11.07.2015 Views

Waddaddii Ma Haynaa Mise Waa Ka Habownay ... - SomaliTalk.com

Waddaddii Ma Haynaa Mise Waa Ka Habownay ... - SomaliTalk.com

Waddaddii Ma Haynaa Mise Waa Ka Habownay ... - SomaliTalk.com

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

QORE: DR. DAAHIR XASAN GUUTAALE

Dawladaha Deriska ah Dani ma ugu jirtaa Soomaaliya Gobollo ahDib u heshiisiinta-Dawlad Wanaagga iyo Maamulka Maaliyadda-Waxyaabaha Road-Map-ka lagu sheegay waxa ugu muhiimsan in:Hagaajinta Habsami u socodka Shaqada QarankaFulinta Sharciga iyo GarsoorkaXoojinta Hayada Lafdhabarka u ah Hagaajinta Maamulka iyoDhaqaalaha.Gurmadka BarakacayaashaMabaadii’da GarooweNatiijada laga filan karo Road-MapkaFaragelinta Arrimaha BarlamaankaDanaynta Dawladaha waaweyn ee arrimaha SoomaaliyaDawladda Brittan:Dawladda TurkigaDalalka Ciidammada u soo diray SoomaaliyaShirkii lagu qabtay Ingiriiska (23/02/2012)Wax ka qabashada Burcad BadeednimadaMaxaa loogu Guulaysan waayey wax ka qabashada Burcad Badeedda ?Sidee wax looga qaban karaa Burcad BadeednimadaShirka lagu Qabanayo Magaalada IstabuulBadbaadinta Dhallinyarada :Shirka lagu Qabanayo Magaalada IstanbuulXalka Arrinta Alshabaab oo sii fogaaneysaWada hadalka Soomaaliya iyo SoomaalilandDhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,.Gargaarka AadaminnimoSannadkii Khilaafka iyo Sharci DarradaSamaynta Road Mapka iyo ShirarkaKu Xadgudubka Axdiga ku Meelgaarka ahSoo Gelidda Ciidammada Deriska ahKala Jabka BaarlamaankaHeshiiska Kireynta iyo ilaalinta BaddaTalooyinka3

Waddaddii Ma Haynaa MiseWaa Ka Habownay 2012Markii muddo la joogaba Soomaalida waxaa loo soohindisaa,Mashruuc loogu ekaysiiyo inuu dhibaatadooda xal unoqonayo. Waxaa loo soo qorsheeyaa geeddi socodka iyoMaraaxisha u mari doono. Waxaa la bilaabaa shirarkii iyomagacaabidda guddiyadii ka hawlgeli lahaa.Soomaalidu isma weydiiso ujeeddooyinka shirarkaas iyonatiijada laga heli karo. Waxaa lagu yaacaa sidii meeshaaslooga qayb geli lahaa oo dadku waxa ay qabaan loola qabilahaa. Ma jirto cid ka fekerta danta Qaranka Soomaaliyeed,waxa meesha loo tagaa waa dano Beeleed,Gobol iyo intabadan dano gaar ahaaneed. Waxaana laga yaabaa ineytahay arrintaas sababta aan wax daraasad ah oo shirarkaaska horreeya loo samayn.Hadda waxaa la sameeyey hindisayaashii Soomaalida laguhawl gelin lahaa, iyadoo la dhigay dhammaan qorshayaashiilagu hirgelin lahaa. Halkudhegga hawlgalka sannadkan waawaxa laga baxayaa ku meel gaarka, iyadoo loo marayoDastuur cusub, dalka oo nidaam Federaal ah laga hirgeliyo iyoBaarlamaan cusub oo la magacaabo.Ma xallinayaaqorshahaanu dhibaatada dalka ka taagan, mase waabukaankii oo la daaweynayo iyadoo aan baaris lagu samayn.Haddii aan xaqiijinno arrimaha aan kor ku soo sheegnay oodaawo ahaan soomaalida loogu qoray, ma xallismi doonaanmushkiladaha dalkan haysataa.Dadka soomaaliyeed ma kuqanacsan yihiin waxse ma laga weydiiyey.Maxaa loo diiddanyahay in arrinta si fiican loo daraaseeyo oo laga wada qaybgalo yaase in la dedejiyo faa’iido ku qaba.Dadka qaarkood oo5

isu muujinaya iney iyaga keligood yihiin kuwa waddankaisbeddel ka keeni kara sax ma yihiin ?.Dadka Soomaaliyeedwareer waa ugu filan tahay dhawr iyo toban sano in hadba loojeexo waddo horay ka go’ane, halays weydiiyo meesha loosocdo iyo in waddo sax ah lahayo iyo in kale.Waa in la dejiyoqorshayaal Tifaftiran oo lagu gaaro ujeeddooyinka la dhigtay.Waa in aad loo qeexo qorshayaasha Road-Map-ka lagu xusayoo afarta qaybood ah. Mid kastaaba wuxuu u baahan yahay ingaarkiisa loo faahfaahiyo oo la waqtiyeeyo oo loo heloimkaaniyaadkii uu ku hirgeli lahaa iyadoo la sii saadaalinayowaqtiga la soo gabagabeyn karo.Waa in laga fekero qaabdawladeed karti iyo hufnaan leh,oo lagu laray qaab sharci ooCaddaalad iyo Garsoor leh sidii dalka loogu samaynlahaa.Waa inla helo qaab dalka looga nadiifiyo Argagixisadaiyo Burcad Badeedda, bulshada degaannada loogu fidiyoadeegyo ,Amni, Shaqo iyo Dakhli leh.Dadka Soomaaliyeed maanta waa tabar daran yihiin,talo xunyihiin waana kala qaybsan yihiin waxay caalamka uga baahanyihiin,in loo naxariisto,oo wax lala qabto.Dawladaha waa weyniyo ururrada caalamiga ee ay Qarammada Midoobey uguhorreyso waxaa xil ka saaran yahay iney ka ilaaliyaan waxkasta oo looga faa’iideysan karo, ama wax u dhibi kara-Maxay Dawladaha Soomaaliya loo dhiso u Guuleysan la’ yihiinTaariikhda waxaa jaamacadaha loogu dhigaa in lagafaa,iideysto oo aan dib loo gelin khaladaad hore loo galay,waxaadse mooddaa in aan soomaalidu arrintaas kafaa,iideysan oo ay mar kasta ku soo celinayaan gafkii ay marhore ku soo jabeen. Malaha waxaysan ka faa’iideysanMu’umin laba goor God lagama Qaniino, amase waxaa kaxoog badan dabeecadda aan Tanasulka lahayn oo ah in laguuleysto xataa haddaan dantaadu ku jirin. Waxaa kale oo6

Dawlad kastaa meel cusub ayey ka bilowdaa iyadoo aan tii kahorreysey xataa xil wareejin ka qaadan sidaasina waa sidaxukuumadaha soomaaliyeed Tobankii sano ee la soo dhaafayay ku shaqaynayeen bulshada caalamkuna ay kula socotey.Xukuumadahaas been beentaa marka ay muddo joogaan oodadka soomaaliyeed iyo shisheeyihii danaynayeyba aydantoodii ka waayaan ayaa koox kale is abaabushaa ooiyagoo kaashanaya bulshada caalamka talada dalkamaroorsadaan. Wax dib u eegis ah laguma sameeyo axdigii ladhigtay iyo wixii lagu heshiiyey midna. Waxaa loo gudbaashirweyne ,Axdi,dawlad iyo wax qaybsi cusub waa sidaa haisaga daba wareegto. --Haddaad dib u milicsato geeddi socodkii dibuheshiisiintawaxaad arkaysaa in mar kasta koox bulshada ka mid ah ootixgelin mudnayd laga tashanayey ama aan la siineyneynkaalintii ay mudnayd.--Shirkii Carta,Shirkii Carta waxaa laga tegey oo la diidey in tixgelin la siiyokooxihii hubaysnaa waxaana xoogga la saaray bulshadaRiyadka ah oo dhab ahaantii si fiican uga soo qayb galay.Xataa waxaa ka soo qaybgalay kooxo ka mid ahaa kuwiihubaysnaa, kuwa harayna haddii xoog la saari lahaa mafogeyn oo waa la keeni kari lahaa. In kasta oo shirkaasi ahaakii ugu wanaagsanaa shirarkii soomaliya loo qabtay dalkanaaysan ka dhicin muddadii Dawladdii Carta dagaallo waawayni8

haddana waxaa fashaliyey kooxihii hubaysnaa oo laga tegeyiyo Dawlado deris ah oo dano ka lahaa dalkan, kuwaas oomarkooda ka dhaadhiciyey dawladaha daneeya soomaaliya inshirweyne loo qabto iyadoo meel cusubna laga bilaabayodibna aan loo eegin dowalddii dhisnayd iyo wixii hore loogusoo heshiiyey.--Shirkii Embagathi 2004Soomaalidii waxay ku yaacday iyagoo Habaqle ah oo aan laysweydiin waxa loo socdo iyo waxaa laga damacsan yahaydalkooda. Waxaa laysku ciriiryey meel la seexdo iyo wixii lacuni lahaa, yaa ergo noqonaya iyo sidee wax loo qaybsadaa,yaa Barlamaanka gelaya iyo yaa xukuumadda ka midnoqonaya. Maamulkaas oo dhanna soomaalidu talaba kumalahayn ee dadka waxaa wax u qaybinayey dad shisheeye ahoo soomaalidu gacanta u gashay.Waxaa mudnaanta koowaad la siiyey kooxihii hubaysnaa amaqabqablayaashii dagaalka waxaa hoos loo dhigay mudnaantiiay lahaayeen kooxihii kale. Waxaa la sameeyey saxiixayaashiioo u badnaa qabqablayaashii dagaalka kuwaas oo loo bixiyeyhoggaamiyeyaasha siyaasadda qof aysan qorinna aanumeesha waxba kahelayn.9Dadkii kale waxaydani ku khasabtayiney ama iskatagaan ama ayiyagagalaan.hoosWaxayqaateenBaarlamaankiixukuumaddii iyoMadaxdii Qaranka

oo dhan.Dadkii soomaaliyeed oo sida wax loo maamulayQawadsan iyo iyagii oo kibirsan ayaa dalka iskula soo noqday.Koox ka mid ah oo Qandaraas dawlado shisheeye kasooqaadatay ayaa Xamar dagaalkii Ashahaada la dirirka kabilaabay.Dadweynihii soomaaliyeed oo ka xumaa sidii loomaamulay shirkii kenya ayaa kacdoon kala hortegey.Xukuummaddii Embaghti waxaa laga qabsaday dalka intiisibadnayd waxaana laysugu geeyey Baydhabo. Qaylo ayeyafka ku salaaxday waxaa na qabsaday argagixiso, Afrika, Igadiyo Maraykanow noo soo gurmada. Waxaa la dalbadayciidamma shisheeye oo noocyo kala duwan leh waxaa lakeenay safka hore iyo safka dambe. Waxaa la burburiyeykacdoonkii shacbiga oo ay hoggaaminayeen Maxkamadihiiislaamiga ahaa. Waxaa dhacay burbur iyo barakac aan horeloo arag. Itoobiya ayaa dalka oo dhan qabsatay, haddanakumay ladin waxaa laga hor keenay Muqaawamo shacbi ahoo dadka soomaaliyeed dalka iyo dibeddiisaba ay udhammaayeen. Waxaa caddaatay in aan Itoobiya waxba kaqaban Karin. Waxaa yaraatay kalsoonidii lagu qabey Itoobiyaiyo xukuumaddii TFG ee ay Itoobiya iyadu soo hindistey.Waxaa suurtoobi waayey in dalka la maamulo oo shacbigalagu khasbo wixii kenya lagu soo dhoodhoobay. Waxaa lafekerey meel kale oo looga wareego si loo kala firdhiyoxoogga shacbiga oo aad isugu duubnaa loona helo maamulugu yaraan aan khatar weyn ku ahayn Dawladaha Gobolkaiyo danaha caalamka,.Waxaa la gartay in la helo qaabciidanka itoobiya uu ku baxo si sharaf leh lyadoo la dhowrayodanaha guud ee Caalamka iyo Dawladaha Gobolka. Waxaa lamagacaabay wakiilka xoghayaha guud jamciyaddaQarammada Midoobey oo loo magacaabay Axmed WaladCabdalla oo si dhow ula shaqayn jirey dawladahaMaraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska kuwaas oo gacan iyogarabba ku siiyey sidii loo furfuri lahaa arrinta soomaaliyameel laga galana loo heli lahaa. Waxaa lays weydiiyey xaggeewax laga billaabaa, waxay talo ku ururtay in wax laga beddeloDawladda TFG. Si loo dalooliyo nidaamkii jirey ee TFG waxaalays ku diray Madaxdii si qaarkood booska looga banneeyoloona keeno kuwa kale oo waqtiga la joogo adeegi kara.10

Waxaa bilawday is qabqabsi iyo in lagu tartamo Barlamaankaiyo bulshada caalamka taageeradeeda. Waxaa looga yeerayNairobi iyo Adis Ababa. Wax lagu kaltamaba waxaa lafoociyey Cali Maxamed Geeddi Ra,iisul wasaarihii muddadadheer sida hagar la’aanta ah u soo shaqeeyey. Si meesha loosifeeyo waxaa sii socdey qaskii iyo jahawareerkii maamulkaka dhex taagnaa ilaa odaygii Cabdullaahi Yuusuf asaganadabaysha la raaciyey iyadoo aan loo abaal gudin. Waa ninkiiciidammada shisheeyaha oo itoobiya hoggaamineyso dalka kusoo fasaxay. Waa ninkii baray siyaasiyiinta in ninkii kaahoryimaadaba lagu shaabbadeeyo waa argagixiso. Waxaalagu tuuray Yaman asagoo qaxooti ah oo haddana jirran.Walad Cabdalla ayaa shaqa billaabay wuxuu tegeyNewyork,Paris iyo London wuxuu soo qaatay dardaaran xoogleh waa nin Afrikaan oo fursad helay hawlgabna ku dhow waainuu S haqaystaa!. Wuxuu ku wareegeyNairobi,Baydhabo,Adis Ababa iyo Jabuuti. Wuxuu booqdayAsmara iyo Qatar iyo dalal kale oo waddammada carabta kamid ah oo uu is lahaa waxaykugu caawin karaan inaadhesho meel aad arrinta kagasho. Waxaa loo sheegay inmeesha ugu fiican oo dadkasoomaaliyeed laga geli karoay tahay in loo sheego indalka ciidammada itoobiya ayka baxayaan haddii laheshiiyo?. Dad badan waxayla noqotay iney macquul tahayhaddii ay si nabad ah ku baxayaan ineysan wax xikmad ahi kujirin inaan waqtiga isku dheerayno. Walad Cabdalla wuxuu kudhaqaaqay inuu fikraddaas dad u helo. Wuxuu dhowr jeer kulaabtay Asmara iyo Jabuuti si uu u helo taageero uu mar uunisugu keeno dad labada dhinac wax ka geli kara. ARS iskumaraacsana in wada hadal la galo inta ciidanka Itoobiya dalka11

joogo, Dawladda Eretrea oo ay marti u yihiinna arrintaas mabaoggola. Koox uu Shariif Xasan hoggaaminayo ayaa hoos loolahadlay si ay mar uun u gola keenaan madaxda Isbahaysiga.Waxaa la qaban qaabiyey shir dalka Suudaan dabadeednaiyadoo aan dib loogu noqon Asmara ayaa waxaa shir lootegey Nairobi halkaas oo madaxdii isbahaysiga ARS ay kuoggolaadeen iney dibuheshiisiin galaan. Halkaas waxaa kabilowday khilaafka ARS qaybta ugu weyn hase yeeshee dadbadan oo ururka ka mid ah ayaa taageeray in si kasta oo aysuurtogal ku tahay in itoobiya dalka looga saaro la adeegsado.Waxaa lagu heshiiyey in wada hadal la galo.Shirkii Dib u Heshiisiinta Jabuuti.Waxaa bilawday shirkiidibuheshiisiinta jabuutioo u dhexeeyeyIsbahaysigii dib uXoraynta iyo DawladiiTFG oo Baydhabodegganayd.Isbahaysigii dib uXoraynta oo markiihoraba aan aad isuguxirnayn ayaa khilaaf hor leh ka dhex bilowday. Koox ayaadiiddey gebi ahaanba in wax wadahadal ah la galo, kooxihiigudaha ka dagaalamayey ayaa ka shakiyey sida wax usocdaan, oo codsaday in arrinta cagta loo dhigo oo lagatixgeliyo,Codsigaas lagama hoos qaadin. Hase yeeshee wadahadallo hoose oo aan la shaacin ayaa madaxdii sare eeIsbahaysigu waxaa u muuqday iney qaataan ballan qaadyadiiqarsoodiga ahaa ee loo sameeyey iyagoo Iska dhega tiraydalabka iyo dareenka ay qabeen Muqaawamadii gudaha eelaf dhabarka u ahayd halganka dib u xoraynta. Kooxdii12

Asmara qayb ka mid ah oo aan taageero weyn ka haysangudaha iyo dibedda midna iyo TFG oo Dalambaabi ah ayaaqoorta laysu geliyey, iyadoo aan haba yaraatee aan ladhegeysan kooxihii kacdoonka ka waday gudaha kuwaas ooaan ku qancin sida wax loo maamulay farahana ka qaadayhalgankii ay ku jireen, maaddaama aan iyaga wax tixgelin ahlaga siin dib u heshiisiintii Jabuuti. Talo Maroorsigaas iyotixgelin la’aantaas waxa ka faa’iideystey kooxihii markii horabakasoo horjeedey sida Al Shabaab iyo Xisbul islaam. MadaxdaARS waxay rajeynayeen haddii iyaga oo madax ah ay dalkaku soo laabtaan iney heli doonaan taageerada dadweynaha ,taasina ma dhicin. Bulshada caalamkuna waxay rajeyneyseyin haddii ARS ay ku soo biirto TFG ay keeni doonto nabad ,isbeddel iyo horumar taasoo aan iyana dhicin. Waxaa dhacaykala shaki, danaysi iyo is aamin la’aan soo dhexgashay tiirarkiiMuqaawamada taasoo meeshii loo wada guntan lahaa indalka lagu soo celiyo nabad iyo horumar keentay niyad jab iyokala furfuran. Arrintaa waxaa ka faa’iideystey kooxihiidoonayey in Muqaawamada la Caalamiyeeyo waxaana kadhashay dagaal ka dhibaato iyo khasaara badan kii ladaminayey iyo dabka hadda laga wada dareensan yahayGobolka Geeska Afrika lagana baqayo inuu wada gaarocaalamka oo dhan. Arrimaha aan kor ku soo sheegnay iyoguul darrooyinka mar walba soo foodsaaraya dadaalka loogujiro dib u soo celinta iyo dib u heshiisiinta Qarankasoomaaliyeed waxaa saldhig u ah:--Maamul Xumada Shirarka loo qabto Dadka Soomaaliyeed,-- is Muquuninta Soomalida dhexdooda ah- u Adeegidda danaha Shisheeyaha- iyo iyadoo aan si cilmi ah arrinta loo dersin ee sidan balhalagu dayo ay ku socoto.13

Dr.Mahiiga wuxuu arrinta Soomaaliya u wajahay qaab kaduwan qaabkii uu u wadey wakiilkii ka horreeyey kaas oo inbadan la tashan jirey kooxo badan oo ka mid ah dadkasoomaaliyeeddhaqankiisuna uu ugadhowaa kan soomaalida aadmooddeyna inuu ka fahamiogaa.Walad Cabdalle waxaadmooddaa inuu xooggasaarayey inuu Soomaalidaisku soo ururiyo oo intiiawooddiisa ah uu meelisugu keeno si ay wax u wada samaystaan.Wuxuu xoogga saari jirey in la ilaaliyo hay’adaha dastuuriga siaysan u lumin sharciyadda qaranku, asagoo ku dadaalay in ladoono koox kasta oo mucaarad ah oo debedda ka joogtadawladda si ay ugu soo biirto, arrintaana ilaa xad wuu kuguuleystey.Lama maqlin intii uu walad Cabdalle wakiilka kaahaa dalka cid wax ka sheeganeysa oo ay is qabteen.Dr.Mahiiga wuxuu bilaabay inuu samaysto barnaamij uu isagusi toos ah ugu maamulo dalka. Wuxuu samaystay kooxSoomaali iyo ururrada gobolka ah oo arrinta kala shaqaysa .Wuxuu ku guuleystey in aan lagu dhaqmin oo meel layskadhigo axdigii ku meel gaarka ahaa iyo shuruucdii kale eeqaranka waddankana lagu maamulo hadba wixii ay soohindisaan isaga iyo kooxdiisu.Waxay u dhigantaa iyadoo waddanka inqilaab laga sameeyey,kaas oo ay hoggaamineyso qarammada midoobey, waa waxaan hore uga dhicin caalamka, waddan shuruucdiisa ayqarammada midoobey ku xad gudubtey.15

Arrintani waxay u sahashey in isaga iyo kooxdiisu dejiyaanbarnaamijyo saameyn weyn ku yeelanaya masiirka qarankanoo aan lagala tashan dadka Soomaaliyeed intoodabadan,hase yeeshee ay qorsheeyeen in dadka khasab lagujiirsiiyo.Waxaa aad loo kala furfuray oo khilaaf ballaran la dhexdhigaykooxihii markii hore laysu soo ururiyey oo dibuheshiisiinta loosameeyey.Waxaa khilaaf la dhexgeliyey barlamaanka khilaafkaas oo uuqayb ka yahay wakiilka xoghayaha guud iyo barnaamijyadiisumaxaa yeelay khilaafka barlamaanka wuxuu ka dhashaydiidmada la diidey in roadmapka la geeyo baarlamaanka iyoku xadgudubka axdiga qaranka .Sidoo kale arrimaha ka dhashay barnaamijyada aan kor kusoo sheegnay waxay keeneen in qabaa’il badani ay kudhawaaqaan iney kalsoonidoodi kala noqdeen dawladdamaaddaama ay ku xadgudubtey axdiga qaranka.Dr.Mahiga waa nin la murma kooxo badan oo ka mid ahbulshada Soomaaliyeed, oo mar kasta khilaafabuura.Murannada Soomaalida dhexdooda ah ee uu ku lugyeeshay waxaa ka mid :a-Khilaafka BarlamaankaWuxuu si cad ula safantay Guddoomiye Shariif Xasan isagookor iyo hoosba u sheega inuu taagersan yahay.16

Mar uu kula hadlayey magaalada Limuru ee dalka Kenyaguddiga rifoomka barlamaanka wuxuu u sheegay inuu ShariifXasan yahaynin hiba lehiyo awood aancaadiahayn(giftedand talented)uuna kalatashadoarrimahaSoomaaliya,mar kastana uu siiyo tala wanaagsan oo uu ku farxo.Sida uu u hadlo waxaad mooddaa inuu u yahay qareenisagoo hoosta ka xarriiqay iney khalad ahayd qaabka loomaray xilka qaadidda shariif Xasan dabadeedna xukumay ineykhalad ahayd xilka qaadiddaasi.Sidoo kale wuxuu kutilmaamay aqlabiyadda barlamaanka iney qaswadayaal yihiinmaaddaama fikraddiisa aysan waafaqsanayn.b-MadaxtooyadaWuxuu sheegay in madaxtooyadii dalka ay la wareegeen kooxdiineed xag jir ah oo lagu magacaabo Aala Sheekh kuwaas ooaan dhaamin Al shabaab.Arrintani waxay ka caraysiisey Culumaa’uddiin badan oo aaduga cabtay warka ka soo yeeray wakiilka xoghayaha Guud eeQarammada midoobey, waxaa xataa ka hadlaymadaxweynaha jamhuuriyadda oo yiri haddii ay dhab tahay inhadalkaas uu Dr.Mahiga yiri , marada ayaa ka dhacday.Haseyeeshee Dr.Mahiga waa ku adkaystay inuu warkaas kusaxsanaa meeshii uu cudurdaar ka bixin lahaa.17

c-Madasha DaljirWakiilka xoghayaha guud wuxuu si gaar ah uga hadlaymadasha dal jir oo ay samaysteen dad Soomaaliyeed oo kakala socda qaybo badan oo bulshada Soomaaliyeed ka midah, kuwaas oo ay ka mid yihiin xildhibaanno,dad qurbajoog ah,ganacsato,macallimiin jaamacadaha iyo dugsiyasa sareiwm.Lama garanayo waxa uu u bartilmaameedsaday kooxsiyaasadeed oo gaar ah.d-Ra’iisul wasaarihii hore M C FarmaajoDr.Mahiiga wuxuu sheegay in ra’iisul wasaarihii horemaxamed Cabdullaahi Farmaajo uu geed dheer iyo geedgaabanba u fuulay si uu ugu soo laabto saaxada SiyaasaddaSoomaaliya,khilaafka barlamaankana uu ku lug leeyahay.In kasta oo hore loola socdey in waqtigii uu farmaajo ra’iisulwasaaraha ka ahaa xukuumadda uu khilaaf dhexmarayDr.Mahiga haddana lama filayn in khilaafkaasi gaarsiisanyahay in Dr.Mahiiga uu ku fekero inuu ka fogeyn karoFarmaajo siyaasadda Soomaaliya.Haddaba waxaa is weydiin leh oo u baahan in la caddeeyowaxan uu samaynayo wakiilka xoghayaha guud ma waxay katarjumayaan siyaasadda rasmiga ah ee qarammada midoobeygaar ahaan xafiiska xoghayaha guud mise waa wax uusamaystay Dr.Mahiga.Waxa u baahan in la qiimeeyo inta lagu guulaysan karosiyaasadda uu ka wado Dr.Mahiga Soomaaliya,xataa haddiibulshada caalamku ay ku taageerto.18

Kampala Accord Heshiis MIse Mu’aamarad,Inta badan dadka soomaaliyeed waxay u arkaan in kampalaaccord uu yahay shirqool lagu waxyeelaynayoQarannimadooda, looguna danaynayo shisheeye si loogufuliyo dana qarsoon, wax maslaxad ahna aaney ugu jirinummadda SoomaaliyeedSidee ku yimid Kampala AccordBartamihii sannadkii 2011 ka markii uu soo dhowaadeywaqtigii loo qabtay dawladda ku meel gaar ah , shirkii laguqabtay magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa waxaa la farayxukuumaddu iney keento geeddi socodka ama Road-Map-kaamase waxyaabaha ay qabaneyso inta aan la gaarindhammaadka waqtigeeda. Isafgarawaagii Madaxweynahaiyo Xukuumaddii CumarCabdirashiidiyomagacaabiddii R/wasaarihiiMaxamed CabdullahiFarmaajo wuxuu keenay inwaqti badani ku lumo ,xukuumaddii cusbaydna waxaa u suuroobi waayey iney Road-Map la timaaddo looga baxo waqtiga ku meel gaarka ah.Digniino iyo codsiyo badan ka dib ayaa barlamaanka oo kabaqayey in go’aannadiisu ay sharci noqon waayaan lixdabilood oo waqigiisa ugu dambaysa uu muddadii jiritaankiisa kukordhistey saddex sano maaddaama aan doorasho la qabanKarin shirweynana aan lacag loo hayn, isla markaana wuxuuguddoomiyey in doorashooyinkii madaxweynaha,guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeennadiisa waqtigeedila qabto. Arrinta doorashada waxaa taageeray dhammaanbulshada caalamka oo uu ugu horreeyo Golaha AmmaankaQarammada Midoobey. Guddoomiyaha Barlamaanku arrintadoorashada wuu ku adkaa waana ku adkaystay aqlabiyaddaBarlamaankuna waxay u arkayeen inuu ku saxsan yahaytaageero badanna wuu ku helay. Madaxweynuhu wuxuu19

jeclaystay inuu kordhintaas qaybtiisa ka helo, si uuujeeddadaas u gaaraana wuxuu adeegsadey xukuumaddiicusbayd oo uu ku tilmaamay iney wax badan qabatay aynamudan tahay in fursad ay kaga mira dhaliso hawlaheeda lasiiyo. Arrinkaa waxaa hor istaagey GuddoomiyahaBarlamaanka Shariif Xasan oo ku adkaystay iney xaq tahayqofkii doorasho ku yimid in waqtigiisi uu doorasho galo haladiido ama hala doortee.Madaxweynaha si uumowqifkiisa u adkeeyowuxuu soo celiyeygo’aankii Barlamaankakaasoo GuddoomiyahaBarlamaanku diidey inuubarlamaanka ku celiyowaxa kale ooGuddoomiyuhu diideyinuu Barlamaankahorgeeyo soo jeedimo dhawr ah oo xukuumaddu soo jeedisey.Waxa bilowday kala fogaasho iyo is eedayn aan waxbalaysula harin. Xafiiska UNPOS ayaa soo dhexgalay oo iskudeyey inuu xalliyo hase yeeshee isku daygaasi ma mira dhalinmaaddaama xukuumadu u arkaysey xafiiskaas inuu dhinacyahay taas oo keentay xafiiskaasi shirkii uu ku qabtaymagaalada Nairobi in Xukuumadda iyo Madaxweynuhubadiideen Guddoomiyaha Barlamaankuna ka qaybgalo. –Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka waxaa loogayeeray Magaalada Kampala ee dalka Uganda oo markaas ayku shirayeen kooxda loo yaqaan ICG, haseyeeshee waxaaadkaaday in heshiis la dhexdhigo madaxdaas. Shirkii ICGmarkii uu dhammaaday ayaa arrinta waxaa la wareegeydawladaha Gobolka oo uu hormood ka yahay madaxweynahaUganda YUWERI MUSEVENI oo ku adkaystay in heshiis lagaaro. Waxaa si degdeg ah loogu yeeray Raiisul Wasaarihiiwaqtigaas Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaana lagacodsay inuu is casilo. Arrintaas waxay ku noqotay ummaddasoomaaliyeed oo dhan meel kasta oo ay joogaanba wax aanla qaadan Karin waxaana magaalada Muqdisho ka qarxay20

Mudaaharaad iyo kacdoon socdey dhawr maalmood kaas oodadka reer Muqdisho kaga hor yimaadeen go’aankaas ah inRaiisul Wasaaruhu shaqada ka tago oo loo arkayey ninwaddani ah oo shaqa fiican waddanka ka qabtay.Kacdoonkaas oo dad ku dhintay waxaa lagu damiyey awoodciidan iyo culays si gaar ah oo aan habboonayn dawladdaUganda u saartay Ra’iisul Wasaaraha taas oo bilow u ahfaragelin qaawan oo toos ah oo lagu sameeyey arrimahagudaha ee dalka soomaaliya iyadoo la isticmaalayo ciidankashisheeye oo dalka ku sugan. Sida uu Raiisul Wasaaruhusheegay waxaa lagula heshiiyey inuu asagu tanasulo haseyeeshee ay shaqadooda 6sii wadanayaan Kooxdii uumadaxda u ahaa kuwaas oo markii dambe shaqada laga wadaeryey,taas oo mar kale la yaab ku noqotay ummaddabeeniseyna doodii ahayd in Golahaasi ahaayeen dad waxqabtay ayna mudnaayeen in fursad la siiyo oo ahayd dulucdiikeentay (Kampala Accord).Arrintani waxay marag u tahay inmadaxda hoggtaanka u haysa dalka waxa ay sheegayaan iyowaxa ay samaynayaan kala duwan yihiin. Waxa kale oo layaab leh in wax kasta oo ay sameeyaanba ay garab ugahelayaan bulshada caalamka iyo dawladaha Gobolka.--Qaabkii loo Ansixiyey Kampala Accord.Shariif Xasan oo soo ballan qaaday inuu heshiiskaBarlamaanka mariyo runtiina aad xariif ugu ahaa sidaBarlamaanka wax looga ansaxsado kuna lahaa xubno badanoo asaga rabitaankiisa ku shaqeeya . wuxuu ku guuleysteyinuu helo tiro ku filan oo gacanta u taagaheshiiskaas.Haseyeeshee wuxuu ka weecday inuu marsiiyohabraacii loo baahnaa in ansixintu u dhacdo isagoo kukaaftoomay in gacanta loo taago oo sidaa uu ku moodo.Haseyeeshee sida saxda ah marka sharci la ansixinayo, markahore waxaa wax laga beddelaa qodobbada sharcigaas ka soohorjeeda ee ku jira axdiga ku meel gaarka ah. In axdiga qodobka mid ah wax laga beddelo waxay u baahan tahay iney ucodeeyaan saddex meelood oo laba xubnaha Barlamaanka,21

waana midda laga yaabo inuu Shariif Xasan uga leexday inuuu maro habraac sax ah, isagoo ku qanacsanaa inuusan heliKarin tira uu wax uga beddeli karo.--Kampala Accord wuxuu leeyahay Cillada badan :--Kampala Accord wuxuu leeyahay cillado badan oosharcinnimadiisa iyo dhaqangalkiisa shaki gelinaya kuwaas ooay ka mid yihiin:-a) Iyadoo ay qodobbada kampala Accord ay iska horimanayaan,--b) iyadoo aan wax isbeddel ah lagu samayn qodobbadii axdigaee ka hor imanayey heshiiskaas,c) iyadoo aan la marin habraacii uu sharci ku noqon lahaa.d) iyo asagoo ka hor imanaya Mabaadii’da guud ee Dastuurkaiyo xaqa Muwaadinka ee ku saabsan in lala xisaabtami karomadaxda.Sidaa darted Kampala Accord ma oofsan shuruudihii uu kunoqon lahaa sharci mana hirgali karo.--Muxuu keenay Kampala Accord.Kampala accord wuxuu keeney isbedel weyn ee ku yimidhabdhaqankii Dawladeed ee dalka.--A- Waxaa isku soo ururay shaqadii Hayadihii Dastuuriga ahaaee loogu talagalay iney is miisaamaan ama is ilaaliyaan.B- Hayadihii oo shaqsiyaad isu beddeley ama loo sahlay in sishakhsi loogu takri falo.C- Sharcigii iyo Xukunkii sharciga oo meesha ka baxay.-D- Ururrada Gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dawladahawaaweyn oo aan daneyneyn ilaalinta shuruucda dalka.Arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxay keeneen:--22

1.Guddoomiyaha wuxuu urursaday kuna takri falay awooddiiBaarlamaanka oo dhan asagoo samaystay:a) Kooxo u gaar ah oo shirarka uga qayb gala oo uu si gaar ahu xannaaneeyo.--b) Wuxuu iska xiray Barlamaankii si aan buuq iyo doodi ugaimaan waxa uu samaynayo.-c) Wuxuu noqday mid ah saxiixayaasha Road-Map-ka .d) wuxuu wax ku yeeshay awooddii fulinta isagoo wax kamaamula shaqada xukuumadda.--e) wuxuu gaar la noqday Maaliyaddii Barlamaanka oo uu sidauu doono u isticmaalo iyadoo aan cidina ka war hayn sidamaamulka Barlamaanku u socdo.--f) Waxaa meesha ka baxay awooddii shacbiga ooBarlamaanku wakiilka ka ahaa.--2. Madaxweynuhu waa astaanta Qaranka, waa odaygadawladda iyo xiriiriyaha Hayadaha dawladda hase yeeshee malaha awood weyn oo sharci oo asagu ku farageliyo Hayadahakale ee dawladda hase ahaatee beryahan dambe wuxuu kudhaqaaqay arrimo aan ku habboonayn xafiiskiisa sida:--a) ku xadgudub Qodobbo ka mid ah Axdiga ku meel gaarka ah;--b) Wuxuu soo farageliyey shaqada Barlamaanka isagoo kutilmaamay inuu baadil yahay go’aankiisu.--c) Wuxuu ka qayb qaatay in dalka la soo geliyo ciidammoshisheeye iyadoo aan sharci loo marin.--3. Raiisul Wasaaruhu beryahan wuxuu wadaa hawlo badanoo aan sharciga waafaqsanayn, sida ciidamma shisheeye oo23

dalka la soo geliyey iyadoo aan Barlamaanka la marin,kuwaas oo xasuuq u geystey dad rayid ah oo aan waxbagalabsan. --4- Wuxuu ka meermeeray inuu keeno Barlamaanka Road-Map-ka isla markaa isagoo ku hawlan fulintiisa kuna shaqeeyawaxyaabihii ka dhashay;-5- wuxuu magacaabay guddiyo aan sharci ahayn sida guddigakhubarada Dastuurka iyo guddiga Ansixinta Dastuurkaarrintaas oo horay si sharci ah guddi loogu xilsaaray.-Dawlad Xumada uu keenay Kampala Accord:--- In dawladdii isu beddeshey`kooxo is barbaryaaca, iyadoomadaxda dawladda sida Madaxweynaha ,AfhayeenkaBarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay u muuqdaan kuwaaan is ma talin oo midba gaarkiisa u socda, taasoo meeshaka saaraysa ama is dhexgelineysa awoodihii sharciga ahaaiyo waajibaadkii uu masuul walba gaarkiisa ugu xilsaarnaa.-- Inuusan jirin wax isla xisaabtan ah, waxaa lumay miisaankiiiyo isla xisaabtankii Hayadaha dawladda ka dhexeeyey iyadooxukuumaddu ka baxday kortoroolkii Barlamaanku ku kormeerijirey ,waqtiga la joogana ma jirto cid xukuumadda xisaabinkarta ama la xisaabtami karta.-- In sharcigii la laabay, iyadoo ku dhaqanka qodobbo badanoo ku jira axdiga ku meel gaar ah ku dhaqankooda layskadhega tiray sida kuwa ku saabsan awoodda shacbiga ooBarlamaanku wakiilka ka yahay oo ay laga maarmaanta tahayarrimaha taabanaya masiirka dalka in Barlamaanka la mariyo.Waxaa si aan habboonayn loo maamulay qaabkii uu axdigu udhigay samaynta Dastuurka Qaranka, Xasaanaddaxildhibaannada iyo guud ahaan arrimaha sharci dejinta.-24

- in dalkeenna la iska soo galo oo ayan jirin cid wax lagaweydiiyo. Waxaa jira ciidamma shisheeye oo dalka soogalay,iyadoo aan Hayada Qaranka ee hawshaas leh si fiicanuga wada tashan, sida ugu wanaagsan oo looga faa’iideysankaro, waqtiga ay ciidammadaasi dalka joogayaan iyo shaqadaay qabanayaan.--- in dadkeenna xuquuqdooda maalin kasta lagu xad gudbo ooaan cidina u damqaneyn. Waxaa dhacaya xadgudubyonoocyo badan ha ahaadeen duqaynta Cirka, Madaafiicda iyoRasaasta oo beryahan dambe dad badan oo shacab ah ay kudhinteen ama dad badan oo Soomaali ah oo ku jira xabsiyodalal kala duwan ha ahaadeen qaxootiga ku jira xeryaha,Dhallinyaro tahriib ah ama kuwa loo qabtay BurcadBadeednimo. Si kastaba ha ahaatee dadka Soomaaliyeed mahelaan xuquuqdooda aadaminnimo.-- Siyaadadii dalkeena oo dowladdo iyo ururo shisheeye lawareegeen. Waxaa hubaal ah in si aan qarsoonayn arrimahaSoomaaliya ay gacanta ugula jiraan dawladaha deriska ahururrada gobolka iyo bulshada caalamka.-Waa maxay sababta loo diidey in madaxda dowladda haddii ay ugafaan sharciga ama ay xilkooda gudan waayaan talaabo sharci ahlaga qaado?--Muddo ka badan saddex sano ayaa Madaxdani sooHogaaminayeen dalka, iyadoo aan wax Mooshin ah lagakeenin,.Waxaa noqday wax la yaab leh in heshiiskii kambalalagu soo qorey in aan Mooshin ah laga keeni Karin.--Arintaas waxa loola jeedey markii hore dad badani ma fahmin,sidaa darteed ayaan xildhibaano badani dareen weyn kamuujin, hase yeeshee sida ay u dhaqmeen madaxda sare eedowladdu markaa ka dib, waxaa la dareemay inuu jirey qorshe25

aan ummadda loo sheegin, oo madaxda laga rabey ineyfuliyaan wax aan u cuntameyn una qalmin ummaddasoomaaliyeed, lagana cabsanayey in Baarlamaanku uu horistaago.--Si loo fuliyo qorshayaashaas, waxaa la go;aamiyey in:--a) la cuuryaamiyo awoodda Baalamaanku u leeyahay in uujoojiyo waxyaabaha la qorsheeyey,oo aan u cuntami Karindalka iyo dadka.--b) In Madaxda hawshaas qabanaysana laga ilaaliyo in tallaabosharci ah laga qaado.--Markaas ka dib waxaa isa soo tarey talaabooyinkii laguhirgalinayey qorshayaashaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin:--1- In shaqada Baarlamaanka la joojiyo iyadoon si rasmi ah looshaacin,sida shirarkiisa,iyo Barnaamijyadii iyo sharciyadii aydawladdu keeni lahayd in lala garab maro.--2- In la sameeyo qorshayaal la xariira masiirka dalka iyadoo aanloo marin waddo sharci ah ama aan barlamaanka la marin,sida arrimaha hadda socda oo ay ka mid yihiin Road-Map-kaiyo shirweynaha la doonayo in la qabto , kuwaas oo ay ahaydin marka hore sharci lagu saleeyo. --3- In la sameeyo Hayado iyo guddiyaal sharci darro ah oo meelmariya qorshayaashaas. Waxaa la sameeyey guddiyo aan lasharciyeyn sida guddiga khubarada dartuurka, oggolaanshahadastuurka iyo shirweynaha.--4- In la soo galiyo ciidammo shisheeye oo aan wax koontarool ahiyo waqti midna ku xadidneyn.--5- In la difaaco madaxda la isticmaalayo. Waxaa aad la yaab uleh in Ha’yado iyo ururro badani iyo xataa dawlado , ay aadisugu mashquuliyeen difaaca shakhsiyaad meeshii ay xoojinlahaayeen nidaamka iyo sharciga.--26

6- In la soo jeediyo in ku meelgaarka laga baxo si loo gaarodanno kale oo qarsoon. Waxaan soo aragnay sida kampalaAccord uu khalkhalka u geliyey nidaamkii dawladda, sidaasdarteed in ku meelgaarka laga baxo iyadoo dalku uusanhaysan siyaado taam ah ama xornima buuxda waxaa lagacabsi qabaa in ay dhici karaan waxyaabo Qarannimada iyodanaha dalka waxyeeli kara.--7- In la qabto shirweyne been abuur ah lana qorto xildhibaannomacmal ah oo lagu fushado waxa la doonayo. Waxay keenikartaa inuu dalku ku sii jiro xaaladda dawladnimo xumo iyofaragelinta shisheeye oo uu hadda ku sugan yahay, iyadoolaga yaabo in loo sii cimri dheereyo kooxo aan waxba kabeddeli Karin xaaladda lagu jiro taas oo uu hubaal ka dhigayo,qorshaha Road-Map ka sida uu hadda u dhigan yahay.Road Map-ku Muxuu Yahay?--Road-Map-ku waa howlaha loogu talagalay in la qabtomuddada u harsan Hay,adaha dowladda si looga gudbo kumeel gaarka.—Hawlahaasi waxaa lagu soo koobey oo mudnaanta la siiyey, inwax laga qabto afar arimood oo waaweyn oo ah :--A- Amaniga--B- Dastuurka--C- Dib u heshiinta--D- Dowlad wanaagga--Road Map-ka waxaa laga soo saarey shir lagu qabteyMagaalada Muqdisho 4-6dii September ee 2011. Shirkaaswaxaa ka soo qayb galey wufuud ka kala socotey DowladdaKMG, Gal-Mudug, Sunna –waljamaca iyo Puntland.Su,aasha ugu horraysa ee la is weydiinayaa waa shirka waxaka soo baxay maxay yihiin ma talooyin bay noqonayaan misesharci ay tahay in lagu dhaqmo oo la fuliyo?, ma waxaa lagaansixinayaa barlamaanka si uu sharci u noqdo mase ansixinuma baahna? .--27

Dadka madaxda u ah kooxaha ka soo qayb galey shirkaaswaxay isku magacaabeen saxiixayaal ama (steak holders),iyagoo la gaarnoqday taladadalka , xaq ma uleeyihiin, yaase uwakiishay.?--Su,aashu waxaytahay sharci ma uleeyihiin in aykaligood kataliyaan masiirkadalka , waxay soosaaraanse sharci ma noqonayaan?.--Marka aad eegto sida loo dhigay (Road mapka) wuxuu kutusayaa inuu awood siinayo kooxaha isku magacaabay (steakholderska), hawlaha la qabanayo oo dhanna iyaga ayaagacanta ku haya.--Waxaa dibadda la dhigey dad badan oo wax ku kordhin karilahaa talada dalka ama doonaya in ay ka qayb galaan oodanahooda ka difaacdaan,Madaxdaasi waxay samaysteenqaabkii ay ku koontarooli lahaayeen waxa ka soo baxayashirarka la qabanayo, ayna ku xaqiijin lahaayeen waxa aydoonayaan iney ka soo baxaan, si taas loo gaarana waa incidda iyagu ay doonaan oo keli ah ay shirarka timaado , si ayu gaaraan danahooda.--Haddii sida loo qorsheeyey geeddi socodku u fulo waxaaxaqiiqa ah in aan Road-Mapkanu wax isbedel ah dalka u keenidoonin. --Marka mid mid looga hadlo afarta hawlood oo mudnaanta lasiiyey waxaa muuqata inaan la fili Karin wax macno leh ooyididiilo cusub ku soo kordhin kara dalka iney ka soo bixikarto.--28

1- Amniga:--Qorsha howleedka amniga kama muuqdo qorshe sugan oo sicad u qeexaya:--A) sida nabad loogu soo celinayo dalka.--B) Lama xadidin waqtiga ay ciidamada shisheeye ku sooafjarayaan shaqada , dalkana uga baxayaan .--C) Qorshuhu ma sheegayo qaabka loo dhisayo ciidammadaQaranka, sida loo maal galinayo iyo waqtiga ay si buuxda ulawareegayaan amniga dalka.—D) Waxyaabo badan oo qorshaha amniga lagu xusay waxaamuuqata in aan weli laysuba xilqaamin, waxyaabahaas oo ayka mid yihiin:--a) in caruurta laga ilaaliyo xadgububyada iyo in ciidamo loo qoro --b) iyo in la dhowro shuruucda caalimiga ah eebani,aadaminimada iyo xuquuqda aadanaha,Iska dhaaf inxuquuqdaas la ilaalshee waxaa beryahaan dambe aad u soobatay tacadiyada iyo xasuuqa loo geysanyo dadka rayidka ahoo ay ku jiraan caruur , haween iyo rayid tira badan kuwaasoo ku dhimanaya duqeymaha lagu geysanayo magaca dalkaKeenya, oo la sheegayo in argagixiso lagu laynayo. Meelahaciidammada keenya ay duqeeyeen oo lagu laayey dadkarayadka ah waxa ka mid ah: meelo badan oo ka mid ahgobolka gedo sida Baardheere iyo ceelcadde, Gobolkajubbada Hoose sida Husingo iyo Buulo Xaaji iwm, GobolkaJubbada dhexe waxaa ka mid ah Magaalada Jilib oo dhawrjeer la duqeeyey dad maata ah oo carruur iyo qaxooti ahnalagu laayey arrintaas oo ay caddeeyeen Hayadaha samafalkaoo ay ka mid tahay ICRC iyo dadka degaanka,.Xadgudubyadaciidammada Kenya ay geysteen waxa ka mid ah kuwo loogeystey dadka qaxootiga ah oo ku sugan xeryaha dalkaKenya ku yaal,xadgudubyaas oo ay caddaysay amnestyInternational.--29

Amisom ma laga sugi karaa in ay Dalka Amni ku sooceliso?--Ciidanka Amisom oo dalka ku sugnaa muddo dheer oo kudhow lix sano, shaqadoodu ma dhaafin magaalada Muqdishoiyo ilaalintaxafiisyada dowladdaqaarkood.--Hadda ka hor umasuurta galin in aymagaaladaMuqdisho wadahantaan iska dhaafin ay wax ka qabtanGobollada kale.--Haddi ay lix sano kabadan ku qaadatay iney sugaan nabadgelyada MagaaladaMuqdisho keli ah , lama garanayo inta uu ku qaadan doonodalka oo dhan amnigiisa in ay sugaan. Amisom umatababarna shaqada ay hadda hayaan oo ah dagaalkaMagalooyinka, waxayna shacabka u geysteen xasuuq iyoxadgudubyo badan , dad badan oo shacab ahna way laayeenhanti badanna way burburiyeen taasina maaha arrin marag ubaahane waa mid iska cad oo la wada ogyahay, waxaana laxusi karaa Bakaaraha,Boondheere, kaxda iyo MasjidkaHidaaya oo ay Madaafiic ku garaaceen Culimmadii Tabliiqanaku laayeen.--Ciidamada Amisom in kasta oo naftooda u hureen wax kaqabashada amniga dalka ayna ku mahansan yihiin iney u soogurmadeen ummadda soomaaliyeed aduunkuna ku bixiyeyMaaliyad iyo qalab badan oo milatari dalkan amnigiisa waxweyn kama bedelin. Mar kasta waa la soo kordhiyaa ayadoonxaaladda ciidammada soomaaliyeedna waxba iska beddelin.Amisom waxay ku guuleysatey in aan ciidammada30

soomaliyeed la aaminin lana maalgalin ayadana ay talasaartaan madaxda dalka iyo dawladaha kaalmeeyaaba.--Tababbarka iyo Qalabaynta Ciidanka Soomaaliyeed--Waxa keli ah oo wax ka beddeli kara xaaladda amniga dalkawaa in la helo ciidan Soomaaliyeed oo u diyaarsan qabashadahawshaan culus, kuwaas oo haysta qalab iyo tababbar fiican,lana siiyo xannaanoiyo Dishibiliinwanaagsan oo ayhawshooda ku gudankaraan.--Muddadii ay jirteydawladda Federaalkaku meel gaarka ahwaxaa la sootababbaray ciidammobadan oo soomali ah, tababbarkaas oo ay ka qayb qaateen dawlado badan oo ayka mid yihiin kuwa Gobolka iyo Yurub, sidoo kale waxaa jireytaageero xagga ciidanka ah oo la siinayey dawladda. Sikastaba ha ku dhacdee wax weyn oo faa’iido ah lagama helintaageeradaas,iyadoo aan dalka loo soo saarin ciidan waxqaban kara.Sababaha laga yaabo iney hor joogsadeen in lahelo ciidan Soomaaliyeed oo wax qaban kara waxa ka midnoqon kara:--1.Iyadoo dawladaha deeqda bixiya ayan dhiirri gelin in la dhisociidan Soomaaliyeed beddelkeedana ay door bideen ineytageeraan ciidammada Amisom oo ay dhaqaale badan kubixiyaan, taas oo aan la garaneyn inta ay taageeradaas siiwadi doonaan.-31

2.Ciidammada Soomaaliyeed oo aan weli loo qaabayn qaabwanaagsan oo ciidan iyo masuuliyadihii ciidanka oo aan sifiican loo hawlgelin.--3.Ciidanka oo aan helin mushaar joogto ah oo ku filan oo ayku shaqayn karaan iyo daryeel caafimaad oo waxtar leh, intabadaanna dhaawacoodu uu dayac ku dhaco.--4.Qalabka dagaal oo ay haystaan oo liita markastana hubkacadawgoodu haysto uu ka fiican yahay kana taya sarreeyokan ay haystaan, isla markaana aysan helin logistikada iyogurmadka ay u baahan yihiin waqtiga ku habboon. Inta badanmarka askarigu uu soo dhammaysto tababbarka oo uu dalkaku soo laabto waxaa la siiyaa qori iyo lebbis uu ku dagaalgalo, isagoo aan helin mushaar joogto ah , daryeel caafimaad,raashin ku filan iyo hub uu isku difaaco midna, taasina waxayaskariga ku kalliftaa arrimaha soosocda middood:--a) Inuu inta qorigiisa gato shaqada ka dhuunto.--b) Inuu cadawga u galo haddii uu ka baqo in tallaabo lagaqaado ama la xiro.--c) Inuu raadsado shaqa kale oo uu noloshiisa ku dabbarohawsha ciidankana u googooyo oo marmar uun yimaado.--d) Iyo inuu noqdo burcad dadka dhaca oo noloshiisa ku soosaarta qorigii iyo lebbiskii loo siiyey inuu dalka ku difaaco,taasina waa dayaca lagu hayo ciidanka soomaaliyeed.--Lama garanayo waxa loo diidey in dalka ciidankiisa laqalabeeyo oo la maalgeliyo taasoo ay maaliyadda kubaxaysaa aad uga yar tahey tan ku baxaysa ciidammadashisheeye dalkana uga mustaqbal fiican oo suurtagalin kartainuu amnigiisa hanto la dagaallanka argagaxisadana ugafiicnaan lahayd.--waxaa intaa dheer in taladii dalka ay u sahlanaatey inshisheeyuhu siduu doono ka yeelo oo wax kasta oo madaxdalaga rabo loogu caga jugleeyo haddii aadna saas yeelin32

ciidankeenna waa la baxaynaa sidii lagu sameeyey Ra’iisulWasaare Farmaajo.--Midawga Al Qaacidda iyo Alshabaab--Sidaan anigu u arko Midowga labadan urur ma aha arrin fududoo la yaraysan karo. Waa run iney labada urur lahaayeencalaaqaad muddo dheer soo jirey, waxa kale oo jira ineydhibaatooyin iyo khasaarooyin kaleba ay waayahan dambesoo gaareen,iyadoola dilay dadmadaxdooda ka midah. Mabda’a labadaurur ay ku dhisanyihiin ma aha inwaqtiga hadda lajoogo in maamulloiyo dawlado ay ka taliyaan la dhiso, hase yeeshee waa in laburburiyo maamullada jira dadkana la baqdin geliyo oo laargagixiyo. Fursadda Alshabaab ay heshay ee ay ku qabsatayGobollo badan oo ay maamul ka samaysatay muddana kubadbaadey waa fursad dheeraad ah oo aan caadi ahayn oo ayheshay, dhab ahaanna ay ka faa’iideysatey, taas oo ku timidtabar darrada iyo maamul xumada amniga dawladda ku meelgaarka ah.--Ku biiritaanka Alshabaab ay Al Qaacidda ku biirtay waxay kadhigan tahay Alshabaab oo qaan gaartey oo masuuliyaddeedila sii ballaariyey oo meeshii ay Soomaaliya ka hawl geli jirteyhadda ka hawlgelaysa waddama badan, sidoo kale waxaahadda wada hawl gelaya dagaalyahanno dalal badan kakooban, si dagaalka looga shido dalal badan.Dhowaan waxaa lagu qabtay dalalka deriska dagaalyahannodhalashadoodu kala duwan tahay oo watay baasaboorrada33

dalalka reergalbeedka ah kuwaas oo u socdey iney ku biiraanAlqaaciddada Geeska Afrika.Dagaalyahannadaasi oo ay kamid ahaayeen dad asal ahaan kasoo jeeda Bakistaan,Poland,Bangaladesh, Afrikaan iyo Carab waxay intooda badanwateen dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.Cunaqabataynta Hubka--Guuldarrada haysata ciidanka dalka waxay inta badan katimaaddaa taya xumada qalabka ay haystaan , yaraantasaadka,iyo mushaar la’aanta haysata. Kooxaha mucaaradkaah ee dawladda ka soo horjeedaa waxay hubka ka helaanSuuqa Madaw , kaas oo ayan marna saamayncunaqabataynta Qarammada Midoobey ay dalka ku soorogtey. Qof kasta oo Suuqa Madaw ee Soomaaliya Hub karaadsada si fudud ayuu ku heli karaa inta uu doonana wuu helikaraa.--Cunaqabataynta Qarammada midoobey ay Soomaaliya kusoo rogtey waxay saamayn weyn ku yeelatay ciidankaqaranka maxaa yeelay dawladdu waxay hubka ka heshaa ilorasmi ah (Official Sources) oo keli ah, taasina waa sabab kamid ah sababaha uu u dhismi la’yahay Ciidan Soomaaliyeedoo waxtar leh.--Caalamka oo fududaystay soo celinta Amniga--Waxaad mooddaa sida caalamku u wajahayo arrimahaSoomaaliya inaan la siin mudnaanta ay leedahay.Mushkiladdani ma aha mid Soomaaliya ku ekaanaysa . Waaarrin mabda’ ku salaysan oo si fudud loogu faafin karoadduunka oo dhan oo aaney jirin meel ka badbaadaysa.Ciidammada hadda Al Shabaab u dagaallama waxaa lasheegaa iney ka kooban yihiin waddama badan, oo ay ka midyihiin Carab, Afrikaan, Yurub, Maraykan iyo Aasiya, kuwaas34

oo ugu dambayn fikirkaas kula noqon doona dalalkii ay kayimaadeen. Kuwa dalal badan oo Afrikaan ah ka socdanawaxay siiyaan tababbarro, ay uga hawl galaanwaddammadoodi. Waxaa lagu qiyaasaa ciidammadaShabaabka in badan oo ka mid ah iney ka yimaadeen dalalkaderiska ah sida Kenya, Itoobiya iyo Yemen IWM.—Caalamku wuxuu ku hallaynayaa iney wax ka qabtaanCiidanka Amisom iyo kuwa ka socda dalalka deriska ah sidaKenya iyo Itoobiya oo laga yaabo iney dalka u soo galeensababo kala duwan oo ay ka mid noqon karaan arrimodhaqaale, tababbar iyo nabadgelyo. Ciidanka noocan ah inuuwax ka qabto amniga Soomaaliya wuxuu u baahan yahaywaqti dheer , dhaqaale badan iyo inuu wax badan ka bartoduruufta iyo dhaqanka soomaaliya. Waxaa laga yaabaaCiidammadani iney kala wareegaan Magaalooyin waaweyndabadeedna ay shabaabku u durkaan meelaha Miyiga ah iyotuulooyika fogfog oo ay kasoo qaadi karaan dagaallo ku dhifooo ka dhaqaaq ah kaas oo muddo dheer inuu qaato lagayaabo. --Sida hadda lagu arkay ciidammadani meelaha ay kahawlgaleen waxay shacbiga u geysteen khasaarooyin badanoo naf iyo maalba leh, taas oo markeeda laga yaabo ineyShabaabku ka faa’iideysan karaan muddada fog. sidaaswaxaa la mid ah ciidammada soomaaliyeed oo aan Mushaariyo Xannaano fiican la siin Dishibiliin iyo akhlaaqwanaagsanna aan lahayn haddii ay shacbiga ula dhaqmaan sixun waxay keeni kartaa in shacbigu uu la shaqayn waayociidammada iyo barnaamijyada ay dawladdu waddo.--Sidaas darteed waxaa habboon in la qaado hawlgal caalamkuiska kaashado oo muddo kooban lagu soo afjaro, kaasoo ayku jirto tababbarka iyo qalabaynta ciidammada Soomaaliya35

maxaa yeelay waa ciidanka dalka oo keli ah kan meel kastaoo ay galaan argagixisadu ugu geli kara ,markaa ka dib waain dalka doorasho laga qabto oo loo dhiso dawlada isku filan,sidii laga sameeyey Afganistaan iyo Ciraaq.--Amniga GudahaXagga amniga waxaa jira amni xumo aad u baahsan oo gaarahaan ka jirtadegmooyinka aydawladdu ka taliso.Ciidammada dawladdadad dharkooda wata oohubaysan ayaa jira,kuwaas oo ku lug leh amashacbiga u geystaburcadnimo hubaysan,kufsi iyo isbaarooyin.Waxa jira dad inta waxdila aan la qaban Karin,inkastoo dad dad diley la qisaasay, haddana ninka xoogga lehweli si buuxda looma qaban karo , sharcigana lama horgeeyo.Marar badan waxaa la maqlaa Guddoomiyaha maxkamaddaciidammada oo ka cabanaya inuu gacan ka waayey talisyadaciidammada oo soo qaban waayey gacan ku dhiiglayaal daddiley si sharciga loo horgeeyo. Cidammada dawladda ayaamarar badan dhexdooda is rasaaseeya oo ay dad badan oorayid ah ku dhintaan waxna aan laga soo qaadin. Shacbigawaxaa lagu laayaa meelaha kontoroollada marka ay lacagbixin waayaan ama ay la kulmaan is rasaasaynta ciidammadadhexmarta waxna lagama soo qaado.36

Waxaa jirey qaraxyo ismiidaamin ah oo dad badan oobulshada qiima weyn ugu fadhi yey lagu laayey kuwaas oo ayka mid ahaayeen Wasiirro, Dhakhaatiir, Arday , Saraakiil,Culumaa’uddiin iyo dad badan oo sharaf iyo qiime ku lahaabulshada dhexdeeda.Qaraxyadaas waxaa ugu waaweynaaQaraxii Beletweyne oo ay ku dhinteen dad badan oo ay ka midahaayeen Cumar Xaashi Aden Wasiirkii Amniga ee dawladdaku meel gaarka ah iyo danjire Cabdikarin Faarax Laqanyo,Qaraxii Shaamow03.12.2009,kaas oo ayku dhinteen arday kaqalin jebineyseykulliyaddadaawada,Dhakhaatiir iyo4 Wasiiro oo ay ka midahaayeen IbraahimXasan Caddow, AxmedCabdullaahiWaayeel,Qamar Aden Cali iyo Suleymaan ColaadRooble,.Qaraxii ka dhacay Hargaha iyo Saamaha oo ay kudhinteen dad 100 kor u dhaafay oo arday waxbarashodebedda u aadi lahayd u badnaa iyo qaraxyadii ka dhacayHoteel Muna,Garoonka Diyaarada Muqdisho,XeradaSheellare iyo kii lagu dilay Wasiirkii Amniga Cabdishukuur ShXasan Faarax iyo kii ka dhacay Golaha Murtida iyoMadadaalada oo waqtigaas uu ku sugnaa Ra’iisul WasaaruhuCabdiweli Maxamed Cali.Marar badan waxaa dhacay in lagu diley xildhibaanno,Saraakiil, dad shacbi ah iyo Weriyeyaal ay ugu dambeeyeenAgaasimihii idaacadda Shabeelle Xasan Cismaan (Fantastic)iyo Cabdisalaan Xasan Xiis (Horn Cable), Abuukar XasanKadaf (Soomali Weyn) iyo Cali Axmed Cabdi oo Gaalkacyolagu diley,Waxa jirey dhacdooyin xasuuq weyn la geystey sida37

tii Isbitaal Banaadir hortiisa ka dhacday iyo tii Tiyaatarkahortiisa ka dhacday.. Dhacdooyinka qaarkood waxa lasheegay in dad loo qabtay hase yeeshee sharci lama geyn oolama garanayo meel ay ku dambeeyeen. Xukuumaddu waxaymar kasta sheegtaa iney dhacdooyinkaas baareyso haseahaatee wax qabad la taaban karo lagama hayo, arrimahaaswaxaa asal u ah karti xumada iyo waxqabad la’aantaxukuumadda dalka ka jirta.2.Dastuurka--Samayn dastuur dalku uu yeeshowaa arin lagama maarmaanah,maadaama uu Dastuurku yahaysharciga ugu sarreeya shuruucdadalka iyo saldhiga shuruucda dalkaoo dhan.Iyadoo ay lagamamaarmaan tahay in isaga laftiisa uuku salaysnaado shareecadaislaamka.waa Dokumentiga lagadheehan karo habka siyaasadeed iyo sida ay u dhisan yihiinHayada dawlada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.waxa loobaahan yahay in dastuurkaas diyaarintiisa ay ka shaqeeyaandad aqoon gaar ah u leh qaababka Dasaatiirta loo diyaariyo,dad aqoon u leh dhaqanka soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka.Doodihiisa waa in laga qayb geliyo qaybaha kala duwan eebulshada si ay gorgortan uga galaan waxa ay doonayaan si uuu noqdo mid ku dhisan heshiis Qaran oo aan kooxina koox kukhasbin waxa ay doonayso,markaas ka dibna waa indadweynaha loo bandhigo oo Afti Qaran lagu ansixiyo iyadoodalku nabad yahay , oo qof waliba codkiisa si xor ah u dhiibankaro. Dastuurku waa inuu daweeyo arrimaha dadku iskuhayaan. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa Somalilandwaxa ay leedahay waan ka go’nay Soomaaliya waxaan nahay38

Dawlad Madaxbanaan oo xadkeeduna yahay kii ingiriiskukaga tagay,Puntland waa dawlad Goboleed xadkeedu uuyahay dhulka Beelaha Harti ay degaan khaatumo state oolabadaas maamul dhulka ay sheeganayaan deggani waxaydoonayaan inay aayahooda ka taliyaan oo ay dhistaanMaamul ka madaxbanaan oo iyagu iska leeyihiin,Dastuurkawaxa la doonayaa inuu xalliyo kala qaybsanaanta MagaaladaGaalkacayo oo hadda u kala qaybsan Maamulka Puntland iyoGalmudug.waxa la doonayaa inuu xalliyo dadka maamulladasamaystay iyo kuwa weli dhulkooda la haysto oo aan awoodininay maamul u dhistaan sidii ay wax isugu darsanlahayeen.Arrintani ma aha mid sahlan oo u baahan in lagudeg dego,haddii la doonayo in dalka loo sameeyo dastuurwanaagsan oo saldhig u noqda xallinta dhibaatooyinka dalkaka jira, waxa ay u baahan tahay in waqti ku filan la siiyo ooaad looga gorgortamo.--Marka la eego xagga sharciga axdiga ku meel gaarka ahsamaynta dastuurka wuxuu u xilsaarayaa guddiMadaxbannaan kaas oo aad loogu caddeeyey Axdigahabraaca shaqo ee uu u marayo samaynta dastuurka (Eegqodobka 11 ee Axdiga ku meel gaarka ah) . Guddigaas oobaarlamaanka laga ansixiyay xeer Madaxweynahana lagumagacaabay. Xukuumaddu waxa ay magacawday guddiyokale oo dastuurka ka shaqaynaya iyadoo aan loo marin qaabsharci ah. Guddigu haddii farsamo ama khubaro kale ay ubaahan yihiin waxa wanaagsanaa inay iyagu qortaan lagunagacan siiyo laakiin ma jirto cid kale oo inta iyaga kalawareegta sharci u leh inay dastuur qaran sameeyaan,haddiiaan si sharci ah looga wareejin shaqadaas. Xukuumaddawaxaa u furan haddii ay dhaliisho shaqada guddiga ama ay ubaahato in si uun wax looga beddelo qaabka dastuurku usocdo iney soo samayso hindise sharci oo ay baarlamaankahor keento si uu uga doodo., --39

Wax ka Beddelka Axdiga Iyo Sharciyaynta Guddiyada iyoShirweynaha --Marka aad hoos u eegto Road-Map-ka waxay ahayd in isbeddel lagu sameeyo axdiga ku meel gaarka ah ugu dambayn19 sept 2011 si wax looga beddelo qodobbada Axdiga oo horistaagi kara shaqada la wado hase yeeshee waxaa la yaab lehin Road-Map-ka u xilsaaro inay shaqadaas qabtaanGudoomiyaha Baarlamaanka iyo guddiga Madaxabannaan eeDastuurka iyo Wasiirka Garsoorka kuwaas oo aan awoodsharci u lahayn inay axdiga wax ka baddelaan.waa nasiibdarro in dadka Masiirka dalka ka talinaya aysan garanayn sidaaxdiga wax looga badelo iyo cida xaqa u leh inay wax kabadesho.Sidoo kale cidda la horgaynayo Qabyo QoraalkaDastuurka oo laga rabo inay oggolaato waa kooxda iskumagacawday Steak Holders oo aad mooddo sida ay udhaqmayaan inay qabanayaan shaqadii Baarlamaanka.Guddiyada iyo shirarka la xiriira oggolaanshaha dastuurkadhammaantood waxa ay u baahan yihiin in shuruuc lagusameeyo Baarlamaankuna ansixiyo.qaybta ugu dambaysawaxa ay sheegaysaa in la soo saarayo shuruuc badan sidasharciga doorashada.Xukuumadda oo aad Mooddo iney Go’aansatay ineySharciga Garab marto,--Hawlaha hadda dalka ka socda waxay dhammaantood ubaahan yihiin in sharci lagu saleeyo, si ay sharci u noqdaan.Samaynta dastuurka cusub, qaban qaabada shirweynahadastuurka iyo yaraynta xubnaha Baarlamaanka waxay ubaahan tahay in shuruuc lagu xaddido. Waxa kale oo loobaahan yahay in wax laga beddelo axdiga ku meelgaarka ahsi loo sharciyeeyo hawlaha la wado. Waxaa la yaab leh insamaynta dastuurka oo masiirka dalka oo dhami ku xiran40

yahay loo maro waddo aan sharci ahayn si loogu adeegsadogaaritaanka dano siyaasadeed oo gaar ah. Sharci lagusameeyey si sharcidarro ah ma noqon doonaa mid sharci ahoo dalka ka dhaqan gala, waa wax la arki doono?.Soo Xulidda Ergooyinka Shirweynaha AnsixintaDastuurka,Sida ku cad Mabaadii’da Garoowe dastuurka waxaaansixinaya 1000 qofood oo ay soo xuleen dad la soo xulay.Dastuurku waa wax qof kasta oo Soomaali ahi uu xaq kuleeyahay mana noqon karo wax ay ansixin karaan dad gaarah oo la soo xushay. Waxaa loo baahan yahay in la dhegeystoqofka diiddan iyo kan taageersan ee maahan inta taageersaniinta meel isku xirtaan iney ansixiyaan Dastuur Qaran. Waxawanaagsanaan lahaa marka uu soo dhammeeyo guddigadastuurku qabya qoraalkooda in loo gudbiyo golaha wasiirradaiyaguna u gudbiyaan barlamaanka dabadeedna guddi kakooban barlamaanka iyo khubarada dastuurku soo tifaf tiraansi dadweynaha loogu bandhigo.Markaa ka dib haddii ay lamahuraan noqoto in dad koobani ansixiyaan waa in la tilmaamomeelaha ay dadkaasi ka imaanayaan sida Haweenka,Dhallinyarada, Culummada,Axsaabta Siyaasadda, Gobolladaoo lagu daray xubnaha Barlamaanka IWM.Arrinta ku saabsan soo xulidda xubnaha barlamaanka waxaaxaq u leh beel Hoosaadyada(Sub-Sub clans) waxaana siinayaaxdiga ku meel gaarka ah, waxa keli ah oo laga hubinayaainey shuruudihii loo dhigay xildhibaanka soo buuxiyeen. Saxma aha in boos walba laba qofood loo soo sharraxo sababtooah waxaa imaan kara in labada qofood la kala shukaansadooo midkood heshiis hoose lala galo,si hadhow codkiisa loogafaaiideysto.Federaalka:--41

Fikrada ku saabsan in loo qaybiyo dalka Soomaaliyamaamullo yar yar oo tabar yar.Waa arrin laga sooshaqaynayey muddo dheer oo ay wataan wadammadaderiska ah oo dareen ka qabafikradda Soomaali weyn oo saldhigu ahaan jirtay Qarankiisoomaaliyeed ee xooggalahaa.Somaaliya ilaa xornimadii kahor waxa jirey dhaqdhaqaaq iyofikir ku saabsanaa in dadka kuhadla af soomaliga la mideeyo, taasoo sababtay dagaallo ay jamhuuriyaddii soomaliya la gashodalalka deriska ah.Markii dawladdii dhexe ee soomaaliya ay burburtay dalalkaderiska ah waxay aad uga shaqeeyeen inaanu dib usoo noqonQaran Soomaliyeed oo xoog leh oo mid ah. Markii hore waxayfekereen in dagaallo iska socdaan oo rag dagaal oogayaal loobixiyey laysku hubeeyo taas oo muddo shaqaysay, haseyeeshee waxa laga baqay in arrintu faraha ka baxdo oo laxakamayn waayo hubka badan oo ku qulqulaya dalka, sidaadarteed waxa la goostay in soomaalida loo dhiso Dawlad taagdaran , oo laga maamulo urur Goboleedka IGAD oo aydawladaha deriska ahi gacanta ku hayaan.--Markii uu dawlad xilligeedu soo dhowaado waxa caadonoqotay in la baabii’yo oo mid cusub loo guuro iyadoo lagusalaynayo shirweyne Qaran oo soomalida looqabto.Dhammaan shirarkaas waxa loo dhigayay in loogahadlo sidii soomalida looga dhigi lahaa dawlad Federal ah.--Shirkii Carta Soomalidii ka qayb gashay waxay ku adkaysteenin arrinta Federaalku ay ku hirgeli karto oo keli ah markashacbiga afti looga qaado oo ay saas doortaan.--42

Fikirkaas waxa la sii ambaqaaday shirkii Embagathi oo Kenyalagu qabtay oo Duruuftiisana si fiican ay uga soo shaqeeyeendawladdihii danaynayey, oo dadkii shirkaas ka qayb galay ayhogaanka u hayeen qabqablayaashii dagaalka oo hirgelintafikirkaas in badan lagu soo tabcay.--Shirku wuxuu qaatay in la qaato nidaamka Federaalkaah,laguna hirgeliyo muddo laba sano iyo Bar ah haddii lahirgelin waayana xukuumaddaas la rido. Waxa arrintaasmurankii ka bilawday lagu riday dawladdii Cali MaxamedGeeddi iyadoo khalkhal lagu geliyay tii Nuur Cadde iyo tiiCumar Cabdirashiid. --Hirgelinta fikirkan waxay u galeen dalalka deriska ah halganbadan iyadoo dad badan oo gobollo kala duwan lagadhaadhiciyay inuu xalku ku jiro inay sameystaan maamullo ugaar ah.--Waxa lagu guulaystay in Somaliland ay gooni isu taag kudhawaaqdo,Putlandna ay noqoto astaanta u taagan insoomaliya maamullo Federal ah loo qaybiyo ,waxaa lagayaabaa iney taasi tahay sababta ay uga badbaadeen qaska kajira koofurta iyo Bartamaha. Waxa arinta aad u sii xoojiyaysiyaasadda Maraykanku qaatay ee labada weji ku shaqaysa[Dual Track Policy], halkaas oo maamul Gobolleedyada haddala qorshaynayaa ay gaadhayaan 26. Fikirkani ma aha midsoomalidu dooratay ee waa mid kor looga keenay oo lagukhasbayo.--Arrimaha hadda socda ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahaywaa in la helo qaab loo maro hirgelinta Nidaam Federal ah eesoomaliya iyadoo loo adeegsanayo Road-Map-ka iyosamaynta dastuurka, waana wax ay dawladaha deriska ahi aymuddo dheer ku taamayeen kana shaqaynayeen iney mar uunsoomaaliya gobollo yar yar u kala qaybiyaan.43

Madaxda Dawladaha deriska ahi weligood ma qarsan ineysanSoomaaliya dawladnimo la rabin, xasuuso oraahdiiMadaxweynihii hore ee dalka Kenya Arab Moi iyo WasiirkaArrimaha Dibedda Watangula oo hore u qiray ineysanSoomaaliya dawlad la rabin, akhriso maqaal uu qoraywargeyska Daily Nation oo sheegay in Kenya iyo Itoobiya ayqaybsan doonaan Soomaaliya iyagoo u maraya Maamulka aySoomaaliya u dhiseen .--Dawladaha Deriska ah Dani ma ugu jirtaa SoomaaliyaGobollo ah.—Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhacaywuxuu gobolka ku soo kordhiyey iney aad isu dhexgalaanshucuubta ku nool gobolkan geeska Afrika ayna sooyaraadaan cuqdado badan o o ay kala qabeen shucuubta kunool geesku.Dadka Soomaaliyeed waxay u qaxeen dalal badan oocaalamka ah oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa deriska ah,halkaas oo ay masaalix iyo ganacsi badan ku yeesheen aynadoonayaan iney siihorumariyaan;,dad badan oou dhashay dalalka deriskagaar ahaan keenya iyoEthopia waxay shaqooyin iyoganacsiba ku yeesheenSoomaaliya,kaasoo haddiidalku dego la sii wanaajinkaro. Sidaas darteed waxaaka muuqda gobolka saadaal cusub oo sheegeysa inshucuubta gobolku ay leeyihiin fursado cusub oo u suurtagelinkara is dhexgal iyo wada noolaasho ka fiican kii hore.44

Waxaa lays weydiin karaa hadda dawladaha deriska ah danima ugu jirtaa in soomaaliya loo qaybiyo maamulo yar yar.Marka la tixgeliyo ifafaalaha cusub ee ay la soo baxdayAlqaacidda oo hadda noqotay mid caalami ah oo aan dal gaarah ku koobnayn, waxa la oran karaa iney u wanaagsan tahaysoomaaliya iyo dawladaha la deriska ahba loo dhiso dawladxoog leh oo dalalka deriska ka ammaan gelin karta dadkeedakuna filan maamulka xuduuddaheeda.Haddiise laga dhigomaamullo yaryar oo inta badan qabiil ku salaysan, waxaymuddada fog noqonayaan meelo ay argagixisadu kubadbaaddo, oo waxyeello badanna uga geysan karto dalalkaderiska ah iyo caalamka intaba.Dib u heshiisiinta-Marka la eego xaaladda dalku uu hadda ku sugan yahay dib uheshiisiintu waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay.Waxaajira cabashooyin badanoo xal u baahan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:--Dad sheega naya in dadkale dulmi ku haystaandegaannadoodi,sidakooxo ama urruroMaamullo sameystay oodad kale xoog ku maamula.--I. Waxa jira qabiilooyin uu ka dhaxeeyo dagaallo daaqa iyodeegaanka ku salaysan,--II. sidoo kale waxa jira khilaaf siyaasadeed oo noocyo badan iyowejiyo badan ku imaan kara.--Sidaasi darteed waxa loo baahan yahay dib u heshiisiinnoocyo badan leh oo saldhig u noqon karta in la gaaro xalwaara. Marka aan taabanno meelaha ugu muhimsan oo la45

oran karo xal soomaaliyeed waa laga dooni karaa waana inlaga fekero waxa ka mid ah:--a) Mushkilladda ugu weyn ee jirta waxa lagu sheegi karaa sidiiloola xaali lahaa kooxda Alshabaab oo ah dhibaatada uguweyn ee hor taagan dhismaha Qaranka soomaliyeed. Road-Map-ka ma sheegayo qaabka dib u heshiisineed ee kuhabboon iyo wixii isku day ah oo la samayn karo si loofurdaamiyo dhibaatadaas. Waxaa la ogyahay in Afganistaanoo Toban sano uu ka socdey dagaal la mid ah kan dalkeennaka socda ayna wadeen ciidammo ka xoog badan kuwa nalajooga in ugu dambayn ay ka fursan weydey in lagu dayo dib uheshiisiin. Waxa keliya oo loogu talo galay waa in lagu xaliyoxoog ciidan iyo in dagaal looga guulaysto.--b) Sidoo kale waxaan ka muuqan sida loola xaajoonayoSomaliland oo ku dhawaaqday iney gooni isu taagtey,--c) waxa keliya oo Road-Map-ka lagu xusay waa Ahlu Sunna iyokhilaafyada yar yar ee deegannada qabaa’ilka ka dhacakuwaas oon iyana waxba laga qaban.--d) waxa intaas sii dheer khilaafaad badan oo soo if baxay intiiRoad-Map-ka la sameeyay ka dib,ama la oran karo waxaabakeenay Road-Map-ka waxaana ka mid ah: --i} khilaaf aad u xoog leh oo ka soo if baxay baarlamaankadhexdiisa kaas oo laga yaabo inuu halis geliyo Sharciyaddaiyo hirgelinta Road-Map-ka iyo guud ahaan siyaasadda dalka.-ii) wuxuu kale oo khilaafkaasi dhex galay ururka Ahlu Sunnaoo in badan ka cawda dadka shirarka uga qayb gala oohadba la xusho qofka markaa la danaynayo marar bandannala arko iyagoo shirar jaraa’id qabanaya oo sheegaya inaan sifiican loola dhaqmin.--46

iii) Burbur ku socda Mamulladdii horey u jirey sida Somalilandiyo Puntland oo ay ka soo hoos baxeen maamullo cusub oodoonaya in la aqoonsado lagana tixgeliyo arrimahaSiyaasadda dalka maamulladaas waxaa mid ah :KhaatumoState, Awdal State, Raas Casayr iyo kuwa kale sidoo kalekoofurta iyo bartamaha waxaa ka jira maamullo u baahan intalada dalka laga tixgeliyo--e) Dagaallada u dhaxeeya beelaha oo iyaguna meelo badanka jira iyagana wax macno leh oo laga qabtay ma jirto.Hawlihiidib u heshiisiinta ee la qorsheeyay in la qabto ee Road-Mapkaku qornaa waxba lagama qaban haba yaratee,sidaasdarteed waxa muuqata inaan markii horeba ujeeddadu ahaynin dib u heshiisiin wax laga qabto,waxa keliya ee dib uheshiisiinta Road-Map-ka loogu soo daray in ujeeddooyin kalelagu gaaro barnaamijkana lagu qurxiyo.--4-Dawlad Wanaagga iyo Maamulka Maaliyadda-Dhibaatada ugu weyn ee soomaliya haysata maanta waaDawlad xumo,sida Hayadihii dawladda oo shaqadoodii aanqaban Karin,ammaanadii oo luntay,wax sharci ah oo ladhawro oo aan jirin iyo xisaabtan la’aan baahday.--Waxyaabaha Road-Map-ka lagu sheegay waxa ugumuhiimsan in:--a) Dakhliga dawladda si fiican loo diwaan geliyo wixii soogalana Bankiga lagu xareeyo.Arrintaasi waa fiican tahaywaxase ka horreysa in shuruucdii Maaliyadda iyo tariifooyinkiiwax lagu qaadi jirey dib loo habeeyo,oo la waafajiyo xaaladdadalku ku sugan yahay, waxa la qaadayana shuruuc lagusaleeyo.Tariifadii hore waxay ku salaysnayd shillin Somalimidda hadda la qaadana waxa lagu bixiyaa Doolar.Waxa kaleoo loo baahan yahay in shaqaalaha Maaliyadda ka shaqeeya47

laga dhiso dhinacyo badan si ay shaqooyinkooda si hufan ugugudan karaan.waxa qorshuhu soo jeedinayaa in sharci loo soosaaro la dagaalanka Musuqmaasuqa guddina loosameeyo.sharcigaas weli Baarlamaanka lama keenin in kastaoo guddigii la sameeyay.b) Arrintu sida ay hadda u jirto ma aha mid guddi wax kaqaban karo waxaan u arkaa in dhismaha guddigu uu noqonkaro oo keli ah wax ii dheh ah oo loo muujinayo in HayadahaDeeqda bixiya lagu qanciyo ama dano kale laga leeyahay,Siguddi la dagaalama Musuqmaasuqa uu shaqo fiican u qabtowaxa loo baahan yahay in Hayado badan oo Qaran ooshaqadiisa Aas-aas u ah la xoojiyo kuwaas oo ay ka mid yihiinXisaabiyaha guud,Hanti dhawrka guud,Xeer ilaalinta,Maxkamadaha iyo Booliska,si ciddii musuq lagu helo looqaban karo oo sharciga loo horgeyn karo.c) Guddigu wuxuu u baahan yahay xasaanad iyo xannaano ayuga badbaadi karaan in lagu shaqaysto ama loo cagajugleeyo.—Hagaajinta Habsami u socodka Shaqada Qaranka--Marka qiimayn lagu sameeyo guud ahaan habsami u socodkahawlaha loo hayo Qaranka soomaaliyeed ma jiro maantaxafiis dawladdeed oo si hufan uga soo baxa shaqadii looabuuray,Ma jirto aqoontii lagu socodsiin lahaa shaqadadawladda iyadoo dhammaan dadka xafiisyada jooga ayshaqada ku cusub yihiin wax shuruuc ah oo ay kushaqeeyaanna aysan jirin.Marka aad eegto Miisaaniyada ma jiro shaqaale joogto ah iyomid ku meel gaar ah midna, waxa keli ah ee ku qoran waagunnooyin taas oo sidii la rabo loo isticmaali karo .Ma jirto48

qaab mushahar oo dadka lagu shaqaaleeyo iyo heshiis lalagalo shaqaalaha midna.Xafiisyo badan oo dawladda shaqaalahoodu wuxuu is labeddelaa masuulka markaa jooga sidaa darteed ma jirtowaayo aragnimo shaqo oo la kala dhaxlo,XafiiskaMadaxtooyada, Barlamaanka iyo kan Ra’iisul wasaarahamidkoodna ma joogaan shaqaalihii la soo shaqeeyeymasuulkii xafiiska uga horreeyey Wasaaradaha iyo xafiisyadakalena waa la mid, taasi waxay keeneysaa inaan la helinshaqaale khibrad leh iyo shaqo raadraac leh.Afartii sanno ee la soo dhaafay shuruucda xukuumaddu ayBaarlamaanka u soo gudbisay 10 ma dhama,taasi waxaymuujinaysaa inaan dalkan shaqo loo hayn,Shaqada lagaqabto xafiisyada dawladda inta badan waa qaabbilaad ,kormeer iyo shirar maxaa yeelay waa shaqooyin aan ubaahnayn khibrad iyo aqoon. Shaqaalaha dawladda lagumaxusho aqoontooda,waaya aragnimadooda iyo kartidooda,waxaana inta badan lagu qoraa weji garad iyo arrimo kale ooaan caddaaladda shaqa ku lahayn.Fulinta Sharciga iyo GarsoorkaGarsoorku waa Hayadda saddexaad ee maamulka dalkawaana meesha ay taallo sirta dawlad xumada waddankanhaysata. Waa meesha haddii muran dhaco ay tahay in la aadooo lagu kala baxo loona hoggaansamo xukunkooda, ciddii uhoggaansami weydana lagu khasbo. Haddii sharci adag dalkaka jiro qof kastaa wuxuu ku khasban yahay inuu sharciga kabaqo. Haddaba Hayadda ahmiyaddaas leh lama siinmudnaantii ay dalka ku lahayd looma dhammaystirinAmkaaniyaadkii, Dhaqaaliyhii iyo ammaankii ay ku shaqaynlahayd,Lama garanayo waxa xafiisyada Barlamaanka, xafiiskaRa’iisul wasaaraha iyo Madaxtooyada ciidammadu ugu49

wareegsan yihiin garsoorkuna uu u yahay meel aan amnilahayn, aan dhaqaale lahayn oon xasaanad lahayn. Markaaad Miisaaniyadda eegto waxaad arkaysaa in Wasiir kuxigeenka Barlamaanka xubinta ka ah uu Mushaarkiisu gaaroUS D 3500/, meesha Guddoomiyaha Maxkamadda sare uuMushaarkiisu yahay USD 1000 Garsoorayaasha iyoshaqaalaha kale iskaba daa waxay ku nool yihiin xaalad nololxumo tii ugu darnayd. Waxaa intaa dheer GuddoomiyahaMaxkamadda Sare waxaa loo beddelaa sida shaqaalahacaadiga ah,Waddanka halkaas garsoorkiisi la dhigay lagamayaabo inuu caddaalad iyo horumar ku tallaabsado.Waxa kale oo dalka ka maqan Maskax Sharci oo sharcigaaamminsan oo u diyaar ah iney iyadusharciga u hoggaansanto ummaddanaku dhaqdo,Ilaa hadda waxaa la awoodila’yahay in lagu dhaqmo axdiga kumeel gaarka ah oo qodobbo dhawr ahka kooban, isagana markii lagu murmomaxkamadda lala ma aado ee qofkasta meeshii uu taageero ka raadsankaro ayuu aadaa inta bandanna waxaaRafcaankaas loola tagaa bulshada caalamka oo aan marnaoran war sharcigiinna ku kala baxa ee ciddii ayaga danahoodawadda u hiilisa.sharciga lama dhawro,Maxkamadahanalaguma kalsoona.waxa daliil u ah in murannada dhex maraMadaxda aan marna Maxkamaha loo geyn, hadii go’aan aysoo saaraanna aan la tixgelin. waxaa ka mid ah markii Ra’iisulwasaarihii Maxamed Cabdullaahi farmaajo loo codaynayey inla isku qabsaday ma gacan taag ayaa loogu codaynayaa miseQarsoodi,dabadeedna ay Maxkamadda sare go’aamisay in laraaco dastuurkii lixdankii kaas oo sheegaya in loogucodaynayo gacan taag iyo aqlabiyad fudud.GuddoomiyahaBaarlamaanku wuxuu qaatay inuu ku dhaqmo xeer hoosaadka50

iyo gacan taag, hase yeeshee markii codkii la qaaday waxa lawaayey aqlabiyaddii loo baahnaa haddii Xeer hoosaadka laraaco,Waxay ku kaliftay Guddoomiyaha inuu xukuumadda kuansixiyo si sharci darro ah,taas oo ansax ahaan lahayd hadiiuu raaci lahaa go’aankii Maxkamadda.Xoojinta Hayada Lafdhabarka u ah Hagaajinta Maamulkaiyo Dhaqaalaha.Hayado badan oo laf dhabar u ah Dawlad Wanaagga iyo inuuwaddanku si fiican u shaqeeyo oo aad u tabar daran haddaayaa jira kuwaas oo ay ka mid yihiin hanti dhawrka guud,Xisaabiyaha guud iyo Hayadaha kale oo ku shaqada lehilaalinta hantida Qaranka. Hayadahaasi waxay u baahan yihiinin loo sameeyo shuruuc u gaar ah oo shaqadooda iyoawoodaha ay ku fulinayaan si fiicanna loogu qeexo, sidoo kalewaa in loo dhammaystiro wixii u fududayn lahaawaxqabadkooda. Shaqa xumada hayadahaan waa wax ka midah waxyaabaha asaaska u ah dawlad xumada waxaanakeenay xukuummadda oo aan hamuun u qabin hagaajintahayadahan cabsina weligeedba ka qabta haddii hayadahanawood iyo madaxbannaani la siiyo kana baqaysa iney iyadaku soo jeestaan.Waxaa hubaal ah maqnaanshaha hayadaha ilaaliyadhaqaalaha dalka iyo kuwa sharciga oo ay Maxkamadaha iyoBarlamaanku ka mid yihiin ay tahay sababta dalkeennu unoqday dalka adduunka ugu musuqmaasuqa badan, ugumaamul xun ugana hufnaanta yar.--Waa wax jira haddii la xoojiyo hayadahan iney hor istaagikaraan waxyaaba badan oo xukuumaddu ku dhaqmi jirteyhase yeeshee in lays kontoroolo oo masuul walba uu kuekaado awoodda uu sharcigu siinayo waa waxa adduunka51

horumaray ay ku hana qaadeen innagana naga maqan oo aanu baahannahay.--Gurmadka Barakacayaasha--Dalka waxaa ka dhacayAbaar iyo Colaad aad uweyn oo keentay dadbadan oo soomaaliyeediney ka barakacaandegaannadoodi oo qofwalba uu wejiga saaraymeel Ala meeshii uu kaheli karo wax uu kunoolaado. Waxaa dadka ka dhammaaday Xoolihii ay dhaqanjireen iyo Beerihii oo abaarsaday taasoo meesha ka saartaywixii ay noloshooda ku maareyn jireen. In badan ooBarakacayaas ka mid ah waxay naftooda kula soo carareenMagaalada Muqdisho, Gurmad aad u xooggan oo dadkaMagaaladu u galeen samatabixinta nolosha barakacayaashaiyo dadaal Warbaahinta soomaaliya iyo tan caalamku u galeenwaxay keentay in gurmad xoog leh ay sameeyaan dadkasoomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba iyo caalamka iyo sigaar ah oo hagar la’ aan ah Waddammada Muslimka ah oo ayhormood ka yihiin dalalka Turkiga, Kuwayd, Iiraan, Qadar iyodalal kale oo Muslim ah. Waxaa dalka soo booqdayMadaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyomadax kale. Hasee yeeshee inkastoo si hagar la’aan ah iyoDeeqsinimo badan la muujiyey waxaa jirey cabashooyin tirabadan in la xado, la dhaco oo aan la gaarsiin Barakacayaashiiwixii caalamku dadkaas ugu deeqay,Xadgudubyo joogto ah ooay ka mid yihiin kufsi iyo dhac ayey ka cabanayaan dadkabarakacayaasha ah oo xeryaha qaxootiyada ku nool,Inkastoodeeqo badan la helay oo aan laysku diiddanayn waxa52

curyaamiyey in sidii la rabey looga faa’iideysto waa maamulxumada iyo dawlad xumada dalka ka jirta’. InkastooMadaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruba ay sheegeen ineyarrintaas wax ka qabanayaan, haddana ballan qaadkaas oo sijoogto ah xukuummadda looga maqlo wax miro ah kama soobixin.Mabaadii’da Garoowe--Taariikhdu markay ahayd 21-23 December 20011, ayaawaxaa shir lagu qabtay Magaalada Garoowe caasimaddaDawlad Goboleedka Puntland. Shirka waxaa ka qayb galaykooxihii saxiixay Road-Map-ka waxayna kasoo saareen waxaay ugu yeereen mabaadii’da Garoowe, oo lagu soo koobaylaba arrimood oo kala ah:-1-Qaabka, Tirada iyo Shuruudaha lagu soo xulayoBarlamaanka Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo Dastuurkacusub.-2-Oggolaashaha Dastuurka Federaalka ah kaas oo laguansixinayo shirweyneQaran.-Shirka Garoowe wuxuuxoogga saaray sidiikooxihii isku magacaabaySaxiixayaasha Road-Map-ka ama Steak Holders ay u xoojin lahaayeen gacan kuhayntooda geeddi socodka roadmapka, una xaqiijin lahaayeensidii wax walba ugu dhici lahaayeen sida ay doonayaan.Waxay dejiyeen nidaamkii ay ku kontorooli lahaayeen geeddisocodka iyagoo sameeyey guddiyo u soo xulaya ergooyinkashirweynaha iyo dadka ka mid noqonaya Barlamaanka oo ay53

sheegayaan iney soo xulayaan dhaqan la aqoonsan yahay iyodad ka socda bulshada Rayidka,. Odayaasha dhaqanka oo laaqoonsan yahay waa kuwee yaase aqoonsan,annagoo og inberyahan dambe ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu aywarqado aqoonsi siiso dad ay ku sheegto iney dhaqan yihiin,dadka bulshada rayidka hase yeeshee yaa soo magacaabaya.Waa meelaha shaki la’aan wax laga Musuqmaasuqi karo,waana si ay ku urrursan karaan dad u fuliya waxa aydoonayaan.--Waxaa si cad loo burriyey qodobbo horay ugu jirey Road-Mapkakuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Barlamaanka dib uhabayn lagu sameeyo oo hadda loo beddeley in Barlamaancusub la sameeyo kii horena laga takhaluso, taasoo ahnuxurka Mabaadii’da Garoowe. Waxaa ku jirta Road-Map-kain shirweynaha Dastuurka ay ka qaybgalaan xubnahaBarlamaanka hadda jira, kaas oo kooxda Garoowe aygo’aansadeen ineysan shirka imaan intii awooddooda ah.Waxba kuma jabna waana loo baahan yahay in tiradabarlamaanka la yareeyo iyo in xataa barlamaan cusub dalkuyeesho, haseyeeshee waa iney noqoto talo ummaddu u wadadhan tahay oo laga wada qayb galo.Haddii bulshada caalamku oggolaato in kooxi uisticmaasho muquuninta kooxo kale si ay u gaarto danogaar ah waa dhibaato dhaawac u geysaneysa sumcaddabulshada caalamka oo sii fogeyn karta xal u heliddaarrimaha Soomaaliya. –Natiijada laga filan karo Road-MapkaMarka la derso Road-Mapka iyo shaqooyinka la qorsheeyaymuddada sanadka ah in la qabto waxa ka muuqata inaan aadloogu hagar bixin sida wax looga qabanayo,arrimaha54

amniga,dibuheshiisiinta iyo dawlad wanaagga oo aan lacaddayn sida ujeeddooyinkaas lagu gaari karo loomanawaqtiyayn sida arrimaha Dastuurka iyo Federaalka loowaqtiyeeyey.Arrimahaan waxaa aad u caddeeyey khudbaddii uu Ra’iisulWasaaruhu ka jeediyey furitaankii shirkii labaad ee Garoowe,taas oo uu ku sheegay in arrimaha amniga, dib uheshiisiintaiyo dawlad wanaaggu ay u baahan yihiin muddo dheer, haseyeeshee waxa loo baahan yahay ay tahay in Baarlamaancusub iyo Dastuur Federaal ah la helo, taas oo aan waxba katari dooninin, xallinta dhibaatada dalka haysata.Waxa xooggala saaray dastuurka si loogu adeegsado dibuhabeyntabaarlamaanka iyo hirgelinta federaalka.Ugu dambeynta natiijada la filayo inay ka soo baxdo RoadMapka sida hadda ku talagalku u muuqdo waa arrimaha soosocda:-Baarlamaanka oo la yareeyo, intii la awoodana la xusho siloogu adeegsado arrimaha la doonayo.-Nidaamka federaalka oo la hirgeliyo si soomaliya looga dhigomaamulo yar yar oo tabar yar .-In ku meel gaarka laga baxo si loo fuliyo dano qarsoon ooaan hadda la sheegin.-Iyo inay xukunka dalka ku soo laabtaan madaxda haddajoogta si ay u dhamaystiraan waxa looga baahan yahay in laqabto marka ku meel gaarka laga baxo.Ogow marar badan oo la isku deyey in wax laga baddelodhammaanshaha dhulka sida badda oo ugu yaraan laba goorlaysku deyey, dalkani wuxuu ku badbaaday baarlamaankaoo arrintaas ka hortegey go’aan adagna ka qaatay iyo ku meelgaarnimada oo aan siineyn awood fulin ciddii isku dayda ineygasho heshiis dalka qarannimadiisa waxyeeli kara ,taas oo la55

is weydiinayo maxay tahay faa’ iidada laga helayo in ku meelgaarka laga baxo iyadoo ciidammo shisheeye ay dalka kataliyaan.Faragelinta Arrimaha Barlamaanka—Waxaan marar badanarkaynaa in ururro ay ka midyihiin IGAD, AU iyo kuwakale ay ka hadlayaanarrimaha gudaha eeBarlamaanka Soomaaliya,iyagoo doonaya iney uhiiliyaan shakhsiyaadxilkoodi gudan waayey oo ay danaynayaan, kuna handadayaaqlabiyadda Barlamaanka iney yihiin Qaswadayaal mudan intallaabo laga qaado,Waxaa la yaab leh in ururradaasi ayogyihiin in go’aammada ay gaaraan ay hirgeli karaan ookeliya marka ay oggolaadaan Brlamaannada dalalka xubnahaka ah, Soomaaliyana sida dalalka kale khasab kumaaha,Waxa habboon in la ixtiraamo Qarannimada dalka oo lagadaayo gacan maroojinta. In aqlabiyadda Barlamaanku iskuraacdo waxa ay u arkaan iney ku jirto danta qarankasoomaaliyeed , waa wax u baahan in la dhiirri geliyo, manamudna in la cabsi geliyo.Haddii ay dhacdo in la khasbo waxaykeeni doontaa in aan dib loo helin Barlamaan Soomaaliyeedoo ku shaqeeya aragtidooda, taasina waa khatar, dawladahaiyo ururrada soomaaliya wanaagga la jecel waxaa ku habbooniney arrintaas ka hortagaan.Wax kasta waxaa ka muhimsan in dalka loo ilaaliyo axdigiisaiyo shuruucdiisa.Inta axdiga qarankani ku dhisan yahay lalaabo laguma dhegi karo Kampala Accord iyoRoadmapka,arrimahaani axdiga lama garab dhigi karo,56

haseyeeshee waa barnaamijyo loo baahan yahay una baahanin laga ansixiyo Barlamaanka oo la saxo wixii khaladaad kujira. Majirto Dimoqoraadiyo ka baxsan Barlamaanka,WaaHayadda keli ah oo si furan doorasho xor ah u samayn kartadawladaha gobolka. Waxay u baahan tahay in la sii barbaariyooo la xoogeeyo.Danaynta Dawladaha waaweyn ee arrimaha SoomaaliyaDawlado muhiim ah ayaa billaabay iney daneeyaan wax kaqabashada dhibaatada soomaaliya gaar ahaan markiidhibaatadii ay noqotay mid aad u weyn oo caalamiah.Dawladahaas waxaa ka mid ah dawladda turkiga iyodawladda Ingiriiska waxaa kale oo halkan lagu xusi karaadawladaha dalka u soo diray ciidammada oo isu xilqaamayiney amniga dalka wax ka qabtaan iyo kuwa kale ee deeqahabixiya.Danayntaasi waxay noqon kartaamid ahmiyad weyn leh oolagu xallin karo arrimaha murugsan ee muddada dheer dalkasoomaaliya ka taagnaa.I.Dawladda Biritan:Dawladda Ingiriisku waa dawlad weyn oo ka mid ah dawlahajoogtada ah ee Golaha amniga . Waxay ka mid tahaydawladihii soo gumaystey Soomaaliya, waxayna aqoon uleedahay dadka Soomaaliyeed. Waxaa ku nool JaaliyaddaSoomaaliyeed ee ku nool dalalka qurbaha tan ugu ballaaran ,sidaas darteedna waxaa si toos ah u taabanayadhibaatooyinka ka dhashay dawlad la,aanta iyo dawladnimoxumada.Sidaas darteed danaynta ay u muujisay arrimaha soomaaliyawaa mid mudan in la soo dhweeyo, maxaa yeelay waxaa lafilayaa iney wax qaban karto haddii ay u soo jeesato.II.Dawladda TurkigaDawladda Turkiga waa dawladda sida ugu ballaaran ugu soogurmatey dadka soomaaliyeed waqti ay aad ugu57

aahnaayeen.Dawladda turkigu sida ay hadda dalka ugashaqa bilawday waa mid dadka Soomaaliyeed ay aad ugaraalli yihiin,iyagoo gurmadkii abaaaraha ka sokow kahawlgalay meelo badan kuwaas oo ay ka mid tahay iyagooarday badan wax barasho u fidiyey dalka iyo debedda dalkanadibudhis mashaariic badan ka billaabay.Mashaariicda haddadalka ay ka wadaan waxaan shaki ku jirin iney mustaqbalkasaldhig u noqon doonaan iskaashi wax tar leh oo labada daldhex mari doona kaasoo shaki la’aan faa’iido weyn u yeelandoona mustaqbalka.III.Dalalka Ciidammada u soo diray SoomaaliyaDalalka ciidammadoodu dalka ka hawlgelayaan waxay ubadan yihiin dalalka deriska la ah soomaaliya,kuwaas oo daniugu jirto soomaaliya iney amni ahaato maxaa yeelay amnixumada soomaaliya ka jirtaa waxay ku faafi kartaawaddammada deriska ah iyo caalamka oo dhan.Soomaaliya oo ah dalalka ugu xeebta dheer Afrika khayraadbadan oo dihinna ay dhulkeeda ku jiraan, haddana lagabillaabay in shidaal laga soo saaaro, sida la saadaalinaya lagayaabo iney noqoto dalka 7aad ee batrool leh,haddii ay ku biirtosuuqa dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika waxaa laga yaabaainey waxtar weyn u yeelan karto dalalkaas mustaqbalka.Sidookale waxaa laga yaabaa in Soomaaliya iyo dalalka deriska laah ay si fudud isaga kaashan karaan xagga amniga kaas oofaa’iido ugu jirto gobolka oo dhan.Shirkii lagu qabtay Ingiriiska (23/02/2012)waxaa Magaalada London (Aqalka Lancaster House) laguqabtay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya, shirkaas oo aysoo qaban qaabisay dawladda Biritayn. Shirka waxaa ka sooqaybgalay 55 wafdi oo ka yimid Soomaaliya iyo caalamka.Waxaa shirka ka muuqatay sida mujtamaca adduunku udanaynayo in Soomaaliya wax laga qabto.58

Dawladda shirka qaban qaabisay oo dhab ahaantii muujisayhoggaan iyo niyad wanaag ay ugu soo jeedisey caalamka siuu wax uga qabto Soomaaliya.Hase yeeshee shirku waxbakama beddelin qaabkii horeloo qorsheeyey in loo wajahoarrimaha Soomaaliya, waxaalaga yaabaa in bulshadacaalamku macluumaadka ayka hayaan Soomaaliya iyowaxa dadkeedu ay iskuhayaan aysan xog ogaal u ahayn, sidaas darteednago’aamada caalamku ka qaato Soomaaliya loo arko mid markasta dhan u janjeerta oo aan caddaalad ahayn. Shirkaanwaxay dadka Soomaaliyeed ka filayeen in lagu sixi doonokhaladaadka ku jira roadmapka iyo geeddi socodka haddasocda, kaas oo dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan inuusancaddaalad ahayn sida hadda uu u dhigan yahay.Qodobka Saddexaad ee War-Murtiyeedka shirkii Londonwuxuu sheegayaa Mustaqbalka dalka Soomaaliyeed waxaaiska leh dadka Soomaaliyeed, hoggaanka siyaasaddaSoomaaliyana waa iney ahaadaan kuwo ay la xisaabtamikaraan dadkoodu. Waxaa mudan in lays weydiiyo madaxdahadda qorshaha socda horboodeysaa ma yihiin kuwo aydadka Soomaaliyeed la xisaabtami karaan ama ugu yaraantaageero ka haysta.Qodobkani waa mid ahmiyad gaar ah leh oo u baahan in ficilloo beddelo. Si qodobkaan si wanaagsan looga tarjumo waxaaloo baahan yahay:A-Dadka Soomaaliyeed in la dhegeysto dareenkooda iyowelwelkooda.Dadka Soomaaliyeed haddii la dhegeysanayo intooda badanwaa ka soo horjeedaan qaabka hadda loo qorsheeyey Road59

Mapka iyo Mabaadii’da Garoowe, haddii shirka London kuadkaysanayo in sidiisi loogu sii socdo geeddi socodka RoadMapka iyo Mabaadii,da Garoowe taasi kama dhigna in taladaSoomaaliya ay leeyihiin dadku iyo iney u soo baxayaan madaxay la xisaabtami karaan.Waxaa dhici karta in shirka la siiyey macluumaad aan saxahayn oo ay saas ku dhiseen go,aankooda, sidaas darteedwaxaa la gudboon qaban qaabiyaasha shirka iney si fiican uraadshaan macluumaad sax ah iyo waxa dadka Soomaaliyeedintooda badani ay doonayaan.B-Wax kasta waa iney ku dhisnaadaan ka qaybgal buuxa eedadka soomaaliyeed u dhan yihiin waana ineysan ku dhisnaandano kooxeed iyo dano Gobol iyo dano Ururro iyo Dalal kale.C-Dadka soomaaliyeed lama siin fursad ay wax kuqabsadaan, inta badan dadka horboodaya siyaasaddasoomaaliya waa dad ay soo xusheen dawladaha deriska ahiyo ururrada daneeya soomaaliya. Arrimaha dalka waxbalagama weydiiyo dadka soomaaliyeed waxaa isla jaangooyaururrada, dalalka deriska ah iyo kooxo yar oo ku qaraabtamagaca soomaalida.Waxa keli ah oo soomaalidu ay meesha ka heshaa waa dhaliiliyo in aan soomaalidu wax qabsan Karin isna maamuli Karin.Laakiin runtu waxay tahay inaan soomaalida marna la siinfursad ay arrimahooda si madax bannaan wax uga qabankaraan, waana arrintaas sababta xal waara loo gaari la,yahay, waxa keli ah oo la dhegeystaa go’aammadana lagu dhisaarabitaanka Dawlaha deriska ah iyo ururrada daneeyasoomaaliya,hore ayaa loo yiri Faraska Ceelka waa la keenikaraa laakiin Biyaha lama Cabsiin karo.D-Sida uu sheegayo axdiga ku meel gaarka ah soo xuliddaxildhibaannada waxaa iska leh hoggaamiyeyaasha beelahainta laga helayo nidaam ku dhisan doorasho xor ah, sidaasdarteed waa in loo daayo hoggaamiyaasha beelaha soo60

xulidda ergooyinka iyo xubnaha Barlamaanka lagana daayocaqabadaha loo dhigayo si looga faa’iideysto.Qodobka Afraad ee warmurtiyeedku wuxuu sheegayaa indiiradda la saaray sababaha dhaliyey deggenaan la’aanta iyocalaamadaha ka dhashay sida Macaluusha, BurcadBadeednimada iyo Argagixisannimada.Waxaad mooddaa in go,aammada xooggoodu ay ku wajahanyihiin calaamadahan dambe sidii wax looga qaban lahaa.Wax ka qabashada burcad badeednimadaAdduunku wuxuu xoogga saaray wax ka qabashada BurcadBadeednimada ka jirta badaha Soomaaliya iyadoo baddaSoomaaliya la soo dhoobay maraakiib dagaal oo dalal badanoo caalamka ah ka socda.Waxaa la qaban qaabiyey shir ar caalami ah oo arrinta loogahadlayo waxna looga qabanayo. Dalal badan ayaa heshiisyolala galay si ay Maxkamad u saaraan Burcad Badeedda unaxiraan.Dalalkaas waxaa looballan qaaday dhaqaalewaxaana loo dhisayxabsiyo iyadoo laxoojiyey adeeggagarsoorkooda. Waxaa laadeegsadey tabo badanoo looga hortegi karo inburcadbadeeddu ay qabsadaan maraakiibta baddasocota,sida iyadoo loo oggolaaday maraakiibta qaarkood ineyhub qaataan.Waxaas oo dadaal ah oo la sameeyey ma joojin burcadBadeednimada ka jirta Badaha soomaaliya.Waxaa circa isku shareeray kiradii Maraakiibta iyoCaymiskoodi kuwaas oo saamayn weyn ku reebay bulshooyinbadan oo caalamka ah noloshoodina ciriiri geliyey.61

Maxaa loogu guulaysan waayey wax ka qabashadaBurcad Badeedda ?Waxaa laga yaabaa ama cadba in aan la raacin waddo sax ahoo arrintaas wax looga qabanayo laakiin waxaan caddaynwaxa looga leexday waddadaas.Waqtigii ay dalka ka talinayeen Maxkamadaha islaamiga ooahayd lix Bilood waxaa la afduubay Hal Markab isagiina waala soo furtay, in badan oo Burcadbadeed ahna waa la sooqabtay intaysan Badda gelin. Dhallinyaradii Burcad Badeeddaahayd waa lala hadlay waxayna oggolaadeen :a)In qaarkood cafis qaataan oo ay ku noolaadaan dalkaiyagoo xor ah ayna iska daayaan Burcadnimada.b)Qaar kale waxay oggolaadeen iney ciidammadii kamid noqdaan oo bulshada u adeegiddeeda kaqaybgalaan.c)Qaar kale waxay doorteen iney kalluumaysato yaryarnoqdaan.Waqtigaas waxaa la xoojiyey ciidammada xagga berriga ahmaxaa yeelay meesha hawsha burcadda laga abaabulolagana taakuleeyo waa xagga berriga.Waxa kale oo aad loo xoojiyey wardoonka si loo ogaadoburcadda inta aysan badda gelin taasoo suurta gelisey in inbadan la qabto inta aysan badda gelin.Sidee wax looga qaban karaa Burcad BadeednimadaWaxaa laga yaabaa haddii la adeegsado dhawr tallaabo oowada socota in la heli karo natiijooyin waxtar leh, kuwaaswaxaa ka mid ah:a)In la xoojiyo Ciidammada amniga iyo CadaaladdaMaamullada ku wajahan meelaha ay Burcadbadeeddusaldhigga ku leeyihiin.b)In la hawl geliyo madaxdhaqameedyada iyoculumaauddiinka degaannadaas iyadoo shirar iyo doodowacyi gelin loo qabanayo.62

c)In cafis loo fidiyo dhallinyarada doorata iney ka baxayaanburcadnimada.d)In loo abaabulo Mashaariic shaqo abuur leh oo dhallinyaduka shaqaysan karaan iyo kuwo kalluumaysi.e)In mudnaan la siiyo bulshooyinka meelahaas ku nool sinoloshooda kor loogu soo qaado,f)Waxaa si sahlan loo xiri karaa saldhigyada BurcadBadeeddu ku leeyihiin Gobollada Dhexe sida Hobyo iyoXarardheere haddii la adeegsado Maamullada Galmudug iyoXiman iyo Xeeb taasoo aad u sahlan hadaba Maxaa loolajeedaa burcad badeedda waxaa lagu xirayaa xabsiyadaSoomaaliland iyo Puntland, ma waxay ka dhigan tahay in aanamni ka soo socon muqdisho iyo koofurta dalka?.Arrintaasi waxaa laga yaabaa in Soomaalida dhexdeeda ay kaabuurto colaado cusub waxyeellana u geysato wadanoolashaha iyo is dhexmarka bulshada Soomaaliyeed.Waxaa jira arrima badan oo Badda Soomaaliyeed la xiriira ooaan shirka london lagu soo qaadin, sida kalluumeysiga sharcidarrada ah iwm.Badbaadinta Dhallinyarada :Burcad Badeednimada Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay katimid markii ay shaqo wax soo saar leh iyo nabad dalkoodi kawaayeen, Baddoodi ay ka kalluumaysan jireenna Quwado kaxoog badani ka xoogeen,haddaba Bulshada caalamku mawaxay u arkeen in xalka keli ah oo wax looga qaban karaa uuyahay in la xirxiro oo xabsiyo laga buuxiyo?.Bulshada Caalamka ma waan wax masuuliyad ah kasaarnayn in dhallinyaradaas la badbaadiyo oo xal ay ugamaarmaan burcadnimada loo raadiyo?.Burcadda keliya ma aha ee dhallinyara tira badan ooSoomaaliyeed ayaa markii ay waayeen mustaqbal iyo nolol ayisku hallayn karaan waxay doorteen iney isbiimeeyaan oo amaay nolol dhaanta midda ay ku jiraan helaan ama ay dhintaan.63

Dhallinyara badan baa ku jirta xabsiyada dalal badan oocaalamka ah ama ku dhimanaysa badaha si ay ugu tahriibaanYurub, dalalka Carabta ama South Afrika.Shirka lagu Qabanayo Magaalada IstanbuulShirka Qodobbada ka soo baxay waxaa looga hadlayaadabagalkooda shir lagu qabanayo Istanbuul Bisha Juun oo kusoo aadeysa waqtiga dawladda oo aad gabaabsi u ah.Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in shaqa badan laqabto inta aan la gaarin bisha Juun 2012 si loo hubiyo in lahelo natiijo fiican.Xalka Arrinta Alshabaab oo sii FogaaneysaMaraykanka oo ku adkaysanaya inaan wax wadahadal ah lalageli karin Alshabaab, wax ma yeeli doontaa dadaalkii ururrobadani ugu jireen iney mar uun ku qanciyaan Alshabaab ineydadkooda wax la qaybsadaan?.Waxaa laga yaabaa haddii aysan wax kale keenin ineysansuurtagal noqon Karin in urur ahaan hal mar heshiis loolagalo,waxa keli ah oo furan in qof qof ama koox kooxdii dooratainey hubka iska dhigaan lala xaajoodo, haseyeesheearrintaasi si buuxda uma soo afjari doonto waqti dhow.Wada hadalka Soomaaliya iyo SoomaalilandSoomaaliland iyo Soomaaliya iney wada hadlaan waa waxwanaagsan, hase yeeshee dawlad aan la soo dooran waxgo’aan ah kama gaari karto masiirka dalka sidaas darteedmaaddaama dawladda hadda soomaaliya ka talisa iyo middaimaan doonta 4ta sano ee soo socota aaney doorasho kuimaan doonin waxay arrintu u muuqataa in loo baahan yahaywaqti dheer, haseyeeshee waxaa habboonaan lahaa in la heloqaab wax loo wada qabsan karo inta heshiis laga gaarayo.Dhismaha Ciidanka QarankaSoomaaliyeed,.Amniga ma ku fillaan doonaanCiidanka Amisom, ma iyaga64

ayaase dalka ciidan u ahaan doona muddada soo socota?.Inkasta oo la soo kor dhiyo Ciidammada Amisom waxaa lagayaabaa ineysan si buuxda u soo celin Karin amniga dalka,laakiin waxaa suurtagal ah iney kaalin fiican ka qaadankaraan.Inkasta oo dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed lagu xusay warmurtiyeedka haddana waxaa ahmiyad gaar ah leh in sidegdeg ah loogu hawlgalo ciidan soomaaliyeed oo siwanaagsan loo abaabuley oo loo tababbaray.Waxa ugu muhiimsan oo dalka nabadgelyadiisa soo celin karawaa in la helo ciidan Soomaaliyeed oo aad u tababbaran oobooliis iyo milatari ah.Si loogu guulaysto arrimaha amnigawaxaa loo baahan yahay:a)In ciidanka Booliska tababbar iyo qalab fiican la siiyo.b)In ciidan Nabadsugid oo aad u tababbar la helo.c)Ciidan Milateri oo tababbar gaar ah u leh sida wax loogaqaban karo duruufaha gaarka ah ee hadda soomaaliya ka jira.d)Arrinta ahmiyadda gaarka ah u leh in guul laga gaaroamniga waa arrinta ku saabsan mushaarka iyo dishibiliinkaciidammada.Haddii aan la helin ciidan wanaagsan ooshacbiga kalsoonidooda heli kara waxaa laga yaabaa inaanguul laga gaarin wax kasta oo la qabto.Shacbigu mar kasta waxay arkaan khaladdaadka maamulkamarkaa jooga oo u taliya.Haddii ciidanka dawladda uu ka faa’iidaysan waayokhaladaadkii Shabaabku ay sameeyeen hadda shacbigu maeegayaan khaladaadkii Shabaabka laakiin waxay eegayaankhaladaadka Dawladda iyo Dhaqankaciidammadeeda.Arrintaan oo dhan waxay ku xiran tahay sidaloo qalabeeyo, loo tababbaro oo mushaar ku filan loogu helociidanka.Macquul ma aha mana suurtoobeyso in lagushaqaysto askari aan mushaar la siin oo aan dishabiliin iyoakhlaaq wanaagsan lahayn.65

Gargaarka AadaminnimoSii wadidda gargaarka samafaka waa muhiim laakiin waxaajrey hadal hayn in dalka laga hirgeliyo barnaamijyo loogahortegayo waxyeellada abaaraha iyo masiibooyinka dabiicigaah.Weli dadkii Muqdisho ku soo qaxay waqtigii abaarahaxeryo ayey ku jiraan;shaqooyin ay ku noolaadaan ma helin,meelihii ay ka soo barakaceenna laguma celin.Waxay u baahan yihiin barnaamijyo horumarineed oo ay ugamaarmaan ku tiirsanaanta taageerada Hay’adaha samafalka.Guddiga Midaysan ee Maaraynta DhaqaalahaWaa muhiin in la ilaaliyo dhaqaalaha qaranka waxaase loobaahan yahay in la helo nidaam dakhli iyo kharaj oo firfircoonoo waddanka ka shaqayn kara.Waxa laga yaabaa guudiganiinuu qayb weyn ka qaato xagga ilaalinta hantida haseyeesheewaxaa suurtagal ah inuu caqabad ku noqdo xagga hawlfulinta,maaddaama ay mid yihiin dawlado iyo hay’ado caalamiah oo waaweyn oo laga yaabo in aan la heli Karin marka loobaahdo, sidaas darteed waa in lagu xoojiyo nidaam shaqaynkara.Sannadkii Khilaafka iyo Sharci DarradaShirkii Kampala oo lagu dhexdhexaadiyey Madaxda TFG-dagaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaankawaxaa lagu heshiiyey in doorashooyinkii dib loo dhigo muddoSannad ah si loo qabto hawlo muhiin ah si qaranka loogugudbiyo marxad ka wanaagsan midda la joogo.Waxaa ubaahan in dib loo eego waxqabadkii sannadkii loo kordhiyeymadaxdaas waxa uga soo baxay ummadda Soomaaliyeed.Ma waxaa lagu tilmaamayaa sannad ummadda Soomaaliyeedguul iyo wax qabad u ahaa mise sannad guul darro oo culayskale u soo kordhiyey?!. Waxaa la hubaa in aan qiimayntiisa laisku waafaqsanayn oo qolo walba ay ka eegayaan xagasha ayisleeyihiin si fiicanbaad uga arki kartaan. Qolyaha aamminsaninuu ahaa sannad waxqabad waxay oran karaan wax badan66

ayaa la qabtay oo ,waa sannad Muqdisho iyo Gobollo badanlagala wareegey Alshabaab,waxaa la sameeyey Road Mapka,waxaa la qabtay shirarkii Garoowe , Gaalkacyo iyo London,waxaa la qabtay shaqa badan oo ku saabsan diyaarintaDastuurka ,ugu dambayn waxaan cagta saarnay waddadii aanku gaari lahayn in dalku uu noqdo dawlad buuxda.Hase yeeshee dhanka kale marka laga eego waxaa la orankaraa wuxuu ahaa sannad khilaaf badan iyo xadgudub dhankasharciga uu waddanka oo dhan ku baahay.Waxaa la xusikaraa arrimaha soo socda:a-Casilaaddii xukuumaddii FarmaajoArrintu waxay ku bilaabatay in shaqadii laga cayriyoxukuumaddii sababta u ahayd in la soo jeediyo in waqtiga lakordhiyo dadka Soomaaliyeedna ay rajo ka qabeen ineyshaqo wanaagsan dalka ka qaban karto.Shaqooyinkaxukuumaddaas lagu xusuusanayo waxaa ka mid ah markiiugu horreysey uguna dambeysey dalka ka hirgeliseyMiisaaniyad, waxa kale oo lagu xasuusanayaa iney markii uguhorreysey Mushaar ay shaqaalaha iyo ciidanka siisay.b-Sharaf dhaca ku yimid Dawladda FederaalkaWaxaa hoos loo dhigay Haybaddii iyo sharaftii dawladdafederaalka ah iyadoo madaxdii dawladda federaalka ah ay lamid noqdeen madaxda gobollada iyo ururrada,dhammaantoodna ay noqdeen sixiixayaal siman. Qiima dhacaku yimid dawladda federaalka waxaa ka mid ah in dastuurkafaderaalka la waafajiyo kan gobollada arrintaas oo aan sharciahaan iyo caqli ahaan aan midna sax ku ahayn.b-Samaynta Roadmapka iyo ShirarkaRoadmapku waa barnaaj qaran oo loogu talagalay in laguxalliyo arrimaha soomaaliya.Waxay ahayd in marka horexukuumaddu soo diyaariso dabadeedna barlamaanku ansixiyosi uu sharci u noqdo.Haseyeeshee koox isku magacawdaysixiixayaasha roadmaapka ayaa waxay si sharci darro ah ula67

wareegtey awooddii sharci dejinta waddanka, iyagoo soosaaray go,aammo saamaynaya masiirka dalka. Wax kasta ookooxdaas ay soo saarto wax saldhig sharci ah oo ay leedahayma jirto.Ku Xadgudubka Axdiga ku Meelgaarka ahSida dawlad lagu yaqaan wax kasta oo la qabanayo waxaaloo raacaa sharci haseyeeshee xukuumaddani wax sharci ahoo ay raacdo ma jirto cid ay hoos timaaddo oo laxisaabtantaana ma jirto, sidoo kalena ma jirto xudduudawooddeeda ay ku eg tahay. Xukuumadda hadda jirtaa waxayka baxday sharcigii iyadoo si joogto ah ugu xadgudubtaaxdiga ku meelgaarka ah iyo shuruucda dalka.Soo Gelidda Ciidammada Deriska ahDawladdu waxay si sharci darro ah iyadoo aan barlamaankala tashan soo gelisey Ciidammada Dawladaha deriska ahiyadoo aan xataa loo samayn wax nidaam ah oo lagukoontoroolo ama lagula xisaabtamo.Dawladahaas oo siMadax bannaan hadda dalka uga hawlgala iyagoo aan waxwada shaqayn la ogyahay ka dhaxayn.Kala Jabka BaarlamaankaBarlamaanku waa Hay’adda saldhigga u ah shaqada Qarankaiyo Dawladnimada dalka, waa wakiilka dhabta ah ee shacbigaiyo marjica ugu dambeeya ee ay talada qaranku ka go’do.Xukuumaddu waxay wakiil ka tahay barlamaanka oo shacbigawakiil ka ah, haseyeeshee iyadu masheegan karto intabarlamaanka dhinac marto Wakaaladda Shacbiga. KhilaafkaBarlamaanku wuxuu ka yimid xukuumadda iyo qaybbarlamaanka oo ka meermeeray in roadmapka barlamaankala keeno, in la xallin waayana waxaa door weyn ku lehmadaxda qaranka , ururrada gobolka iyo guud ahaanbulshada caalamka oo dhiirrigeliya inuu waddanku sharcidarro ku jiro.Waxaa laga yaabaa iney xukuumaddu filaysohaddii uu barlamaanku kala jabo oo uu shaqadiisa qaban68

waayo iney taasi xaq u siineyso iney waxa ay doonto samaynkarto ama sharci iyo sharci darraba ku shaqayn karto, taasooaan marna xukuumadda ugu noqon Karin marmarsiinyo ineysharci darro wax ku maamusho.Heshiiska Kireynta iyo ilaalinta BaddaWaa markii Saddexaad oo Badda Soomaaliya xubnoxukuumadda ka mid ah ay heshiis aan u qalmin ummadda lagelayaan Shirkado iyo Dawlado shisheeye. Hadda wixii kahorreeyey waxaa Badda Soomaaliyeed badbaadiyeyBarlamaanka oo mawqif adag ka qaatay in khayraadka dalkaummadda loo badbaadiyo. Heshiiska uu saxiixay WasiirkaGaashaandhiggu waa mid xadgudub ku ah dalka oo aan uqalmin ummadda soomaaliyeed wax sharci ah oo loo cuskankaraana aaney jirin. Shacbiga waxaa laga rabaa maaddaamaBarlamaankii daafici jirey la curyaamiyey iney khayraadkadalkooda ilaashadaan.TalooyinkaHaddii la doonayo in arrinta Soomaaliya si wanaagsan waxloogu qabto waxay u baahan tahay:1) In marka hore mushkiladda la derso oo la xaddido,markaana la eego xalalka kala duwan oo suurtagalka ah.Waxaa habboon inta aan lagu dhaqaaqin qabashada shirarkain laysugu yeero dad khubaro iyo waaya arag ah oo lagalatashado sida arrinta loo waajahayo iyadoo la tixgelinayodareenka iyo rabitaanka kooxaha kala duwan oo arrintukhusayso.2.In Dadka Soomaaliyeed la dhegeysto oo dareenkooda latixgeliyo, taladana la ballaariyo oo laga qaybgeliyo qaybahakala duwan ee bulshada, lagana daayo arrinta in dad gaar ahwax laga weydiiyo..69

3.In ururrada iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayku ekaadaan iney Soomaalida gacan ku siiyaan sidii ay uheshiin lahaayeen oo iyagoo isku duuban wax u qabsanlahaayeen.4.In Soomaalidu u muujiyaan deriskooda ineysan khatar kuahayn diyaarna u yihiin wada noolaasho ,wax wadaqabsi iyoiskaashi.5.In hawlaha roadmapka lagu sheegey si fiican oowaqtiyaysan loo faahfaahiyo si wanaagsanna oo daacadi kudheehan tahayna looga mira dhaliyo, lana saxo khaladaadkaku jira roadmapka iyo hawlaha sida loo qorsheeyey. Waxaaloo baahan yahay in waxa la qabanayo la waafajiyo axdigaqaranka ku meelgaarka ah oo ah sharciga asaasiga ah eedalka hadda ka jira waana inaan la fududaysan in la garabmaro, maxaa yeelay haddii aan sharciga hadda lagushaqeeyo la ilaalin kan la samaynayana lama dhawri doono.6.In Arrimaha samaynta dastuurka iyo federaalka laga daayodedejinta iyo u adeegsiga dana gaar ahaaneed oo si fiicanlooga doodo loogana gorgortamo, loona raaco qaabka axdigaku meelgaarka loogu qeexay, haddii laga fursan waayana sisharciga waafaqsan wax looga beddelo.7.In barlamaanka la yareeyo tiradiisa tayadiisana la hagaajiyosidoo kalana xukuumadda iyo hoggaanka.Waa in xoogga lasaaro sidii dalka loogu dhisi lahaa xukuumad, barlamaan iyohoggaan karti iyo hufnaan leh dadkuna la xisaabtami karo ooiyagu iska leeyihiin.8.In la xoojiyo Hayadaha sharciga iyo ilaalinta hantidaQaranka lana siiyo madaxbannaani sharci iyo xorriyad ay kugudan karaan hawlahooda,loona abuuro santuuq dhaqaale oomadax bannaan oo ka ilaalin kara in lagu shaqaysto ama loo70

xagajugleeyo.Hay’adaas waa in shaqadooda iyo kartidoodaiyo hufnaantooda aad loola socdo khaladaadkoodana sidegdeg ah loo qabto.Waa in maanka lagu hayo in cilladda uguweyn ee dalka ka jirtaa ay tahay ku tumashada sharciga iyoinaan waxba laysu raacan.9.Sida aan kor ku soo sheegnay mushkiladda ugu weyn oodalka haysata waxaa saldhig u ah oo uguna muhimsandawladnimo xumada, musuqmaasuqa iyo xukuumadda oo aanqaban shaqadii loo xilsaaray ama shacbiga soomaaliyeed ayka sugayeen. Waa xukuumadda midda laga doonayo amniga,maamul wanaagga, dhismaha ciidanka iyo dhismahahayadaha dawladda iyo jahaynta arrimaha siyaasadda. Sidaasdarteed waxaa loo baahan yahay in isbeddel weyn lagusameeyo qaabka ay u shaqayso iyo qaabka ay u dhaqantoxukuumaddu.Haddii ay tahay ujeeddada Road Mapka loo sameeyey in laxalliyo mashaakilka dalkan haysta, si loogu dhiso nidaamdawladeed oo shaqayn kara. Waxaa habboon in roadmapkumudnaanta koowaad siiyo in dalku helo dawlad wanaag iyoisbeddel lagu sameeyo habdhaqanka soo jireenka ah eedawladda soomaaliya iyadoo la ilaalinayo ku dhaqankasharciga qof walbana lagula xisaabtamayo lagunaixtiraamayo masuuliyadda loo dhiibey.10.In Dalka laga sameeyo hawlgal weyn oo amniga lagu sooceliyo kaas oo ay iska kaashadaan dhammaan dalalka iyoururrada daneeya soomaaliya,kaas oo lagu soo gabagabeeyomuddo gaaban isla markaana ay hoggaamiso dawlad xoogleh.Waxaa wanaagsan in hawlgalkaas lagu soo gabagabeeyodoorasho in dalka laga qabto oo dawlad isku filan loodhiso,sidii Ciraaq iyo Afganistaan laga sameeyey.71

11.In xoogga la saaro dhismaha ciidammada nabadgelyadaloona sameeyo sharciyo u gaar ah,lana siiyo tababbar iyoqalab casri ah oo ay shaqadooda si fiican ugu gudankaraan.Sidoo kale waa in la helo ciidammo milateri ah oo utababbaran wax ka qabashada duruufaha gaarka ah ee dalkaka jira.12.Waa in barnaamij horumarin iyo dibudhis xoog leh dalkalaga sameeyo si dhallinyarada looga saaroburcadbadeednimada,tahriibka iyoargagixisannimada loona helo mashaariic shaqa abuur leh oodhallinyara badan jahayn karta,dhab ahaanna waa arrinmudnaan weyn leh waana in loo arko iney amniga ay qayb katahay mudanna in si degdeg ah loo bilaabo.13.Dhismaha iyo Hagaajinta MaamulkaDalka waxaa ka burburay maamulkii,waxaa meesha ka baxayshaqaalihii khibradda lahaa oo ka shaqayn jirey xafiisyadadawladda, sidoo kalena waxaan jirin shuruucdii iyohabraacyadii ay ku shaqayn jireen hay’adaha dawladdu.Shaqaalaha hadda dawladda u shaqeeyaa ama waa dadcusub oo hadda jaamacado ka soo baxay oo aan khibradshaqo lahayn amase waa kuwo aan khibrad iyo aqoon midnalahayn oo weligood aan maamul soo arag. Sidaas darteedwaxaa wanaagsan in xoogga la saaro sidii loo hagaajin lahaamaamulka hay’adaha dawladda xataa haddii ay khasabto in lakeeno khubaro ajnabi ah oo wax toosin karta. Waxaa kale oola raadin karaa wixii ka haray shaqaalihii maamulka yiqiin oohore hay’adaha ugu shaqayn jirey, waana in dib loo dhisoshuruucdii iyo habraacyadii lagu shaqayn jirey oo haddamaqan.Maaddaama aan maamulkii hay’aduhu dhisnaynwaxaa la samayn karaa in wasiirka iyo agaasimaha guud eewasaarad kasta lagu xiro inuu khibrad u leeyahay wasaaraddauu masuulka ka noqonayo. Waxa kale oo suurtagal ah in laabuuro wasaaradda horumarinta maamulka.72

GunaanadkaQoraalka aan halkan ku soo bandhigey waa Qoraal aan kueegayo dadaalka loogu jiro dibusoocelinta QarankaSoomaaliyeed iyo caqabadaha hortaagan in arrintaas laguguuleysto. Waxaan xusuusan karnaa in la qabtay shirar iyodadaallo badan oo lagu doonayey in dalka lagu xasiliyo ooloogu dhiso dawlad.Waxaa la soo alifey nidaam 4.5 la yiraahdo oo Soomaaliduwax ku qaysato hase yeeeshee aan in badan oo shacbiga kamid ahi ku qanacsanayn.Muddo badan waxaa bulshada caalamka loo daba fadhiyeyxal u helidda arrimaha dalka waxayse noqotay wadda dheeroo aan dhammaad lahayn, waxaan iyana dhammaad lahaynismuquuninta, isjiidjiidka iyo is aamindarrada u dhaxaysabeelaha iyo qabaa’ilka Soomaalida taas oo maalinba tan kadambaysa sii kala firdhinaysa xooggii iyo wadajirkiiummadda.Hadda waxaa socda dadaal lagu doonayo in dalkaarrimiisa lagu xalliyo waxaan doonayaa in aan akhristayaashaiyo qof kasta oo danaynaya arrimaha soomaliya ka codsadoinuu aragtidiisa ka muujiyo haddii waddada lahayo si lagu sooceliyo qaran soomaaliyeed ay tahay mid sax ah iyo haddiikale. Xusuuso Dardaarankii ugu dambeeyey eeCol.Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku yiri “waxaan ciidammadashisheeye dalka u keenay iney dalka nala xasiliyaandabadeedna innaga baxaan marka aan amnigeenna hanannohase yeeshee waxaan isku casiley markii ay ii sinnaatay inaan dabadhilif noqdo iyo in aan shaqada ka tago, warSoomaaliyeey ma jirto cid wax idiin qabanaysee adinku iskusoo carara oo iskaashada”. Hadaba qof kastaa waa uu kudarsan karaa wixii fikrado ah oo uu is leeyahay waxtarbayummada Soomaaliyeed u yeelan karaan.Akhristayaashawaxaa u furan wixii dhallilo iyo toosin ah oo ay qoraalkan kasheegayaan.73

Dhinaca Kale Buuga aan ugu Magacdarey Wadadii MaHaynaa Mise waan ka Habowney oo ka hadlaya GeediSocodka Nabada Soomaaliya ayaa Qoraaga Buugaan DrDaahir Xasan Guutaale waxaa uu halkaan ugaMahadcelinayaa intii igu Gacansiisey Qorida Buugaan oo aadkaga Bogan doontid Habka loo marayo Nabada , Dib uHeshiisiinta iyo Dowlad Wanaaga iyo arrimo kale oo fududeynkara arrimaha aan kor ku soo sheegney sidoo kale waxaa uuqoraaga uu xusayaa Google News oo u fududeyey SawiradaBuugga ku jira kaasoo aan la’aantiis aanan heli lahaynQore Dr Daahir Xasan GuutaaleE-Mail dahir.x@gmail.comTel 00252615971919Tel 00252699916500© Xuquuqda Qoraalkani Xafidan | Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh Dr Daahir Xasan GuutaaleFAAFIN: SOMALITALK.COM | May 201274

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!