<strong>IRIN</strong> 63 Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada
Cutubka 4aad: Riyadii Waxbarashada Hodan Hodan waa 20jir hadda, waxayna la degan tahay walaasheed aqal ku yaal Stockholm, waxay diyaarineysaa shahaaddo jaamacadeed oo cilmiga Bio-Medical Technology. Waxaana loo tababaray in ay noqoto khabiir shaybaar. Hodan inkasta oo ay iyadu meel fiican ka gaartay cilmiga, haddana waxay si xoog leh uga welwelsan tahay carruurta dibadda loo soo dirayo iyada oo aan waalidkood la socon: “Guud ahaan marka la fiirsho, runtii ma aha wax fiican, sina uma fiicna, carruurta amaankooduna ma sugna, wax fiican ma sameeyaan, waa hoog iyo ba.” Sawir: <strong>IRIN</strong>/Jenny Metthews-Network Waxaan halkaan ku arkay caruur aan wax fiican ku hayn, waxba ma ay qaban karaan, kama ay faa’ideysan karaan fursadaha jira oo loo soo diray duruufta haysata darteed.” Hodan lafteedu waxay halkan ku timid, qaabka carruurta aan cidi wehelin iyada oo 13jir ah, masuulna ka ah saddex kale oo caruur ah oo ay ku jirtay mid 4jir ahi, waana tan sheekadeedii: Waxaan ka soo tagay magaalo madaxda <strong>Somali</strong>ya, Muqdisho, waxaana u cararay xagga xudduuda, aniga, adeerkeey, habaryartey, walaashey iyo caruur kale oo dhowr ah. Hooyadey waa dhimatay, aabbaheyna waxaa lagu dilay Muqdisho, waxaan aadnay magaalo madaxda Ethiopia, Addis-Abab. Dad qaraabo ah ayaan la joognay. Markii dambe anaga oo afar ah ayaan Sweden aadnay, markaas uunbaa la ii sheegay in aan tegayo, tegiddaas anigu waa igu adkeyd waayo Addis-Ababa saxiibbo ayaan ku yeeshay, mana aan aqoon adeerka la I yiri waad la noolaannaysaa. Waan dareen kacay bixiddaas ma aan diidin. Sweden imaanshaheedu waa fiicnaa waayo adeerkey baa noo yimid oo si toos ah aqalkiisa noo geeyay. Dabadeedna waxaan bilaabay sidii aan ku heli lahaa magangelyo. Muddo sannad ah ayaan ku bartay afka Swedishka, waxaan wada baraneynay dad badan oo sidayda oo kale magangelyo doon ah, bilowgii hore aad buu u adkaa, markii dambase barashada af-Swedishku waa ii fududaaday sababta oo ah waxaan ogaaday in aan u baahanahay. Waxaan isku dayay in aanan ka fekerin wax kale iyo wixii dhacay toona, waxaan goostay in aan iska hilmaamo wixii horay ii soo maray. Markaan waxaan xoogga saaray waxbarashadeyda, walaashey in ay ila joogto kaalmo ayay ii noqotay. Marka hore aad bey iigu adkaatay in aan adeerkey la noolaanno, intii aanan imaan ka hor keligiis ayuu ahaa. Waa aan ogahay in uu ku dadaalay si uu nolosha noogu fududeeyo, waxayse nagu qaadatay lix bilood si aan salka dhulka u dhiganno, isaga aan isku fahano. Annagu gabdhaan ahayn, waxaan ahaa gabar markaas soo kacaysa, wax badan ayaa igu dhacayay markaan da’daas ahaa; saaxiibkiis ayaa xaas qabay, marmar ayay ila sheekeysan jirtay inta noo timaaddo. Inta badanse waxaan ku nooleyn degmo yar oo cidlo ah oo qiyaastii 300km dibadda ka ah Stockholm sidaa daraadeed, markaa xiriir badan lama aanu lahayn bulshada Soomaalida ah. Aniga fursadda kaliya oo aan dad asaagey kula kulmi karo waxay ahayd dugsiga. Mararka qaarkood waxaan ku hammiyaa in aan dalka dib ugu laabto. Wax xiriir telefoon ah ma haysan, waxaanna si aad ah u dareemayay cidlo iyo go’doon. Sannad ka dib ayaan tagay dugsiga sare ee deegaanka, waxaan isku dayay in aan la qabsado waxbarashadeydii, waa iga kala go’day, af-Ingiriiska ayaa i dhibayay, waxaanse markii dambe wax la baran jiray koox gaar ah. Ma sahlana in aad saaxiibbo kasbataa, marka hore uma aan baran in aan xiriir la yeesho dad qoyskeyga dibadda ka ah. <strong>IRIN</strong> 64