13.07.2015 Views

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Hal mar u fadhiiso cutubkan oo akhri, kaddibna mowduucyada kala soo bax oo waxaad barbar dhigtaa shantatarjumadood ee casriga ah. Waxaad ogsoonaataa qaybinta aayaduhu inaanay ahayn waxyi, laakiinse waxa weeyifuraha lagu raaci karo ujeeddada qoraaga, taasina ah halbowlaha fasiraadda.1. Baaragaraafka koowaad2. Baaragaraafka labaad3. Baaragaraafka saddexaad4. IWMFAHANKA MACNAHA GUUDA. Aayadaha 1-7 waxay hordhac u yihiin warqadda, waana hordhaca ugu dheer ee waraaqaha Bawlos uuqoray. Waxa uu ka sheekaynayaa waxbaristiisa isagoo sidoo kalena is baraya kaniisadda.B. Aayadaha 8-12 waa duco furitaana iyo mahad naq, tanina waa qaabka ay Giriiggu ay u qori jireenwaraaqaha guud ahaan. Sidoo kalena waa qaabka uu Bawlos u qori jiray waraaqaha.C. Aayadaha 16-17 waxay ka hadlayaan ujeeddada kitaabka.D. Aayadaha 18 ilaa 3:20 waxay ka hadlayaan ujeeddada ugu muhiimsan qoraallada Bawlos oo ah inaadanaha oo dhammi denbaabeen isla markaana u baahan yihiin badbaado (Bilowgii 3). Dadku waxayisugu jiraan:1. Jaahiliinta xumaanta sameeya2. Jaahiliinta wanaagsan3. YuhuuddaE. Rooma 1:18-3:20 waxay ka tarjumayaan Bilowgii 3(Waxa cajiib lahayd iyadoon qoraalkan muhiimaddala saarin, balse la saaray Bilowgii 6, iyadoo la xisaabinayo bilowgii denbiga). Aadanaha waxa looabuuray inay dhulka xukumaan oo ku tarmaan, sidaasi darteedna Ilaah waxa uu iyaga ka sameeyayekaanshihiisa (Bilowgii 1:26-27). Hase ahaatee aadanuhu waxay doorteen inay Ilaah caasiyaan oo kasoohorjeestaan!Ilaah markii uu iyaga ka sameeyay ekaanshihiisa waxa uu saaray masuuliyad, laakiinse markii aykasoo horjeesteen Ilaah waxa timid cidhib xumo. Ilaah waxa uu go’aansaday inuu aadanaha ku kala saaroikhtiyaarkiisa iyo kooda ay iska leeyihiin, waana xidhiidhkii ku dhisnaa axdiga. Wuxuu iyaga uoggolaaday inay masuul ka noqdaan cidhib xumada ka timaadda ficilladooda xumaanta badan. LaakiinseIlaah markuu arkay aadanaha sharkooda badan iyo xumaantooyinkooda waa uu ka qoomamooday iyaga(Bilowgii 6:5-7). Si kastaba ha ahaatee Ilaah waxa uu iyaga siiyay xorriyad ay ku dooran karaanraacitaanka Ilaah iyo diidmadiisa. Erayada inbadan lagusoo celceliyo ee odhanaya “Ilaah wuxuu udaayay” (1:24,26,28). Haddaba ma odhan karno Ilaah iyaga waa uu wada diiday maadaama oo uu siiyayxorriyadan(Bilowgii 3:22; 6:5-7,11-13)!F. Macnaha kooban ee 1:18-3:20 ayaa waxa laga heli karaa 3:21-31. Kani waa warka wanaagsan ee injiilka,waxuuna yahay in aadanuhu ay denbaabeen oo u baahnaayeen cafiska Ilaah, iyadoo markaasna uu soonoqon doono xidhiidhkii ay dadku Ilaah la lahaayeen.G. Bawlos waxa uu injiilka dhexdiisa kusoo jeedinayaa oo wax ka tilmaamayaa aadanaha oo ka masuuladembigooda iyo mucaaradnimada ay kaga horyimaaddeen Ilaah, sidoo kale waxa aan arki karnaa isaga oomasuuliyaddan aan dusha ka saarayn shaydaanka (Rooma:18-3:20). Qaybtani waxay tilmaan ka bixinasaaBilowgii 3, laakiinse ma tilmaamayo qof canaanta la saaro oon ka ahayn aadanaha laftooda, sidaasidarteedna Ilaah dadka denbiga ku dhacay uma oggolaanayo inay canaantaan shaydaanka (Bilowgii 3:13)6

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!