan, oo ay tixgelin muujiyaan, hadba heerka ay awoodaan,

taasoo hadba ku xiran da’dooda iyo biseylkooda.

Caruurtu waxay sida sharcigu dhigayo xaq u leeyihiin xanaano

iyo kalsooni, waana in loola dhaqmo sidii qof qadderin mudan.

Sidaa darteed waa mamnuuc waana ciqaab, in ilmaha la dilo

ama siyaaba kale wax yeello loogu geysto.

Waxaana kamida gudniinka gabdhaha, taasoo ah dhaawac halisa,

gabdhahana dhibaatooyin aad u halisa u keeneysa. Sidoo kale

arrinta la xiriirta gudniinka ka eeg sanduuqa xaqiiqooyinka ee

bogga 115.

Carruurta intooda ugu badan eena ka yar

lix sanno waxay tagaan meelaha malinti

caruurta lagu hayo, heynta ilmaha yar yar

iyo xannaanada carruurta, amase siyaabo

kale ayey carruur kale ula joogaan xilliga

maalinta. Waxaa jira qaabab badan oo

fursadeed ilma heyn xilliga maalintii ah

dagtilbud.Waxaa kumunaha masuuliyad

saaran inuu bixiyo heynta ilmaha, iyo

waxaa jira in kumuunayaasha isku mid

aheen, inteey tirada fursadaha kala

duwan ay bixiyaan tahay. Hase yeeshee

kuwa ugu caadisani waa:

• Heynta maalinlaha ah. Taasoo ah in

cunugga iyo ilma kale guri biribaati ah

lugu heynayo, oo ay heyneyso qof uu

kumuunuhu soo ansixiyey. Gaar ahaanna

waa carruurta da’doodu tahay 0-3

sanno.

• Heynta ilmaha yar yar, ayadoo tahay

fursad ilma heynta xilliga maalintii ah

ee carruurta u dhexeeya 0-3 sano.

• Xannaanada carruurta, ayadoo tahay

fursad ilma heynta xilliga maalintii ah

ee carruurta u dhexeeya 3 iyo 6 sano.

• Xannaanada carruurta ee qoyska

guura, taasoo loola jeedo, in carruurtu

maalintaa waqtigood kusoo qadanayaan

miyiga ama duurka.

• Xarunta xanaanada oo isku dhafka ah.

Taasna waxaa laga wadaa, in carruurta

jira 0-6 sano ay isku dhex jiraan.

• Kala doorashada xurta ah. Taaso

waxayt tahay nidaam oo in kumuunuhu

qaarkood u fidiyo kabid dhaqaale

waalidiinta doonaya iney ilmahooda u

helaan heyn xannaaneyn biribaati ah.

Xanaanada ilmaha yar

yar, heynta maalinlaha ah

iyo xarumaha xanaanada

carruurta
59

Waa in aad adinku

boos codsataan

Haddii aad kumuune

kale u guurtaan

Wac oo booqasho kala

ballan

Si caruurtiin loogu diiwaan geliyo xanaaneen

fursadeed, waa in aad la xiriirtiin

xafiiska bixiya boosaska xannaanada ee

kumuunaha. Haddii aan isla markiiba

boos loo heyn, waxaa ilmaha lugu

qorayaa liiska boos sugidda. Marba

marka ka horreysa ee cunugga aad liiska

kusoo qortaan, wuu ka si weynaanaya

jaaniska cunugga in aad heshaan meesha

aad dooneysaan. Haddii aad dooneysaan

in cunugga bilaabo xarunta heynta ilmaha

yar yar, waa in aad diiwaan gelisaan isla

markiiba oo ilmuhu dhasho.

Haddii aad kumuuna kale u guurtaan inta

aan ilmuhu xannaanada caruurta billaabin,

waa in aad la xiriirtaan kumuunaha

cusub, si ilmaha halkaa looga diiwaan

geliyo liiska sugitaanka. Xasuusnaadana

in aad sheegto muddada uu ilmuhu liiska

kumuunihii hore ku jiray, si aan safka

gadaal la ina kakaga qorin.

Haddii aad kumuuna kale u guurtaan

marka ilmuhu xannaanada billaabeen

kadib, waa in aad la xiriirtaan kumuunaha

cusub, si ilmaha halkaa looga diiwaan

geliyo.Waxaa laga yaaba in fursad u

heysataan in ilmuhu xaruntii hore ee

kumuunihii aad kasoo guurteen idiin sii

joogaan ilaa lix bilood, marka aad

guurtiin kadib.

Waxaa markasataba idiin furan in aad

xaruma tira badan soo booqataan, kahor

inta aad go’aan ka gaarina, meelihii aad

ilmahiinna u dooneysaan in lugu xannaaneeyo.

Wac xarumaha aad dooneeysaan

oo ballanso ka qaata waqti hore, si aad u

hubsantaan, ee shaqaaluhu ay waqti

idinkugu helaan ay idinkula hadlaan ayna

xarunta idinkusoo wareejiyaan.

Adinka ayaa iska bixinaya booska xarunta

dowliga ee xannaanada maalintii. Laakiinse

dowladda ayaa qeyb qarashka

bixineysa, haddaba ma bixineysaan,

qarashka dhabta ah ee booska qiimahiisa.

Haddii carruur dhowr ahi idiin dhigtaan

isku xanaano, waxaad leedihiin qiima

dhimidda walaalaha, waxaa intaas inii

dheer in aad ka codsan kartaan kumuunaha

boosaska caruurta inii dhigato

qiima barkii ah amaba lacag la’aan ah.

Weydiiya Kumuunaha shuruu-daha ku

xiran arintaasi.

Dhamaan, dadka qaata lacagta ceyrta,

lacagta ururka shaqaaluhu siiyo dadka

shaqaynin amaba lacagta soo dhoweynta,

waa iney suuqa shaqada diyaar u yihiin.

Taasna waxaa loola jeedaa in ey qofka

khasab ku tahay in oo billaabo shaqo ama

qaato tababar shaqo*, marka luguu

fidiyo. Iyo ma awoodi kartid in shaqo

billaawdid ama qaatid tababar shaqo,

haddii aadan heysan qof carruurta ku

xanaaneeya.

Haddii aadan weli helin fursada aad

carruurta kuu xannaaneysa, kumuunaha

laga yaabaa in boos idinka siiyo xarunta

heynta maalintii ama heynta maalinlaha

ah. Waana in aad qaadataan, haddii kale

waxaad weyn kartaan kaalmada dhaqaale.

Lacag bixinta

Waajibka in aad ilmaha

heyn u hesho

QOYSKA
60

QOYSKA

Maaha heyn kaliya

Fursadaha ilma heynta kumuunuhu waa ka duwan yahay waana ka

ballaaran yahay nidaam heyn oo kaliya ah. Waxay leeyihiin

shaqaale aqoon u leh tarbiyada carruurta, waxayna qabtaan howl

aad uga baaxad weyn carruur heyn oo kaliya.

Waxay ku dadaalaan, ayagoo adeegsanaya heeso, sheeko, ciyaar,

duur kusoo lugeynta, booqashada matxafyada, tiyaatarrada iyo

xarakaadyo kaleba, iney carruurtu ka koraan xagga luqadda, jirka

iyo maskaxdaba. La joogidda carruurta kalena waxay carruurtu ku

baranayaan qaadidda masuuliyad bulsho iyo sida leysu xaqdhowro.

Sidoo kale carruurtu waxay yeelanayaan saaxiibbo ay la ciyaaraan,

waxayna saaxiibbada iyo macallimiinta ka baranayaan luqadda

deenishka iyo bulshada intaba. Sidaa ayaana xarumaha xannaanadu

ilmaha u siiyaan waaya’aragnimo dhiirrigelin u noqoneysa, marka ay

iskuulka billaabi tagaan.
61

Kabidda heynta gaar

ahaaneed

Howl maalmeedka

xarunta

Ka sheekee ilmihiinna

Kumuunayaasha qaarkood waxaa suuragala

in dhaqaale ahaan lagaa kabo in aad

adigu naftaada carruurtaada heyso karto.

Fursad kalena waa in dhaqaale ahaan

lagaa kabo in aad shaqaaleysato gabar

carruurta kuu heysa. Waxaynu ilaa iyo

hadda taasuna ku xirantahay kumuunaha

inuu kuu siiyo kabidaa.

Xarunta xannaanada maalintii caadi

ahaan waaxa badanaba loo kala qeybiyay

dhowr qolal. Taasoo loola jeedo, in

carruurta loo kala qeybiyo kooxa yar yar

ayadoo loo fiirinaayo da’da ama baahi

kale oo khaas ah. Qolalkiiba kasta waxay

leeyahiin shaqaale joogta ah, kuwaasoo

qorsheysata howlaheeda. Caadi ahaanna

waa kuwa aad la kulantaan, marka aad

carruurtiina geyneysaan ama aad ka soo

xeysaneeysiin xanaanada.

Marka ilmihiinnu ay goobta xannaanada

billaabayaan, waxaa fadhiga shirka

laydinkugu sheegi doonaa warbixin la

xiriirta sharciyada iyo nidaamka shaqada

khuseeya howl maalmeedka xarunta ee

goobta. Iyo adinka naftiina karikara in

aad ka sheekeysaan ilmahiinna. Ma jiraan

xaalado khaas ah oo ay tahay in shaqaaluhu

ogaadaan Waxay noqon kartaa,

tusaale ahaan, cunugga cuntada oo u

barayay ama dhibaato ka heysata xarakaadyada

khaas ah. Haddi ey shaqaaluhu

goobta si wanaagsan garanayaan cunuggu,

ayey shaqaaluhu caawin karaan iyo

tixgelin karaan.

Xiriir wanaagsan oo u dhexeeya adinka

waalidiin ahaan iyo shaqaalaha xaruntu

wuxuu muhim shardi u yahay cunugga

korinkiisa oo faraxad leh. Sida caadiga

ah waxaa sabuurado ogeysiiska lugu qoro

ka akhrisan kartaan wixii qorshooyin ama

xarakaadyo ah ee goobta xanaanada.

Sidoo kale maalin walba waad la

hadli kartaan shaqaalaha tarbiyada ee

carruurtiinna ka masuulka a, iyo kana

dhegeysan kartaan sida xaalku maanta

ahaa, iyo una sheegi kartaan wixii

isbeddel ah ee ka dhacay qoyska, taaso ay

ilmaha is weyn u saameyneyso.

Haddii aad u baahan tihiin waqti

dheer oo aad kula hadashaan shaqaalaha

xarunta, waxaad codsan kartaan shir la

dhaho wadahadalka ee waalidiinta.

Xaruma badan oo maalintii caruurta

lugu ahay ayaa leh shaqaale ku hadla

laba luqadood, kuwaasoo ka qeyb gala

wadahadalka ee waalidiinta. Haddii ey

jirtoba, in ey joogin shaqaale ku hadla

luqadda oona yaqaana luqada loo baahan

yahay, turjubaan ayaa markaase loo

yeerayaa.

Labbo jeer sanadkiiba xarunta xannaanadu

waxay u qabataa shirar waalidiinta oo

dhan. Halkaasoo shaqaalaha tarbiyadu

kugu sheegayaan qoryaasha sanadka, iyo

soo qaadaan mowduucyada oo dooda u

furan. Waxay filayaan, iney waalidiintu

imadaan, sababtoo tahay shirarkaasu

waxaa loo sheegayaa warar muhiim ah,

oo la xiriira, waxyaabaha xarunta ey

qabato amaba ka jira. Sidoo kalena

Xiriirka u dhexeeya

xarunta iyo waalidka

Shirarka waalidiinta

QOYSKA
62

QOYSKA

Guddiga waalidiinta

waxay waalidiintu soo jeedin karaan bareer

ku saabsan mowduucyo iyo xarakaadyo

khuseeya carruurta iyo waalidiintaba. Mid

kamida shirarka waalidiintu, waalidiinta

waxay ku dooranayaan wakiillada waalidiinta

ee guddiga waalidiinta.

Xarunta hoggaankeeda ayaa leh masuuliyadda

maamulka shaqada maalmeedka.Hase

yeeshee guddiga waalidiintu

waxay wakiil ka yihiin waalidinta rabitaankooda

iyo aragtidooda, iyo waxay ku

leeyihiin saameyn xarunta mabaadi’da

tarbiyeynta ey ku dhaqanto, iyo sidii

lacagtii, xarunta loo qoondeeyey loo

isticmaalilahaa.

laga yaabaa iney ku adagtahay fahmidda

caadooyinka bulshada deenishka, oo

markaa ay ka welwelsan yihiin sida

ilmahoodu ay noqon doonaan.

Waxaa suuragala inaad heshid cawinaad

oo dad khibrad u leh oo kaa caawisa

xillinta dhibaatooyinka isku cakirmay.

Labadaba, waalidiinta iyo dhallinyaradaba

waxay heli karaan talabixin iyo jiheen –

wadajir ahaan iyo kali kaliba. Kumuunaha

weydii ama tijaabi khadka telefoonka ee

dadka iskubuuqa ama talabixinta khadka

telefoonka ah. Waa lacag la’aan, iyo

waxaadna ula xiriiri kartaa qarsoodi

ahaan.

Dhallinyaro u dhexeysa

laba dhaqan

Labadaba, waalidiinta iyo dhallinyaraduba

waxay soo mareen dhibaato muddada

dhallinyarannimada dhibaato. Dhallinyaradu

waa isbeddeleysaa jir ahaan iyo maskax

ahaanba. Waana isi soo saaraan, kana

xoroobaan waalidiinta oo ay muujiyaan

iney isku filan yihiin. Isla markaasuna aya

waalidiintu weli ka masuul yihiin iyo oo

ay u taliyaan noloshooda, xadna u yeelaan

baxbaxsiga dhalinyarda.

Waxaa dhici karto in khaas ahaan ugu

adkaaneysaa dhallinyarada iyo waalidiinta,

markay la kowsadaan dhaqanka deenishku

uu aad uga duwan yahay koodii hore.

Dhallinyaradu waxay jahawareer kala

kulmaan dhaqanka dhallinyarannimo, ee

ay bulshada deenish ka kala kulmayaan,

iyo dhaqanka lugusoo koriyey ee

gurigooda. Waalidiintuna sidoo kale ayaa

Gargaarka ilmaha iyo qoysaska dhibaateysan

Waalidiinta ayaa ka masuula iney ilmahooda siiyaan jaceyl iyo xannaano,

una diyaariyaan hoy nabadeed oo ay ku barbaaraan. Bulshadu

soo faragelin meyso, haddii uusan jirin shaki laga qabo in ilmaha

dhibaato heysato.

Haddii ay taasi dhacdo, kumuunuhu qoyska ayuu la xiriiraa, iskuna

dayaa inuu la xalliyo dhibaatooyinka. Qoyska ama qof kamidana

sidoo kale gacan qabasho waa codsan karaa.

Haddii dhibaatadu ay aad u culus tahay, waxaa ilmaha in muddaa la

geyn karaa xarun ama qoys kale ayaa loo dhiibi karaa.

Dhallinyarada ay heysato dhibaatooyin xagga bulshada oo culus, iyo

haddii waalidku uusan hanan kareyn, waxay degi karaan xaruma

gaara, oo ka saacidaya sidii ay waxbarasho ama shaqo u bilaabi

lahaayeen.Taasina waxay sidoo kale khuseysaa dhallinyarada ka yar

15 sano, oo dembiya hore u galay.
Nolosha waayeelnimada

63

Mushaarka

waayeelnimada iyo

howlgabnimada waqti

hore

Da’da howlgabnimadu sida caadiga ah

waa 65 sano, laakiin qaar ayaa doorta

iney suuqa shaqada waqti hore kabaxaan,

isla markaana qaataan waxa loo yaqaan

mushaar kabid. Qaar kale waxay qabaan

dhibaatooyin waaweyn oo xagga jirka iyo

maskaxdaba ah, taasoo u keenta ineysan

shaqeysan kareyn, markaa waana iney

qaataan dhaqaalaha howlgabka horay.

Waxaa jira shuruuda gaara oo u dhigan

mushaar kabidda iyo howlgabnimada

horay. Weydii kumuunaha.

QOYSKA

Howlgabnimada

dadweynaha

Waayeel firfircoon

Sida howlgabka saxda ah qofku waxuu

xaq u leeyahay in la siiyo lacagta howlgabka

saxda ah. Haddii aad Danmark

degganeeyd 40 sano laga bilaabo 15

jirkaagii ilaa aad howlgab noqotay,

waxaad xaq u leedahay lacagta howlgabnimada

oo buuxda. Haddiise aad

Danmark mudda gaaban degganeyd,

asaas ahaan howlgabnima yar ayaad xaq

u leedahay. Xafiiska howlgabnimada

kumuunaha ayaa xisaabinaya, kuuna

sheegaya inta aad xaq u yeelan karto.

Waayeellada wadaniga doonaya ama

kara, waxay heeystaan fursado badan oo

danahooda ku fushadaan, uguna noolaadaan

nolol firfircoon. Siyaasadda waayeellada

deenishku waxay ku dhisan tahay in

waayeelladu naftooda masuuliyadda tan

ugu weyn ka saarantahay iyo saameynta

noloshooda. Mar hadi aad tahay waayeel

hadaba waxaad leedahay fursad in aad

ka qeybgashid marka arin go’aan laga

gaarayo. Labadaba, qorshaha adiga naf-
64

QOYSKA

Saacidaadda howsha

guriga

Guryaha waayeellada

taada ku khuseeya iyo kuwa nawaaxiga

khuseeyaba.Waxaana jira guddi waayeellada,

oo lagasoo doorto waayeellada

kumuunaha deggan, iyo wuxuuna kumuunaha

kala taliyaa xaaladaha sida gaarka

ah u taabanaya waayeellada ee nawaaxiga

degaanka deggan.

Waayeellada intooda badani guri ayey

degganyahiin oo naftooda ismaamula,

hadba inta ay kari karaan. Waxaa laga

yaaba in ey helaan shaqaale ka caawina

jir nadiifiskooda iyo lagana caawiyaa

tusaale ahaan nadaafadda guriga iyo

adeegga raashinka. Heerka saacidaaddu

ey helayaan wuxuu ku xiran yahay hadba

sida kumuunuhu baahidooda u qiimeeyo.

Haddii aad waayeel tahay iyo u baahi

khaas ah aad qabto ama aad qabto

dhibaato xagga jirka ah, waxaad ka dalba

kartaa kumuunaha guryaha waayeellada.

Guryahaana waxaa loo sameeyey, qaab

ku habboon waayeellada iyo dadka

cuuryaamiinta ah. Gurya badan ee waayeellada

ayaa xiriir la leh xarun xannaaneyn,

haddaba waa fududdahay in aad

gargaar u yeerato.Waxaa dhici in aad saf

u gasho guryaha waayeellada. Marka

waxaa haboon in aad mar hore liiska

iskusii qorto waqti fiican.

Waayeelka, u baahan xannaana badan,

waxa heli karaan guri la ilaaliyo ama

hoyga xannaano, halkaasoo ay joogaan

shaqaale howlaha caadiga ah u xilsaaran

sida sameynta raashinka, dhardhaqidda,

nadaafadda iyo iney degganayaasha ka

saacidaan xagga nadaafadda qofku u

shakhsi u ah.

Waayeelladu ayaga ayaa iska bixinaya

qarashka howlaha loo qabanayo. Hase

yeeshee qarashkaasi caadi ahaan waa

wax ay ku filan yihiin, inkastoo ay lacagta

howlgabnimada kaliya qaataan.

Guryaha la ilaaliyo

mase xarunta xanaanada

waayeellada
Marka nafta waqtigeedu dhamaato

65

Warqadda dhimashada

Duugista

Marka qof dhinto waa dhakhtar qoraa

warqad caddeyneysa dhimashada. Haddii

qofku guriga ku dhinto waa reerkiisu

dhakhtarka wargeliyaan sida ugu dhakhsaha

badan. Qoyska waxaa la siinayaa

caddeynta dhimashada iyo diiwaan

gelinta dhimashada, taasoo la geynayo

xafiiska kaniisadda ee xaafadda uu qofka

dhintay degganaa. Kaniisadda dadweynaha

ee deenishka* ayaa, ayadoo ka

wakiila dowladda, diiwaan gelisa qof

kastoo dhinta ayadoo aan loo fiirin

diintiisa iyo qoyska uu ka dhashay toona.

Maxkamadda dhaxalku* si toosa ayey

ugu warheleysaa marka qof dhinto, in yar

dhimashada kadibna waxay isugu yeertaa

eheladiisa. Halkaana waxaa looga

wadahadlaa sidii laga yeeli lahaa wixii

hanti ah ee uu ka dhintay.

Caadi ahaan qofka dhintay waa in la aaso

ama la gubo siddeed beri gudahood.

Dadka duugta qabanqaabiya ayaa kaa

saacidaya wixii howlaha duugta la xiriira.

Waxaana suuragala in kumuunuhu

dhaqaale ahaan duugta kaa kaalmeeyo.

Haddii qofka dhintay dal kale lugu

aasayo, kumuunaha ayaa meydka u

sameynaya baasaboor gaara oo lugu

qaado.

Kaniisadda dadweynaha* ee deenishku

waxay leedahay qiyaas ahaan 2.100 oo

qubuurood, dhamaan degganayaasha

Denmarkna waxay xaq u leeyihiin in lugu

duugo qubuuraha xaafadda ay deggan

yihiin. Haddii qofku xubin ka yahay diin

kale, oo uusan ka tirsaneyn kaniisadda

dadweynaha, qofkaasi xaq uma lahan in

duugtiisa loo fuliyo sida cadooyinkiisa iyo

dhaqankiisu tilmaamayaan oo dhan. Hase

yeeshee qofku sida uu doonayo maamulka

qubuuraha wuu u sheegan karaa.

Qubuuraha qaarkood waxay leeyihiin

meela gooniya oo loogu talagalay dadka

heysta diimaha kaduwan tan kaniisadda

dadweynaha. Sidoo kale dadka diimaha

kale heysta waxa u furan iney sameystaan

goobo ay gooni dadkooda ugu aastaan.

Wasaaradda kaniisadaha ayaa oggolaashada

bixisa, laakiin mujtamaca diintaasi

waa iney soo helaan dhul ku habboon, isla

markaana bixiyaan qarashka iibsashada

iyo hagaajinta.

Oggolaashada waxaa shardi u ah in

heyadaha caafimaadku oggolaadaan iyo

in isla markaana meesha ay khuseyso loo

sameeyey naqshadda nawaaxiga. Sidoo

kalena waa inay jiraan shuruuc qeexeysa

isticmaalka iyo ilaalinta qubuuraha ama

godka aaska. Mujtamaca diintaasi ayaga

ayaa go’aaminaaya cidda lugu duugayo

qubuurahaas.

2.100 qubuurood

Goobaha duugista

dadka diimaha kale

heysta

Ogolaashada godka

aaska

QOYSKA
7 ISKUULKA IYO WAXBARASHADA
Caadada waxbarashada Deenishka

67

Shaqada dadka aan

tacliinta laheyn oo sii

yaraaneysa

Dimoqoraadiyaddu

waxay u baahan tahay

dad wax yaqaan

Danmark waa dal oo ku yaryahay

alaabta ceyriinka ee dabiiciga ah. Hadaba

dadku iyo aqoontooda iyo nashaadkoodaba

ayaa ah kuwa ugu muhiimsan kheyraadka

dalka. Sannadahaan dambe oo cilmiga

teknooligiyada dhakhsi u horumaraayo iyo

carra-edegeynta (iskusoo dhowaashaha

caalamka) waxay sii xoojinayaan baahida,

loo qabo inaan tacliinteenna sare

usii qaadno. Haddii kale tartanka caalanka

waan ka hareynaa, iyo waxaana

nugu adkaaneysa inaan horumarinno

daryeelka bulshadeenna.

Waxbarashadu sidoo kale ayey muhiim

ugu tahay shaqsi shaqsi. Mujtamaca

casriga dadka aan tacliinta laheyn fursada

shaqo helitaankood wey sii yaraaneysa.

Ninka dadka guraayo alaabta u rara waa

inuu bartaa sida wax loo qaado isagoo

aan dhabarku ka dhaawacmin. Kaaliyaha

shaqada nadaafadeedku waa iney akhrin

karaan, sida daawooyinka nadaafadda

loo isticmaalo iyo waxa loo isticmaalo.

Kan tabakaayada lehi waa inuu sameyn

karaa xisaabaadka la xariir canshuuraha.

Sidaa darteed Danmark dadka oo

dhan waxay fursado aad u ballaaran

baaxadeedo ugu heystaan in sidii ay wax

u baran lahaayeen, aqoonna u kororsan

lahaayeen, iyo isla markaana ay shakhsiyaddooda

u horumarin lahaayeen.

Danmark waxay dhaqan u leedahay

wacyigelinta dadka*, taasoo la faca ah

dimoqoraadiyadda deenishka. Taasina

waxay la xiriirtaa fikirka ah, in dad la

wacyi gelshay ey yahiin asaaska

muhiimka ah dimoqoraadiyad si wacan u

shaqeyneysa.

Taana macnaheeda dhaqan ahaan,

waxay tahay in dhamaan dadkoo idil waxbaran

karaan noloshooda oo dhan.Tusaale

ahaan iskuullada dadka waaweynka* ama

iskuullada habeenkii*, iyo adigoo adeegsaneeysid

barnaamijyada waxbarashada ee

Raadiyaha iyo TVga, ama adigoo qaadanaysid

kooris ee koorsooyinka goobaha

shaqada laga bixiyo.

Waxbarashada khasabka ah

Danmark waxaa ka jirta 9 sano oo

waxbarasho khasaba ah. Ilmaha waa in

wax la baraa laga bilaabo marka toddoba

sano u buuxsanto. Intood badan ilmaha

waxay bilaabaan laakinse la qabsig

iskuulka* eyna ka bilaabaan fasalka xannaanada,

markiiba ay lix sanno gaaraan.

Ka dib markuu sagaalka sano ee iskuulku

dhamaado waa u xurr, in oo qofku tacliinta

sii wato. Inta dadka ugu badani waxay

qaataan waxbarasho xirfadeed amase usii

gudbaan dugsiga sare* (gymnasiet) ama

dugsiga sare* ee kale (hf). Iyo qaar

badana waxay qaataan waxbarasho waqti

gaaban, mid meel dhexe ama waxabarsho

waqti dheer ee heer jaamici ah.

Ka qeybgal iyo wadashaqeyn

Nidaamka waxbarashada deenishku wuxuu

ku dhisan yahay xorriyad heer sare ah iyo

ra’iye ka dhiibashad go’aamada. Laga

billaabo fasallada ugu yar ilaa jaamacadda

Inta badan way si

wataan sagal sanno

kadib

Xorriyad iyo wadatashi

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA
68

Iskuulka

aasaasiga ah

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Wadashaqeyn iyo

wadajir

waxay ardaydu iskuulada iyo ardaydu

jaamacadaha ka qeybqaadan karaan

go’aannada ku saabsan iskuulka iyo

waxbarashada. Waxaana laga filayaa,

iney sidaa yeelaan.

Waxbaridda sideedaba waxaa sifa u ah

barashada aqoonta asaasiga ah, wadahadal

iyo wadashaqeyn. Caruurta waxay

baranaayaan laga billaabo fasalka koowaad

iney koox koox isula shaqeeyaan, oo

ay wadajir ahaan u xalliyaan shaqadii loo

diray.

Carruurta waaweyni waxay fursada u

leeyihiin iney isi saacidaan iyo si wadajir

ah tusaal ahaan imtixaan koox ahaan uga

qeybaglaan. Xarumaha tacliinta sarena

ardaydu waxay ku diyaarisa cashirkooda

badanaaba kooxo wax wada akhris,

kuwaasoo ku kulma meelo biribaati ah

sida meelaha ey deganyahiin iyo xarunta

waxbarashadaba si ay isula xalliyaan

cashiradaha la soo faray.

Dhamaan carruurtoo dhan waxaa loo

oggol yahay waxbarid lacag la’aan ah oo

ay u siman yihiin ee dugsiyada hoose/

dhexe ee deenishka. Waxayna ka kooban

tahay fursada ee hal sano oo fasalka

xannaanada oo daba socoto sagaal sano

oo dugsiga aasaasiga ee hoose/dhexe ah

– iyo amaba hal sanno fasalka 10aad ah.

Fasalka xanaanada carruurta

(Børnehaveklasse)

Waxaa jirta waxbarashada khasabka ah oo

laga bilaabo fasallada 1aad ilaa 9aad.

Hase yeeshee carruurta intooda ugu badani

waxay ka billaabaan fasalka xannaanada,

markiiba ey 5-6 sanno jir yahiin.

Fasalka xannaanadu waxaa laysku daraa

ciyaar iyo waxbarasho. Carruurtu waxay

baranayaan xarfaha alifbeetiga, way heesayaan,

way ciyaarayaan, waxayna bartaan

weerta eriyadda iyo sida eriyadda layisku

xiro.

Ujeeddada fasalka xannaanadu waa

in carruurta la siiyo dareen fiican ee nolosha

iskuulka ka jirta. Carruurta, uu ilmuhu

kula kulmaayo fasalka xannaanada, ayaa

dhici karato isla caruurtii, eyna noqdaan

ilmahu saaxibadaha ee fasalka 1aad.

Carruurtu waxay

baranayaan iney iskuul

dhigtaan

Dugsiga hoose/dhexe (Folkeskolen)

Dugsiga hoose/dhexe ee deenishku waa

iskuul unugeed (dugsiga kala ma sooco

ardayda, tusaala ahaan, kuwa darajadaha

fiican hela la ma geeyo dugsiga u khaas

ah). Taasuna macnaheeduna waa, inaan

carruurta lakala soocin.Carruutaasna

Carruurta isku fasal

ayey isula soconayaan
Wuxuu carruurta siinayaa

aqoon aasaasi ah

Waxay helayaan

wadatashi iyo

masuuliyad wadaag

Guddiga aradada waa

la dhegeystaa

Darajo ma jirto

fasalka 8aad ka hor

wey isla soconayaan aygoo isku fasal ah

ilaa iyo waxbarashadooda oo dhan ee

dugsiga hoose/dhexe.

Dugsiga hoose/dhexe wuxuu siinaaya carruurta

aqoon aasaasi ah oo daba joog ah,

tusaale ahaan sida xisaabta, luqadda,

barashada aqoonta arrimaha bulshada

iyo maaddooyinka dhabiiciga.Waxuu kale

uu dugsiga hoose/dhexe aradaydaasi

siinaya kalsooni ku filan ee barashada

dhaqanka deenishka, wuxuuna barayaa

fahmidda dhaqamada kale.

Dugsigu wuxuu isla sidoo kale xoojinayaa

horumarka xagga shakhsiyadda ee

ardada, iyo wuxuuna baraarunjinaya dareenka

hawadeed ama fantisiyaha ardayda

iyo rabitaankooda in ey wax bartaan.

Iskuulku wuxuu carruurta u diyaarinayaa

nolosha mujtamac ee xoriyadda, sinnaanta

iyo dimoqoraadiyadaba.Waxay taasuna

ku imaaneysaa ayado carruurta laga qayb

geliyo go’aamida, iyo ka qayb qaadashada

masuuliyad, iyo la baro xuquuqaha iyo

waajibaadada.

Carruurtu waxay baranayaan sida fikradhooda

u soo bandhigi lahaayeen.Waxayna

u heystaan fursad ey ku sameystaan guddi

arday, kaasoo fikradahiisa la dhegeysanayo,

marka iskuulku gaarayo go’aamo

muhiima ah ka gaarayo iskuulka.

Sanadaha ugu horeey ee dugsiga hoose/

dhexe waxaa carruurta dadaalkooda lugu

qiimeyaa wada hadal ee kulinka wadata-

Hadafka dugsiga hoose/dhexe

Dugsiga hoose/dhexe ee deenishka waxaa saldhig u ah sharciga

dugsiga hoose/dhexe. Wuxuuna hordhac ahaan hadafka dugsiga

hoose/dhexe ka leeyahay:

" § 1. Howsha dugsiga hoose/dhexe, asigoo waalidiinta la

kaashanaya, waa inuu sare u qaado sidii ay ardadu u yeelan

lahaayeen aqoon, xirfaddo, qaabab howl fulineed iyo qaabab wax

u sheegid, kuwaasoo gacan ka geysanaya horukaca dhinac walba

ah ee ardayga shakhsi ahaan.

Qeybta 2. Dugsiga hoose/dhexe waa inuu ku dadaalo abuuridda

qaabab u kordhinaaya waaya’aragnimo, rabitaan howl qabad iyo

ka gungaarid, in ardadu yeeshaan garasho, khayaal iyo rabitaan

barasho, si ay u gaaraan ku kalsoonida kartidoodda iyo aasaaskooda

xagga go’aan qaadashada iyo fulinta.

Qeybta 3. Dugsiga hoose/dhexe wuxuu ardada fahamsiiyaa dhaqanka

deenishka, gacanna ka geystaa sidii ay u fahmi lahaayeen

dhaqamada kale iyo xiriirka ka dhexeeya banii’aadanka iyo dabeecadda.

Iskuulku wuxuu ardada u carbiyaa barashada wadatashiga,

masuuliyadda, xuquuqda iyo waajibaadka mujtamac ku

dhisan xoriyad iyo dimoqoraadiyad. Sidaa darteed waana in

waxbarashada iskuulka iyo nolol maalmeedkiisa oo dhami ku dhisan

yahay xoriyadda nafsadda, sinnaan iyo dimoqoraadiyad".
70

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Ku dhisan aasaas kale

La heera dugsiga

hoose/dhexe

shiga u dhexeeya macallimiinta iyo waalidiinta.

Wax darajo, tijaabooyin iyo imtixaanno

midna ardadu la kulmi maayaan

ilaa ay gaaraan fasalka 8aad.

Iskuullada aasaasiga oo hoose/

dhexe ee ka madaxa bannaan kuwa

dowladda (Fri grundskoler)

Waalidiintu waxay u doori karaan

carruurtooda waxbarid kale oo ka duwan

tan dugsiga hoose/dhexe, sida tusaale

ahaan iney carruurtooda geystaan dugsi

aasaasiya oo madax bannaan. Halkaana

ayaga ayaa iska bixinaya qayb qarashka

qaarkiisa ee waxbarida.

Dugsiga aasaasiga ee madaxa bannaa

waxa dhici karto mabda’iisa aasaasiga ah

inu yahay mid kale oo ka duwan kan

dugsiga hoose/dhexe.Waxay noqon kartaa

aragti mucayin ah ee qaababka ardayda

wax loo baro ama mid ku dhisan hadaf

diineed. Iskuulladaas waxaa siiyaan

ardayda marar qaarkood maadooyin,

kuwaasoo aan laga bixinin dugsiga hoose/

dhexe.

Laakinse sharcigu wuxuu qoraa, in ey

waxbarida dugsiyada aasaasiga ee xurta

ah khasab ku tahay in uu bixyo daruus oo

la mid ha tan dugsiga hoose/dhexe oo

baxsho.Waa in haddaba ardayda la baro

luqadda deenishka, aqoonta maaddiga ah

iyo tan fahamka bulshada oo lala heer ah

tan dugsiga hoose/dhexe oo kale.

Iskuulka lugu xaroodo oo laseexdo

kadib fasalka 8aad (Efterskole)

Qofku wuxuu dooran karaa inuu ilmihiisa

u diro iskuul lugu xaroodo sannad ama

labbo sanno oo laga dhigto fasalada 8aad,

9aad ama 10aad. Iskuulada lugu xaroodo

waxay yahiin nooc kuleejo ah ama iskuulada

jiifka ah, halkaaso ardayda deggan

yahiin. Ardadu waxay si isbeddela uga

qeybqaataan howl maalmeedka sida

sameynta raashinka iyo nadaafaddaba.

Sababha keynta doorashada iskuul lugu

xaroodo waxay tahay badanaaba, in

ilmahu doonaayo inuu tijaabiyo wax ka

duwan kuwii dugsiga hoose/dhexe – ama

uu u baahan yahay inuu guriga ka tago in

mudda ah.

Waxbashadu waxay xoogga saareysaa

khaas ahaan ardayga barbaarintiisa guud,

horumarinta xagga dadnimada iyo

koritaanka xil kasnimo. Sidaa darteed

Ardadu waxay degan

yihiin iskuulka

Xoogga saaraya

horumarinta qof

ahaaneed
71

Waalidiintu waa soo

booqan karaan

iskuulka

Xusuusnow marka

iskuulku bilaabanayo

waxay iskuullada lugu xaroodo oo badan

ayaa culays weeyn xoogga u saaraan

maaddooyinka hal abuurka iyo gacan

wax ka qabashada khuseeya sida jilitaanka,

muusigga, jimicsiga, sawir qaadidda,

beeraha iyo noocya kala duwan ee

farsamada gacanta ah.

Sidaan ayaa iskuulka layskugu

soo qoraa

Ilmuhu wuxuu si toosa uga tirsan yahay

dugsiga hoose/dhexe ee iskuulka degmada,

ey xaafada uu ka diwaan geshinyahay.

Waalidiinta waxaa loo fidiyaa iney iskuulka

soo booqdaan, iyo lana hadlaan macallimiinta

waqti fiican, ka hor inta ilmuhu

uusan fasalka xanaanada bilaabin.

Waalidiinta waxay helaan caadi ahaan

waraaqad oo ku saabsan arrimaha guud

ee la xiriira bilaabidda iskuulka. Waraaqdaasii

waxaa ku xusana kara, in ilmuhu

uu soo qaataa boorsa iskuuleed, boorso

qalmaan iyo raashinkiisa maalinta ugu

horreysa iskuulka. Ardaydu waxay soo

qaataan caadi ahaan raashinkooda

maalin kasta. Iskuullda qaar kood ayaa

sameeysatay nidaam ey ardayda raashin

iskullka laga siiyo, dugsiyada kalena

waxay leeyahiin makhaayad ama kantiin

carruurtu raashin ka iibsan karaan oo

jaban.

Meela badan wuxuu qofku ku qasban

yahay inuu ilmaha dhowr sano ka hor

iskuulka kusii qoro inta uusan bilaaban.

Iskuulka ayaana inta uusan billaaban

kahor soo sheegaya in ilmuhu billaabayaan

iyo in kale.

Waxbarida

Sharcigu wuxuu qeexayaa qaarka ugu yar

shuruuda ah, ey tahay waxa ardayda

khasab ku ah iney ka bartaan iskuulka.

Shuruudahaas kasokow iskuulkiiba asigaa,

ayaa go’aansanaya sida uu u soo diyaarsanaayo

waxbarkiisa.

Dugsiga hoose/dhexe waxaa wiilasha iyo

gabdhahaba la baraa isku maadooyin.

Waana maadooyinka buugaagta laga dhigo

sida afka deeniska, afka ingiriisiga, maadada

bulshada iyo xisaab. Iyo maadooyinka

wax ku oolka ah. Labaddaba jinsiba

ama wiilasha iyo gabdhahba waxay bara-

Lab iyo dhedig labduba

waa isku maadooyin

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Waa in qofku isagu la

xiriiro iskuulka gaarka ah

Waalidiinta doonaya iney ilmahooda ku

qoraan iskuullada madaxa bannaan, waa

iney iyagu iskuulka la xiriiraan, oo ilmahooda

kusoo qoraan liiska sugitaanka.
72

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Wacyi-gelinta xagga

masiixiyadda iyo

diimaha kale

Haddii cunugga ay ku

adkaato inuu la socdo

nayaan sida dharka loo tolo, raashin

kariska iyo sida loo isticmaalo qalab

farsameedka. Fasallada ugu yar yar

waxay aadaan dabaal iyo jimicsi, laakiin

gabdhahu iyo wiilashu kala gooni ayey u

qubeysanayaan ama u mayranaayaan ka

dib iyo ka hor inta ayey gelin dabaasha.

Baridda diinta masiixiyaddu waxay ku

saabsan tahay caadi ahaan su’aalo

arrimaha la xiriira nolosha bani’aadanka,

taaso ley is weydiiyo iyo laga wada hadlo

diinta masiixiyadda gudaheed, diimaha

kale iyo fahmada nolosh.

Waxbarida ma laha ujeedo kale oo

khaas ah, laakiinse waxay tahay warbixin

guud ey wax kale wehlinin. Waxbarida

waxay tahay markaas wax yaalaha kale ee

kamid ah iney siiso carruurta fahmidda

xagga taariikhda iyo aasaas oo dhaqameed

ah ee bulshada casriga tirada badan, ee

aan maanta garaneeyno.

Waxaa jirta fursadda, in waalidiintu ka

reebi karaan cunuggooda waxbarida

diinta masiixiyadda, haddii ay ballan

qaadaan, iney ayagu ilmaha diintiisa

barayaan.

Haddii cunuggiina ay dhibaatooyin waaweyni

ka heysato inuu waxbarida la

socdo, wuxuu heli karaa waxbarid dheeraad-

ama waxbarid khaas ah. Waxaana

taasuna dhici kartaa tusaala ahaan,

haddii cunugga oo yahay dadka xarfaha

iskaga darsoomaayaan marko wax aqrinaayo.

Carruurta waxaa iskuulka lugu baraa

arrimaha jinsiga. Halkaana waxay ku

baranayaan, sida jirku u shaqeeyo.Waxayna

ka sheekeysanaayaan xagga isjacellka

iyo cishqiga. Iyo waxaana loo sharaxaa sida

uurka loo qaado – iyo sida looga hortaggo.

Waxbarida jinsigu ma ah mid maaddo

ah oo jadwalka ku jirto. Macallinka

ayaana soo qaado barida jinsiga marka ey

keynto arrin daruusta la xariirta ama iyo

tahay arrin oo macallinka ka arko

carruurta dhexdooda.

Waxbarashada afka deenishka ee

loogu dhigo carruurta leh lugad

kale iyo baridda afka hooyo

Carruurta labada luqadood leh waxaa

laga wadaa carruur, oo leh luqada afka

hooyo uusan aheyn afka deenish, iyo

kuwaasoo ugu horaantiba la samaynayaan

xariir bulshada ku hareereysan, amaba

ayago umaraayaan waxbarashada iskuulka,

ey baranaayaan af deenishka.

Kumuunayaasha waxaa waajib ku ah iney

u fidiyaan carruurta labba luqoodka, ey

aan weli iskuul bilaabin, iyo baahina u

qabaan, saacidaad kordhineeyso horumarka

luqad af deenishka, markaas eyey

si wacan u barnayaan afka deenish.

Fursaddu waxay ka kooban tahay xarakaadyo

kala duwan, ee saameyn kara

horumarka luqadda carruurta.

Marka carruurta labada luqadood leh

iskuulka hoose/dhexe lugu qoraayo, maamulka

iskuulka ayaa qiimeenayaan baahida

Duruusta xagga jinsiga

ee la xiriirta dareenka

iyo jirka

Qeexidda cunugga laba

luqadoodlaha ah

Carbinta luqadda loogu

talagalay carruurta aan

iskuul gaarin

Baridda af deenishka

luqad labaad ahaan
73

Baridda afka hooyo

ardayga kadibna qaadanaya go’aan, hadii

oo ardayga u baahanyahay waxbarid

khaas ah ee af deenisha luqad labaad

ahaan.Waxaana laga saacidayaa deenishka

luqad labaad ahaan fasalka xanaanada

iyo fasallada 1-10aad.

Kumuunayaashu waxay ku khasbanyhiin

in ey fidiyaan fursad barashada afka

hooyo ee ardayda u dhalatay dalalka

xubnaha ka ah ururka midowga Yurub,

dalalka kamida ah heshiiska iskaashiga

dhaqaalaha yurub (Det Europæiske

Økonomiske Samarbejdsområde) (Norge,

Island iyo Liechtenstein), iyo Færøerne

iyo Grønland. Waxbaridu hase yeeshee

iskuul ama kumuuna kasta waxay kaliya

ey bari karaan ardaydaasi afkood hooyo,

haddi ey jirto tiro badan oo ardaya la helo.

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Heynta ilaa fasalka

afaraad

Kumuunayaashu intaas wax u sii dheer in

kumuunayaashu kari karaan ayagoo la

amrin ey siiyaan ardada dalalka kale

waxbarida afkooda hooyo. Kumuunayaashu

waxay kari karaan in ey lacag ka

qaadaan ka qeybgalayaasha waxbarida

luqada afka hooyo.

Rugta ey tagaan ardayda dadooda

weyntahay kadib saacadaha dugsiga

iyo nidaamka ku heynta carruurta

dugsiga kadib saacadaha dugsiga

Carruurta waxaa lugu heyn karaa rugta

ey tagaan ardayda dadooda weyntahay

kadib saacadaha dugsiga ama nidaamka

ku heynta carruurta dugsiga kadib saacadaha

dugsiga (SFO), ilaa ay ka bilaabaan

Iskuulka rixlada loo tago iyo lugusoo dhexo,

(Lejrskole) oona lugu kalsoon yahay

Iskuulka lugusoo dhexo waa qeyb duruusta kamida, oo ardada

fursad u siinaya iney helaan waaya’aragnimo iyo khibrad la taaban

karo. Duruusta waxaa lugu qaata hab lugu kalsoon yahay – ayadoo

la kaashanayo talooyinka iyo ilku heynta macallimiinta.

Arrimaha caadiga ah ee la xiriira raashinka, joogitaanka iyo soo

dhixidda hore ayaa waalidiinta loogala hadlaa, si dhamaan loogu

kalsoonaado in carruurta safarka loo diro oo ay ka qeyb galaan.
74

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

fasalka 4aad. Halkaana waxay carruurtu

awoodaan in ey la cayaaraan saaxiibadooda,

cashirkoodana ku diyaariyaan,

eyna kuna nastaan. Rugta ey tagaan

ardayda dadooda weyntahay kadib saacadaha

dugsiga waxaa la xiraa saacadah

u dhexeeya shanta iyo lixda galabnimo.

Waa in aad adinku bixisaan qeyb kamida

qarashka heynta, hadeeydan helina

heyn lacag la’aan ah. Inta aad bixineysaan,

waxay ku xiran tahay dakhligiinna.

Waalidiintu waxay ka qeyb qaadanayaan

nolosha iskuulka

Iskuulku wuxuu waalidiinta siinayaa fursado badan si ay uga qeyb

qaadan lahaayeen, saameyna ugu yeelan laheen waxbarashada

caruurta. Waalidiinta badankood waxay ka qeyb qaataan shirarka

waalidiinta, xafladaha iyo abaabullada kale ee iskuulka. Sidaa

ayeyna ula soconayaan nolol maalmeedka iskuulka, duruusta iyo

farxadda carruurta – isla markaana waxay la kulmayaan waalidiinta

kale ee fasalka.

Kumuunayaasha qaarkood waxay kaloo

leeyihiin naadiyada waqtiga fasaxa.

Halkaana ayeyna carruurtu imaan kara,

marka ay ka weynaadaan isticmaalka

rugta ey tagaan ardayda dadooda weyntahay

kadib saacadaha dugsiga.

Iskuulka rixladda loo tago oona

lugusoo dhexo

Iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo

dhexo waa qeyb kamida waxbarashada

iskuulka. wuxuun ka dheelayaa isla

markaana doowr muhiima ee nololsha

mujtamaca ka jirta fasalka iyo isku dhawaanta

ardayda dhexdooda. Dad badan

ayaa iskuulka rixladda loo tago oona

lugusoo dhexo u arka arrin fiican iyo inuu

yahay mid kamida barr tilmaamyadda ee

nolosha iskuulka.

Inta aan carruurtu bixin, waxay

diyaariyaan oo xaliyaan shaqada ey macalimiinta

fartay ama ka qora curisyo

waxay qaban doonaan.

Iskuulka rixladda loo tago oona lugusoo

dhexo goobtiisa, carruurtu raashin

ayey wada sameeyaan, aadaanna kalluumeysi-

ama baaskiil wadid ah, sameeyaan

dabshid, ciyaaraan iyo kuna qubeystaan

badda. Gabdhaha iyo wiilashu islama

seexdaan oo waxay kala seexdaan qolall

kala go’an.

Inta jeer iyo intey tahay muddada markiiba,

carruurtu tagayaan iskuulka rixladda loo

tago oona lugusoo dhexo, iskuulladu waa

ku kala duwan yihiin. Safarku wuxuu ka

kooban yahay had iyo jeer ugu yaraan

Naadiyada carruurta

rooroon

Muhiim u ah nolol

bulshadeedka fasalka

Carruurtu waxay ku

caawiyaan iney lacag u

keydiyaan safarka
Iskuulka aasaasiga

ah kadib

75

dhowr habeen soo seexasho meel kamida

Danmark amaba dal kale mararka qaarkooda.

Fasallada carruurta waaweyn waxay

carruurtu badanaa is caawintaa sideey

lacag ugu keydiyaan la hayeen iskuulka

rixladda loo tago oona lugusoo dhexo

safarkiisa ee wadanka dibeddiisa ayagoo

shaqeynaya waqtigooda fasaxa.

Saameynta waalidiinta

Dugsiga hoose/dhexe Sharcigiisa wuxuu

waalidiinta siinayaa fursad helaan saameyn.

Waxayna dhacdaa taasuna aydooloosoo

maraayo guddiga iskuullada oo dhamaan

iskullada qabaan. Halkaasoo ay fadhiyaan

labadda mid ee wakiillo iskuulka ka socda

iyo wakiillo waalidiintu ay iska doorteen.

Danmark waxaa ka jira waxbarashooyin

tira badan iyo koorsooyin oo loogu

talagalay, ardaydii dhameysa fasalka

9aad ama kan 10aad ee dugsiga

aasaasiga ah. Intooda badanna waxaa

loogu talagalay dhalinyarada oo kaliya,

kuwa kalena kooxda dadka waaweyn iyo

dhalinyaradaba.

Waxbarashada dugsiga sare

Gymnasiale uddannelser

Waxbarashadaha dugsiga sare waxay

qaadataa labo-seddax sanno, waxaana ku

siineysa gelitaanka tacliin sare.Waxbarashada

dugsiga sare caadiga ah waxay ka

kooban tahay:

• Dugsiga sare oo seddax sano ah ama

koorsooyinka ardayda oo laba ama

seddax sano ah. Labadabba waxaa

lugusoo gebagebeeyaa imtixaan ardayda.

• Dugsiga sare, hf, oo laba sano ah.

• Dugsiga sare ee xirfadaha, oo qaata

labo ama seddax sano.Waana dugsiga

sare ee farsamada, (htx), iyo dugsiga

sare ee ganacsiga, (hhx). Waxa ku

siinayaan ictiraaf xirfad suuqa shaqada

iyo in aad tacliin sare usii gudubto

intaba.

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Waxbarashooyinka xirfadaha iyo

dhallinyarada

Koorsooyinka iyo waxbarashooyinka dhalinyarada

badan waxaa codsan kara

dhallinyarada, ku guuleysatay imtixaanka

fasalka 9aad ama 10aad iyo dadka waaweyn

intaba.
76

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Waxbarashooyinka

xirfadaha ee

seddax-afar sano ah

Waxay kala dooran karaan ku dhowaad

boqol waxbarashooyin xirfadeed oo kala

duwan, kuwaasoo qaadanaya seddex-afar

sanno. Waxayna ka kooban yihiin duruusta

iskuulka iyo tababar loo tago

shirkado.Waxaynu ku siineeysa gelitaanka

shaqooyin badan ee dhinacyada ganacsiga

iyo xafiisyada, lacagaha, dhismaha- iyo

dismaha yar yar, birta iyo biraha kale,

maadada naqshadeynta, gaadiidka iyo

wax-soo-saarka beeraha.

Weydii lataliyaha waxbarashada

Iskuullada iyo goobaha waxbarashada oo dhan waxaa jooga lataliyaal

waxbarashada, oo talo kaa siin kara tacliinta ugu haboon ee baahidaada

dabooleysa.

Waxbarashooyinka

bulshada iyo

caafimaadka ee labada

sano ah

Waxaa sidoo kale la dooran karaa waxbarashada

caafimaadka iyo bulshada oo

laba sano ah.Waxay fursad kuu siineysaa

shaqooyinka sida kalkaaliyaha caafimaadka

iyo bulshada ama adeegaha caafimaadka

iyo bulshada

Iskuullada

wax-soo-saarka

Qofku waa inuu isagu

soo helaa goob

tababar

Dhallinyarada ka yar 25 sanno waxay geli

karaan iskuullada tira ka badan boqol

wax-soo-saarka ah, ee dalko dhan ku

yaaliin. Halkaasoo duruusta ay ku lamaansan

tahay soo saaridda alaabooyin kala

duwan.

Tababar (leylin) (Praktik)

Waxbarashooyin dhallinyarada oo badan

waxay isugu jiraan duruus afka ah iyo

tababar lugu goob shaqo lugu sameynayo.

Qofku waa in uu isagu soo helaa goob

tababar oo la aqoonsan yahay, iyo inkastoo

ay taasssssi adagtahay. Dhallinyaro badan

la kulma hungoobid isdaba jooga, markay

isku dayaan iney helaan goob tababar

shaqo.

Haddii qofku soo waayo goob tababar

shaqo muddada hore ee iskuulka kadib,

iskuulka ayuu tababar ku qaadan karaa.

Waxayna isugu jirtaa barashada qalabka

ee iskuulka iyo tababar caadiya ee goob

tababar shaqo.

Haddaba weli qofku waa inuu goob

tababar shaqo helaa, lakinse waqtigiisa

kala bar ayuu ka qaadanaya.

Inta qofku uu tababarka ku jiro, wuxuu

qaadanayaa mushaarka tababarka.

Mushaarkaase wuu ka sarreyaa kan

kaalmada qaranka ee waxbarashada

(SU), kana hooseysa mushaar rasmiya.

Tababarka iskuulka

Mushaarka tababarka
Tacliinta sare

77

Cadadka iyo

shuruudaha gelidda

Markuu qofku dugsiyadda sare soo xusnay

dhameeyo, waxbarasha sare ayuu sii

wadan karaa. Seddax nooc ayeyna u qeybsan

tahay:

• waxbarashooyinka sare ee gaaban oo

laba sano ah. Wuxuuna qofku tusaale

ahaan noqon karaa sheybaariiste, dhaqaale

yahan ganacsiga, koronto yaqaan

ama farsama yaqaan makiinadaha.

• Waxbarashooyinka dhexe ee qaadanaya

seddax ilaa afar sano. Kuwaasoo

qofku uu noqon karo tusaale ahaan

macallin, macallinka xanaanada, kalkaaliye

isbitaal ama lataliya bulshada.

• Kuwa mudda dheer qaata, ee loogu

qaata jaamacadaha ama kuwa la

siman. Halkaana wuxuu qofku uu noqon

karaa tusaale ahaan dhakhtar,

dhakhtarka ilkaha, injineer ama macallin

dugsi sare. Waxbarashooyinka

jaamacadaha waxaa lugu sii darsan

karaa tacliinta Ph.d, taasoo qofka

mushaar la siinayo, iyo kunna shaqeynayo

cilmi baaris iyo inu waxbaro u

dhawaan muddo seddax sanno ah.

Isku qorida waxbarashada

Wasaarada waxbarashada aya sannad

waliba go’aamisa, intay arday aya isku

qori karto waxbarashooyink kala duwan.

Intaasi waxa sii dheer in ey goob

waxbarasho kasto leedahay sharuudooyin

lagu xiraayo ardayga soo gelitaankiisa.

Shuruuduhu waxay ku saleysnaan

karaan darajooyinka imtixaanaadk dugsiga

sare, iyo wixii aad hore usoo qaban

jirtay. Halkaanna waxaa dowr ka ciyaaraya

tusaale ahaan waaya-aragnimo shaqo,

safarro iyo waxbarasho hore.

Waxbarashooyinka qaar kood ayaa imtixaan

loo galaa. Waxayna caadi ahaan

khuseysaa wax-barashooyinka maadooyinka

wax ku oolka ah ama farsamada

sida jilidda, sameynta filimada, joornaaliiste

iyo naq-shadeeye.

La kulan waxbarashada iyo ardada kale

Jaamacadaha iyo machadyada sare waxbarashada badankood waxay

duruusta ku bilaabaan abaabul soo dhoweyn ah (rus-arrangement).

Halkaana ardada cusub ayaa waxbarashada loogusoo bandhigaa

iskuna bartaan, ayadoo la adeegsanaayo muxaadaro jeedin, doodo

iyo xaflad isugu-imaatin. Waxaana inta badan abaabulka kamida, in

dhowr maalmood duurka lugu maqnaado (hyttetur).

Guddi iyo xiriirro

Dhamaan goobaha waxbarashada waxay

ardadu isku abaabule karaan guddiyo,

guddiga nooca xirfadda la xiriira, guddiga

waxbarashada ama guddiga ardada.

Gudiyadaasi waxay qabanayaan si balaaran

danaha ardayda, waxayna cod ka

dhiibanayaan waxbarashada waxay xambaarsan

tahay iyo tayadeedaba. Qof

kastaa wuxuu leeyahay fursadda inuu

saameyn ku yeesho qaabka waxbarashada

haddii isu sharaxo guddiga ardada.

Machadyada sare intooda badan waxay

ka jira gudiyo isbeersaday, oo qabanaayo

danaha kooxaha kala duwan.

Imtixaanka gelitaanka

Cid kastaa waa

saameyn kartaa

nuxurka waxbarashada

Urur bulshadeedyo

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA
78 Nidaamka waxbarashada deenishka

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

WAAJIB WAXBARASHO WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN

Da’da

28

27

26

25

24

23

22

21

20

19

18

17

16

15

14

13

12

11

10

9

8

7

6

Sanad dugsiyeed

19

18

17

16

15

14

13

12

11

10

10

9

8

7

6

5

4

3

2

1

0

Waxbarashooyinka

sare ee

gaagaaban

g

Waxbarashooyinka

sare ee

dhexe

Waxbarashooyinka dugsiyada sare

Iskuulka aasaasiga ah

Fasalka xanaanada carruurta

Waxbarashooyinka

sare ee

dhaadheer

ph.d.

Waxbarashooyinka

xirfadaha iyo

dhallinyarada

Da’ dugsiyeedyada kor ku xusan waa kudayasho

Xigasho: Buugga ku saabsan Danmark, Danmarks Nationalleksikon A/S iyo qorayaasha, 2001.
Fursadaha

dhaqdhaqaaqa

Guddiyada iyo ururrada

faraha badan

ee ka jira machadyada

sare waxbarashada

waxay aradada

siiyaan saaxad ballaaran

oo fursadaha

dhaqdhaqaaq ah –

iyo fursado wanaagsan

oo ay ardada

kale isku bartaan.

Goob kasta oo

waxbarasho waxay

leedahay caadooyin

u gaara oo ciyaaro

iyo xaflado ah – iyo

bii’ad waxbarasho

oo u gooniya.

Ardadu ayaga ayey

aad ugu xiran tahay

sidii ay saameyn ugu

yeelan lahaayeen

nolosha goobta

waxbarashada.
80

Kaalmada Waxbarashada Qaranka (SU)

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Saacidaad dhaqaale ee

lugu noolaado

Saacidaad, amaah iyo

shaqo

Waxbarida ee waxbarassshooyinka intooda

badan waa lacag la’aan. Hase

yeeshee ardadu waxay u baahan yihiin

lacag ay ku noolaadaan – tusaale ahaan

waxay buugta ku iibsadaan. Sidaa

darteed wuxuu qaranku u fidiyaa kaalma

dhaqaale ardayda, dhigata tacliin la

aqoonsan yahay iyo xaqna usiineysa in la

saacido.

Qofka waxuu helli karaa Saacidaadda

Qaranka ee Waxbarashada (SU), oo ah

cadad lacaga oo bil walba ah, oo caadi

ahaan dib loosoo gudeynin. Waxaa jirta

oo kale fursaddo amaaheed, lasoo gudaayo

ayadoo dul saar leh, marka tacliintu

dhamaato.Wax jira dulsaar yar oo khaas

ah loogu talagaley deenta ardaynimadda.

Qaar badan waxay doortaan in ey

iska dhaafa amaahda. Meesha ey deenka

ka qaadan lahayeen waxay shaqeyaan

waqtigooda fasaxa ah, inta ay waxbaranayaan,

si aysan waxbarashada amaah

ugala tegin.
Waxbarashada

dadka waaweyn

Aqoonsiga waxbarashooyinka

dibedda

81

Fursadda in aad

waxbarashada

iskuulka mid kale ku

darsato

Lugusoo

gunaanadayaa

imtixaan

Waxbarashada caadiga ah ee

dadka waaweyn

Waxbarashada guud ee dadka waaweyn

waa fursad loo fidiyey dadka 18 sano ka

weyn. Waxbarashadu kuma jiheysna

xirfad mucayin ah ama farsamo gooniya,

lakinse waxay dadka waaweyn siineysaa

fursad kororsasho ama cusbooneysiin

waxbarashadoodii iskuulka ee maaddooyinka

guud.

Taasuna macnaheeda tahay sida

maadooyinka xisaabta, ingiriiska, seeyniska,

filasafada, cilmi-nafsiga, afk deenishka

oo luqad labaad ahaana, kombiyuutar

iyo barashada cilmiga bulshada.

Waxbarashada waxaa lugusoo gunaanadaa

imtixaan u dhigma fasalka 9aad iyo 10aad

ama kan la mid ah heerka hf. Waxbarashada

waxaa lugu qaataa xarunta waxbarashada

dadka waaweyn (VUC).

Duruusta waxaa la qaataa maalintii

iyo habeenkii intaba, iyo koorsooyinkuna

waxay billowdaan marar badan sanadkiiba.

Markii lasoo koobo, waxay bilaabaneysaa

waqtiga adiga kuugu haboon.

Haddii aad leedahay tacliin kala timid

meel ka baxsan xuduudka Danmark,

waxaa dhici karta in la ogaado waxay

tacliintaasi ey tahay, iyo xirfadaada cilmiyeedka

lugu issssticmaali karo Danmark

– ama in aad u baahan tahay tacliin

aqoon kororsi ah si aad u isticmaasho

tacliintaada.

Haddii aad ku xiran tahay barnaamijka

soo dhoweynta ee kumuunaha ama

barnaamijka kale ee tababarka shaqada,

waxaad weeydii kartaa tallo qofka

kiiskaaga qaabilsan ee kumuunaha.

Xarunta Qiimeynta waxbarashooyinka

Dibedda (CVUU) waa xarunta dhexe ee

Danmark, halkaasoo aad la xiriiri karto,

haddii aad qiimeyn u dooneyso waxbarashadaada,

marka loo eego nidaamka

tacliinta deenishka iyo suuqa shaqada.

Tacliintaada ma ku

isticmaali kartaa

Danmark

Kaalmada qiimeynta

waxbarashooyinka

dibedda

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA
82 Luqadda deenishka ee ajaanibta

waaweyn

ISKUULKA IYO WAXBARASHADA

Baridda deenishka ee

dhamaan dadka

waaweyn ee dhalasho

ajnabi heysta

Dhamaan dadka ajaanibta ah, kana

weyn18 sano, sharcina ku leh Danmark,

waxaa loo fidiyaa barashada deenishka

iyo arrimaha bulshada deenishka oo lacag

la’aan ah.

Waxbarashada waxaa lugusoo gunaanadaa

imtixaan, kaasoo loo isticmaali karo

tusaale ahaan, haddii qofku waxbarasho

bilaabayo. Sidoo kale hadaynan aysan

jirin sababo khaas ah – loo baahanyahay

in aad imtixaanka ku gudubto, haddii aad

dooneyso in aad hesho sharciga abadiyada

ama dhalashada deenishka.

Haddii oo qofka ka qeyb qaadanaayo

barnaamijka soo dhoweynta ajaanibta

cusub, waa khasab in uu kumuunuhu

kooraska kuu fidiyaa ugu dambeyntii bil

kadib marka uu usoo guuro kumuunaha.

Duruusta runtii waxaa loo qaadan karaa

qaabab badan oo kala duwan – kali kali,

kooxo waaweyn ama yar yar, xarunta

luqadda ee kumuunaha, iskuul xirfadeed

ama xarun shirkadeed – oo laga yaabo in

lugu siyaadiyo duruus aqoon dirsad ah.

Waajibka ka qeybqaadashada

barashada deenishka

Haddii uusan qofku marka uu Danmark

yimaado kadib dhakhsa shaqo helin,

wuxuu u baahnaan doonaa inuu kaalma

dhaqaale ka helo bulshada deenishka –

lacagta soo dhoweynta. Shardiga

qaadashada lacagta soo dhoweyntu waa,

in qofku uu si firfircoon uga qeyb galaa

barashada deenishka iyo fursadaha

tababarka shaqo, iyo waana inuu diyaar u

yahay suuqa shaqada, si uu shaqadii uu la

kulmo deg deg ugu qaato, markii oo hello

fursad. Iskuulku sababtiise darteed soo

xaadiridda dadka wuu diiwaan geliyaa,

iyo waxaana waajib ka saaran yahay in

uu kumuunaha ku wargeliyo qofkii

iskuulka imaanin. Maqnaasho aan

cudurdaar laheyn waxay keeni kartaa, in

kumuunuhu qofka ka dhimo amaba ka

joojiyo caawinaanta dhaqaale.

Saacidaadda dhaqaale

waa lasoo dhimi karaa
Deenishku waa albaabka bulshada

Deenishku waa albaabka waxbarashada, shaqada iyo wadajir bulsho.

Waana muhiim sidoo kale in aad deenishka barato, si aad u fahamto

xuquuqdaada iyo waajibaadka bulshada deenishka. Aqoon la’aanta

sharcigu kaa saamixi maayo in aad raacdo ama ilaaliso. Sharciyada

amaanka ee aad la kulanto maalin walba, sidoo kale waxay sida

badan ku qoran yihiin af deenish.

Markii dhexgalkaaga deenishku sii kordhaba, waxaa kuusii fududaanaaya

fahamka luqadda. Haddaba dhexgal deenishka – tusaale

ahaan iskuulka habeenkii, xarakaadyada jimicsiga ama munaasabad

waqtiyada fasaxa ah oo kale. Ama waxaad ku biiri kartaa ururro

maxalliya ama guddiyada waalidiinta.

Meela badan oo maxalliya waxaad ka heli kartaa ka caawinta duruusta

iyo saacidaadda barashada deenishka oo kooxo tabaruca ay ku

bixinayaan tusaale ahaan Heyadda Qaxootiga deenishka.
8 SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA
Nolosha shaqaalanimada ee Danmark

85

Shaqo heysashadu

waxay leedahay qiima

weyn

Intooda badan waxay

xiriir la leeyihiin suuqa

shaqada

In aad heysato shaqo waxay ku siineysaa

isku kalsooni iyo in lugu qadariyo intaba,

waayoo waxay qofka u keeneysaa inuu

naftiisa iyo qoyskiisaba biisho, sidoo

kalana waxay qofka u keeneysaa inuu

gacan siiyo wadajirka.

Danmark waxay dadka ugu badan ee

da’da shaqadu ku xiran yihiin suuqa

shaqada. Waxayna khuseysaa rag iyo

dumar intaba, oo ilaa heer ay tira isku

mid ahi ku jiraan suuqa shaqada.

Dadka intooda waxay u shaqeeyaan dad

kale – shirkado biribaatiya ama shirkado

dowliya –ayagoo mushaar qaata.Waxaase

jira dad kale oo badan, oo ganacsato

madax banaan ah, oo ah dukaan, maqaayad,

shirkad ama beero u gooniya.

Suuqa shaqada deenishku waa mid aad

takhasus u leh. Sidaa darteed waxaa la

raadiyaa khibrado iyo aqoon ku haboon

suuqa shaqada. Waxayna khuseysaa,

ayadoo aan loo eegin inuu qofku ka

shaqeynaayo nadaafad, wershed, injineernimo,

ama guryaha xanaanada waayeellada.

Sidoo kalena waxay khuseysaa

haddii qofku maamulaayo dukaan ama

shirkad uu leeyahay.

In aad ka bilaawdo ka faa’iideysiga fursad

waxbarasho ama aad isku daydo in aad

suuqa shaqada toos u gasho waxay ku

xiran tahay, waxa aad hore u taqaan.

Haba yaraatee haddii aadan wax tacliina

laheyn, waxaa laga yaabaa in arrinta ugu

macquulsani tahay in aad ku bilaawdo

shaqada gacanta – ayadoo laga yaabo in

aad koorsooyin gaagaaban qaadato, oo

kuu sahlaya fulinta shaqadaa.

Suuqa shaqada ee

khibradaha gaarka ah

Maxaad hore u

awoodda

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Shaqada Danmark.

Heerka suuqa shaqada ee dadka u dhexeeya

16-66 sano, ee 1. janaayo 2001:

Cadadka oo tiro dhan ah Percent

Inta shaqeysa 2.681.438 75 %

Inta aan shaqeyn 118.520 3 %

Ka baxsan cududda shaqaale 798.346 22 %

Wadar 3.598.304 100 %

Xigasho: Danmarks statistik

Shaqada ugu horreysa laga yaabee

ineysan noqon mid mushaar fiican leh.

Waxaana sidoo kale laga yaabaa ineysan

kamid noqon shaqooyinka aad aqoonta u

laheyd ama aad si aada u dooneysay in

aad ka shaqeyso. Laakiin waxay ku siin

kartaa aqoontii suuqa shaqada ee kuu

furi laheyn albaabka shaqo wanaagsan.

Yeelo aqoonta suuqa

shaqada

22%

3% 75%

Shaqaalaha

Shaqa laawayaasha

Ka baxsan cududda shaqaalaha

Qeybaha ku saabsan barnaamijka soo

dhoweynta deganayaasha cusub iyo iskuul

iyo waxbarasho ayaad ka akhrisan kartaa

wixii dheeraada ee ku saabsan sidii aad u

kobcin laheyd cilmigaaga, tusaale ahaan

adoo adeegsanaya waxbarasho ama tababar

shirkadeed.
86

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Dad badan ayaa

shaqooyinka doonaya

Baahida loo qabo

cudud shaqaale oo

shaqada kabixi kara

Cidina shaqo iskuma hubto. Markii aad

ku dhaqaaqdo in aad codsatana waxaad

ogaan doontaa in dad badani halka shaqo

wada codsanayaan. Si gaara ayeyna u

adag tahay, haddi qofku uusan aqoon

laheyn, iyo haddii qofku uusan af deenish

ku hadleyn.

Shaqa la’aantu Danmark aad ayey ugu

badan tahay dadka ajaanibta ah dhexdooda

– xatta in kastoo shaqa la’aanta

guud ey Danmark hoos ugusii dheceyso

laga bilaabo qiyaastii 10% 1990meeyadii

ilaa 5% sanadkii 2001. Hoos u dhacaas

wuxuu keenay waaxo farabadan looga

baahan yahay cudud shaqaale oo wax

taqaan. Deganayaasha ajaanibta ah, ee ku

hadla afka deenishka isla markaana

tacliinta leh, aad ayaa sidaa darteed weli

loo daneeyaa.

Nooca suuqa shaqada

deenishka

Waajibka nabadda ee

muddada heshiiska

Suuqa shaqada deenishka

Danmark waxay shaqaalaha iyo shaqabixiyaashu

isla gaaraan heshiisyo madax

banaan oo ku saabsan tusaale ahaan

mushaarka, waqtiga shaqada, waxbarasho

iyo sharciyada la xiriira rukhseynta.

Marka loo eego dalal kale oo badan

Danmark kama jirin dhaqanka ah in sharciyo

laga soo saaro arrimahaas. Sidaa

darteed ayaa laga hadlaa "nidaamka

suuqa shaqada deenishka".

Dowladdu mar dhifa ayey faraha la

gashaa wada xaajoodyada suuqa shaqada.

Marka heshiis labada ay isku

raacaan, waajib nabadeed ayaa ka jira

suuqa shaqada deenishka. Waxaa laga

wadaa, in aan shaqa joojin iyo irid

kaxirasho midna aan la sameyn karin

muddada uu heshiisku khuseeyo.

Waqtiga hadda la joogo waxaa u taalla

suuqa shaqada deenishka, in waqti shaqo

oo buuxaa yahay asbuucii 37 saacadood

iyo fasax 5 asbuuca oo mushaar leh.

Ragga iyo dumarka intuba waxay xaq u

leeyihiin fasax dhalmo. Waxaa jira

sharciyo adag oo la xiriira bii’ada shaqada

iyo amaanka. Carruurta da’doodu 13

sano ka yar tahayna waa ineysan guriga

dibeddiisa ka shaqeyn.

Suuqa shaqada ee

nidaamsan
87

Inta ugu badan waxay

ka tirsan yihiin urur

shaqaale

Xaalado hubban oo

habeysan

Ururrada shaqaalaha

Danmark waxaa ka jira dhaqan fog oo

ah, in shaqaaluhu ay xubin ka yihiin urur

shaqaale. Ururrada shaqaaluhu waxay u

adeegaan danaha xubnaha ee ku wajahan

shaqabixiyaasha, waxayna u sugaan

mushaar iyo xaalado shaqo oo macquul

ah.

Sidoo kale shaqabixiyaashuna si aad ah

ayey ugu mideysan yihiin xiriirro shaqabixiyaal.

Shaqabixiyaasha intooda

badan waa doonayaan iney la shaqeeyaan

ururrada shaqaalaha. Waxayna u arkaan

faa’iido, in shaqaaluhu qanacsan yihiin oo

ay ku kalsoon yihiin goobta shaqada. Isla

markaana waxay shaqabixiyaasha u

sugeysaa in xaaladdu degan tahay, marka

loo eego tusaale ahaan mushaar koror,

shaqa joojin iyo waqtiga shaqada.

Haddii aad shaqa beesho

Haddii aad shaqa beeshso, marka aad gashay

ceymiska shaqa la’aanta kadib, waa in aad:

• La xiriirto xafiiska shaqada (AF)

ee xaafadda aad degan tahay.

• Halkaa shaqa laawe ahaan ayaa luguu

diiwaan gelinayaa, kaarka lacagta maalinlaha ah (dagpengekort)

ayaana lugu siinayaa, kaasoo aad u isticmaaleysid in a-kaasuhu

ku siiyo lacagta maalinlaha ah.

• Waa in aad diyaar u tahay suuqa shaqada.Taasoo loola jeedo in

aad digniin maalina gudaheed shaqo aqbasho, haddii fursadda

aad hesho.

• Waa in aad adigu ku dadaasho in aad shaqa hesho, inta aad

qaadatid lacagta maalinlaha ah.

• Haddii aysan kuu hirgelin, waa in xafiiska shaqadu ku dadaalaa

inuu kuu fidiyo tababar, halkaasoo aad aqoon kororsan karto

ayadoo la adeegsanaayo koorsooyin ama tababar shirkadeed.

tahay urur shaqaale waa in aad dhiibto

lacagta xubinnimada ururka shaqaalaha.

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Xorriyadda ururnimada

Danmark xoriyad xagga urur sameysashada

ayaa ka jirta. Sidaa darteed shaqabixiyuhu

uma diidi karo qofku inuu

urur shaqaale ku biiro.Taas caksigeedana

dadka aad wadashaqeysaan kuguma xiri

karaan xubin ka tahay. Goobaha shaqada

intooda badan waxay dadka aad wada

shaqeysaan hase yeeshee rejeynayaan in

aad xubin ka tahay ururka shaqaalaha ee

heshiiska kula jira shaqabixiyaha.Waayoo

waxay ka baqayaan in aan la sugi kareyn

mushaar iyo xaalado shaqo macquul ah.

Ururkee shaqaale ayaad ku biireysaa

waxay ku xiran tahay ururka ururiya koox

xirfadeedkaaga. Haddii aad xubin ka

Ceymiska shaqa la’aanta

Marka aad shaqo bilaawdo waxaa wanaagsan

in aad iska diiwaan geliso sanduuqa

shaqa la’aanta*.Waxay fursad kuu

siineysaa in aad hesho kaalmo iyo saacidaad

dhaqaale – lacagta shaqa la’aanta

maalinlahaa* – haddii aad shaqa beesho.

Qarashka xubinnimada ururka shaqaalaha

iyo sidoo kale lacagta xubinnimada

sanduuqa shaqa la’aanta labadaba waxaa

laga jaran karaa canshuurta.

Waa in qofku sanduuqa shaqaalaha xubin

ka ahaado hal sano, inta uusan xaq ugu

yeelan karo lacagta maalinlahaa haddii

uu shaqa beelo.
88

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Goobta shaqadu dowr

dhextaal ah ayey uga

ciyaartaa dadka

intooda badan

Nolosha goobta shaqada

Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha

shaqada ee Danmark. Laakiin waxay

kawada siman yihiin, iney dowr dhextaala

ka dheelaan nolosha dadka intooda

badan. Shaqo nololeed wanaagsan,

asxaab fiican iyo xaaladda shaqada oo

wacan ayaa kamida gaaridda nolol tayo

sare leh.

Xafladaha iyo khamriga ee goobta shaqada

Goobaha shaqada intooda badan xilliga shaqada khamri luguma cabi

karo. Laakiin abaabullada ijtimaaciga ah ee kala duwan ee lugu

qabto goobta shaqada – xilliga shaqada kadib – waxaa marar badan

lugu cabaa khamri.

Waxaa kamida xafladda gebegebada yuulka ee sanad walba, halkaasoo

qofku quraacda dusheeda ku yiraahdo asxaabtiisa yuul iyo sanad

wacan. Waxaa kamida safarro gaaban iyo xaflado. Meelaha qaarna

waxaa weli caada ah la cabo "biirka waqtiga xiritaanka" ee jimcaha

marka waqtiga shaqadu dhamaado.

Si heer sare ah ayey masuuliyadda

shaqaalaha u tahay iney goobta shaqada

ka dhigtaan meel joogitaan ku habboon.

Halkaana la joogidda asxaabtu waxay ka

tahay qeyb muhiima.

Dhibaatooyinka goobta shaqada

Waxaa goobta shaqada ka abuurmi kara

dhibaatooyin kala duwan. Waxaa ka jiri

kara xaalado xagga caafimaadka iyo

amaanka ah oo xun. Waxaa ka jiri kara

wadashaqeyn xumo ama – marar dhifa –

xataa rakaato, aflagaado ama henjebaad.

Arrimahaasoo kale dabcan waa inaan loo

dulqaadan.

Goobaha shaqada intooda badan waxay

shaqaaluhu doortaan wakiil shaqaale*,

oo uga wakiila shaqabixiyaha. Wakiilka

shaqaaluhu waa wakiilka ururka shaqaalaha

ee goobta shaqada.

Haddii dhibaata kaa heysato goobta shaqada

ama ey kula tahay in si xun ama

xaq darro luguula dhaqmay, la xiriir

wakiilka shaqaalaha. Kaasina wuxuu

kiiska u bandhigayaa shaqabixiyaha ama

ururka shaqaalaha. Wakiilka shaqaalaha

waxaa laga badbaadiyey in shaqada laga

eryo, wuxuuna sidaa darteed soo dhexgeli

karaa iska horimaadyada dadka kale ku

adag. Haddii aadan laheyn wakiil

shaqaale, waa in aad la xiriirto ururkaaga

shaqaalaha – ama haddii kale toos ula

xiriir madaxda – haddii dhibaato jirto.

Kamid ahaanshaha

asxaabta ee muhiimka ah

Intooda badan wakiil

shaqaale ayey leeyihiin
Helitaanka

shaqada

89

Wakiilka amaanku

wuxuu isha ku haayaa

bii’ada shaqada

Dhaawacyada shaqada

waa in laga warbixiyaa

Gooba shaqo oo badan waxaa sidoo kale

shaqaaluhu doortaan wakiil xagga

amaanka*, oo il gaara ku heynaya bii’ada

shaqada. Wakiilka amaanku waa inuu

sugaa, in shaqaaluhu tusaale ahaan eysan

ku shaqeyn mashiinno khatar ah ama

waxyaabo caafimaadka halis u ah ayagoo

aan gashaneyn qalab ka difaaca oo

sharciyeysan.

Haddii aad ku dhaawacanto goobta

shaqada, waa in wakiilka amaanka ama

shaqabixiyuhu ku dadaalo in dhaawac

shaqo ahaan loogu wargeliyo Waaxda

Kormeerka Shaqada* iyo Waaxda

dhaawacyada Shaqada*. Intaa kadibna

waxaa la qiimeynayaa in aad heli karto

magdhaw.

Midab takoor

Waa mamnuuc in qofka suuqa shaqada

lugu midab takooro sababtoo ah jinsi,

asal, midab, diin, aragti siyaasadeed,

nolosha xagga jinsiga, dal ahaan, bulsho

ahaan, ama meesha uu ka yimid.

Haddii aad xubin ka tahay urur

shaqaale wuu ku saacidi karaa, haddii

mamnuucidda lugu xadgudbo.

Waa adag tahay in aad shaqo hesho,

haddii aadan ku hadleyn xoogaa af deenish

ah. Shardiga aqoonta af deenishka

shaqooyinku isaga mid maahan. Laakiin

xataa shaqooyinka gacanta waxaa

muhiima in qofku fahmi karo tilmaanbixinnada

iyo buugaagta tixraaca.

Inkastoo maanta baahi shaqaale oo xoog

leh ey ka jirto waaxo badan, qaarka afka

deenishka ku hadla ayaa horta ka gelaya

safka shaqada.

Qaar badan oo ajaaniba – xataa kuwa

aadka wax u yaqaan – waxaa dhibaato ka

heysataa xataa iney soo gaaraan wareysiga

shaqaaleynta.Waxaan kaxunahay ineysan

jirin wax la sameyn karo oo aan aheyn in

aad iska codsaheyso, ilaa aad ka hesho

shaqabixiyaha fahmi kara isticmaalina

kara aqoontaada.

Adiga ayeyse kugu xiran tahay in aad

gasho dadaal dheeraada si aad shaqo u

hesho. Waxaana jira jidad badan oo shaqada

loo raadsado:

• Fiiri xayeesiimaha shaqada ee

joornaallada iyo magasiinnada xirfadaha.

• Weydii ama u qor codsiyo aan la weydiisan

goobaha shaqada aad dooneyso

in aad ka shaqeyso.

• Isticmaal xiriiradaada gaarka ah ee

dad kale oo hore ugu jira suuqa shaqada.

• Raadso warbixin iyo kaalmada xafiiska

shaqada.

Shardi ku wajahan

aqoonta afka deenishka

Iska codsahaay

Jidadka badan ee

shaqada loo maro

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA
90

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

• Raadso warbixin iyo talada ururkaaga

shaqada.

• Shaqo ka raadso xafiisyada shaqo

qorista ee biribaatiga ah.

• Internetka ka raadso (internetka waxaad

ka geli kartaa maktabadda).

• Adigu xayeesiin ku qoro joornaalka

ama internetka.

• Ka raadso talabixin kumuunahaaga

ama xafiiska shaqada ee la xiriirta

sidii aad u xoojin laheyd aqoontaada.

Marka lugu shaqaaleeyo, waa in lugu

siiyo kontaraad shaqo.Waxaana ku xusan

warbixin ey kamid yihiin:

• Mushaarka iyo waqtiga shaqada

• Fasaxa

• Xilliyada shaqada lasoo galo

• Digniinta rukhseynta.

Kontaraadda

shaqaaleynta

Codsiga qoraalka ah

Wareysiga shaqada

Codsi iyo wareysiga shaqada

Marar badan waxaa lugu weydiin doonaa

in aad codsi shaqo oo qoraala dirto.

Waxaad markaa saacidaadda qoridda

codsiga ka heli kartaa xafiiska shaqada,

kumuunaha ama ururka shaqaalaha.

Marka luguugu yeero wareysiga shaqada,

in ka badan hal qof ayaa inta badan goob

jooga. Waxay tusaale ahaan noqon

karaan sheefka iyo qof shaqaalaha wakiil

u ah.

Wareysiga dhexdiisa waxay dhab ahaantii

isku dayayaan iney ogaadaan in aad

shaqada ka bixi karto aqoon ahaan – iyo

in aad ku haboon tahay goobta shaqada.

Sidoo kale wareysiga u adeegso in aad si

firfircoon u weydiiso waxyaabaha aad

dooneyso in aad ka ogaato shaqada,

goobta shaqada iyo waxa lagaa sugayo.

Shaqabixiyaashu waxay

xoogga saarayaan:

• Deenish wanaagsan lana fahmaayo, una

dhigma shuruudaha shaqada u dhigan.

• Khibrad shaqo oo dhaxgal ah

• Codsi qoraala oo qeexan aadna loo qurxiyey,

luguna soo lifaaqay "curriculum

vitae" – oo ah sharaxaad kooban ee ku

saabsan tacliintaada, khibraddaada

shaqo, da’daada iyo waxa aad daneyso –

caddeynta aqoontaada.Tusaale ahaan,

koobiga caddeynta imtixaanaadka, shahaaddada

koorsooyinka iyo waraaqaha

warbixinta ah. Codsigu waa inuu sidoo

kale ka hadlaa xiisahaaga waqtiga

fasaxa, oo ay kamid tahay haddii aad ka

qeyb qaadatay shaqo tabaruca.

• Kartida iyo rabitaanka shaqeynta si madax

bannaani ah iyo la shaqeynta dad kale.

• Qaninimada talakeenidda

• Jajabnaan iyo u furnaanta arrimo cusub.
Furashada shirkad ganacsi

91

Shuruuc iyo qawaaniin

farra badan

Bulshada deenishku waxay u baahan

tahay dad leh hal abuur iyo rabitaanka

iney aasaastaan shirkad ey ayagu iska

leeyihiin. Laakiin in shirkad la sameysto

waxay u baahan tahay ka baaraan degid

iyo diyaar garow badan. Waayoo ayadoo

aan loo eegin nooca shirkadda aad

furaneyso, wada jira shuruuc iyo

qawaaniin kala duwan oo lagaa rabo in

aad taqaan oo dhowrto.

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Shirkadaha waa in laga diiwaan geliyaa

xafiiska canshuuraha ee maxalliga ah.

Waa in si xiriira xisaabaad loogu geeyo

xafiiska canshuuraha. Maqaayaddu waa

iney codsataa shatiga khamriga kushiinkuna

waa inuu soo buuxiyaa shuruudaha

heyadaha caafimaadka u dhigan.

Haddii luguu shaqeeyo, waa in aad u

sameysaa ceymiska dhaawacyada shaqada

iyo ceymiska caafimaadka. Hadafkuna

waa in dadweynaha iyo shaqaalaha laga

difaaco tusaale ahaan nadaafad darro,

shilalka shaqada iyo khiyaanada canshuuraha.

Raadso talo iyo

tusaale inta aadan ku

dhaqaaqin

Inta uusan qofku ku dhqaaqin inuu

shirkad furto, waxaa jira fursado wanaagsan

oo la xiriira in la helo talabixin.

Waxaad tusaale ahaan la xiriiri kartaa

xafiiska shaqooyinka maxalligaa ee

kumuunaha, lataliyaha furashada shirkadaha

ee heerka gobol ah, xafiiska

canshuuraha iyo xafiiska shaqada oo aad

ka heleyso faahfaahin dheeraada. Internetka

ayaad ka heli kartaa faahfaahin ku

saabsan fursadaha talabixineed iyo warbixin

la xiriirta shuruucda, qawaaniinta,

fursadaha maalgelinta iwm.
92 Fursadda tababaridda

qofka aan shaqeyn

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Tababarka dadka aan

shaqo helin

Danmark waxay leedahay "shabakad

amaan" oo aad u horumarsan, oo gacan

ku siisa dadka aan heysan waxay biishaan,

iney kobciyaan aqoontooda kuna

biiraan suuqa shaqada. Inta haddaba

qofku u diyaar yahay suuqa shaqada,

waxaa qofka lasiinayaa caawimaad

dhaqaale oo ah lacagta soo dhoweynta*,

lacagta ceyrta ama lacagta shaqa

la’aanta maalinlaha*.

Nidaamku wuxuu ku dhisan yahay

mabda’a, in dhamaan dadka ey u

suurageleyso, ey ayagu isdebberaan iyo

mabda’a, in waajibaadka iyo xuquuqdu ey

isku xiran yihiin. Haddaba waxaa qofka

ku waajiba inuu raadsado shaqo, aqbalo

shaqada kuna dheganaado. Haddii uusan

qofku isla markiiba shaqo caadiya heli

kareyn, waxaa – si uu u helo saacidaad

dhaqaale – ku waajiba inuu guddoomo

tababarka bulshadu u fidiso. Fidintaa

waxaa ku hoos jirta, in dayacid iyo

waajibka oo aan lagasoo bixin ey keeni

doonaan cunaqabateyn, sida tusaale

ahaan in qofku waayo dhamaan ama qeyb

kamida saacidaadii dhaqaale ee caadi

ahaan uu xaqa u lahaa.

Fursadda tababarka kumuunaha

Kumuunuhu waa inuu tusaale ahaan kuu

fidiyo tababar* ku wajahan shaqo, taasoo

la xiriirta barnaamijka soo dhoweynta

degganayaasha cusub. Tan arrinta khuseysa

ka eeg qeybta caawimaadda iyo

talabixinta kumuunaha, bogga 31.

Qofku mar kale caawimaad kumuunaha

waa ka heli karaa, haddii uu weli shaqa

la’aan yahay seddaxda sano ee hore kadib

ee Danmark. Sidoo kalana waa heli karaa,

haddii uu shaqa beelo mudda kadib isla

markaana uusan laheyn ceymiska shaqa

la’aanta.

Kumuunuhu waa inuu fidiyaa tababar.

Taasoo laga wado, in qofka tababarka ku

jiraa uu garaadkiisa sii kordhiyo si uu u

bilaabo waxbarasho ama shaqo, tusaale

ahaan ayadoo la adeegsanayo koorsooyin

shaqooyinka xirfadaha la xiriira iyo

tababar shaqo oo shirkad lugu qaadanaayo.

Saacidaadda dhaqaale ee qofku qaadanaayo

inta uu tababarka ku jiro waxaa

shardi u ah in qofku uu firfircooni

dheeraada muujiyo. Haddaba waa inuusan

qofku ka baaqan koorsooyinka iyo

tababarka socda sabab la aqoonsan

yahay – tusale ahaan in qofku jiran yahay.

Haddii qofka shaqo loo fidiyo, inta uu

tababarka ku jiro, waa inuu qaataa. Haddii

kale wuxuu halis u yahay inuu waayo

lacagta soo dhoweynta ama kaalmada

ceyrta oo dhan ama qeyb kamida.

Aqoon kororsi loo

maraayo waxbarasho

ama shaqo

Shardiga dadaalka

dheeraadkaa ah
93

Tababaridda shaqa laawayaasha

ceymiska ku jira

Haddii aad xubin ka tahay sanduuq shaqa

la’aaneed* (eeg qeybta ku saabsan ceymiska

shaqa la’aanta), waxaad adigoo

shuruuda dhowra soo buuxinaaya heli

kartaa in luguu fidiyo tababar iyo kaalma

dhaqaale, haddii aad haddana shaqa

la’aan noqoto. Hadafku waa in aad aqoon

sii kororsato sida ugu dhakhsaha badanna

aad shaqo ugu hesho mar kale.

SHAQADA IYO SUUQA SHAQADA

Farqiga ugu muhiimsan ee u dhexeeya

tababaridda shaqa laawayaasha ceymiska

ku jira iyo kuwa aan ku jirin waa, in

xafiiska shaqadu uu ka masuul yahay ku

ceymiska ku jira, ee eysan kumuunaha

aheyn.
9 DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA
Hagidda dhaqaalaha gaarahaaneed

95

Wax badan oo hagid

u baahan

Xawilaadaha

elektoroonikada ah

Bixinta biilalka si

otomaatig ah

Waxaa jira waxyaabo badan oo lagaa

rabo in aad hagto xagga dhaqaalahaaga

gaarka ah. Dhinac waxaa kusoo gala

mushaar ama dakhli kale. Dhanka kalena

waa in aad dhiibto kiro guri, kuleyl,

koronto, raashin, dhar iyo waxyaabo kale

oo badan. Sidoo kalena waa cashuur ka

bixiso dakhliga aad leedahay.

Koonto ku leh bangiga

Weli lacaga badan oo kala duwan ayaa

elektaroonik ahaan loogu xawilaa koontooyinka

dadka ee bangiga.Waxay khuseysaa

tusaale ahaan bixinta mushaarka,

kaalmada ceyrta, lacagta carruurta iyo

howlgabka. Sidaa darteed dadka intooda

badan koonto bangi ayey leeyihiin.

Waxaad geli kartaa bangi alla kii aad

doonto oo aad ka furan kartaa koonto.

Haddii aad koonto bangiga ku leedahay,

waxaad kula ballami kartaa in biilashaada

otomaatig ahaan loo bixiyo oo toos

looga goosto koontada.

Sidaa darteed waxaad sameysan

kartaa koonto-miisaaniyadeed loogu

talagalay oo kaliya bixinta biilasha. Iyo

Waa in eysan dhalashada deenishka kugu xirin

Heyadaha lacagtu waa in eysan shuruud kaaga dhigin in aad leedahay

dhalashada deenishka, si ey lacag kuu amaahiyaan.

Dukaamadu waa in eysan shuruud kaaga dhigin in aad leedahay

dhalashada deenishka, si aad wax uga kireysato ama aad amaah uga

iibsato. Laakiin waxay kugu xiri karaan in aad leedahay dakhli

joogto ah iyo in aad adarees ku leedahay Danmark.

koonto keydsi, halkaasoo luguu saaraayo

dulsaar si aada u sarreeya.

Kaar lacag bixin

Haddii bangigu u arko in dhaqaalahaagu

gaaro, waxaad heli kartaa Dankort*.

Waxaadna u adeegsan kartaa in aad wax

uga gadatid ganacsiyada intooda ugu

badan. Sidoo kalena waa bangiga cidda

qiimeyneysa in lugu siiyo kaarka amaahda.

Ganacsiyo badan ayaa leh nidaam koontooyin.

Ganacsiga oo kaliya ayaana qiimeynaya,

in luguu sameeyn karo kaar koonto

oo aad koonto ku ag yeelato.

Amaahda iyo deynta bangiga

Bangiyada intooda badan way daneynayaan

iney amaah iyo deymo u fidiyaan

macaamishooda.Waxayse u baahan tahay,

in aad leedahay dakhli ilaa heer joogto ah

iyo dhaqaale macquula.

Haddii aad madax bannaan tahay oo aad

leedahay dakhli aan isdaba joog aheyn,

deynta furan ayaa kugu haboon in aad

leedahay. Deynta furani waa heshiis xaq

kuu siinaya in aad lacag kala baxdo

koonto aasaasiya. Waa in aad ka feejignaato

oo kaliya in dulsaarka amaahda

furani uu sarreeyo, iyo in amaahda furan

ay shardi u tahay, in bangigu qiimeynayo

in dhaqaalahaagu ka bixi karo.

Qiimaha sameynta amaahda bangiyadu

waa ku kala duwan yihiin. Badnaanta

dulsaarkuna waxay ku xiran tahay nooca

Dankort

(kaar dukaamada

wax looga iibsado)

Kaarka amaahda iyo

koontada

Shardi ku saabsan

dhaqaale macquul ah

Amaah furan

Baar fursadaha

DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA
96

Kireysashada iyo

amaah ku iibsashada

DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA

Si fiican isaga hubso

Maahan talabixin

madax bannaan

Xisaabiye loogu

talagalay howsha adag

amaahda aad qaadaneyso. Sidaa darteed

waxaa haboon in aad iska baarto halka

ugu jaban ee aad amaahda ka heli karto.

Talabixin dhaqaale

Bangiyada intooda badan waxaad ka heli

kartaa iney kuu fidiyaan talabixin la

xiriirta dhaqaalahaaga. Waxay tusaale

ahaan noqon kartaa in la qorsheeyo

miisaaniyad – ama laysu fiiriryo fursado

amaaheed oo kala duwan. Inta aadan

gelin tusaale ahaan amaah farabadan,

waa in aad sidoo kale si qota dheer

arrinta uga baaraan degtaa.

Inkastoo bangigu sida caadiga ah ku

siinayo talo wanaagsan oo dhab ah,

haddana waa in aad xusuusnaataa

inuusan aheyn talabixiye madax bannaan

– waana shirkad ganacsiya oo gaar

ahaaneed.

Haddii aad leedahay dhaqaale culus, sida

tusaale ahaan in ganacsi kuu furan yahay,

waa in aad xisaabiye la xiriirto.

Ganacsiyo badan ayaa macaamisha u

fidiya iney kireystaan gaar ahaan alaabta

qaaliga ah. Waxay noqon kartaa tusaale

ahaan firinjiteerrada, qaboojiyaasha,

televishinka iyo video.

Qaar kale waxay kuu fidinayaan in aad

alaabta deyn ku iibsato. Caadi ahaanna

waxaad lacagta ku amaahaneysaa dulsaar

go’an. Mararkaana waa in aad ku baraarugsanaato,

in inta badan uu dulsaarku

aad u sarreeyo. Isla markaana waa in aad

bixisaa qarashka adeegga, marka aad

amaahda furaneyso.

Marka aad kireysaneyso ama aad deyn

ku gadaneyso ilaa xad lacaga, waa in aad

saxiixdaa heshiis qeexaya shuruuudaha.

Waana muhiim in aad iska akhriso – ama

luguu sharxo – heshiiska si qota dheer.

Haddii kale waxaad halis u tahay in aad

la kulanto waxyaabo kaa nixiya.

Amaah ku iibsasho

Kontaraadda si qota

dheer u akhri

Haddii kontaraadda la jebiyo

Haddii qofku uusan bixin dulsaarka iyo raatada amaahdiisa, waxaa

dhici karta in loo diiwaan geliyo inuu yahay qof aan deynta iska

bixin. Markaana wax lagaa kireyn maayo amaahna wax kuma iibsan

kareysid mar kale – ha ahaato dukaanka aad deynta ka qabtay ama

meela kale.

Qofku haddii uu dalka ka tago isagoo aan amaahda weli iska bixin,

waxaa lacagtaa looga heli karaa ayadoo loo adeegsanaayo shirkado

maxalliya oo lacagta kasoo uruuriya halka uu qofku degay, kuwaasoo

shirkadaha deenishka ay isla shaqeeyaan.
Ceymisyada

Xuquuqda

isticmaalayaasha

97

Ceymisyo gaar

ahaaneed

Naftaada iyo qoyskaaga waad difaaci

kartaa adigoo kaashana ceymis gaar

ahaaneed.

Haddii tusaale ahaan lugu xado, haddii

hantidaada dhaawac gaaro, ama aad

shil gasho, oo markaa aad shaqeysan

kareyn – markaa waxaad heli kareysaa

magdhaw u dhigma khasaaraha, haddii

aad ceymis ku jirto.

Kan ugu muhiimsani waa ceymiska

masuuliyadda.Wuxuuna daboolaya dhaawacyada

aad u geysato dad kale ama hanti.

Isticmaale ahaan waxaad leedahay xuquuq

kaa diffaaceysa in lugu khiyaano.

Waxaad tusaale ahaan xaq u leedahay in

lagaa beddelo ama luguu dayactiro alaabta

dhaawacantay (ama jabtay) – ama

aan u qalmin sidii uu gaduhu ku ballan

qaaday. Waana in aad kaliya la xiriirtaa

gadaha ugu dambeyn 24 bilood kadib

marka aad iibsatay.Waana in aad keentaa

Ka dacwoosho

24 bilood gudahooda

DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA

Doorasho adag

Waxaa jira shirkado ceymis oo badan iyo

noocya badan oo ceymis ah.Waana kuwa

sida ceymisyada nafta iyo shilalka iyo

masuuliyadda, ceymisyada qoyska, jirrada

iyo baabuurta.

Shirkaduhu waxay leeyihiin qiimo iyo

shuruudo kala duwan, taasoo noqon karta

wax aan la fahmi karin. Mana ahan mar

walba, in tusaale ahaan ceymiska ugu

qaalisani uu yahay kan ugu fiican.

Waa in aad ka fekerto tusaale ahaan

noocyada adeega ceymiska ee aad u baahan

tahay, xadiga uu daboolayaa inta uu la

ekaanaayo iyo qarashka khasaaraha ee aad

adigu iska bixineyso inta uu la ekaanaayo.

Ceymisyo sharcigu

waajib kaaga dhigayo

Ceymisyada qaar waxaa kugu waajiba in

aad leedahay.Waa in aad leedahay ceymiska

dabka, haddii aad dhismo guri leedahay.

Waana in aad ku jirto ceymiska masuuliyadda,

haddii aad leedahay ey, baabuur,

mooto ama mootasheellaro. Ceymisyada

masuuliyaddu waxay daboolayaan dhaawacyada

dad kale ee aan adiga aheyn.
98 Nidaamka

canshuuraha

deenishka

DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA

Haddii aad ka noqoto

Caddeyn iyo

calaameyn

rasiidkii. Sidoo kalena waa in aad soo

caddeysaa, in aadan adigu khaladka

laheyn.

Xaq uma lihid in lagaa beddelo alaab aad

ka shallayneyso, in aad iibsatay. Hase

yeeshee taasi dukaamo badan ayey

suuragal ka tahay. Meelaha qaar lacagtaada

ayaa luguu celin karaa. Qaar kalena

waxay ku siinayaan caddeyn iney lacagtaa

kaa hayaan ama fursadda in aad alaabta

wax kale dukaanka uga beddelato.

Waxaad xaq u leedahay in luguu sheego

waxyaabaha uu ka kooban yihiin cuntooyinka

aad iibsaneyso, goormaa lasoo

saaray, iyo goormeyse dhacayaan. Waxaa

jira nidaamyo badan oo kala duwan kuna

saabsan calaameynta iyo kontaroolidda

cuntooyinka.Waxay tusaale ahaan noqon

kartaa damaanadda, in sheyga loosoo

saaray qaab dabiici ah, ama in laga

baaray waxyaabaha xasaasiyada keena.

Fursadaha dacwadda

Haddii ay kula tahay in dukaanku, gaduhu

ama farsamayaqaanku uusan si xaqa kuula

dhaqmin, marka aad ka dacwootay

alaabtooda, waxaad u dacwoon kartaa

guddiga dacwooyinka isticmaalayaasha ama

guddi dacwadaha iyo abiillada gaarka ah.

Waa in aad sida caadiga ah bixisaa curaar,

marka aad dacwada soo gudbineysid. Haddii

aad dacwadda ku guuleysato lacagtaada waa

luguu soo celinayaa.

Nidaamka canshuuraha deenishku wuxuu

u shaqeeyaa qaabka ah, in dhamaan

dadka shakhsiga ah ey dakhligooda ka

bixiyaan canshuurta qaranka, gobolka iyo

kumuunaha. Dadka xubnaha ka ah kaniisadda

dadweynaha waxay bixinayaan

canshuurta kaniisadda, shirkaduhuna

waxay bixinayaan canshuurta shirkadaha.

Canshuurta dakhliga kasokow waxaan

bixinaa canshuuraha dadban oo ah qaabka

moms, mar kasta oo shey ama adeeg

aan iibsano. Sidoo kale waxaan canshuurta

dadban ka bixinaa alaabo badan

sida shidaalka, khamriga iyo tubaakada.

Haddii aad mushaar qaadato, canshuurta

dakhliga si toosa ayaa dakhligaaga looga

jarayaa, inta aan lugu siin.

Waa in aad sanad kasta buuxisaa

foomka iska warbixinta, oo la doonayo

iney ku qoran yihiin warbixin la xiriirta

dakhligaaga iyo canshuur dhaafka aad

leedahay intaba.Waxaa luguu soo dirayaa

foomka iska warbixinta bisha janaayo/

feberaayo, waana in lasoo celiyaa ugu

dambeyn 1da maajo.

Gaar ahaan dadka mushaarka qaata

waxay heydaha canshuurtu hore uga haayaan

warbixinno badan, waayo si toosa

ayaa loo wargeliyaa.

Qarashaadka canshuur dhaafka leh waa

qarashaad gooniya, oo laga jari karo aasaaska

dakhliga, ee heyadaha canshuuruhu

ey canshuurta ku saleeyaan.

Waana tusaale ahaan qarashka dulsaarka

deynta, qarashka xubinnimada

Canshuuraha toosan

iyo kuwa dadban iyo

dugaanno

Inta boqolkii canshuur

ahaan lagaaga jarayo

iyo iska warbixinta

Fursadaha canshuur

dhaafka
99

ururka shaqaalaha, ceymiska shaqa

la’aanta iyo lacagta carruurta iyo

mararka qaarkood qarashyada safarka ee

la xiriira shaqo. Sidoo kale waxaa jira

canshuur dhaaf qofku gaar u leeyahay, oo

aan ku xirneyn wax qarasha oo gooniya.

Sidoo kalena marka laga hadlaayo qarashaadka

canshuur dhaafka leh, waaxda

canshuuruhu inta badan hore ayey warbixinta

u heystaan. Waxaase dad badan

laga rabaa, iney ayagu ka taxaderaan,

iney soo sheegaan qarashaadkooda

canshuur dhaafka muteystay.

Meeqa ayuu qofku canshuur u bixinayaa

waxay ku xiran tahay inta dakhliga iyo

hantidu la egtahay iyo fursadaha canshuur

dhaafka.Waxaana intaa sii dheer, in

inta boqolkiiba canshuur ahaan loo

bixinayo waa kala tahay kumuune ilaa

kumuune iyo gobol ilaa gobol.

Nidaamka cashuurtu waa sii kordhaa.

Taasoo macnaheedu yahay, in markii

dakhligaagu sii kordhaba, waxaa sii kordhaya

inta aad boqolkiiba canshuur u

dhiibeysid. Hadafkuna waa in garbaha

ugu ballaarani ey qaadaan culeyska

qeybta ugu culus.

Badnaanshaha

canshuurta

Inta boqolkiiba canshuur

lagaaga jarayo waxay la

kordheysaa dhakhliga

DHAQAALAHA IYO ISTICMAALKA

Maalgelinta bulshada daryeelka

leh

Udub dhexaadka nidaamka daryeelka deenishku

waa, in qof kasta oo awoodaa uu debberaa naftiisa

iyo qoyskiisa – oo sidoo kalena midnimada

gacan u fidiyaa isagoo adeegsanaya nidaamka

canshuurta.

Ujeeddada canshuuraha waxaa kamida lahaanshaha

heer adeeg, oo muwaadiniinta oo dhan u ballan

qaadi kara xayaata macquula – ayadoo aan

loo eegin iney heystaan in yar ama lacag badan.

Canshuuraha waxaa tusaale ahaan loo adeegsadaa

waaxda caafimaadka, waxbarashada iyo

cilmi baarista, dhismaha jidad iyo khadadka tareennada,

ciidamada, dadaalka bii’ad wanaagsan,

iyo sidoo kale lacagaha sooshalka sida lacagta

howl gabnimada, lacagta ceyrta iyo kaalmada

gaarka ah ee dadka siyaaba kala duwan aan isu

debberi karin.
10 DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA
101

Fursado qani ah

Dhaqanku wax kasta

ayuu noqdaa

Fursado farabadan iyo

ka qeybgal sarreeya

Danmark waxay leedahay dhaqan iyo

nolol fasaxeed gani ah, taasoo ka dhalata

tusaale ahaan caadooyinka dalka ee taariikhiga

ah ee xagga wacyigelinta dadweynaha*

iyo nolol urureedka iyo xorriyadda

xagga fekerka iyo hadalka si xor ah.

Nolol dhaqameedku wuxuu ka kooban

yahay tusaale ahaan noocyada farshaxanka

abuuritaanka ah, saxaafadda iyo meediyada

aasaasigaa, ka qeybgalka degganayaasha

ee xagga afkaarta iyo diinta iyo

caadooyinka nolol maalmeedka.

Dad badan waxay xubin ka yihiin ururro

(guud) ama ururro dano gaara, aadaan

cayaaro ama qaataan duruus xilliga

fasaxa, aadaan safarro lasoo qabqaabiyey

ama dhigtaan dugsiga sare* (eeg sidoo

kale qeybta ku saabsan wacyi gelinta

dadweynaha, bogga 104).

Fursado kalena waa tiyaatar, shineemo,

booqashada matxafka iyo bandhig

farshaxan, khudbado iyo maktabado.

Qaar kamida xarakaadyadu lacag badan

ayey joogaan, laakiin dadka shaqa la’aanta

ah, waayeellada iyo ardadu waxay

mararka qaarkood heli karaan qiima

dhaaf.

Magaalooyinka waaweyn intooda

badan waxay leeyihiin xafiisyo dalxiis,

halkaasoo uu qofku ka heli karo warbixin

la xiriirta bandhigga farshaxanka iyo

dhaqanka ee nawaaxigaa. Wuxuu qofku

sidoo kale warbixinnada sidaa oo kale ah

ka heli karaa maktabadda ama joornaallada,

magasiinada iyo internetka.

Qeyb kamida nolosha dhaqanku sidoo

kale waa caadooyinka iyo dabeecadaha

isku xiraya saaxiibtinimada, isu imaatinnada,

xafladaha iyo maalmaha dhalashada.

Xorriyadda fekerka

iyo hadalka

Saxaafadda iyo doodda

dadweynaha

Xornimada fekerka iyo u hadlidda si xor

ah waa qeyb muhiima oo kamida dimoqoraadiyadda.

Waxaana kamida sida ey

kusoo banbaxdo saxaafadda xorta ah iyo

doodda dadweynaha.

Danmark waxaa howl maalmeedka saameeya

idaacado tv iyo raadiyo kala

duwan oo fara badan, wargeysyo iyo

joornaallo iyo isgaarsiinta sii kordheysa

ee internetka. Marba marka kasii dambeeya

waxaa sidoo kale jira qeyb kamida

saxaafaddaa oo si gaara ugu wajahan

dadka ajaanibta ah.

Qeyb muhiima oo kamida

dimoqoraadiyadda

Sidoo kale warbaahinno

ku jeeda umadaha

ajaanibta ah

Danmark iyo ururrada

Danmark waxay kamid tahay dalalka adduunka ee dadweynahoodu

leeyihiin cadadka xubinnimo urur ee ugu sarreeya. 73% ayaa xubin

ka ah ugu yaraan laba urur.

Haddii deggane cusub ahaan aad dooneysid in aad dad cusub barato,

ka qeyb qaadashada xarakaadyada ururrada ayaa noqon kara jid

wanaagsan.

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA
102

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA

Sawirka warbaahineed

ee ballaaran

Xaduudaha u yaalla

warbaahinta xorta ah

Qeyb weyn oo kamida dunida saxaafaddu

waa maaweelo aan la barxin. Hase yeeshee

doodaha xagga dhaqanka, siyaasadda iyo

bulshada inteeda kale ayaa dowr muuqda

ka qaata sawirka saxaafadda. Doodaha

xorta ahina waxay ka qeyb qaataan in

diiradda lasaaro dhibaatooyinka qiimaha

u leh bulshada iyo xalkooda intaba.

Waxaan leenahay saxaafad xor ah, oo aan

soo marin wax jensuuro ah. Hase yeeshee

wada jira waxyaabo aan la ogoleyn in la

shaaciyo.

Tusaale ahaan saxaafaddu waa in

eysan kashifin asraarta qaranka, geysan

wax aflagaddo ah ama eysan faafin

aragtiyo meel kadhac, midab kala sooc

ama takoorid ah.

Macnuhuse dabcan maahan, in aragtiyada

noocaasa eysan la tacaalin saxaafaddu.

Waase kaliya iney ula tacaasho

qaab waaqici ah ama iney abuurto dood.

Bixinta canshuurta idaacadaha (licens)

Danmarks Radio iyo TV2 waa idaacado adeeg guuda*. Waxaana waajib

ku ah iney soo daayaan kala doorasho ballaaran ee barnaamijyo raadiyo

iyo TV ah oo dadweynaha qeybihiisa kala duwani ay daneeyaan.

Aasaaska idaacadaha adeegga guud ah waxaa kamida in canshuurta

raadiyaha iyo TV-ga, oo sidoo kale loo yaqaan licens*, oo qof kasta

oo raadiyo ama tv heysta laga doonayo in uu bixiyo sanadkii laba jeer.

Baarlamaanka ayaana xadida cadadka canshuurtaa.

Diiwaan gelinta bixinta canshuurtaa waxaa sameeya dukaanka, marka

qofku iibsado TV ama raadiyo cusub. Wuxuu qofku sidoo kale si toosa

ula xiriiri karaa xafiiska canshuurta ee Danmarks Radio.
Gudashada arrimaha diinta ee Danmark

103

Cid kastaa si xoriyad

ah diinteeda waa ugu

dhaqmi kartaa

Xubinnimada kaniisadda

dadweynaha

"Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin

iney isku uruursadaan bulshada dhexdeeda

si ey Ilaahey ugu caabudaan qaabka

mabaadi’dooda waafaqsan", ayuu leeyahay

dastuurka deenishku.

Danmark dhamaan dadku haddaba

waxay si xora ugu cibaadeysan karaan

diinta ey doonayaan. Waxaa jira oo sidoo

kale lugu cibaadeystaa aragtiyo diineed

oo badan kalana duwan – sida dad

badanina ay u yihiin cawaan oo eysan u

aaminsaneyn wax ilaah la yiraahdo.

Kaniisadda dadweynaha deenishka

Sida uu dhigayo dastuurku kaniisadda

evangelish lutherka* ayaa ah Kaniisadda

Dadweynaha Deenishka*, qarankuna

sidaa ahaan ayuu ku gacan siiyaa.

Kaniisadda dadweynuhu waxay qabataa

howlo kala duwan oo faa’iido u leh

bulshada guud ahaan.Waxayna khuseysaa

tusaale ahaan diiwaan gelinta dhalashooyinka,

magac bixinta iyo dhimashada.

Cadadka ugu badan ee shacabka Danmark

– qiyaastii 85% - waxay xubin ka

yihiin kaniisadda dadweynaha. Intooda

badan waxay xubin noqdeen marka

carruurnimadooda loogu waqlalaayo

kaniisadda.

Haddii adigoo dibedda kasoo guuray

aad dooneysid in aad xubin ka noqotid

kaniisadda dadweynaha, waxaa jira fursadaha

soo socda:

Dadka soo guuray ee sheega iney

xubin ka yihiin kaniisad kale oo

evangelish luther ah, oo aan aheyn kaniisadda

dadweynaha, waxaa marka

diiwanka dadweynaha laga diiwaan

gelinayo lugu war gelinayaa, in hadda

wixii ka dambeeya ey diiwaanka ugu jiri

doonto iney xubin ka yihiin kaniisadda

dadweynaha (ka eeg sidoo kale warbixin

dheeraada oo la xiriirta diiwaan gelinta

dadweynaha qeybta ku saabsan kaalmada

iyo latalinta kumuunaha bogga 31).

Haddii luguu waqlalay, laakiin aan

luguugu waqlalin kaniisadda evangelish

lutherka, waxaad fursad u leedahay in

aad xubin ka noqoto kaniisadda dadweynaha

adigoo la xiriirraya wadaadka

kaniisadda ee halka aad guri hesho.

Haddii aan luguu waqlalin, waxaad

xubin uga noqon kartaa kaniisadda

dadweynaha in luguu waqlalo.

Xubnaha kaniisadda dadweynaha, ee

halkaan dalka uu saaran yahay waajibka

canshuur bixinta aan xadeysneyn, waa

iney bixiyaan canshuurta kaniisadda.

Canshuurta kaniisadda waxaa loo adeegsadaa

maamulka kaniisadaha iyo qubuuraha.

Kaniisadaha waxaa loo isticmaalaa

alla caabididda iyo howlaha kaniisadda

sida tusaale ahaan waqlasha, arooska iyo

duugta.

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA
104

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA

150 bulsho-diimeedyo

oo kala duwan

Bulsho-diimeedyada la

yaqaan lana aqoonsan

yahay

Haddii uusan qofku dooneyn inuu xubin

kasii ahaado kaniisadda dadweynaha,

wuu ka bixi karaa asigoo la xiriiraya

wadaadka xaafadda uu degan yahay.

Haddii kabixiddu ka yar tahay lix bilood

gudahood kadib taariikhdii uu diiwaanka

dadweynaha galay, kabixiddu waxay ka

bilaabaneysaa taariikhdaa.

Bulsho-diimeedyo kale

Bulsho-diimeedyo kale oo badan ayaa

Danmark ka jira oo aan aheyn kaniisadda

dadweynaha evangelish lutherka*.Waxaa

lugu qiyaasaa in 150 bulsho-diimeed oo

kala duwan oo waaweyn ama yar yari ey

ka jiraan Danmark.

Bulsho-diimeedyadu waxay xaq u

leeyihiin iney shaqaaleystaan wadaaddo –

imaamyo, rabiinyo (sheekhyada yuhuudda)

ama maamulayaasha macbadyada. Bulsho-diimeedyadu

waxay sidoo kale, ayadoo

waafaqsan shuruucda caadigaa ee

qorsheynta, xaq u leeyihiin iney dhistaan

dhismayaal loo adeegsan karo gudashada

cibaadada diiniga ah, waxayna ogolaasho

u heli karaan iney sameystaan goob

dadka lugu aaso. Bulsho-diimeedyadu

waxay sidoo kale furan karaan iskuullo,

waxayna daabacan karaan joornaallo.

Qiyaastii 90 bulsho-diimeedyo, oo ey

kamid yihiin islaamka, budiisimka, hiduuska,

ayaa la aqoonsan yahay ilaa heer ey

wadaaddadoodu ey xaq u leeyihiin iney

wax mehriyaan.

11 bulsho-diimeedyo ayaa helay aqoonsi

gaara, taasoo xaq u siineysa iney

sameeyaan magacbixin ama waqlal iyo

sidoo kale nikaax iyo soo saaridda

caddeymo la meel jooga kuwa kaniisadda

dadweynaha.

Wacyigelinta

dadweynaha ee

Danmark

Maktabadaha dadweynaha

Maktabaduhu waa meel wanaagsan oo

laga bilaabo, marka aad dooneysid in aad

ogaato waxa kasocda kumuunaha aad

degan tahay.

Waa lacag la’aan in aad maktabadda

adeegsato, maktabadaha intooda badanna

waxay leeyihiin fursado ballaaran oo wax

walba ah.

Kasokow amaahashada buugaagta,

muusig iyo video waxay maktabado

badani leeyihiin bandhigyo farshaxaneed,

bandhigyo filimo, masrixiyadaha carruurta

iyo muxaadarooyin.

Waxaad sidoo kale ka geli kartaa

internetka, akhrisan kartaa wargeysyada

maalintaa ama heleysaa in lagaa saacido

helidda warbixin gaara ama qalab.

Maktabadaha waaweyn intooda badan

waxay leeyihiin qof shaqaalaa loo qabtay

iney dadka afka qalaad ku hadla ka

saaciddo helitaanka buugaagta iyo

joornaallada. Haddii eysan maktabaddu

heyn qalabkaa, waxaa laga dalban karaa

Maktabadda ka

billaaw

Qalabka afafka qalaad

ku qoran
105

Wax cusub baro

xilliga fasaxa

Iskuullada sare ee

dadweynaha

maktabadda ajaanibta oo qeyb ka ah

maktabadaha dadweynaha, kuwaasoo leh

in kabadan 140.000 oo cinwaan oo ku

kala qoran qiyaastii 100 luqadood.

Maktabadda ajaanibtu waxay amaah

siisaa maktabadaha kale, laakiin uma

furna dadweynaha.

Duruusra xilliga fasaxa

Danmark waxaa caana in waqtigaaga

fasaxa aad u adeegsato in aad aqoon

kororsato oo ku saabsan maaddo ama

eeryo gaara.

Wuxuu qofku tusaale ahaan baran

karaa dhar-tolid, jilid, qoob-ka-ciyaar,

muusig, heesokooxeed, edb (kumbiyuutar),

raashin sameyn, luqad, filosoofiyad ama

taariikh.

Dugsiyada sare

Bartamihii 1800meeyadii ayey caadada

wacyi gelinta dadweynuhu abuurantay,

taasoo weli maanta saameysa bulshada

deenishka, ayadoo looga jeeday, in qof

kastaa helaa fursad uu wax ku barto

kuna helo aqoon ku saabsan bulshada.

Waxayna aheyd qeyb kamida xarakaadkaa

xagga dhaqanka, in dugsiga sare

dadweynaha* ee deenishka la aasaasay.

Maanta waxaa dalka oo dhan ka jira

87 dugsiyada sare ee dadweynaha oo

kabid xaq u leh – oo caadi ahaan loogu

yeero "dugsiya sare". Waxay soo fidiyaan

koorsooyin laga bilaabo maadooyinka hal

abuurka iyo isboortiga ilaa maadooyina

buugaagta leh iyo warbixin bulshadeed

guud.

Iskuulka sare waa bar kulan oo wanaagsan

Iskuullada sare waa albaab wanaagsan oo laga galo bulshada

deenishka. Waxay si qayaxan u biyaan dhaxaltooyada dhaqanka

deenishka iyo mowduucya kale oo kala duwan. Waxayna qofka u

fidiyaan qaab wanaagsan oo uu kula kulmo deenishka caadiga ah.

Qofku wuxuu degan yahay kana cunteynayaa

iskuulka muddada kooraska

dugsiga sare qaadanayo. Waxayna noqon

kartaa laga bilaabo hal asbuuc ilaa hal

sano. Kasokow duruusta joogitaanku

wuxuu ka kooban yahay xarakaad

dhaqameedyo kala duwan – dibirteynyo,

xaflado iyo habeennada muxaadarooyinka.

Haddii uusan qofku dooneyn ama uusan

fursad u helin inuu dugsiga sare deganaado,

wuxuu qofku deganaan karaa gurigiisa

asigoo noqonaya arday maalmeed.

Kasokow dugsiyada sare ee dadweynaha

waxaa jira dugsiya sare oo maalinle ah.

Halkaana ardada oo dhan guryahooda

ayey aadaan marka duruustu dhamaato.

Xarakaad-dhaqameedyada

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA
106

Xarakaadka

ururrada

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA

Gacan u fidinta

dadka cusub

Iskuullada habeenkii

Ugu dambeyntiina waxaa jira dad badan

oo ka qaata duruusta xilliga firaaqada

mid kamida iskuullada habeenkii* ee

dalka ee tirada badan. Qaar badan oo

kamida iskuullada habeenkii waxay

leeyihiin fidin si gaara ugu wajahan

deganayaasha dhowaan yimid.

Koorsooyinku waa lacag, laakiin

maadaama iskuulladu kabid ka helaan

qaranka, ardadu kaligood ma bixinayaan

qarashka oo dhan.

Mid kamida waxyaabaha aadka calaamadda

ugu ah nolosha xilliyada firaaqada

ee deenishku waa dhaqanka ururrada.

Urur waa isutagga dad isku dano ah

– xirfad ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan

ahaan ama si kale.

Waxaa jira ururro, organasashinno iyo

naadiyo aan tiro laheyn. Ururrada ciyaaraha,

ururo xisbiyeed, ururrada guryaha,

ururrada farshaxanka, ururrada ajaanibta,

ururro diimeed iyo ururro ey leeyihiin dad

xiisado gaara leh.

Waxaa sidoo kale jira ururro u

adeega danaha dadka cuuryaamiinta ah,

kooxo bukaanno ah oo kala duwan,

waayeellada ama qaniisiinta. Iyo ururro u

shaqeeya arrimo siyaasadeed oo gaara,

tusaale ahaan bii’ada ama daryeelka

xayawaanaadka.

Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale

jira goobo kulan, naadiyo iyo guryo

dhaqameedyo, kuwaasoo inta badan la

xiriira nawaaxiga guryaha, halkaasoo

dadku ey turub ku ciyaaraan, ku

Dad dano isku mida ah

Fursado ballaaran ee

dano ah

Ururrada sida gaarka ah u daneeya qaxootiga

iyo ajaanibta

Waxaa jira in kabadan 200 oo urur oo si gaara u daneeya anaanibta

iyo qaxootiga – urur dhaqameedyo, ururro siyaasadeed iyo ururro

saaxiibtinimo.

Hadafkoodu waa xoojinta xiriirka qaxootiga iyo ajaanibta dhexdooda

iyo kan deenishka intaba – iyo sidoo kale baabi’inta xanta iyo

warxumo tashiilka labada dhinacba.
Ciyaaraha iyo

isboortiga

107

Cid kasta ayaa urur

furan karta

doodaan, ku qabsadaan danaha waqtiga

firaaqada ama ey ku dhegeystaan muxaadaro.

Cid kastaa xaq ayey u leedahay iney urur

furato. Waxay u baahan tahay oo kaliya

in shir la qabto – shirweynaha guud oo

lugu aasaasayo – halkaasoo lugu jaangoynayo

hadafka iyo xeerarka ururka.

Dad badan – gaar ahaan carruurta iyo

dhallinyarada – ayaa ciyaara nooca kala

duwan oo isboortiya waqtigooda firaaqada.

Qaar ayaa sidaa sameeya ayagoo

xubin ka ah naadiyada isboortiga,

waxayna ciyaaraan tusaale ahaan kubadda

cagta, kubadda gacanta, tenis, jimicsi

ama dabaal. Qaar kale waxay ka jecel

yihiin ku ordidda kobaha barafka, orodka

iyo faracyo kale oo isboorti oo bilaash

ah, oo uu qofku ciyaari karo goortuu

doono.

Gudaha iyo ka dibedda

naadi isboorti

DHAQANKA IYO WAQTIGA FIRAAQADA

In yar maahee kumuunayaasha oo dhan

waxaa laga helaa garoomada ciyaaraha

oo qofku uu adeegsan karo – mararka

qaarkood asigoo lacag dhiibaya.

In yar maahee dhamaan noocyada

jimicsiga iyo ciyaaraha habeysan waxaa

maamula ururro ama organasashinno uu

qofku xubin ka noqon karo.

Xubinnimadu sidoo kale waa lacag,

laakiin kumuunaha ayaa kaba, si lacag

bixinta isticmaaluhu u noqoto mid uu

awoodo – xataa haddii dhaqaaluhu

xadidan yahay.

Lacag bixin xadeysan

Waa caadi in waalidiintu carruurtooda

ku saacidaan ka qeyb galka ciyaaraha

khiyaariga ah – tusaale ahaan sida iney

bixiyaan lacagta xubinnimada iyo iney

keenaan soona doonaan carruurta.

Waalidiintu waa gacan

siinayaan
11 CAAFIMAAD IYO CUDUR
Heyadaha caafimaadka deenishka

109

Daaweyn iyo ka hortag

Cudurro la xiriira qaab

nololeedka

Waaxda caafimaadka deenishku waxay

xogga saartaa ka hortagga iyo daweynta

cudurrada labadaba. Ka hortagga waxaa

kamida in qofku – ayadoo aan aheyn oo

kaliya in laga warbixiyo hab nololeed

caafimaad leh – isku dayo yareeyo khatarta

cudurrada. Daaweyntu waxay ka

koobnaan kartaa in la dhimo lana daaweeyo,

marka qofku jirrado ama uu shil

galo.

Kuwa ugu caansan cudurrada ka jira

Danmark waa kansarka, sokorta, cudurrada

halbowlayaasha wadnaha iyo xanuunno

kale, oo ey si toosa isugu xiran yihiin

hab nololeedka dadka. Waxaana sababahooda

kamida buurnaanta, cigaar

cabidda, isticmaalka aadka ah ee

khamriga iyo xarakaad yari.

U sheeg oo weydii

Dadka intooda badan caafimaadka iyo cudurradu waxay u yihiin

arrimo xasaasiya oo shakhsi ah, lana xiriira dhaqamo adag. Sidaa

darteed waxaa si fudud u abuurmi kara isafgaranwaa iyo iska

horimaad, marka aragtida xagga caafimaadka ee dhaqamo kala

duwani ay kulmaan. Gaar ahaan marka ay sidoo kale adag tahay in

la isfahmo.

Waa adag tahay sidii waxa aad rabtid iyo waxa aad sugeysid loogu

sheegi lahaa luqad kale. Waxaana shaqaalaha caafimaadka deenishka

ku adkaan karta iney kasiiyaan waafiya warbixin ee qaabka

daaweynta – ama xuquuqda iyo waajibaadka aad leedahay bukaan

ahaan.

Sidaa darteed waa muhiim in aad sheegtid waxa aad rabtid iyo

rajadaada tusaale ahaan xagga daaweynta ama raashinka. Si loo

xaq dhowro bukaanka kale loona ilaaliyo nadaafadda, waxaa

muhiima in aad u dhega nuglaato qaabka shaqaaluhu ay wax

yeelayaan, oo aad dhowrto shuruudaha ay kuusoo jeediyaan.

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Tayada nolosha oo

hoos u dhacday iyo

qarash farabadan

Waa cudurro dad badan u keena hoos u

dhac tayada nolosha, kuwaasoo sanad

walba waaxda caafimaadka ugu kaca

intaasoo milyaardi oo krone. Waana

sababta ey dowladdu xoogga u saareysaa

ka hortagga iyo horumarinta caafimaadka.

Taasina waxay ku imaaneysaa in

laysku dayo in la baro shacabku iney

badsadaan qudaarta cagaaran eyna iska

yareeyaan dufanka, oo yareeyaan cabidda

cigaarka iyo khamriga iyo iney sameeyaan

xarakaadyo dheeraada.
110

Ceymiska caafimaadka iyo

maamulka isbitaallada

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Cid kastaa waxay leedahay

dhakhtar u gaara

Ceymiska caafimaadka waxaa

lugu bixiyaa canshuurta

Dhamaan dadka degan Danmark waxaa

loo yeelayaa dhakhtar gaara. Dhakhtarkaa

ayaadna marka hore la xiriireysaa,

haddii aad xanuunsato. Dhakhtarkaagu

wuxuu kaala talin karaa ka hortagga

caafimaadka kaana daaweynayaa xanuunno

kala duwan. Waana sidoo kale dhakhtarkaaga

cidda sida ugu haboon ee

qiimeyneysa in aad u baahan tahay daaweyn

kale ama inuu ku baaro dhakhtar

gaar ah.

Waa ceymiska guud ee caafimaadka iyo

waaxda maamulka isbitaallada guud

cidda u xilsaaran in aad dhakhtar u tegi

karto ama luguugu daaweeyo isbitaalka,

marka aad u baahato. Qarashka waxaa

loo bixiyaa canshuur ahaan, daaweyntuna

sidaa darteed waa u bilaash bukaanka.

Tan kalese waa in aad adigu bixisaa qeyb

kamida qarashka tusaale ahaan daawada,

muraayadaha, dhakhtarka ilkaha iyo

daaweynada kale oo ka baxsan xuduudka

dhakhtarkaaga ama isbitaalka. Waxaase

jira fursado kala duwan oo kabid, taasoo

u xiran xaaladdaada iyo dakhligaaga.

Marka luguugu qoro diiwaanka guud ee

kumuunahaaga, waxaa si toosa luguu

weydiinayaa in aad doorato dhakhtarka

aad dooneyso – iyo inuu tusaale ahaan

noqdo nin ama naag.

Qarash ey tahay in

qofku uu isagu iska

bixiyo

Doorasho xor ah ee

dhakhtarka

Kadibna waxaa toos luguugu soo dirayaa

kaarka ceymiska caafimaadka. Waana

kaar caaga oo yar oo jaallaa oo ey ku

qoran yihiin magacaaga, adareeskaaga

lambarkaaga shakhsiga ah iyo magaca

dhakhtarkaagu. Kaarka ceymiska caafimaadku

waa caddeyntaada, in aad xaq u

leedahay in aad kaalma ka hesho ceymiska

caafimaadka.

Soo qaado kaarkaaga

caafimaadka

Waa in aad had iyo jeer hore usoo

qaadataa, marka aad aadeysid dhakhtarkaaga,

dhakhtarka ilkaha iyo waaxda

gurmadka deg degga ah ama lugu jiifiyo

isbitaalka. Waana in aad sidoo kale sii

qaadato marka aad u dhoofeyso Danmark

dibeddeeda.
La xiriiridda dhakhtarka

111

Ballan sameyso

Haddii aad dhakhtarka aadeyso waa in

wacdaa oo ballan sameysataa. Dhakhaatiirta

intooda badan waxay furan yihiin

inta u dhexeysa 8.00 iyo 16.00 maalmaha

shaqada waxayna telefoon wax ku

qaabilaan subaxdii. Waxaa caadi ahaan

ballan luguu qabanayaa ugu dambeyn

shan shaqa-maalmeed, marka aad wacday

kadib. Laakiin haddii aad daran

tahay, wuxuu dhakhtarku caadi ahaan

kuu qaban karaa isla maalintaa.

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Baaris, daaweyn ama

u dirid meel kale

Dhakhtarku wuu ku baarayaa kadibna

go’aaminayaa wuxuu luguugu sameyn

lahaa. Waxay noqon kartaa inuu ku siiyo

rasiidka daawada. Laakiin waa ka fogtahay

in xaalad kasta lugu daaweeyo daawo.

Laga yaabee in luguu diro dhakhtar gaara

– tusaale ahaan dhakhtarka maqaarka

ama dhakhtarka cudurrada dumarka.

Dhakhtarku wuxuu sidoo kale kuu diri

karaa khabiirka jimcinta lafaha ama

murqaha jirka, haddii aad dhabarka

la’dahay. Halkaana adiga ayaa iska bixinaya

qeyb kamida daaweynta.

Booqashada dhakhtarkaaga

• Imaaw waqtiga aad ballanta leedahay

• Wargeli in aadan imaaneyn, haddii aadan tegi karin, si qof kale

waqtigaagi u qaato.

• Dhakhtarku wuxuu ku mashquuli karaa bukaan aad u xanuunsanaya,

marka laga yaabee in aad gasho adigoo waqtigaagii

ballanta ka dib dhacay

• Kaligaa imaaw ama soo wado ugu badnaan hal qof kaliya.

maha ciidda ah ee habeen iyo maalinba –

waa in aad wacdaa dhakhtarka heeganka.

Lambarka dhakhtarka heeganka maxalliga

ah, waxaa kamida meelaha aad ka heli

karto buugga telefoonka ee xaafaddaada.

Ka baxsan xilliga

dhakhtarku wax

qaabilo

Ugu dambeyntii wuxuu dhakhtarku kuu

diri karaa in luguugu baaro ama lugu

seexiyo isbitaalka.

Dhakhtarka heeganka iyo

kaalmada deg-degga ah

Haddii aad u baahato saacidaad dhakhtar

waqti ka baxsan waqtiga dhakhtarku

furan yahay – oo ah 16.00 kadib maalmaha

shaqada iyo wiikendiga iyo maal-

Marka aad wacdo dhakhtarka heeganka

waxaa lugu weydiinayaa xaaladdaada

(bukaanka). Haddii aad dhaawacan tahay

heerkee ayuu halis yahay Qandho maku

(bukaanka) heysaa waase heerkee

Jawaabahaa ayuu dhakhtarka heeganku

ku qiimeynayaa, in dhakhtar kugu soo

booqdo guriga – ama in aad adinku u

timaadaan dhakhtarka heeganka ama

saalada gurmadka deg-degga ah.

Su’aalo la xiriira

xaaladda bukaanka
112

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Isticmaal oo kaliya

dhakhtarka heeganka,

marka ey lagama

maarmaanka tahay

Marka ey tahay in la

dedejiyo

Waxaa sidoo kale lugu (bukaanka) weydiin

doonaa lambarkaaga shakhsiga ah.

Wac dhakhtarka heeganka oo kaliya, haddii

ey muhiim tahay – ama haddii aad ka shakisan

tahay, heerka xaaladdu halis tahay.

Gurmadka deg-degga ah (112)

Xaaladaha deg-degga ama khatarta ah

waa in aad isla markiiba wacdaa xarunta

gurmadka deg-degga ah oo lambarkeedu

yahay 112. Waxay noqon kartaa haddii

halbowle kala go’ay, haddii bukaanku

uusan neefsan karin ama xanuun xoog

lihi uu ka haayo xabadka.

Haddii lagaa haayo dhabarka, caloosha

ama madaxa ayadoo eysan jirin sabab la

garan karo – ama haddii hurdo xumo ku

heyso – markaa wuxuu dakhtarku baarayaa

in sababtu tahay mid xagga maskaxda

ah.

Waxaana lugu weydiinayaa xaalkaagu

guud ahaan siduu yahay. Inaad aad u

welwesho. In dhibaatooyin kaa heystaan

xagga guurka. In aad u hilowday dalkaagii

iyo qoyskaagii. Ama in luguu geystay

dhibaatooyin argagax leh – in aad xabsi

ku jiri jirtay, lasoo kulantay dagaal ama

luguu geystay jirdilyo.

Ku su’aalayaa

dhibaatooyinkaaga

"Naftu xanuuneyso"

Xarunta gurmadka deg-degga ah waxaa

lugu weydiinayaa magacaaga, adareeskaaga

iyo lambarka telefoonka aad kasoo

waceyso. Markaa kadib ayey xarunta

gurmadka deg-degga ahi ku dadaaleysaa

in luguusoo diro ambulance ama kaalma

kale oo loo baahan yahay.

Turjumaad

Heyadaha qaranka waxaa ku waajiba iney

sugaan in warbixintooda la fahmay. Sidaa

darteed waa in dhakhtarku ku dadaalo, in

aad fahmi karto waxa la leeyahay – iyo in

asigu ama ayadu uu ku fahmi karo. Haddii

eysan taasi dhici karin, waa dhakhtarku

kuu dalbaa saacidaad turjubaan.

Dhibaatooyin xagga dhimirka ah

Danmark tartiib ahaan ayaa si caadiya

loogu aqoonsaday, in "xanuunka ruuxdu"

uu keeni karo xanuun xagga jirka ah.

Dhakhtarka waxaa saaran waajibka sirxafididda,

haddaba si kalsooni ah ayaad

uga hadli kartaa dhibaatooyinkaaga.

Wixii aad u sheegto umasii gudbaayaan

heyadaha qaranka ama shakhsiyaad kale

midna.

Ayadoo ku xiran qaabka hadal socodka

waxaa dhici karta in dhakhtarku ku

qiimeeyo, in calaamadahaaga aan lugu

daaweyn karin daawo kaliya. Sidaa beddelkeedana

waxaa dhici karta, in

dhakhtarku kuu diro khabiirka cilminafsiga

ama daaweyn kale oo lagama

maarmaan ah.

Qaar dadka kamida waxay saacidaad u

doontaan khabiirka cilmi-nafsiga si uu

ugu xalliyo dhibaatooyinkooda ama ey

uga reystaan tusaale ahaan furriin ama

murugo weyn.

Dhakhtarka waxaa

saaran waajibka

sirxafididda

Saacidaadda khabiirka

cilmi-nafsiga
113

Barnaamijka

baaritaannada

Baarista caafimaadka carruurta

iyo dhallinyarada

Laga bilaabo marka ilmuhu shan asbuuc

yahay ilaa uu ka gaaro 15 sano waxaa

loo fidiyaa ugu yaraan sagaal baariscaafimaad

oo ka hortag ah ee dhakhtarku

ku sameeyo ayadoo la raacayo barnaamij

si wacan loo qorsheeyey.Toddobada baaris

waxaa la qabanayaa inta uusan

ilmuhu iskuul bilaabin.

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Su’aalo ku saabsan

ilmaha iyo qoyska

Baarista ugu horreysa wuxuu dhakhtarku

wax idinka weydiinayaa xaaladda guud ee

qoyska, nuujin iyo hurdo – iyo koritaanka

ilmaha iyo farxaddiisa. Ilmaha waxaa loo

baaraa si qoto dheer, dhakhtarkuna

wuxuu ka talabixiyaa raashinka carruurta

iyo sida ugu haboon ee ilmaha loo

dhiirrigeliyo.

Adigu ballan dalbo

Wixii kadambeeyana waxay baaritaannadu

ku saabsan yihiin sidoo kale kartida ilmuhu

inuu dhaqdhaqaaqi karo, adeegsigiisa

dareemayaasha, horumarkiisa xagga luqadda,

u bislaashada iskuulka iyo nolol

maalmeedka.

Baaritaannadu waa iney dhakhtarka uga

digaan wixii dhibaatooyin ah ee la xiriira

farxadda ilmaha iyo caafimaadkiisa,

kuwaasoo ey tahay in wax laga qabto.

Waalidiintu waa iney ayagu dalbadaan

ballanta baaritaanka caafimaadka, ilaa

ilmuhu ka bilaabayo iskuulka. Booqashada

ugu horreysa ee kalkaaliyaha caafimaadka

ayaa (waalidiinta) la siinayaa buug yar,

halkaasoo tusaale ahaan ey ku qoran yihiin

goorta baaritaannadu ku haboon yihiin.

Tallaallada

Carruurta oo dhan waxaa laga tallaali

karaa cudurro kala duwan, kuwaasoo loo

dhiman karo. Tallaalladu waa bilaash,

waxaana badanaa lugu lifaaqaa baaritaannada

caafimaadka ee ka hortagga ah.

Barnaamijka tallaalka carruurtu wuxuu

ka kooban yahay gowracato, teetano, xiiqdheer,

dabeyl, jadeeco, qaamoqanshiir,

busbus iyo minijiitis.

Tallaallo bilaash ah
114

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Bixinta qarashka

tallaalka marka aad

dibedda u safreeysid

Dumarka uusan hore ugu dhicin busbusku

isla markaana aan laga tallaalin, waxaa

haboon iney istallaalaan, inta eysan uur

yeelan. Haddii naagta busbus ku dhaco

ayadoo uur leh, waxay run ahaantii halis

weyn ugu jirtaa iney dhasho ilma

cuuryaan ah.

Waa in qofku asigu uu iska bixiyaa tallaallada

khaaska ah oo la xiriira safarrada

dibedda.

Da’da Nidaamka tallaalka

3 bilood Gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl 1, haemophilus

influenzae nooca B*

5 bilood Gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl 2, haemophilus

influenzae nooca B*

12 bilood Gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl 3, haemophilus

influenzae nooca B*

15 bilood Tallaalka dalladda ah 1 (jadeeco, qaamoqanshiir,

røde hunde (waa cudur busbus oo kale ah)

2 sano Sokorta dabeysha 1**

3 sano Sokorta dabeysha 2**

4 sano Sokorta debeysha 3**

5 sano Gowracato-teetano 4

12 sano Tallaalka dalladda ah 2 (jadeeco, qaamoqanshiir, busbus)

18 sano Busbus (dumarka)

* kahortagga minajaytis iyo caabada (infektion) dahaarka dhuunta ee ay

keento bakteeriyada haemophilus influenzae nooca B.

** laga bilaabo luulyo 2001 carruurta laba jirka ah lama siinaayo

tallaalka dabeysha ee afka lugu dhibciyo, laakiin waxaa loogu beddelayaa

tallaal ka kooban gowracato-teetano-xiiqdheer-dabeyl marka ay 5 jir

yihiin. Carruurta waaweyn ee tallaalka dabeysha ee afka lugu dhibciyo

lugu bilaabay, tallaalkaa ayaa loogu dhameystirayaa marka baarista 3

sano iyo 4 sano lugu sameynayo.
115

Gudniinka gabdhuhu waa mamnuuc

Gudniinka gabdhuhu waa dhaawac halis u ah jirka wuxuuna keeni

karaa caabo (infektion), ilma la’aan, xanuun joogta ah, dhibaato

xagga maskaxda ah iyo dhibaatooyin kale oo xagga caafimaadka ah

oo fara badan. Sidaa darteed waa mamnuuc waana dembi in la gudo

gabdhaha.

Gudniinka wiilasha shuruuc gaara ayaa khusyesa. Weydii dhakhtarkaaga.

CAAFIMAAD IYO CUDUR
116

Gelidda isbitaalka

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Doorasho isbitaal oo

xor ah

Waxaa luguu dhigi karaa isbitaalka si

deg-dega sababtoo ah dhaawac ama

xaalad kedis usoo baxday darteed. Ama

isbitaalka waxaa luguu jiifin karaa

daaweyn kadib markuu dhakhtarkaagu

kuusoo diro.

Kala doorasho xora oo xagga isbitaalladaa

ayaa ka jirta Danmark. Bukaannada

qaarkood waxay daneeyaan iney galaan

isbitaal gooniya. Waxaana dhici karta in

sababtu tahay inuu ku yaallo agagaarka

meesha qoyskoodu degan yihiin – ama in

sababtu tahay in waqtiga sugidda

daaweyntu ey gaaban tahay. Qofku waa

inuu dhakhtarkiisa u sheegaa isbitaalka

uu doonaayo in lugu baaro ama la jiifiyo.

Isbitaallada waxaa loo qaabeeyey, si 1-4

bukaan u wadaagto hal qol. Dumarka iyo

raggu qolal kala duwan ayey jiiftaan.

Waxaa maalin kasta jira kormeer dhakhtar

iyo kalkaaliso. Dhakhtarku wuxuu fiiriyaa

bukaanka, sameeyaa qorshe baaritaan iyo

daaweyn, siiyaana bukaanka fursad uu

su’aalo ku weydiiyo.

Shuruucda raashinka iyo

booqashada

Isbitaalladu waxay leeyihiin waqtiyo

booqasho oo go’an. Waxaana sidoo kale

jira rajo la xiriirta in dadka jiran ey

helaan nabad iyo xasillooni. Weydii sidaa

darteed qeybta, meeqa qof ayaa markiiba

soo booqan karta.

Qaabka qolalku u

sameysan yihiin

Kormeerka dhakhtarka

ee qeybta

Nabad iyo xasillooni

– sidoo kale xilliga

booqashada
117

Isbitaalku wuxuu ku

dadaalaa raashinka,

dharka iyo nadaafadda

Codsiyo gaara ee

raashinka

Waalidiintu waa la

seexan karaan

ilmahooda jirran

Haddii qofku yimaado waqtiga booqashada

waqti ka baxsan, waa inuu qofku si

dheeraada u jabaq yaraadaa. Haddii

bukaanku socon karana waa in bukaanka

iyo qofka booqanayaa ka baxaan qolka

oo fariistaan qolka wadaagga ah muddada

booqashada oo dhan.

Isbitaalku wuxuu ku dadaalaa in bukaannadu

helaan raashin, dhardhaqid, qubeystaan

lagana caawiyo wixii kale oo ey u

baahan yihiin. Marka laga reebo qudaar,

waa in aan bukaanka loo keenin raashin,

maadaama ey ku jiri karaan waxyaabo

aan kamid aheyn qorshaha raashinka

bukaanka.

Haddii bukaan ahaan aad daneyneyso

waxyaabo gaara oo raashinka la xiriira –

aad qabto xasaasiyad, vijateriyan ama

aadan cunin doofaarka – waa in aad u

sheegtaa shaqaalaha. Markaa waxaa lugu

siinayaa raashin gaara.

Raashinka isbitaalku bixiyo waxaa loogu

talagalay bukaanka kaliya. Dadka soo

booqdaa isbitaallada qaar waxay raashiin

ka iibsan karaan maqaayad. Isbitaalla

kale waxaa laga iibsan karaan tikidhada

raashinka isbitaalka.

Carrurta isbitaalka ku jirta

Isbitaallada intooda badan waxay waalidiinta

u fidiyaan iney (isbitaalka) seexdaan,

marka ilmahooda la jiifiyo. Waalidiinta

carruurtoodu jiran yihiin waa joogi

karaan isbitaalka waqtiyada booqashada

wax ka baxsan. Meelaha qaar waa in

waalidiintu iska bixiyaan lacagta raashinka.

Haddii aad heysato ilma aad u jiran kana

yar 14 sano, waxaad adigoo kala heshiinaya

shaqabixiyahaaga iyo kumuunahaaga

heli kartaa in luguu gudo dakhliga

shaqada ee kaa luma, haddii aad waqtiga

dhinto ama aad gebigaba fasax qaadato,

inta ilmuhu isbitaalka ku jiro.

Isbitaalka dhimirka

Haddii aad qabto dhibaatooyin dhimirka

oo halis ah, ilaa heer aadan howl

maalmeedkaaga qabsan karin, waxaa

laga yaabaa in dhakhtarku kuu fidiyo in

lugu jiifiyo isbitaalka dhimirka. Halkaana

waxaa luguu fidinayaa wareysi – iyo wixii

daawo ku daaweyn ah. Adiguna waxaad

ka qeyb qaadaneysa qorsheynta qaabka

daaweynta. Waxaadna la kulmeysaa dad

xaaladdaada oo kale ku sugan. Qeyb weyn

oo kamida isbitaallada dhimirku waxay

leeyihiin qolal hal hal qof ah ee bukaannada

intooda badan.

Haddii qofku uu halis u yahay naftiisa

ama wixii ka agdhow oo uuna diido in si

khiyaariya ah isbitaal loo jiifiyo, waxaa

qasab lugu jiifin karaa qeybta dhimirka

ee xiran. Daaweynta halkaasina waxay la

mid tahay sida qeybta furan. Kaliya qofku

kama tegi karo qeybta ayadoo aan lala

socon.

Magdhawga dakhligii

shaqada kaasoo geli

lahaa

Wadahadal iyo daawo

ku daaweyn

Jiifin qasaba

CAAFIMAAD IYO CUDUR
118

Daaweynta ilkaha

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Ilka daaweyn bilaasha

laga bilaabo 0 ilaa 18

sano

Baarista ilkaha carruurta iyo

dhallinyarada

Dhamaan carruurta Danmark waxaa loo

fidiyaa ilka baaris lacag la’aan ah laga

bilaabo 0 ilaa 18 sano. Waxaay u tagaan

dhakhtarka ilkaha hal ilaa laba mar

sanadkiiba. Halkaa waxay ku baranayaan

sidey ilkahooda uga taxadari lahaayeen,

waxaana loo daaweeyaa loona toosiyaa

ilkahooda, haddii ey muhiim tahay.

Ka hortaggaa wax ku oolka ah wuxuu

keenayaa in carruurta Danmark leeyihiin

ilka caafimaad qaba, oo kamida kuwa

ugu wanaagsan adduunka. Carruurta

intooda badan waxay ilkaha ku leeyihiin

godad yar ama maba leh. Ilka la’aanta

iyo ilka bixintu aad ayey dhif u yihiin.

Ilmaha waxaa sida caadiga ah dhakhtarka

ilkaha looga yeeraa intaan laba

sano u buuxsamin. Inkastoo ilmuhu weli

uusan ilka laheyn waa fiican tahay inuu

yimaado, si ilmuhu ula kulmo dhakhtarka

ilkaha una arko kiliinikada – waalidiintana

waxaa la siinayaa talooyin ku

saabsan sida looga taxadaro ilkaha

ilmaha. Inkastoo ilkaha caanuhu ey

dhacdaan inta ilmuhu yar yahay, waa in

haddana la ilaaliyaa inta ey ku yaallaan.

Haddii kale waxaa halisa in la dhaawaco

ilkaha dambe ee hadhow soo bixi doona.

Kumuunayaasha intooda badan waxay

booqashada dhakhtarka ilkuhu ka dhacdaa

kiliniik la xiriira iskuulka. Qaar

kumuunyaal yar yar ahina waxay taas

beddelkeeda heshiis la leeyihiin dhakhtar

ilkaha oo gaara. Laakiin halkaana

baarista ilkaha carruurtu sidoo kale waa

u lacag la’aan waalidiinta.

Sidoo kale iska jir

ilka-caanoodka

Marka ilmuhu iskuul bilaabo waxaa si

toosa loogu yeeraa baaris ayadoo loo

marayo iskuulka. Shaqaalaha baarista

ilkaha ayaa sidoo kale u yimaada oo

carruurta bara sidey ilkahooda uga

taxadari lahaayeen.

Ilka daaweynta

iskuulka

Inta ey ilmuhu dhiganayaan fasallada

hoose waxaa fiican in waalidiintu u raacaan

dhakhtarka ilkaha. Marka carruurtu

waaweynaadaanse ayagaa kaligood tegi

kara. Haddii lugu sameynayo daaweyn

weyn, waalidiinta had iyo jeer waa lagala

tashan doonaa.
119

Dhakhtar ilkaha adigu

raadso

Baarista ilkaha dadka waaweyn

Dadka waaweyn ee ka sarreeya 18 sano

waa iney ayagu raadsadaan dhakhtar

ilkaha oo gaara, tusaale ahaan buuga

telefoonnada lokaalka ah. Waa in qofku

iska bixiyo qarashka baarista iyo daaweynta,

laakiin ceymiska caafimaadka

guud ayaa ka kabaya qeyba badan oo

shaqada kamida. Kabidda waxaa si toosa

looga jarayaa xisaabta.

Ceymiska caafimaadka gaar ahaaneed

ayaa kaa caawin kara qarashka daaweynta

xoogga leh ama qalliimada waaweyn.

Joogteynta booqashada dhakhtarka ilkaha

Waxaa (qofka) lugu waaninayaa inuu baaris joogta ah ugu tago dhakhtarka

ilkaha qiyaasti laba jeer sanadkii – ee maahan oo kaliya

markii dhibku dhaco ama xanuun ku qabto. Sidaa ayaana waqti fiican

lugu ogaanayaa, haddii tusaale ahaan iligu ay duleeshaneyso.

Markaana daaweyntu ma weynaaneyso mana noqoneyso qaali.

waqti aan ku habooneyn. Haddii kale

wuxuu qofku halis u yahay in dhibaatooyinku

ey kasii weynaadaan sidii markii

hore ey ahaayeen.

Kumuunayaashu waa iney u fidiyaan

xanaaneyn xagga baarista ilkaha ah

dadka aan ayagu u tegi kareyn dhakhtarka

ilkaha. Kuwaasoo caadi ahaan laga

wado waayeellada ama dadka sida aadka

ah cuuryaanka u ah. Markaana waa in

bukaanku asigu bixiyaa oo kaliya in yar

oo kamida qarashka.

Kaalmada degdeggaa ee

dhakhtarka ilkaha

Haddii uu si kedisa kuu qabto xanuun

daran oo ilkaha waqtiga dhakhtarka

ilkuhu furan yahay kadib, waxaa sida

caadigaa jira heeganka dhakhtarka ilkaha

oo afar iyo labaatan saac furan oo kuu

dhow. Waxaad lambarka ka heli kartaa

buugga telefoonnada lokaalka ah.

Ilka daaweynta ee

waayeellada iyo

cuuryaamiinta

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Ballan sameyso

Sidoo kale daaweyn

waqti dheer soconeysa

Sida dhakhtarkaaga oo kale waa in aad

wacdaa oo aad hore ballan u sameysataa

– kuna timaadaa waqtiga ballanta.

Haddii aad joogto ula xiriirto dhakhtarka

ilkaha, waxaa si toosa qoraal ahaan

luguugu yeerayaa baaris.

Daaweyn kasta dhamaantood luguma

dhameyn karo hal booqasho ee dhakhtarka

ilkaha oo kaliya. Daaweyntu waxay

jiitami kartaa mudda dheer, tusaale

ahaan haddii ilkaha la toosinayo.Waxaana

muhiima in aan daaweynta la kala goyn
120 Daawooyinka

CAAFIMAAD IYO CUDUR

Kaliya daawo la

aqoonsan yahay

U baahan ama aan u

baahneyn warqad

dhakhtar

Daawada waxaa halkaan dalka lugu gedi

karaa oo kaliya, haddii ey leedahay ogolaasho

suuqgelin oo la aqoonsan yahay, oo

ama uu soo saaray guddiga yurub ama

waaxda daawooyinka Danmark.

Danmark waxaa la kala saaraa daawooyin

rasiid u baahan iyo daawooyin gacanta

laga iibsado. Daawooyinka rasiidka u

baahan waa in farmashiyuhu ku iibiyaa

oo kaliya warqad dhakhtar (rasiid).

Daawooyinka gacanta laga iibsado waxaa

la iibsadaa waraaq la’aan. Waa suuragal

in daawooyinka gacanta laga iibsado oo

dhan aad ka gadato farmashiyaha. Sidoo

kale waxaa meela kale oo badan sida

dukaamada qalabka iyo subarmarketyada

loo aqoonsaday iney gedi karaan

daawooyinka gacanta laga iibsado, in

laga iibsado daawooyinka qaar – tusaale

ahaan kuwa xanuunnada fudud, dhuun

xanuunka iyo qunfaca iyo sidoo kale iska

joojinta sigaarka.

Marka la iibsanaayo daawooyinka qaar

wuxuu ceymiska caafimaadka guud kuu

fidinayaa kabid. Sidaana waxaa loo

yeelay in la sugo, in jiranaanta iyo u baahnaanta

daawadu eysan culeys dhaqaalaha

oo weyn ugu noqon qofka. Inta kabiddu

la egtahay waxay ku xiran tahay inta

qofku shakhsi ahaan isticmaalo daawo

muddo sanadkii. Weydii dhakhtarkaaga

ama farmashiyahaaga, haddii aad dooneysid

warbixin dheeraada oo ku saabsan

kabidda daawada.

Kabidda daawada

Daawooyinka lugu gado farmashiyaasha

kaliya, qiima isku mida ayaa looga gadaa

dalka oo dhan.
12 CAADO IYO NOLOL MAALMEED
123

Maalmaha ciidaha, maalmaha xusuusta

iyo munaasabadaha diiniga ah

Sanadka gudihiisa waxaa ku jira maalmo

ciida ah iyo maalmo xasuus ah oo dhowr

ah, kuwaasoo lugu muujiyo, in carruurta

iskuulka laga fasaxo, in dadka waaweyn

badankood ey shaqada fasax ka yihiin, iyo

in dukaamadu wada xiran yihiin ama

qeyb waqtiga kamida xiran yihiin.

Maalmaha ciidaha adeegyo cibaadeysi ah

ayaa lugu qabtaa kaniisadda dadweynaha.

Maalmaha ciidaha ee ugu muhiimsan

waxaa loo dabbaaldegaa tan la xiriirta

seddaxda munaasabad diineed ee waaweyn

sida Yuulka, halkaasoo loo dabbaaldego

dhalashada Ciise, Booskaha halkaasoo

alwaax ku taagidda Ciise, dhimashadiisa

iyo soo bixiddiisu ey udub dhexaad

u yihiin, iyo Biinsaha oo ah feestada ruuxda

muqaddaska ah.

Waxaa jira caadooyin badan oo ku

xiran munaasabadaha diiniga ah, haba

ugu weynaado yuulku, dadka intooda

badanna waxay munaasabadaha diiniga

ahi u yihiin sabab ey kula joogaan qoyska,

qaraabada iyo asxaabta.

Ciidaha kalena waa:

• Maalinta sanadka cusub, 1da janaayo.

• Maalinta cibaadada weyn, oo ey saldhig

u yihiin maalmo cibaado waaweyn oo

dhowra, oo mudda dheer ka hor laysku

daray.

• Maalinta sare u qaadidda Ciise, oo

masiixiyiintu u dabbaaldegaan, in Ciise

cirka sare loo qaaday.

Kuwa ugu muhiimsan maalmaha xusuusta

waa:

• 1da maajo, maalinta halganka caalamigaa

ee dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha.

• 5ta juun, maalinta dastuurka, halkaasoo

loo dabbaaldego dastuurka boqortooyada

Danmark. Danmark waxay

dastuurkii ugu horreeyey heshay sanadkii

1849.

Yuulka

Habeenka yuulku waa 24 december, halkaasoo qoysasku isu yimaadaan,

isla casheeyaan, hadiyadana isi siiyaan. Intooda badan geedka

yuulka ayey ku wareegaan, oo ah geed humbulan oo sharaxaad iyo

xiddigo dusha looga dhedhejiyey, waxayna ku heesan digriga yuulka -

iyo heesaha. Dad badan ayaa sidoo kale kaniisadda u aada cibaadada

alle ee yuulka.

Jidadka iyo dukaamada wuxuu yuulku hore uga billowdaa bisha

november. Waxaa lasii sharxaa laamaha geedka, wadnayaal, malagyo

iyo geelle-gaabowyaal (sawirro guryaha la surto si ay u ilaaliyaan)

ayaana lugu dhejiyaa. Bisha december waxaa quraacda yuulka lugu

qabtaa goobaha shaqada, carruurtuna waxay ku sameeyaan hadiyadaha

yuulka iyo sharaxaadda yuulka xarumaha xanaanada, guriga

waqtiga fasaxa iyo iskuullada. Carruur badan ayaa leh kalandarka

yuulka, sida ay kanaallada tv-guna usoo daayaan barnaamijyada kalandarka

yuulka, kuwaasoo tiriya maalmaha laga bilaabo 1da ilaa

24ka december.

25ka iyo 26ka december, oo loogu yeero maalmada koowaad iyo

labaad ee yuulka, waxay qoysas badani isugu yimaadaan quraacda

yuulka.

CAADO IYO NOLOL MAALMEED
124

CAADO IYO NOLOL MAALMEED

Xafladaha iyo isu imaatinnada

Danmark waxaa xaflado loo qabtaa

munaasabado badan oo kala duwan: aroos,

waqlasha ilmaha, sugitaanka, maalmaha

dhalashada iyo munaasabadaha diiniga

ah. Marka qofku helo guri cusub, uu dhameeyey

waxbarashada, uu safar aadayo –

ama uu iska jecleysto oo kaliya.

Markaa waxaa lugu marti qaadaa

saaxiibbada, qoyska ama asxaabta

shaqada cunto iyo cabitaan – mararka

qaarna waa la ciyaara habeenkii oo dhan.

Haddii luguugu marti qaado xaflad

ama qado, waxaa wanaagsan in aad wax

yar hore usii qaadid martigeliyaha. Hal

dhalo oo wayna, xirma ubaxa, shokolaato

ama wax kale. Haddii luguugu marti

qaado dhalasho, waxaa lagaa sugayaa in

hadiyad geyso.

Booskaha ioy Binsaha

Booskuhu wuxuu sanad kasta soo galaa bilaha maarso ama abril,

binsuhuna bilaha maajo ama juun. Marka laga reebo caadooyinka

diiniga ah, halkaasoo masiixiyiintu u dabbaaldegayaan kasoo bixidda

Ciise ee dhimashada,booskaha waxaa caadaa, in la isguddoonsiiyo

ukunta booskaha.Taasoo sida caadigaa ah ukun laga sameeyey

shokolaato. Ukuntu waa astaan bacrinnimo oo qadiim ah. Xilliga

binsaha dad ayaa leh caadada ah iney waqti hore kacaan oo fiiriyaan

qorraxdoo "ciyaareysa" ee sameysta quraacda binsaha – tusaale

ahaan sida iney dambiil raashina duurka u qaataan.

Dhalashada carruurta

waalidiin badan ee carruurta ku jira da’da

xanaanada iyo iskuulka ayaa ku marti

qaada saaxiibada ilmaha ama saaxiibada

fasalka dhalashada carruurta. Qaar ayaa

marti qaada gabdhaha kaliya ama wiilasha

kaliya. Keegga isdulsaarkaa, rootiga wareegsan

iyo kakaaw ama sharaab iyo sidoo

kale in lugu heeso heesta dhalashada ama

la dheelo ciyaaro waxay kamid yihiin

caadada dhalashada carruurta ee deenishka.

Waxaa laga sugayaa carruurta la

marti qaaday iney hadiyad u keenaan

ilmaha dhalashada leh. Haddii aad ka

shakido nooca iyo heerka hadiyadda

ilmahaagu qaadayo ey la ekaaneyso, waa

in aad weydiisaa waaalidiinta kale.

Kajan iyo kaftan

Danmark kaftanku waa qaab muhiima oo

laysku dhexgalo. Dad badanina waxay

sidoo kale adeegsadaan kajan aad u

badan. Taasi waa, in qaabka sheekadu

gaar ahaan goobo shaqo oo badan uu

caadi ahaan muuqan karo mid aad u

"qallafsan". Dadku waxaa dhici karta iney

isku yiraahdaan waxyaabo xun xun,

kuwaasoo marka qofku meesha ku cusub

yahay si fudud uga nixiya. Hase yeeshee

waxay taasi ka turjuntaa oo kaliya iney

yihiin dad isku wanaagsan oo ey isixtiraamaan,

inkastoo sidoo kale xoogaa lays

dhibaayo.

Waqtiga

Deenishku waxay si aad ah ugu noolyihiin

"saacadda". Waxay kaa sugayaan in aad
125

ku timaado ballanta waqtigeeda, maahan

kahor iyo kadib midna.Waxayna khuseysaa

ballamaha shaqada iyo kuwa gaarka ah

intaba – waxayna khuseysaa oo kale

ballamaha dhakhtarka, dhakhtarka ilkaha

iyo heyadaha qaranka. In aad soo daahdo

– ama aad iska maqnaato – adigoo aan

sabab muhiima heysan waa qaab la hubo

in luguugu nacaayo.

CAADO IYO NOLOL MAALMEED

Khamriga iyo baabuur wedidda

Waa sharci darro – bulsho ahaanna lama

aqbalo – in aad baabuur waddo, haddii

aad aad u cabsan tahay khamri. Lama

ogola iney dhiiggaaga ku jirto in kabadan

0,5 promille oo khamriya, marka aad

wedeyso tusaale ahaan baabuur ama

mooto.

Deenishka iyo Dannebrog (calanka)

Sida la weriyey calanka deenishku, dannebrog, cirka ayuu kasoo

dhacay ayadoo dagaal lugu jiro dalka Estland 15kii juun 1219.

Heyadaha qaranka iyo dadka caadiga ahba waxay calan saartaan

maalma gaara ee calanka. Waana maalmaha ciidaha, maalmaha

dhalashada dad katirsan qoyska boqortooyada iyo maalmaha

qaranka astaanta u ah sida tusaale ahaan maalinta dastuurka oo ah

5ta juun.

Sidoo kale waxay deenishku Dannebrog u adeegsadaan siyaaba kale

oo badan oo aan caam aheyn.Tusaale ahaan calanka ayaa miiska la

saaraa maalmaha dhalashada ama dabbaaldegyada. Cadad calamo

ah ayaana lugu dhedhejiyaa geedo badan ee yuulka iyo marka yuulka

sharaxaayo jidadka iyo dukaamada.

Isticmaalka caanka ah ee calanku waa caado qadiim ah, ee tusaale

uma ahan in deenishku si gooniya muwaadiniin u yihiin.
126

CAADO IYO NOLOL MAALMEED

Jirka iyo galmada

Ayadoo aan loo eegin in aad kahesho iyo

in kale, wuxuu qofku kula kulmayaa qaawanaan

iyo galmo meela badan oo bulshada

dhexdeeda ah. Wargeysyada iyo

joornaallada ayaa daabaca maqaallo ku

saabsan galmada iyo xiriirka labada qof,

iyo xayeesiimo muujinaaya jirka banii’aadanka.

Taasi waxay ka turjumeysaa horumarka

caadiga ah ee bulshada, kaasoo

keentay aragtida xortaa ee nolosha xagga

jinsiga. Tobannaankii sano ee ugu dambeeyey

waxaa soo shaac baxay qaab

xiriirro cusub, xoriyad dheerada ee qofku

ugu taliyo jirkiisa iyo nidaam haboon ee

tusaale ahaan qaniisnimada.Taasina waa

xoriyad masuliyadi ku lifaaqan tahay.

Taasoo loola jeedo, iney jiraan xuduudo u

dhigan waxa la ogol yahay iyo waxa aan

la ogoleyn. Ciqaab ayaa lugu muteysanayaa

in loo galmoodo qof 15 sano ka

yar, waana inaan qofna lugu qasbin wax

uusan raalli ka aheyn. Aasaaskuna waa in

qadariyo xuduudda xagga shakhsiga iyo

jinsiga ah ee qof kasta.

Maahan tusaale ahaan dhiirrigelin

galmo, marka dadku isku qorrexeynayaan

beerta iyo xeebta ama qubeysanayaan

ayagoo xiran wax yar oo dhar ah ama dhar

la’aan. Sida calaamadaha jirku uu bixinayo

aan loo turjuman ku dhiirrigelin galmo.

Kufsiga xagga jinsiga ah waa in lala

socodsiiyaa booliska, si dembilaha ama

dembilayaasha sharciga loola tiigsado.

Waxaa ku jiri kara farqi weyn, goorta

dadka dhallinyarada ah ee bulshada

deenishku billaabaan nolol firfircoon oo

xagga jinsiga ah. Laakiin aad ayey caadi

u tahay in qofka yar uu yeesho saaxiib,

xiriirka saaxiibtinimada inta ugu badanina

waxay ku saleysan tahay ka helitaan

iyo isqadarin.
128

Dhowr warfaafuno oo muhiim ah

GURMADKA DEG DEGGA AH

Alarm

Wax dhhaawac ah oo isla markiiba kugu

dhaco iyo xaalada naftaada halse ama

qatar u ah ku soo food saaraan sida shilalka,

dabka, weerar iyo xanuun daran oo

markiiba kugu dhaco: Wac 112.

Bangiyada

Bangiyadu waxay caadi ahaan furan yihiin

10ka subaxsnimo ilaa 16 galabnimo

maalmaha isniinta, talaadada, arbacada

iyo jimcaha. Intooda badan khamiista

waqti dheeraada ayey furan yihiin, taaso

ah laga billaabo 10ka subaxnimo ilaa

17.30 ama 18 galabnimo. Bangiyo badan

waxay leeyihiin mashiinada lacagta

lagala baxo, oo suuragal tahay in aad

Dankortiga* ama kaarka deynta lacagta

ugala bixi karto.

Boostada

Kiyosadda qaarkood ayaa gada tikidhada

boostada, lakin amaba tikidhada boostada

waxaa lugu gadaa xafiis boosto ee kasta.

Howsha xafiisyada boostadu waa geynta

iyo keenidda waraaqaha, baakadaha iyo

bixinta lacagaha ee wadanka gudahiisa

iyo dibeddiisaba. Sidoo kale waxaad ku

dhiibi kartaa wargelinta la xiriirta

beddelidda adareeska, wuxuuna xafiiska

boostada maxaalliga ah ka heli kartaa

galka guuritaanka. Sidoo kale waxaad

xafiiska boostada ka dalban kartaa

tikidhada masraxiyadaha, riwaayadaha

iyo abaabullada isboortiga.

Xafiisyada boostada Maxalliga ah

waxay furan yihiin waqtiya kala duwan,

laakiin intooda badan waxay furan yihiin

maalmaha shaqada inta u dhexeysa 9.30

iyo 17 galabnimo. Khamiistana ilaa 17.30.

Sabtidana ilaa 13 duhurnimo. Bogga

www.postdanmark.dk ayaad ka akhrisa

kartaa dhamaan waqtiyada xafiisyada

boostadu eey furan yihiin.

Waraaqaha ku socda dalka iyo

dibeddaba waa in lugu ridaa sanduuqyada

guduudan ee boostada, ee ku yaalla guryo

xaafadeedka oo dhan. Sanduuqyada boostada

waxaa ka arki kartaa ,goorta

waraaqaha laga bixinayo.

Dukaamada

Dukaamada oo dhan afar iyo labaatan

saac wey furnaan karaan laga bilaabo

isniinta 6da subaxnimo ilaa sabtida 17

galabnimo. Sidoo kale waxay furnaan

karaan 4 axadood sanadkiiba. Dukaamada

yar yar ee gaar ahaan iibiya raashinka,

cabitaanka iyo alaab maalmeedyada kale

axad kasta waa furnaan karaan.

Guud ahaan dukaamada yar yar sida

kuwa dharka waxay furan yihiin isniinta

ilaa khamiista inta u dhexeysa 10ka

subaxnimo iyo 18ka galabnimo. Jimcaha

waqti dheeraada ayey furan yihiind iyo

sabtidana waqti hore ayaa la xiraa.

Subermaarkiyada weeweyn oo badan iyo

dukaamada weeweyn ee alaabada waxay

furan yihiin inta u dhexeysa 8da ama 9ka

subaxnimo ilaa iyo 20ka ama 21ka

habeenimo.
129

Farmashiyaasha

Farmashiyaasha waxaad xilliga maalinimadii

daawooyinka ku iibsan kartaa waraaq

dhakhtar iyo waraaq la’aan intaba,

taasoo caadi ahaan ah inta u dhexeysa

9ka subaxnimo iyo 17.30 galabnimo

maalin waliba, oo aysan sabtidu ku jirin,

ayago badankooda la xiro 13ka ama

14ka duhurnimo. Intaas wax sii dheer

waxaa jira dukaamo daawada waraaq

la’aanta ah lugu gado saacadaha dukaamadu

furan yihiin, iyo kuwaasoo inta

waraaqaha daawada kaa qaada farmashiyaha

kaaga dalbaya. Supermarkadyo

badan qaarkood iyo maxadooyinka shidaalkuba

waxay gadaan noocya kala

duwan oo kamida daawooyinka aan waraaq

dhakhtar loo baahneyn sida tusaale

ahaan daawooyinka xanuunka joojiya iyo

dawooyinka qunfaca.

Farmashiyaashu waxay kaltan u galaan

furitaanka farmashiyha ee maalintii iyo

habeenkiiba furan. Kuwa farmashiyaasha

heeganka leh eemaalintii iyo habeenhiiba

furan, waxaad ka ogaan kartaa haddii

aad wacdo kan kuugu dhow ama bogga

internetka ee ah www.sundhed.dk.

Waxaad bixineysa lacag dheeraad

markii aad daawo iibsaneyso waqti ka

baxsan xilliyada furitaanka caadiga ah.

Gaadiidka dadweynaha

Danmark waxay sameeysatay qaab isku

dibaridan ee jiheenta gaadiidks dadweynaha,

oo loogu talagaya labbada dinac

ee dalka dhamaantiisa iyo maxaaligaba

ah. Waxaa suuragala in aad iibsatid

kaarka bisha iyo kaar lacag lagaa dhimayo

oo lugu raaco basaska iyo tareennada.

Weydii isteeshinnada tareenka,

isteeshinnada basaska ama kumuunaha,

haddii aad warbixin dheeraada dooneysid,

ama eeg bogga www.rejseplanen.dk.

Maktabadaha

Kumuunayaasha oo dhami waxay leeyihiin

maktabado, oo lacag la’aan looga

amaahdo buugaagta, CD-yada, Videofilimada,

iyo waxa suurgal ah in ay

internet leey yihiin. Intooda badan maktabadaha

guud waxay furan yihiin inta u

dhexeysa 10 subaxnimo iyo 19 habeenimo

maalin walbo, inkastoo ay sabtida furan

yihiin oo kaliya inta u dhexeysa 10

subaxnimo iyo 13 ama 14 duhurnimo.

Maktabaduhu waxay leeyihiin faracyo, oo

caadi ahaan waqtiga ay furan yihiin uu

gaaban yahay. Kumuunahaaga weydii.

Matxafyada

Waxaa jira ilaa 300 matxaf oo kala duwan

ayaa dalka ku kala yaalla. Kala

barkood qaranka ayaa leh ama dowlada

ayaa kabid dhaqaale u fidisa. gelitaankooda

lacag aya la baxsha intooda badan,

qaar badan ayaase carruurta lacag la’aan

u ah, iyo matxafyada qaranka qaarkood,

sida muusiyamka qaranka iyo muusiyamka

qaranka ee farshaaxanka, waxaa lacag

la’aan lugu galaa arbacada.

Telefoon

Bokosyadda telefoonada waxay ku yaallaan

meela fara badan. Halkaa ayaadna

GURMADKA DEG DEGGA AH
130

GURMADKA DEG DEGGA AH

ka isticmaali kartaa adigoo lacag ku

ridaya ama gelinaya kaarka khaaska ah

ee lacagta, oo lugu gado kiyosadda iyo

supermaarkayada.

Maxaali nawaxiid kasto dhan waxay

leedahay buug telefoonada oo maaxili ah,

oo loo qaybiyo guryaha oo dhan ee boostadooda

loogu ridayo.Waxaana ku qoran

ka sokow lambarrada telefoonada warbixinno

wax ku ool ah oo tiro badan lana

xiriira kumuunaha, dhakhtarka heeganka,

booliska, ururrada, matxafyada, maabka

nawaaxiga iyo "bogagga jaallaha ah" (de

gule sider) oo la xiriira warbixinno ganacsiyeed

ee nawaaxiga.

Waxaa lambarrada telefoonada waxaad

ka heli kartaa "Oplysningen" oo

lambarkiisu yahay 118 ama bogga

www.tele.dk. Halkaan warbixin dheeraada

ayaad ka heli kartaa.

Xafiisyada heyadaha qaranka

Intooda badan xafiisyada dowladda waxay

qabaan waqtiyo telefoon lugula xiriiro iyo

waqtiyo loo tago. Qaar badan ayaa khamiista

waqti dheeraada furan jimcahana

waqti hore ayaa la xiraa. Heyadaha

dowliga badankooda, sida kumuunayaasha,

gobollada iyo wasaaradaha, waxay leeyihiin

bogag internet oo leh warbixin iyo

waxaa jira fursado aad kaligaa ku adeego

karto adigo qofna ku wahelinin. Haddii

aad warbixin dheeraada dooneysid,

weydiiso kumuunahaaga ama eeg

www.danmark.dk.
Halkaan warbixin dheeraad ah ayaad

ka heli kartaa

131

Internet

www.danmark.dk

Warbixin la xiriirta bulshada deenishka

oo af-deenish ah.

www.finfo.dk

Warbixin la xiriirta bulshada deenishka

oo ku qoran afafka kala ah ee Albaaniga,

Carabiga, Kurdiska, Farsiga, Soomaaliga,

Turkishka, Viyatnaamiiska, Boosniga,

Serbiga, Koreeshiga, Faransiiska, Ingiriiska

iyo Deenishka.

www.denmark.dk

Warbixin la xiriirta bulshada deenishka

oo ku qoran afafka kala ah ee Ingiriiska,

Jarmalka, Faransiiska iyo Isbaanishka.

Telefoon

1881, telefoonka iska leh bulshada.

Waxaa ka jawaabaya dad ku hadlaya

afka-Deenishka iyo Ingiriiska.

DR wararka adduunka

DR Nyheder International

Idaacada af Ingriisiga,Turkishka, Carabiga,

Boosniga/Serbiga/Koreetiga, Urduuga iyo

Soomaaliga ah. Waxaana laga helaa

bogga: www.dr.dk/nyheder/fremmedsprog,

Telefoonkana waa 70 26 80 80 ama DR

Tekst-TV bogga 171, 172, 173 iyo 174.

Shax-warbixineedda Danmark

Factsheet Denmark

Waa tixane ee jaraa’id warbixin ah oo

wax ka qoraaya warbixinno guud oo la

xiriira taariikhda wadanka Danmark,

siyaasadda, dhaqalaha iyo dhaqanka

Danmark oo ku qoran afafka Igiriisga,

Jarmalka, Faransiiska iyo Isbaanishka.

Waxaana laga heli karaa: Wasaaradda

arrimaha dibedda, Udenrigsministeriet,

Asiatisk Plads 2, 1448 København K,

Telefoon: 33 92 00 00, Bogga: www.um.dk,

Email: um@um.dk

GURMADKA DEG DEGGA AH

Maktabad

Maktabadda maaxaaliga ah ayaa kaa

caawineysa wixii warbixin dheerada ah.

Kumuunahaaga

Bogga www.kl.dk ayaad ka heli kartaa

kumuunaha adareesyadooda, bogaggooda,

emaillyadooda, lambarrada telefoonyada

iyo wax kale oo badan. Waxaad wici

kartaa KL (ururka qaranaka kumuunayaasha

deenishka) oo telefoonkiisu yahay

33 70 33 70 oo aad warbixinnadaasi aad

ka heleysaa.

Af deenish fudud – På Let Dansk

Waxaa jira joornal loogu talagalay

deenishka akhrisku ku culusyahay iyo

ajaanibta iyo qaxootiga aan weli afka

deenishka si wacan u aqoon. Wuxuu soo

baxaa sanadki taban jeer, wuxuuna wax

ka qoraa akhbaaraha, dhaqanka iyo

isboortiga. Waxaana laga heli karaa

iskuullada luqadda, ama haddii lala

xiriiro Kroghs Forlag, Chr. Hansens Vej 3,

7100 Vejle, Telefoonka 75 82 39 00

Bogga: www.kroghsforlag.dk

Email: kf@kroghsforlag.dk
132

Ururro iyo xarumo muhimad oo wax

khaas ku ool u leh degganayaasha cusub

GURMADKA DEG DEGGA AH

Heyadda Qaxootiga Deenishka

Dansk Flygtningehjælp

Borgergade 10, 3. sal

Postboks 53

1002 København K

Telefoon: 33 73 50 00

Bogga: www.flygtning.dk

Email: drc@drc.dk

Waa heyad samafal ah, oo kaalma u fidisa

qaxootiga, iyo isla markaan warbixin

iyo talabixin la xiriirta qalabixinta iyo

dibu laabashada wadankooda.

Iskaashiga dadyowga dhexdooda ah

Mellemfolkeligt Samvirke (MS)

Borgergade 14

1300 København K

Telefoon: 77 31 00 00

Bogga: www.ms.dk

Email: ms@ms.dk

Waa urur, ku howlan is-afgaradka dadka,

qalabixin, howlo wacyi-gelineed, barnaamijyo

tabarruca oo lacag la’aan ah iwm.

Wasaaradda Qaxootiga, Ajaanibta

iyo Qalabixinta

Ministeriet for Flygtninge,

Indvandrere og Integration

Holbergsgade 6

1057 København K

Telefoon: 33 92 33 80

Bogga: www.integrationsministeriet.dk

Email: inm@inm.dk

Waxay qabataa howlo khuseeya dhamaan

ajaanibta- iyo siyaadda guud ee qalabixinta

iyo dhalashada deenishka. Waana heyad

looga dacwoodo go,aamada waaxda socdaalka

ee la xiriira isu-keenidda qoyska,

fiisaha, iqaamadda shaqa darteed ama

sababo khaas lugu bixiyo.

Guddiga guud ee Ajaanibta

Rådet for Etniske Minoriteter

Ministeriet for Flygtninge, Indvandrere

og Integration

Holbergsgade 6

1057 København K

Telefoon: 33 92 33 80

Bogga: www.etniskeminoriteter.dk

Email: rem@inm.dk

Wuxuu wasiirka qalabixinta kalataliyaa

arrimaha khuseeya ajaanibta iyo qaxootiga.

Waxaa laga soo doortaa wakiillada wakiillada

guddiyada qalabixinta ee degmooyinka.
133

Waaxda Socdaalka

Udlændingestyrelsen

Ryesgade 53

2100 København Ø

Telefoon: 35 36 66 00

Bogga: www.udlst.dk

Email: udlst@udlst.dk

Wuxuu ka shaqeeyaa kiisaska la xiriira

soo gelidda iyo joogidda ajaanibta ee

Danmark, oo kamid yihiin codsiga qaxootinimada,

isu-keenidda qoyska, iqaamadda

joogista iyo shaqada iyo fiisooyinka.

Waana heyad looga dacwoodo go,aamada

kiisaska ku saabsan iqaamadda joogista

iyo shaqada ayadoo la tixraacayo shuruucda

gaarka ah ee EF/EØS.

GURMADKA DEG DEGGA AH
134

Xafiisyada dowladda ee maamul goboleedyada

– Statsamterne i Danmark

GURMADKA DEG DEGGA AH

Xafiisyada dowladda ee maamul goboleedyadu

waxay ka shaqeeyaan kiisaska la xiriira sida kala

tegidda, furriinka, biilka xaaska, lacagta carruurta,

masuuliyadda waalidnimada, kiisaska la joogidda

carruurta, dhalashada deenishka, macagyada iyo

dacwadaha bilaashka ah. Sidoo kale xafiisyada

dowladda ee maamul goboleedyadu waxay ka

shaqeeyaan kiisaska la xiriira iqaamadda joogista

iyo shaqada ayadoo la tixraacayo shuruucda gaarka

ah ee EF/EØS.

Bogga: www.statsamt.dk

Oo la mid ah xafiiska maamul goboleedka

Københavns Overpræsidium

Hammerensgade 1

1267 København K

Telefoon: 33 12 23 80

Email: overpraesidiet@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka København

Statsamtet København

Hejrevej 43

2400 København NV

Telefoon: 38 17 06 00

Email: koebenhavn@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka

Frederiksborg

Statsamtet Frederiksborg

Roskildevej 10 A

3400 Hillerød

Telefoon: 48 22 73 00

Email: frederiksborg@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Roskilde

Statsamtet Roskilde

Algade 12

4000 Roskilde

Telefoon: 46 30 60 00

Email: roskilde@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Vestsjælland

Statsamtet Vestsjælland

Slagelse 7

4180 Sorø

Telefoon: 57 87 07 00

Email: vestsjaellands@statsamt.dk

Xafiiska maamul godoleedka Storstrøm

Statsamtet Storstrøm

Brovejen 4

4800 Nykøbing F

Telefoon: 54 84 18 00

Email: storstroems@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Bornholm

Statsamtet Bornholm

Storegade 36

3700 Rønne

Telefoon: 56 93 02 60

Email: bornholm@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Fyn

Statsamtet Fyn

Slottet

Indgang A, 1. sal

Nørregade 36-38

5000 Odense C

Telefoon: 66 11 90 00

Email: fyn@statsamt.dk
135

Xafiiska maamul goboleedka

Sønderjylland

Statsamtet Sønderjylland

H.P. Hanssens Gade 42

6200 Aabenraa

Telefoon: 74 31 31 31

Email: soenderjylland@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Ribe

Statsamtet Ribe

Bøge Allé 2

6760 Ribe

Telefoon: 76 88 66 66

Email: ribe@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Viborg

Statsamtet Viborg

St. Sct. Hansgade 2-4

8800 Viborg

Telefoon: 87 26 20 00

Email: viborg@statsamt.dk

Xafiiska dowladda ee Nordjylland

Statsamtet Nordjylland

Aalborghus Slot

Slotspladsen 1

9000 Aalborg

Telefoon: 96 31 92 00

Email: nordjylland@statsamt.dk

GURMADKA DEG DEGGA AH

Xafiiska maamul goboleedka Vejle

Statsamtet Vejle

Vedelsgade 17 B

7100 Vejle

Telefoon: 75 82 33 00

Email: vejle@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Ringkjøbing

Statsamtet Ringkjøbing

Holstebrovej 31

Postboks 151

6950 Ringkøbing

Telefoon: 97 32 08 55

Email: ringkjoebing@statsamt.dk

Xafiiska maamul goboleedka Århus

Statsamtet Århus

Marselis Boulevard 1

8000 Århus C

Telefoon: 89 40 11 11

Email: aarhus@statsamt.dk
136

Xafiisyadda shaqada ka dalaala ee Danmark

– Arbejdsformidlingerne i Danmark

GURMADKA DEG DEGGA AH

Xafiisyadda shaqada ka dalaala ee Danmark (AF)

waa heyad dowliga ha aad la xiriireysid marka aad

shaqa doon tahay. Waxaa jira 14 xafiisyo goboleed

ee AF, oo mid walba bog internet leeyahay oo la

socota warbixin maxaali ah eey shaqa doonayaasha

iyo shaqa bixiyaashuba ay warfbixin ka heli karaan.

Bogga: www.af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Bornholm

AF – Bornholm

Tornegade 5

Postboks 119

3700 Rønne

Telefoon: 56 95 30 33

Bogga: www.bornholm.af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Frederiksborg

AF – Frederiksborg

Datavej 36

3460 Birkerød

Telefoon: 48 22 85 00

Bogga: www.frederiksborg.af.dk

Email: frederiksborg@af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Fyn

AF – Fyn

Dannebrogsgade 3

5000 Odense C

Telefoon: 66 11 77 70

Bogga: www.fyn.af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Nordjylland

AF – Nordjylland

Vestre Havnepromenade 15

9100 Aalborg

Telefoon: 99 33 90 00

Bogga: www.nordjylland.af.dk

Email: nordjylland@af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Ribe

AF – Ribe

Teglværksgade 4

6701 Esbjerg

Telefoon: 79 12 33 44

Bogga: www.ribe.af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Ringkøbing

AF – Ringkøbing

Nørregade 44

7400 Herning

Telefoon: 96 27 34 00

Bogga: www.ringkoebing.af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Roskilde

AF – Roskilde

Jernbanegade 12

4000 Roskilde

Telefoon: 46 18 11 00

Bogga: www.roskilde.af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Storkøbenhavn

AF – Storkøbenhavn

Vesterbrogade 123

1620 København V

Telefoon: 33 55 10 20

Bogga: www.koebenhavn.af.dk
137

Xafiis oboleedka AF ee Storstrøm

AF – Storstrøm

Vestensborg Allé 8

4800 Nykøbing Falster

Telefoon: 54 88 05 05

Bogga: www storstroem.af.dk

Email: af.storstrom@af-dk.dk

Xafiis goboleedka AF ee Sønderjylland

AF – Sønderjylland

"Bjergparken"

Bjerggade 4 K

6200 Aabenraa

Telefoon: 74 63 21 20

Bogga: www.soenderjylland.af.dk

Email: soenderjylland@af.dk

Xafiis goboleedka AF ee Viborg

AF – Viborg

Fælledvej 3

8800 Viborg

Telefoon: 96 15 22 00

Bogga: www.viborg.af.dk

Email: af-region.viborg@af-dk.dk

Xafiis goboleedka AF ee Århus

AF – Århus

Søren Frichs Vej 38 K, st.

8230 Åbyhøj

Telefoon: 89 34 66 00

Bogga: www.aarhus.af.dk

Email: region.aarhus@af.dk

GURMADKA DEG DEGGA AH

Xafiis goboleedka AF ee Vejle

AF – Vejle

Fiskergade 1

7100 Vejle

Telefoon: 70 10 26 26

Bogga: www.vejle.af.dk

Email: afvejle@post4.tele.dk

Xafiis goboleedka AF ee Vestsjælland

AF – Vestsjælland

Smedelundsgade 16

4300 Holbæk

Telefoon: 59 48 12 00

Bogga: www.vestsjaelland.af.dk

Email: af-region.vestsjaelland@af-dk.dk
138

Xisbiyadda siyaasiga

GURMADKA DEG DEGGA AH

Liiskaan ku qoran magacyada xisbiyada siyaasiga,

ayaa 1dii oktober 2002 xaqa u yeeshayeen iney isu

sharaxaan doorashada baarlamaanka.

Dansk Folkeparti

Christiansborg

1240 København K

Telefoon: 33 37 51 99

Bogga: www.danskfolkeparti.dk

Email: df@ft.dk

Enhedslisten - De Rød-Grønne

Studiestræde 24, 1. sal

1455 København K

Telefoon: 33 93 33 24

Bogga: www.enhedslisten.dk

Email: landskontoret@enhedslisten.dk

Konservative Folkeparti, Det

Nyhavn 4

Postboks 1515

1020 København K

Telefoon: 33 13 41 40

Bogga: www.konservative.dk

Email: info@konservative.dk

Kristeligt Folkeparti

Allégade 24 A, 1. sal

2000 Frederiskberg

Telefoon: 33 27 78 10

Bogga: www.krf.dk

Email: krf@ft.dk

Minoritetspartiet

Frederiksgade 22, 2. sal

8000 Århus C

Telefoon: 40 54 82 93

Bogga: www.minoritetspartiet.dk

Email: info@minoritetspartiet.dk

Radikale Venstre, Det

Christiansborg

1240 København K

Telefoon: 33 37 47 47

Bogga: www.radikale.dk

Email: radikale@radikale.dk

Socialdemokraterne

Thorvaldsensvej 2

1780 København V

Telefoon: 35 39 15 22

Bogga: www.socialdemokratiet.dk

Email: socialdemokratiet@net.dialog.dk

Socialistisk Folkeparti

Christiansborg

1240 København K

Telefoon: 33 12 70 11

Bogga: www.sf.dk

Email: sf@sf.dk

Venstre, Danmarks Liberale Parti

Søllerødvej 30

2840 Holte

Telefoon: 45 80 22 33

Bogga: www.venstre.dk

Email: venstre@venstre.dk
Faahfaahinta erayada

139

Adeegga guud (Public Service)

Adeegga guud waxaa calaamad ahaan

loogu isticmaalaa idaacadaha madaxa

bannaan, ee aan ganacsiga aheyn, oo

hadafkoodu yahay iney barnaamijyo usii

daayaan dadweynaha oo dhan. Danmarks

Radio (DR) waa goob shaqo ee adeeg

guud ah, oo sida sharciga warbaahintu

(radioloven) dhigayo ay tahay inuu sii

daayo barnaamijyo dhan walba leh, kana

hadlaaya dhaqanka iyo war faafin.

Bogagga jaallaha ama huroodka

ah (De gule sider)

Bogagga jaallaha ah waa bogagga

buugga telefoonnada ee laga helo

warbixnta ku saabsan shirkadaha gaarka

ah.

Baarista dhegeysiga gudaha jirka

dadka (Scanning med ultralyd)

Scanner waa qalab loo isticmaalo si

nidaamsan in loogu baaro qaybo jirk

dadka. Baarista dhegeysiga gudaha wadata

waxaa laga wadaa, in ayadoo la adeegsanayo

codka hirarka gudaha la arkaayo

sawirrada tusaale ahaanxubnaha jirka

ama ilmaha uurka ku jira. Ayadoo la

adeegsanayo baarista codadka hirarka

gudaha waxaa la arki karaa inta ilmuhu

la egyahay, jinsiga uu yahay, iyo inuu

cuuryaannimo halisa leeyahay.

Baarlamaanka yurub (Europa-

Parlamentet)

Baarlamaanka yurub wuxuu ka kooban

yahay 626 xubnood, oo ay soo doorteen

dadweynaha 15-ka dal ee xubnaha ka ah

midowga yurub (EU). Xubnaha waxaa la

doortaa shantii sanaba mar. Tirada

xubnuhu waxay ku xiran tahay baaxada

dalalka. Danmark waxay leedahay 16

xubnood.

Ceyrta shaqa-la’aanta

(Arbejdsløshedsdagpenge)

Ceyrta shaqa-la’aantu waa kaalma dhaqaale

oo qofku leeyahay, haddii uu shaqa

la’aan noqdo, isla markaana uu xubin ka

yahay kaasa shaqa-la’aan (A-kasse).

Dankort

Dankort waa kaar khaas u ah deenishka

wax looga gato, kaasoo ay bangiyadu

sameysteen , kuna saleysan nidaam heer

dalka oo dhan ah oo lacagta waayar

ahaan u dira.

Dibu tababarid shaqo (Aktivering)

Dadka wadanka degan oo qaata soodhoweynta

ceyrta*, kaalmada ceyrta*,

ama ceyrta shaqa-la’aanta*, waxay xaq

iyo waajibba u leeyihiin iney guddoomaan

haddii tababar loo soo bandhigo. Kumuunayaasha

ayaa soo diyaariya una bandhiga

dadka qaata soo-dhoweynta ceyrta iyo

kaalmada ceyrta. Xafiiska shaqada ayaase

qaabilsan tababaridda dadka shaqa

la’aanta ah ee ceyrta shaqa la’aanta.

FAAHFAAHINTA ERAYADA
140

FAAHFAAHINTA ERAYADA

Tababarku wuxuu ka koobnaan karaa

kala talinta fursadaha waxbarasho iyo

shaqo, tababar shaqo ee shirkad dowliya

ama shirkad biribaatiya ama xarakaadyo

waxbarasho oo khaasa.

Diinta masiixiga qaybta

Boorotestanka loo yaqaano

Evangelisk-Lutherka

(Evangelisk-luthersk)

Kaniisadda dadweynaha deenishku waa

kaniisad Evangelish-Lutherka ah. Taasoo

macnaheedu yahay in ka tirsan tahay

kaniisadaha kirishtaanka ee dibu-habeyntii

xilligii 1500 ka go’day kaniisadda

Roman-katoligga. Aragtida kaniisadda

Evangelish-Lutherku waxay ku saleysan

tahay baybalka iyo seddax buugsummadeed

oo ka yimid kaniisadahii

kirishtaanka ee ugu horreeyey iyo sidoo

kale qiraalkii augsburg, oo la qoray

waqtigii dibu-habeynta, iyo sidoo kale

"Katekismuska yar ee Luther", oo ah buug

laga barto masiixiyadda, uuna qoray

wadaadkii jarmalka ahaa Martin Luther.

Doorasho guud (Folkeafstemning)

Hadeeyba dacdo doorashada guud waxay

dadweynuhu si toosa ugu codeeyaan

go’aan mucayin ah, kaa soo baarlamaanku

gaaray ama uu gaari rabo. Doorashooyinka

guud waxay noqon kartaa in oo

baarlamaanku ku qasban yahay ama waa

ku tusaale qaataan. Sidoow dastuurka

deenishku digaayo, waa in wax yaalaha ka

mid ah sida wax ka bedalka ama wax

lagu daraayo dastuurka, iyo su’aal la

xiriirta ku-wareejinta madaxbannaanida

qaranka ee heyad dowlada kasii sarreysa

ay timaado waa in doorasho guud lugu

go’aamiyo. Danmark doorashooyin guud

loo isticmaalay waayihii ugu dambeyay

arrin khuseysay xaalada EU.

Dugsiga dadweynaha Danmark

khaas u ah (Højskole)

Eeg Dugsiga sare ee dadweynaha*

Dugsiga sare ee dadweynaha

(Folkehøjskole)

Dugsiga sare ee dadweynaha – oo caadi

ahaan loogu yeero dugsiga sare – waa

nidaam khaas ah oo iskuul jiif iyo raashin

ah ee dhallinyarada iyo dadka waweynba,

wuxuuna Danmark ka billowday bartamihii

1800. Hadafka dugsiga sare ee

dadweynaha waa inuu dhallinyarada iyo

waayeellada siiyo aqoon la xiriirta

dhaqanka iyo qaabka guud ee nolosha

bulshadu sida weyn iskugu xiran tahay.

Dugsiga sare waxaa lugu bartaa tusaale

ahaan muusig, farshaxanka sawireed oo

gacanta ah, siboortiga ama jimicsiga,

filosofi iyo arrimaha xaladeeda bulshada.

Waxbarashadu qofka ma siineyso awood

xirfadeed oo la aqoonsan yahay, iyo

ardaydana uma fariisanayaan imtixaan.

Gadashada daawada ee rasiid la’aan

(Håndkøb)

Dawooyin badan oo kale nooc ah ayaa

rasiid la’aan la iibsan karaa, taasoo aadan

u baahneyn in aad dhakhtarka rasiid kala

timaado.
141

Garsooraha dadweynaha

(Lægdommer)

Garsoorayaasha dadweynuhu waa dad,

ayagoo aan qaaddi sharci yaqaana aheyn

ka qeyb qaata kiisaska ciqaabta ama ha

ahadeen xeer-beegayaal ama garsoorayaal.

Golaha shacabka (Folketinget)

Golaha shacabku waa baarlamaanka

qaranka ee Danmark. Golaha shacabku

wuxuu ka kooban yahay 179 xubnood, oo

labbo kamid ah ay ka yimaadeen Greenland

iyo labbo kalana Faero Aaylands.

Xubnaha waxaa la doortaa ugu

badnaan afartii sanaba mar. Ra’iisul

wasaaraha ayaana doorasho ku dhawaaqi

kara mudo afarta sanno gudaheeda ama

intey dhamaanin afarta sanno. Doorashadu

waxay u dhacdaa qaab isu dheelli

tiran. Taasoo waxaa la dhihi karaa, in

xisbiyada isa soo sharaxay ay baarlamaanka

ku yeelanoonaan tiro xubno ah oo u

dhigma tirada codadka ay doorashada ka

heleen.

Goobta qashanka oo dib loo

istimaalikaro (Genbrugsplads)

Waa waajibka kumuunaha iney ku dadaalaan

in qashanka intiisa badaan dib loo

isticmaalo. Sidaas darteed ayaa kumuunayaashu

leeyihiin xarumo qashanka lugu

uruuriyo, meshaas oo qofku qashankiisa

ku kala soocdo, kunna shubo konteennarrada

loogu tala galay tusaale ahaan

kartoonnada warqadaha ah, waxii dhalo

ama galaas ka samaysan, biraha iyo

qashanka beerta.Waxa intaas sii dheer in

ey khasab tahay, in qashanka bii’ada u

daran meel gooniya loo geeyaa.

Guddiga dacwooyinka booliska

(Politiklagenævn)

Guddiyo dacwooyinka booliska ayaa ka

jira København, Sjælland, Fyn, Aalborg,

Viborg iyo Sønderborg. Waxay xeer

ilaaliyaasha guud* kala shaqeeyaan dacwooyinka

laga dacwoonaayo booliska, iyo

waxayna soo gudbiyaan dacwooyinka

arrimaha ciqaab mudan kara, ee shaqaalaha

boolisku ku kacaan inta ay xilkooda

shaqo gudanayaan. Guddiga dacwooyinka

boolisku wuxuu ka kooban yahay qareen,

oo ah guddoomiyaha, iyo laba garsoore

dadweyne*.

Guddiga kirada guryaha

(Huslejenævn)

Kumuunayaasho oo dhan waa ineey leeyihiin

guddiga kirada guryaha. Kumuunayaal

badan ayaa sameysan kara guddi

kirada guryaha oo ka wada dhexeeyo.

Guddiga kirada guryaha wuxuu ka kooban

yahay seddax xubnood. Labba waxaa soo

doorta kumuunaha isagoo kala tashada

kireystayaasha maxalliga ah iyo ururada

milkilayaasha dhulka. Kan seddaxaad,

guddoomiyaha, waa sharci yaqaan,

waxaana soo doorta wakiilka gobolka.

Guddiga kirada guryaha wuxuu qaadaa

dacwooyinka la xiriira inta kirada gurigu

la egtahay iyo heerka guriga, iyo xaalada

kale oo kirada la xiriira.

FAAHFAAHINTA ERAYADA
142

FAAHFAAHINTA ERAYADA

Guddiga maamulka gobolka

(Amtsråd)

Laga billaabo 1.1.2003 Danmark waxay

loo qeybiyay 13 gobol, kuwaasoo fuliya

howla maxalliya oo waaweyn sida waaxda

caafimaadka, ceymiska caafimaadka, dugsiyada

sare, ilaalinta dabeecadda iyo

bii’ada iyo dayactirka waddooyinka yar

yar. Gobollada waxaa maamula guddi

maamulka gobolka, kuwaasoo ay dadweynuhu

doortaan, kana kooban ugu yaraan

9 ugu badnaanna 31 xubnood. Guddiga

maamulka gobolka waxaa la doortaa

xiligaba afartii sannaba mar.

Gudiga maamulka degmada

(Kommunalbestyrelse)

Danmark waxay 1.1.2003 u qeybsan tahay

271 degmo, loona yaqaan "kumuunayaal".

Kumuunuhu waa heyad dowli ah kaasoo u

qabta bulshada maxalliga ah howla kala

duwan. Ayadoo la tixraacayo ismaamul

hoosaadka kumuunaha ayuu sharcigu

gacan bannaani u siinayaa in kumuunuhu

nawaaxiyo kala duwan uu go’aan ka

gaaro. Sidoo kale waxay kumuunayaashu

fuliyaan howlo – gaar ahaan xagga

arrimaha bulshada – iyagoo tixraacaya

xeerar tafatiran ee sharciga waa faqsan.

Kumuunayaasha waxaa maamula guddi

maamulka degmada oo ay dadweynaha

degmadu soo doorteen 4 sano oo kasta.

Heyadda amaahda hantida

maguurtada ah

(Realkreditinstitut)

Amaahda hantida maguurtada ah waa

amaah la qaadanayo ayadoo hanti maguurta

ah dabaaji ahaan loo dhigaayo.

Marka qofku amaahdaa qadanayo gurigiisa

ayuu curaar ahaan u dhigayaa.Waa heyad

amaahda hantida maguurtada ah, oo bixiso

noocaano kale oo amaahad ah. Waxay u

shaqeysaa sidii bangi khaasa oo kale.

Heyadda socdaalka ee ajaanibta

(Udlændingestyrelsen)

Xafiiska socdaalka waxay hoose timaada

wasaaradda qalabixinta. Hase yeeshee

go’aamada ay gaareysaa waa ka madax

bannaan yihiin wasaaradda. Xafiiska

socdaalku wuxuu qabtaa howla farabadan

oo la xiriira aasaaska soo gelidda iyo

joogidda ajaanibta ee Danmark – tusaale

ahaan qaxootinnimo, qoys isukeenidda,

fiisaha iyo iqaamadda shaqada. Xafiiska

socdaalku wuxuu go’aan ka gaaraa

codsiyo mucayin ah, wuxuuna ka war

bixiyaa shuruudaha soo gelidda iyo

joogitaanka.

Heyadda wacyi-gelinta

(Oplysningsforbund)

Heyadda wacyi-gelintu waa urur oo

xariiriya, iyo maamulah howlo wacyigelineed

– gaar ahaan kuwa la xiriira

waxbaridda xilliga fasaxa. Eeg sidoo kale

iskuullada habeenkii*.
143

Heyadda xafiiseed ee maamulka

gobolka (Overpræsidiet)

Xafiiska maamulka gobolka Kobanheegan

waa heyad dowliya, oo daboolaya nawaaxiga

kumuunaha kobanheegan. Xafiiska

maamulka gobolka waxaa maamula

Sareey, wuxuuna qabtaa howlo lamida

kuwa uu qabto xafiisyada maamulah

gobollada ee heydda dowliga ah*.

Hoggaaminta shacabka

(Folkestyre)

Hoggaaminta shacabku waxay la mid

tahay dimoqoraadiyadda.

Iskuulka habeenkii (Aftenskole)

Waa waxbarid khayaariya ah oo waqtiga

fasaxa la dhigto.Waxay isugu jirtaa noocya

badan oo kala duwan sida luqadaha,

taariikh, waxfaafinta casriga ah, filoosofi

iyo maadooyinka hal-abuurka. Waxbarashadu

kuma siineyso qiimeyn gaara, wax

imtixaanana maleh. Sida caadiga ahna

heyadaha waxbarashada dadka waaweyn*

ayaa kadambeeya waxbariddaa.

Iskaashiga wada shaqeynata ee

Schengen (Schengensamarbejdet)

Iskaashiga Schengen waa wadashaqeyn u

dhexeysa dalalka EU Beljinka, Danmark,

Finland, Faransiiska, Gariiga, Holland,

Talyaaniga, Luxemburg, Bortigal, Isbanya,

Iswidan, Jarmalkad iyo Aawstiriya iyo

sidoo kale Noorwey. Waxay ximbaarsan

tahay in dadka u dhashay dalalka ku jira

si xor ah ay xuduudaha dalalka u dhexeeya

uga gudbi karaan, taaso macnaheed

waxay tahay in oo jirin kontorool xadeed.

Danmark waxay Iskaashiga Schengen

kamid noqotay 1997.

Joornaalka degmada

(Distriktsblade)

Joornaalka degmada waa jaraa’idyo

asbuucle ah maxalliya, oo lugu fangareeyo

dakhliga xayeesiinta, oo lacag

la’aan ah.

Kali-talis (Enevælde)

Waa nidaam siyaasadeed, kaasoo awoodda

oo idil ay gacanta ugu jirto boqorka

ama amiirka. Danmark waxay lahaan

jirtay nidaamyo kali-talisa oo kala duwan

xilligii 1661-1848.

Kanaysadda dadweynaha

(Folkekirke)

Kaniisadda evangelish-lutherka sida

dastuurku qabo waa kaniisadda dadweynaha

ee deenishka. Erayga "kaniisadda

shacbiga" waxay tilmaameysaa, in

dadweynaha badankood ay ayada ka

tirsan yihiin, iyo in ay xiriir sokeeye la

leedahay qaranka, marka loo fiiriyo

diimaha kale. Qaranku sida dastuurku

dhigayo waa inuu kaniisadda shacbiga

kabaa, iyo golaha shacabka ayaana sharci

ku ansixiya shuruucda maamulka kaniisadda

dadweynaha, hase yeeshee qaranku

caadi ahaan ma-fara-geliyo nolosha

kaniisadda gudaheeda ah. Tukashadda

axadaha ama acmaasha kaniisadda

shacbiga waa furan yihiin, iyo dad

weynaha xubnaha ka ah kaniisadda

FAAHFAAHINTA ERAYADA
144

FAAHFAAHINTA ERAYADA

shacbiguna shuruud la’aan ayey xaq u

leeyihiin howlaha kaniisadda sida magacbixinta,

xaflada qaangaarka ah, nikaaxa

iyo duugta. Wadaaddada iyo kalkaaliyaashoodu

kasiinasadda shacbigu waxay

waqtigii hore laga bilaawo qaban jireen

howsha ah diiwaan gelinta aasaasiga ah

ee dhamaan dadka ku dhasha Danmark.

Hase yeeshee taas waxaan ku jirin

Sønderjylland, halkaasoo uu diiwaan geliye

gooniyahi uu howshaa fuliyo.Wadaaddada

kaniisadda shacbigu sidoo kale wax u

shaqayaan sida heyadda duugista,

kuwaasoo bixinaya ogolaashada duugista

inta aan meydka la duugin ama aan la

gubinba.

Kitaabka Masiixiyadda (Bibelen)

Kitaabka masiixiyaddu waa qoraalka

muqadaska ah ee kirishtaanka oo dhan.

Kitaabka masiixiyaddu wuxuu u qeybsan

yahay laba qeybood, Dardaarankii Hore

iyo Dardaaranka Cusub. Dardaarankii

Hore wuxuu markii hore ku qornaa afka

hebrooga, wuxuuna ku saabsan yahay

xiriirka Ilaahey iyo dadka yuhuudda ah.

Dardaaranka Cusub wuxuu markii hore

ku qornaa afka giriigga, wuxuuna ka

hadlayaa willka Ilaahey, Ciise Masiixi,

taageerayaashiisii ugu horreeyey iyo

kaniisaddii kirishtaanka ee ugu horreysay.

Ciise Masiixi wuxuu u qofka baybalka

ugu muhiimsan. Turjumada ee deenishka

ee baybalka ugu dambeysay waxaa la

qoray 1992, waxaana la yiraahdaa

baybalka deenishka ee Margrethe II.

Kaalmada ceyrta (Kontanthjælp)

Dadka wadanka wada degan aan dakhli

ama hanti laheen, iyo oo sidaa darteed

aan isbixin karin ama aan qoyskooda

biilan karin, waxaa loo oggol yahay

kaalmada ceyrta. Taana waxaa laga wadaa

in kumuunuhu qofka siiyo lacag uu

ku noolaado. Sharuuda in kaalmada

ceyrtu waxay tahay, in qofku ka faa’iideysto

fursadaha, uu shaqa ku heli karo

ama uu oggolaado tababar shaqo* ee

kumuunuhu u fidiyo. Dadka cusub wadanka

ku soo biiray kaalmada ceyrtu ma

khuseyso seddaxda sano ee hore ee ay ka

tirsan yihiin sharciga qalabixinta*.

Kaasada shaqa-la’aanta

(Arbejdsløshedskasse)

Kaasada shaqa-la’aanta ama a-kasse

waa urur biribaati ah oo shaqaale mushaar

u soo xaadiro ama ganacsato madax

bannaan ay leeyihiin, kaasoo hadafkiisu

yahay inuu xubnaha u ballan qaado

kaalma dhaqaale, haddii ay shaqa la’aan

noqdaan. A-kassayaashu aad ayey ugu

xiran yihiin ururrada shaqaalaha, laakiin

qofku a-kaase xubin waa ka noqon karaa

asigoo aan urur shaqaale xubin ka aheyn.

La qabsiga iskuulka (Indskoling)

Xiliga laga billaabo ilmuhu fasalka xanaanada

caruurta bilaabaan ilaa iyo fasalka

labaad waxaa loogu yeeraa muddada

la qabsiga. Muddadaas iskuulka iyo macallimiintuba

howl dheeraada aya qabtaan

oo la xiriirta sidii ardadu ula qabsan

lahaayeen bii’adda iskuulka. Hadafkuna
145

waa in arday kasta la xoojiyo horukaciisa

xagga aqoonta, maadada oo ku fiicanyahay,

kor dhaqdhaqaaqiisa jismiyeedka, iyo

bulsho hormareedka.

Lacagta soo-dhoweynta

(Introduktionsydelse)

Lacagta soo-dhoweynta waa lacag kumuunayaashu

ay siiyaan dadka cusub oo

ku soo biiray mujtamaca deeenishka oo

lagu xusay sharciga qalabixintu*, iyo

kuwaasoo aan isdebberi karin ama cid

kalena aysan biilin.

Haddii waalidiintu kala tageen ama isfureen,

waa laga wada hadlaa cidda

masuuliyadda waalidnimada qaadaneysa.

Waalidiintu waxay isla go’aansan karaan

in masuuliyadda waalidnimadu ka wada

wadaagaan.

Maxkamadda degmada (Byret)

Maxkamadda degmada waa maxkadda

koowaad ee nidaamka maxkamadaha

deenishka. Waxaana halkaa lugu qaadaa

kiisaska madaniga ah iyo dacwooyinka

ciqaabta intooda badan.

FAAHFAAHINTA ERAYADA

Liistada wadanigeedka ama

dadweynaha (Borgerliste)

Liistada dadweynuhu waa liisto ka

kooban murashaxiin aan xisbi ka socon ee

doorashada dowladaha hoose. Liistooyinka

dadweynaha waxaa loo aasaasaa si loo

hirgeliyo dana maxalliya oo khaasa,

kuwaasoo aan xisbiyada siyaasaddu aysan

ku howlaneyn.

Masuuliyadda waalidnimada

(Forældremyndighed)

Masuuliyadda waalidnimadu waa waajibka

waalidiinta iney carruurtooda

xanaaneystaan ama ka warqabaan, iyo ay

qaadaan go’aamo la xiriira arrimaha

xaaladeed ee ilmaha ayagoo fiirinaayo

wixii ilmaha u roon. Waalidiinta isqaba,

masuuliyadda waalidnimadu si toosa ayey

uga wada dhexeeysaa. Haddii waalidiintu

aysan isqabin, hooyada ayaa masuuliyadda

waalidnimada iska leh, haddii

aysan waalidiintu wax kale ku heshiin.

Maxkamadda dhaxalka

(Skifteretten)

Maxkamadda dhaxalku waa waax kamida

ah maxkamadda degmada*. Waxay

qabataa howlaha la xiriira hantida laga

dhinto, hantida shirkadaha khasaara iyo

arrimaha ku saabsan kala qeybinta

hantida qoysku marka ay isfuraan.

Maxkamadda gobolka (Landsret)

Danmark waxay leedahay laba maxkamad

goboleed: Østre landsret oo ku

taalla Kobanheegan iyo Vestre landsret oo

ku taalla Viborg. Maxkamaduhu gobalada

waxay qaadaan dacwooyinka maxkamadeed

eee go’aamiyay heyadaha

dowliga ah, kiisaska ciqaabta, halkaas oo

jiro shaki in fal dembiyeed culus la

geystay, iyo go’aan maxkamadda degmadu

ay gaartay, lakinse maxkamadda gobalka

abbiil laga qaatay.
146

FAAHFAAHINTA ERAYADA

Midnimada Qaranka

(Rigsfællesskab)

Dhaqaalaha, sharciga iyo luqadda wada

wadaagooda, waa waxa isku wada xirayaayo

Danmark, Feeyro aaylaandi, iyo

Greenland ee ka dhigaya hal dal oo wada

hoos yimaada dastuurka deenishka. Feeyro

aaylaandi, iyo Greenland waxay sameystiin

ismaamul hoosaad madax bannaan oo

hoos yimaadaan midnimada qaranka.

Midowga Yurub (EU)

Midowga yurub ilaa 1993 waxaa lugu

magacaabi jiray EF, isu-tagga yurub.

Iskaashigu si tartiiba ayuu usii kobcay

laga billaabo markii lixda dal ay saxiixeen

heshiiskii Rom 1957. Danmark waxay

doorasho guud* kadib EF xubin ka

noqotay 1972. EU waxay hadda ka kooban

tahay 15 dal oo yurub ah. Waxayna

kala yihiin marka laga reebo Danmark:

Beljinka, Ingiriiska og Waqooyiga

Aayrishka, Finland, Faransiiska, Gariiga,

Holandeyska, Aayrishka, Talyaaniga,

Luxemburg, Bortigal, Isbaanya, Iswiidan,

Jarmalka iyo Aawstiriya.

Maamulka xafiis madaxeedka ee

guryaha mulki loo leeyahay

(Ejendommens administration)

Shaqaalha xafiiska maamulka ayagoo ka

socoda ama danaynaayo dadka guryaha

mulki u leh dantooda bey maamulaan

guryaha.Waxay shaqaalahaaso diyarinaayaan

shahaadaha heshiiska guriga, qabashada

lacagta kirada, shaqaleenta

shaqaalaha guryaha xaafadaha iyo xiriinta

dadka kirada ugu jira guryah dhinaca

maamul su’aaleed.

Nidaamka waxbixinta Schengen

(Schengeninformationssystemet)

Arrinta iskaashiga Schengen* udub

dhexaadka u ahi waa sameynta shabakad

elektaroonik ah, oo dhamaan xafiisyada

booliska iyo qunsuliyadaha dalalka

Schengen xubnaha ka ahi uga qaataan

waxbixinnada ku saabsan dadka, alaabada

iyo gawaarida la raadinayo.

Qeybta nasashada dumarka dhalay

ee isbitaalka (Barselsgang)

Qeybta nasashada dumarka dhalay waa

qeyb ka tirsan isbitaalka, halkaasoo

dumarka iyo ilmahooda la seexiyo dhalidda

kadib.

Shati ama Leysin (Licens)

Leysin waa canshuurta laga qaado isticmaalaha,

leysinka raadiyaha iyo televishinka,

marka uu qofka TV ama raadiyo

heysto.Waxaana loo bixiyaa si aad xaq u

hesho barnaamijyada. Dakhliga ka soo galo

leysinak waxaa lugu qarash gareeyaa idaacadaha

Danmarks Radio – tv iyo raadiyo

intaba – iyo TV2, oo dhamaantood qabta

waxa loogu yeero waajib adeeg guud*.

Dakhliga leysinka waxaa si isu dheelli

tiran loogu qeybiyaa DR iyo TV2, taasoo

wasaaradda dhaqanku soo qorsheyso.
147

Shirkadda guryaha dadweynaha

(Alment Boligselskab)

Shirkadda guryaha dadweynaha waa urur

aan faa’iido doon aheyn, wuxuuna qabtaa

arrima badan oo arrima bulsheed ee

guryaha la xiriira. Hadafka ugu muhiimsa

ee shirkadda guryaha dadweynuhu waa

dhisidda, kireynta, maamulka, dayactirka

iyo casriyeenta guryo dowladdu saaciddo.

Daboolidda baahida guryaha sooshalka

waxaa kamida in kumuunayaashu ilaa heer

dadka liita u fidiyaan guryaha dadweynaha.

Qof kasta oo 15 sano u buuxsantay

waxay isku qori karaan liiska guri sugidda

ee shirkadda guryaha ayagoo bixinaya

qarash yar sanadkii, waxaana la siinayaa

guri marka safku ku yimaado.

Shuruucda ajaanibta

(Udlændingeloven)

Shuruucda ajaanibta waxaa kamida

sharciya ku saabsan soo gelidda iyo

joogidda ajaanibta ee Danmark, oo ay

kamid yihiin sharciyada la xiriira fiisaha,

iqaamadda shaqada iyo joogitaanka iyo

masaafurinta.

Shuruucda qalabixinta

(Integrationslov)

Baarlamaanku wuxuu 1999 ansixiyey

"shuruucda xaga qalabixinta ee ajaanibta

Danmark", waxaana loo yaqaan sharciga

qalabxinta. Ujeeddada ugu weyn ee

sharciga qalabxintu waa inuu qeyb ka

qaato sidii qaxootiga iyo ajaanibta cusub

loo siin lahaa fursad la mida tan umadda

kale ee noolosha bulshadeed ee xagga

siyaasadda, dhaqaalaha, shaqa ahaan,

arrimaha bulshada, diinta iyo dhaqanka.

Waxaa intaas hadafku u sii dheer in

dadka cusubi dhakhsi ugu guuleystaan

iney isdebberaan, iyo qof kastaana u gaari

lahaa fahmidda dhaqamada iyo caadooyinka

aasaasiga ah ee bulshada deenishka.

Sharcigu wuxuu kumuunayaasha qasab

uga dhigayaa iney qaxootiga meel dejiyaan,

kuna dadaalaan iney dhamaan qaxootiga

iyo ajaanibta cusub u fidiyaan barnaamij

soo dhoweyneed. Dhamaan dadka sharciga

qalabixintu khuseeyo waxaa loo fidinayaa

kooras la xiriira fahmidda bulshada iyo

barashada afka deenishka. Haddii aan

qofka si kale loo biilin, barnaamijka soo

dhoweynta waxaa sidoo kale kamida in

loo fidiyo tababar* ku wajahan shaqo iyo

waxbarasho, iyo in la siiyo ceyrta soo

dhoweynta*.

Ururka degganayaasha

(Beboerforening)

Waa urur degganayaasha guryaha shirkaddu

ay sameysteen. Ururku danaha

degganayaasha ayuu uga masuul yahay

xagga kireeyaha.

Ururka milkilayaasha dhulka

(Grundejerforening)

Waa urur biribaati ah ay asaaseen dadka

dhulka leh kunna yaalla gurya xafadeed,

wuxuuna ka shaqeeyaa su’aalha danaha

guud – tusaale ahaan dayactirka marshabiyeediga

ama jidka dadka maraan ee

wadada iyo haddii ay jiraan tashiilaad

kawada dhexeeya ey wada isticmalaan.

FAAHFAAHINTA ERAYADA
148

FAAHFAAHINTA ERAYADA

Wacyi gelinta dadweynaha

(Folkeoplysning)

Wacyi gelinta dadweynaha waa waxbarid

iyo wacyi gelin dadka waaweyn loogu

talgalay oo ku saabsan mowduucyo

caadiya oo aan loogu talagelin in shaqo

lugu helo Gaar ahaanna urur wacyi

gelineed, dugsi sare ee dadweynaha,

maktabadaha iyo dhaqanimo, kaniisadeed

ama urur siyaasadeed ayaa wacyi gelinta

dadweynaha soo qabanqaabiya. Eeg sidoo

kale iskuulka habeenkii*.

Wakiilashada Dimoqoraadiyeed

loo dhan yahay (Repræsentativt

demokrati)

Dimoqoraadiyad loo dhan yahay waa

qaab maamul, halkaasoo dadku dooranayaan

xubnaha ey heyad wakiillo.

Wakiilayaasha dimoqoraadiyeed loo dhan

yahay waxay ka kooban yahiin baarlamaanka*,

gobollada * (maamul goboleedyada)

iyo degmooyinka (degmooyinka

waaweyn).*

Wakiilka amaanka

(Sikkerhedsrepræsentant)

Wakiilka amaanka waxaa iska dhex

doorta shaqaalaha goobta shaqada ka

wada shaqaya ee goobtooda shaqada si

uu shaqaalaha ugaga wakiil noqdo

shaqabixiyaha arrimaha la xiriira

amaanka iyo caafimaadka goobta

shaqada. Wakiilka amaanka waxaa la

doortaa muddo labbo sanno ah sida

wakiilka shaqaalaha* oo kale., waana

inuu soo maraa waxbarasho gaara.

Wakiilka shaqaalaha

(Tillidsrepræsentant)

Wakiilka shaqaalaha waxaa iska dhex

doorta shaqaalaha goobta shaqada

muddo laba sano ah. Wakiilka shaqaaluhu

wuxuu danaha shaqaalaha uga

masuul yahay xagga shaqabixiyaha.

Sidoo kale wakiilka shaqaaluhu waa

wakiilka ururkiisa uga masuulka ah

goobta shaqada.

Waaxda dhaawacyada shaqada

(Arbejdsskadestyrelsen)

Waaxda dhaawacyada shaqada waa

heyad dowliya oo hoos tagta wasaaradda

arrimaha bulshada. Shaqadeeduna waa

maamulidda sharciyada dhaawacyada

shaqada, kuwaasoo dhigaya go’aama la

xiriira jaanisyada magdhawga marka

qofku shaqada ku dhaawacmo.

Waaxda Kormeerka shaqada

(Arbejdstilsynet)

Waaxda Kormeerka shaqada waa heyad

dowliya, oo Shaqadeeduna tahay ka qeyb

qaadashada abuuridda shaqo amaan iyo

caafimaad leh, iyo in hormariyaan goob

shaqo oo bii’adeedu sii wanaagsanaaneyso.Taaso

waxey u suuro galeysa aygoo

ilaha ku haayo shirkadaha shaqada loo

tago, iyo diyaarinta shuruucda iyo daabacaadda

waxbixin ku saabsan bii’ada shaqada.Waaxda

Kormeerka shaqadu waxay

xafiisya ku leedahay gobollada oo dhan

iyo degmooyinka Kobenheegan iyo Frederiksberg.
149

Xabska aan xad laheyn

(Varetægtsfængsling)

Xabsiga aan xadka laheyn waa khiyaar

ka qaadidda qofka lugu shakisanyahay

inuu dembi ciqaab keenaya galay.

Xafiiska dowladeed ee maamulka

gobolka (Statsamt)

Xafiisyada dowladeed ee maamulka

gobaladu gobolladu waa heyada dowladda

u metelaya gobollada, iyo waxayna

baaxadeeda daboosha isla nawaaxiga

gobolka laga xukumo. Waxaa jira 14

xafiisyo maamulo goboleedyo iyo

xafiiska maamul goboleedka Kobanheegan*

, kaasoo ilaa heer qabta howsha

xafiiska maamul goboleedyada. Xafiisyada

dowladeed ee maamulka gobolka waxa

maamula wakiil goboleed, waxaana

shaqadooda kamida ah kala-tagga,

furrinka, masuuliyadda waalidnimada iyo

xaqa la joogidda carruurta. Sidoo kale

wuxuu xafiiska maamul goboleedu howlo

xogheyneed u qabtaa guddiyada kormeerka,

kuwaasoo kormeer ku sameeya

sida kumuunayaashu sharciga u dhowraan.

qaranka ama danaha dhaqaale ee

qaranka.

Haddii qofku uu kiis qeyb ka yahay,

wuxuu si dheeraara xaq ugu leeyahay

daalacashada qoraallada kiiska.

Xeer-ilaaliyaha guud

(Statsadvokat)

Xeer-ilaaliyaha guud waa dacwad kusoo

oogaha qaranka ee kiisaska ciqaabta ah

ee maxkamadaha gobollada*.

SKOLE FAAHFAAHINTA OG UDDANNELSE ERAYADA

Xaqa ogaanshaha warbixinta

lagaa hayo (Aktindsigt)

Sida uu dhigayo sharciga sir-qaris la’aanta,

qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu

arko qoraallada ka yaalla xafiisyada

qaranka ama kuwa degmada.

Xaqa ogaanshaha warbixinta lagaa

hayo xaaladaha qaarkood waa luguu

diidi karaa, tusaale ahaan haddii ay la

xiriirto dad kale noloshood, amaanka
150

Liiska erayada Buuga

LIISKA ERAYADA BUUGA

A

Aas 65

Adeegga guud ee dadweynaha 102

Amaah 95

Amaah, bangi 95

Amaah, guri gadasho 42

Amaahda waxbarashada 80

Amaanka shaqada 88

Anteeno 43

Aqoonsi, waxbarashooyinka

wadamada kale 81

Aroos ama guur 51

Awood xoog ah, xukumidda 11, 13

Awoodda, fulinta 11, 13

Awoodda, sharci dejinta 11, 12

B

Baabuur wadid 125

Baarista caafimaadka, ilmaha 57, 114

Baarista iyo hagaajinta ilkaha

ee iskuulka 118

Baarista iyo hagaajinta ilkaha 118

Baarista, dhegeysiga gudaha

(Scanning, ultralyd) 54

Baarlamaanka yurub 14

Baarlamaanka 11, 12

Baasaboor 19

Baaskiilley ama dadka

biskuleeytiga wato 8

Ballan ka-sameysashada,

dhakhtarka ilkaha 119

Ballan ka-sameysashada,

dhakhtarka 111

Ballarinta ama wax ka badalka

guriga dismihiisa 44

Bangi 128

Baridda afka deenishka 32, 72, 82

Baridda afka hooyo 72

Baridda diinta 71

Baridda masiixiyadda 72

Barnaamijka soo-dhoweynta 32

Bii’ada shaqada 86, 89

Biilka xaaska 52

Billowga iskuulka 70

Biyo 44

Boolis 19

Boos xanaano oo lacag laan ah 59, 73

Boostada 129

Boqortooyo, dastuuri ah 11

Bulsho cilmi leh 7

Bulsho daryeel leh 99

Bulsho diini ah 104

Bulsho dimoqoraadi ku dhisan

sharci 10

Bulsho sharci ku dhisan,

dimoqoraadi ah 10, 17

Bulsho 49

Buugga telefoonnada

(De Gule Sider) 36

C

Caadooyin 122

Caafimaad 108

Caasimad 7

Caddeynta alaabada 98

Caddeynta ciqaabta 18

Caddeynta dhalashada 56

Caddeynta dhimashada 65

Caddeynta magacyada 56

Caddeynta waqlasha 56

Calanka Danmark (Dannebrog) 125

Canshuur dhaaf 98

Canshuur 98

Canshuur 98

Canshuurta dadban/moms 98

Canshuurta kaniisadda 103

Carruur 58

Carruurta labada luqadood ku hadla 72

Caruurta guryaha lagu xanaanayo 58

Caruurta walaalaha ah sicir-jebinta

ey helaan 59

Ceymis 45, 97

Ceymiska caafimaadka,

guud 31, 110, 119, 120

Ceymiska dabka 97

Ceymiska jirrada, biribaatiga ah 119

Ceymiska masuuliyadda (magdawga

caymiska qeb wax ka bixinaysid) 97

Ceymiska qalabka guriga aad

degantahay 45

Ceymiska shaqa-la’aanta 87

Ceyrta A-kaasadu bixiso 87

Ceyrta fasaxa dhalmada 57

Ceyrta shaqa-la’aanta 87, 92

Ceyrta soo-dhoweynta 32, 82, 92

Ciidda masiixiga 123

Ciidda masiixiyadda ee Binsaha 123

Ciqaab 18

Ciqaab 58

Codsade qaxootinimo 23, 24

Codsi qaxootinimo 24

Codsi 90

Cudur la xiriira qaab nololeedka

qofka 109

Cudur 108

Curaar, dibaaje ama rahan 38

Cuuryaan 53
151

D

Daawo 111, 120

Da’da howlgabnimada 63

Dabaaldaga dhalashada carruurta 124

Dacwoosho bilaasha (Proces, fri) 18

Dadka waxa ka wada dhexeeyo 51

Dadka aad isku shaqatihiin ama

isla shaqaysiin 88

Dagaal ama dib 52

Dal ku-noqosho 26

Dallaalka guryaha 41

Dankort (kaarka lacag loogugu soo

baxsado iyo lacag loogu bixiyo) 95

Darajo 69

Dastuurka 11, 103, 123

Daweynta cudurrada dhimirka

ama waalida 117

Debaaji 38

Degmada 13, 26

Dhaawaca shaqada ka soo gaaro 89

Dhakhtar gaara 110, 111

Dhakhtarka heeganka 111

Dhakhtarka ilkaha ee heeganka leh 119

Dhakhtarka ilkaha, biribaati ah 119

Dhakhtarka, xafiisku u furan yahay 110

Dhalashad deenishka 28

Dhalidtaan 55

Dhallinyarada, fal dembiyeed 19

Dhaqan 100

Dhaqanka dhallinyarada 62

Dhaqaalaha 94

Dhoofinta alaabta warshadeysan 8

Dib isku abaabul cusub ee

waxbarashadeed 77

Dib u dhisid 44

Dimoqoraadiyad 11, 101

Dimoqoraadiyad, loo dhan yahay 11

Dimoqoraadiyadda degganayaasha 40

Dood, dadweynha u furan 101

Doodaha baarlamaanka 12

Doorashada baarlamaanka 14

Doorashada dhakhtarka 110

Doorashada isbitaalka, madaxa

banaan 116

Doorasho guud ee Qaranka 14

Doorasho 14

Dowladda hoose Siyaasadeeda 14

Dowladda 11, 13

Dugsi sare 31, 67, 101, 105

Dugsi sare oo maalinle ah 105

Dugsiga hoose/dhexe 68, 70

Dugsiga sare (Gymnasium) 67, 75

Dugsiga sare dadka waaweyn

(HF) 67, 75

Dugsiga sare farsamada (HTX) 75

Dugsiga sare ganacsiga (HHX) 75

Dukaan 128

F

Faa’iida shaqo, ee ku siigtay 117

Faaf-reeb ama jensuuro 102

Fal dembiyeed 62

Fal dembiyeed 18

Fal ku daqaaq ado booliska kaga

dacwoonin 19

Farmashiye 128

Fasalka xanaanada carruurta 68

Fasaxa dhalmada hooyooyink iyo

aabayaasha shaqada laga siiyo 56

Fasaxa waalidiinta la siiyo markii

ey caruur u dhalato 56

Fiiso 23

Furriin 38, 50, 52

Fursadaha dacwooshada 17

Fursadda heynta carruurta 58

G

Gaadiid 8

Gaadiidka, dadweynaha 129

Galka guuridda 46

Galka xaamilada 54

Galmo 126

Ganaax 18

Garyaqaanka guud oo madax

banaan (Ombudsmand) 17

Geeri ama dhimasho 65

Godka aaska 65, 104

Gogall-dhaaf 52

Golaha sare ee yurub 20

Goobta qashanka ee marlabaad

la isticmaali karo 43

Goobta aaska 65

Guddi, waxbarashada 77

Guddig dacwooyinka

degganayaasha 39, 43

Guddig degganayaasha 40

Guddiga ardada 69

Guddiga dacwooyinka booliska 19

Guddiga dacwooyinka isticmaalaha 98

Guddiga kirada guryaha 39, 43

Guddiga maamul goboleed 11

Guddiga qalabixinta 15

Guddiga waalidiinta 62

Guddiga waayeellada 63

Gudniin 115

Guri beddelasho 39

Guri ku-dhalid 54

Guri 34

Guri, ka guurid ama bixid 38

Guri, la dhowray ama la amaaneyay

oo loogu talagalay dad khaas ah 53

LIISKA ERAYADA BUUGA
152

LIISKA ERAYADA BUUGA

Guriga degganayaasha ee xafladaha

iyo waxii la mid ha ku

sameystaan 40

Guriga waqtiga fasaxa ee caruurta

waaweyn imadaan iskulka

ka dib 73

Guriga xanaanada dadka duqoobay

ama xanuunsan 64

Guryaha dhallinyarada 36

Guryaha kirada ah 36, 38

Guryaha wadajirka loo iibsado 36, 41

Guryaha waayeellada 36, 64

Guryi mulkiyeed/la leeyahay 35, 36, 41

Guudiga maamulka degmada 11, 14

Guur qasab ah 51

Guur, dhibaato iyo dil ka

taagantahay 52

Guur, aan waraaq laheyn 51

Guurid 46

H

Hab nidameedka anteenada 43

Hantida laga dhintay 65

Heerka guryaha sideey yahiin 35

Heshiis (Overenskomst) 86

Heshiiska xuquuqul insaanka,

ee yurub 20, 23

Heshiiskii Geneve 23

Heshiisyo, caalamiya 20

Heyadda caafimaadka adduunka

(WHO) 20

Heyadda qaxootiga deenishka 26

Heynta carruurta 58, 59

Howlaha xilliga fasaxa iskuulka 73

Howlgabka dadweynaha 63

Howlgabka waqti hore 63

I

Idaacadda Raadiyaha Danmark 102

Imtixaan 69

Iqaamad 23, 25

Isbitaal gelid 116, 117

Isbitaal seexin qasab ah 117

Isboorti 107

Iska warbixinta canshuuraha 98

Iskaashiga horumarinta 20

Iskaashiga Schengen 23

Iskaashiga SSP (iskuulka, heyadaha

bulshada iyo booliska) 19

Isku qorida, waxbarashada 77

Iskuul Biribaati 71

Iskuul farqi laheen ama caruur

kala sooc 68

Iskuul jiif iyo cunto leh 70

Iskuul rixlada loo tago oona iyo

laguu soo seexdo 73, 74

Iskuul 66

Iskuulka dadka waaweyn

(ee habeenki la dhigto) 67, 106

Iskuulka lugu xeroodo fasalka 8-aad

kadib oo laseexdo ama Kuleejo 70

Iskuulka wax soo saarka 76

Ismaamulka, degmada 14

Isticmaale 97

Isticmaalid 94

Isu-diyaarinta dhalidda 54

Isu-imaatin 124

Isu-keenidda qoyska 25, 26

J

Jimicsi 107

Jir 126

Joornaalka degmada/xaafada 36

Joqoraafi 6

K

Ka caawinta duruusta 83

Ka soo ceshid 98

Kaalmada ceyrta 92

Kaalmada iskubuuqa 53

Kaalmada kamuunaha kirada ka

kaboh guryaha 39

Kaalmada qaranka ee ardayda

waxbarata (SU) 80

Kaarka caafimaadka 31, 110

Kaarka doorashada 14

Kaarka lacag bixinta 95

Kabid, heynta carruurta 58

Kabida kirada guryaha 39

Kabidda daawada 120

Kaftan 124

Kajan 124

Kala qeybinta guriga ama alaabta

guriga marka laysfuroh 52

Kala-tagid 52

Kali-talis 11

Kalkaaliso ama kalkaaliye cafimeed 57

Kaniisadda dadweynaha, ee

deenishka 56, 65, 103

Kaniisadda Evangelish-Lutherka 103

Khadka telefoonka ee dadka

iskubuuqa 62

Khamriga 88, 125

Kharash, cudur 110

Khibrad ama xirfad 85

Kirada guriga 38

Kireyn gurigaaga muddo kooban 39

Kontaraad, shaqsi shaqsi ah 32

Kontaraadda kirada 38

Kontaraadda shaqaaleynta 90

Koonto bangi 95

Koox duruus wada akhrisata 68
153

Koox hooyooyina 57

Kormeerka dhakhtirnimo ee bukaan

socodka jiifa ee isbitaalka 116

Koronto 44

Ku dhaqanka diintaada 103

Kuleyl 44

L

La qabsiga iskuulka 67

Lacagta carruurta waalidka laga

soo gooyo 52

Lambarka diiwaanka guud 31

Lataliyaha waxbarashada 76

Latashiga waalidiinta 69

Liiska sugitaanka, heynta carruurta 59

Liistada dadweynaha 14

Luqad 7

M

Maalmaha calanka 125

Maalmaha ciidda ah 123

Maalmaha xasuusta 123

Maamul Goboleedka degmo 14

Maamulka gobolka (Statsamt) 23

Maamulka guryaha shirkadaha 39

Maamulka, heyadaha

dowliga ah 11, 13

Machadka amaahda hantida

maguurtada ah 42

Magacbixin 56

Magacyo, la ansaxiyay/la

aqoonsanyahay 56

Magdhaw 45

Maktabad 104, 128

Maktabadda ajaanibta, ee

maktabadaha guud 104

Matxaf (Museyam) 129

Maxkamadaha 11, 13

Maxkamadda dacwooyinka,

gaarka ah 13

Maxkamadda degmada 13

Maxkamadda dhaxalka 65

Maxkamadda gobolka 13

Maxkamadda qaxootiga 24

Maxkamadda sare 13

Midab kala sooc ama midab takoor 89

Midnimada wadanimeed 7

Midow, bulsho 77

Mudaaharaad 19

Munaasabadaha diiniga ah 123

Mushaarka shaqa-ka-fariisashada

waqti hore 63

N

Naadiga waqtiga fasaxa 73

Naas nuujin 56

Nidaamka maamulka 11

Nidaamka suuqa shaqada, kan

deenishka 86

Nikaax 51

Nolosha ururrada 101, 106

Noocyada qoyska 50

O

Ogolaashada Tvga/licens 102

Ogolaasho shaqo ama iqaamo 23

Q

Qaadashada dhalashada, deenishka 28

Qabuuro 65

Qadada la cunno xafladda ciidda

masiixiga 123

Qaniisnimo 52

Qaramada midoobay 20

Qareen lacag la’aan ah 18

Qareen, guri gadasho 41

Qareenka heeganka leh 18

Qashan 42

Qaxooti 23

Qaybta dhalida isbitaalka 55

Qeybta nasashada dumarka dhalay

ee Isbitaalka 56

Qeyledhaamiska degdegga

ah (112) 112, 128

Qofka guryaha wadajirka loo iibsado

qeybta ka leh 41, 44

Qofka guryaha xanaaneyo 42

Qol dadka kawada dhexeeya 40

Qoraalada warbixinta lagaa hayo 17

Qoys 49, 50

Qoyska ama guriga boqortooyada 11

R

Raashinka, isbitaalka 117

Ra’iisul wasaare 13

Rukhsadda wadidda baabuurka 19

S

Saacidaadda aaska 65

Saacidaadda dibu-qalabixinta 27

Saacidaadda howsha guriga 64

Saacidaadda khabiirka cilmi

nafsiga 112

Saacidaadda qareenka 18

Saacidaadda turjubaanka 33, 112

Saameynta waalidiinta 75

Sanduuqa shaqa-la’aanta

(A-kasse) 87, 93

LIISKA ERAYADA BUUGA
154

LIISKA ERAYADA BUUGA

Shabakadda isgaarsiinta/internet 104

Shacabka 6

Shaqa-la’aan 86

Shaqo raadin 89

Shaqo 31, 84, 85, 88

Sharciga ajaanibta 25

Sharciyada guriga 42

Shirka waalidiinta 61, 74

Shirkad, aasaasid 91

Shirkadda guryaha 38

Shirweynaha, ururka 107

Shisheeye 14

Shuruucda dugsiga hoose/dhexe 69, 74

Shuruucda kireynta 38

Shuruucda maamulka 17

Shuruucda qalabixinta 13

Shuruudaha ogolaashada,

waxbarashada 77

Siyaasadda waayeellada 63

Soo rididda ilmaha uurka ku jira 52

Suuqa shaqada 84, 86

T

Tababar shaqo 92

Tababar 76

Tababarid shaqo 32, 59, 87, 93

Tacliin xirfadeed 67, 75

Talabixin, dhaqaale 96

Talabixinta dacwooyinka guryaha 39

Talabixinta telefoon ahaan 62

Talabixinta xagga guryaha 40

Tallaal, carruurta 113

Tallaal, safarka dibedda 114

Telefoon 130

Turjubaan 61

TV2 102

U

Umuliso 54

Ururka degganayaasha 39

Ururka guryaha wadajirka loo

iibsado 41, 44

Ururka heshiiska woqooyiga

atlantikada (NATO) 20

Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo

horumarinta (OECD) 20

Ururka iskaashiga dhaqaale ee

yurub (EØS) 23

Ururka midowga shaqa-bixiyaasha 87

Ururka midowga yurub 7, 20, 23

Ururka milkilayaasha dhulka 41, 44

Ururka shaqaalaha 87, 88, 89

Ururka wadalahaanshaha

anteenada 44

Ururrada danaha gaarka ah 16

Uur 54

W

Waajibka biilidda qooskaaga ama

masaroofka caruurtaada 51

Waajibka sir xafididda 17, 33, 112

Waajibka waxbaridda 67, 68

Waalid kali ah 50

Waaxda ajaanibta 23, 24, 31

Waaxda arrimaha bulshada iyo

caafimaadka 57

Waaxda caafimaadka, deenishka 109

Waaxda dhaawacyada shaqada 89

Waaxda isbitaallada 110

Waaxda Kormeerka shaqada 89

Wacyi-gelinta

dadweynaha 67, 101, 104, 105

Wada noolashada, diiwaan gashan 52

Wadan ka saarid 25

Wakiil, guddiga waalidiinta 61

Wakiilka amaanka 89

Wakiilka shaqaalaha 88

Walaalaha hooyada ama kala

aabaha ah 50

Waqlal 56

Waqtiga fasaxa/firaaqada 100

Waqtiga shaqada 86

Waqtiga 124

War gelinta dhimashada 65

Warbixin-nololeedka qofka 90

Wareysiga shaqaaleynta 90

Warfaafinta 101

Warqada dawadeed ee takhtarka

soo qoro 120

Waraaqda dhoofinta meydka 65

Wasaaradaha 13

Wax barid gaar ah 71

Wax soo saarka beeraha 8

Waxbarashada arrimaha bulshada

iyo caafimaadka 75

Waxbarashada dadka waaweyn 81

Waxbarashada dhallinyarada 75

Waxbarashada aasaasiga ah 68

Waxbarashada aasaasiga ah, ee

madaxa bannaan 70, 71

Waxbarasho 66, 77

Waxbarid 32, 71

Waxbaridda waqtiga fasaxa 104

Woqooyiga (Norden) 7

X

Xabsi 18

Xadka canshuurta dakhliga 99

Xafiiska bixiya boosaska xananada 58
155

Xafiiska canshuuraha 91

Xafiiska dadka guryaha siiya ama

u tilmaamo 36

Xafiiska dalxiiska 101

Xafiiska kaniisadda 56

Xafiiska maamul gobaleedka

(Overpræsidiet) 52

Xafiiska shaqada 87, 90

Xafiiska shaqooyinka ku meel

gaarka ah 90

Xafiisyada, qaranka 129

Xaflad 124

Xaqa doorashada 14

Xaqa waalidnimada 51, 52

Xaquuqda codeynta 14

Xarig aan xad laheyn 18

Xarun xanaano, oo isku jirta 58

Xarunta dadka iskubuuqa 53

Xarunta heynta ilmaha yar yar 58

Xarunta qiimeynta

waxbarashooyinka dibedda 81

Xarunta talabixinta 53

Xarunta waxbarashada dadka

waaweyn 81

Xarunta xanaanada carruurta 59

Xarunta xanaanada carruurta 58

Xarunta xanaanada dadka

xanuunsan ee kaligood degan 64

Xarunta xanaanada qoyska guura 58

Xatooyo 45

Xeerarka sharciyadooda 42

Xeerilaaliyaasha 19

Xilliga booqashada 116

Xirfad shaqo 7

Xiriirka labada qof wada nool 21

Xisbi 14

Xisaabiye 96

Xukun, xadeysan 18

Xukun, aan xadeysneyn 18

Xukunka dilka ah 18

Xukunka maamulka shacbiyeed 11

Xuquuq, dastuurku dhigaayo 11, 19

Xuquuqul insaanka 20

Xurriyadda la asaasikaro ururo 87

Xuska ciidda booskaha 123

LIISKA ERAYADA BUUGA
156

Kolofoon

Magac:

Degganaha Danmark – buug tixraaca oo ku saabsan

bulshada deenishka looguna talagalay degganayaasha cusub

Soo saaraha:

Wasaaradda Qaxootiga, Soo galootiga iyo Qalabixinta, 2002

Ministeriet for Flygtningen, Indvandrere og Integration

Holbergsgade 6

1057 København K

Telefoon: 33 92 33 80

E-mail: inm@inm.dk

Isku dubbaridka:

Wasaaradda Qaxootiga, Soo galootiga iyo Qalabixinta, oo ay

iska kaashadeen latalinta waaxda IT iyo Isgaarsiinta.

Isku dubbaridku wuxuu dhamaaday 1da oktober 2002.

ISBN:

87-91118-82-4.

Qormada 1aad, daabacaadda 1aad:

Af Somali, maarso 2003

Daabacaad:

10.000 xabbo

Qoraalka:

Annie Hagel, Bjarne Hesselbæk iyo Maja Plesner, oo ay iska

kaashadeen Wasaaradda Qaxootiga, Soo galootiga iyo

Qalabixinta

Naqshadeynta sawirrada iyo jaangoynta:

Mark Gry Christiansen

Daabicidda:

a-s Holbæk Eksprestrykkeri, Holbæk

Isku dubbaridka sawirrada:

Michael Daugaard

Sawirrada:

Per Morten Abramsen (112), Mark Andersen (118),

Lars Bahl (19, 24, 26, 36, 37, 38, 45, 68, 74, 81),

Claus Bonnerup (86), Anders Clausen (87), Jacob Dall (22)

Michael Daugaard (bogga kore iyo bogga dambe, 8, 24, 28,

30, 33, 34, 40, 43, 50, 55, 58, 66, 69, 73, 76, 79, 80, 91, 94,

96, 97, 105, 107, 111, 122), Jan Djenner (6, 120, 126),

Anne-Li Engström (48, 78, 123), Per Folkver (110),

Klaus Holsting (43, 75, 108),Teit Hornbak (16, 84),

Nikolaj Howalt (71), Sonja Iskov (60), Mikael Jonsson (88),

Stuart MacIntyre (100), Kissen Møller Hansen (57),

Heine Pedersen (103), Poul Rasmussen (113),

Henrik Saxgren (12, 116), Mikal Schlosser (125),

Stig Stasig (46, 62, 102), Søren Svendsen (63),

Henrik Sørensen (83), Mikkel Østergaard (10, 17)

Maabka Danmark: Kampsax/Cowi

Turjimadda iyo habeenta:

Hayadda Qaxiitiga ee Deenishka Qaybta turjimadda

Flygtningehjælpens Tolkeservice

Hagidda mashruuca:

Commitment Kommunikation ApS

Anders Michael Jensen iyo

Signe Borup
Dadka cusub oo ku soo biiray Danmark wuxuu ku qoran yahay siddeed

luqadood:

Carabi

Bosniga-kroatiga-serbiga

Deenish

Ingirisi

Farsi

Soomaali

Turkiga

Urduga

Buugga waxaa laga iibsan karaa:

Internetka buugaagta gada ee Danmark.dk

Waaxda IT iyo Isgaarsiinta

Tel.1881

www.danmark.dk/netboghandel

Qiimaha:

20,00 kr. oo canshuurtu ku jirto.

Buugga waxaa laga heli karaa bogga internetka Wasaaradda qalabixinta:

www.integrationsministeriet.dk