13.07.2015 Views

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

MAWDUUC GAAR AH: XAQNIMADA‘Xaqnimadu’ waa mawduuca muhiim u ah ardayga Baybalka baranaya waxaana loo baahan yahay indaraasad shakhsi ahaaneed oo dheeraada qofku uu ku sameeyo mawduucan.Marka aan eegno Axdiga Hore waxa la tilmaamay ‘cadaalad’ amma ‘xaqnimo.’ Haddaba, Ilaah erayganwaxa uu u adeegsaday inuu ku muujiyo dabiicaddiisa, waayo isagu waa xaakinka caadilka ah ee wax walbaqiimeeya. Arrintan haddaba khusaysa xaqnimada Ilaah waxa ay tusinasaa inuu yahay kan sameeya xukunkasaxda ah.Aadanaha waxa laga abuuray ekaanshaha Ilaah (Bilowgii 1:26-27; 5:1,3; 9:6). Sidii kale waxa aadanahaloo abuuray inay Ilaah la yeeshaan xidhiidh oo la joogaan. Ilaah waxa uu abuuray waxa ugu wayn aadanaha,sidaasi darteedna waxa uu damcay, in iyagu ay Isaga aqoonsadaan, u adeegaan oo jeclaadaan Isaga! Haddaba,waa la tijaabiyay aadanaha bal sida addeecitaankoodu yahay (Bilowgii 3) iyadoo Aadan iyo Xaawana ay kudhaceen tijaabadaas. Arrintani haddaba waxa ay keentay kala go’itaan ku yimaadda xidhiidhkii u dhexeeyayIlaah iyo aadanaha (Bilowgii 3; Rooma 5:12-21).Ilaah haddaba waxa uu ballan qaaday inuu xidhiidhkaas dib usoo nooleeyo (Bilowgii 3:15). Waxaanusidan ku samaynayaa doonistiisa iyo Isaga oo adeegsanaya Wiilkiisa. Waayo aadanuhu may awoodayn inarrintaas dib u hagaajiyaan (Rooma 1:18-3:20).Markii aadanuhu danbaabeen, tallaabadii ugu horraysay ee Ilaah qaado isaga oo raba inuu xidhiidhkaasdib u nooleeyo ayaa waxa ay ahayd inuu axdi la dhigto aadanaha, isaga oo markaasna raba inay towbadkeenaan oo addeecaan Ilaah. laakiinse way awoodi kari waayeen inay qabtaan wixii laga rabay (Rooma 3:21-31; Galatiya 3). Haddaba, Ilaah waxa uu horeba u lahaa qorshe uu dib ugu soo hagaajinayo axdigii ay jebiyeenaadanuhu, waxaanu arrintaas ku sameeyay sidan:1. Muujinta aadanaha denbiga miidhan ah oo xaqnimadooda lagu muujiyay shaqadii Masiixa.2. In si xorriyad leh aadanaha xaqnimo loogu siiyay shaqada Masiixa aawadeed.3. In lasiiyay Ruuxa keenaya xaqnimada4. Dib usoo celinta xidhiidhkii iyo la joogitaankii Ilaah ee Beer Ceeden, oo Masiixa ayaa keenaymuuqaalka Ilaah (Bilowgii 1:26-27) ee ku jira Masiixiyiinta.Si kastaba ha ahaatee, Ilaah waxa uu rabaa jawaab ku dhisan axdi. Ilaah Isaga ayaa wax walba xukuma ooaadanahana quudiyay, laakiinse aadanahuna waa inay arrintaas ka jawaaba celiyaan oo jawaabtoodana sijoogta ah u wadaan.1. Towbad keen2. Rumaysad3. Nolosha oo uu ku dheehnaado addeecitaan4. QirashoXaqnimada haddaba, waa axdiga isku xidhaya ee u dhexeeya Ilaah iyo wuxuu abuuray kuwan ugusarreeya oo ah aadanaha. Waxa lagu saleeyay dabeecadda Ilaah iyo shaqadii Masiixa iyo Ruuxa oo inoo suurtogelinay inaan samayno xaqnimada, waana in qof waliba shakhsi ahaan uu sida ugu habboon uga jawaabaceliyo. Aragtida lagu magacaabo ‘xaqnimada iyo rumaysad.’ Waa aragti lagu dhex muujiyay Injiillada, manaaha mid shuruudahan oo kale wadata, laakiinse waxa qeexay Bawlos, oo erayga xaqnimada macnayaashiisakala gedisan isticmaalaya in kabadan 100 jeer.Bawlos wuxuu adeegsanayaa eraygan dikaiosunē oo asal ahaantiisa waxa uu kasoo dhegtay macnahaay ka samaynaso luqadda Cibraaniyada SDO oo ah mid lagu dhex adeegsaday Septuagint ga, oo kama aanukeenin qoraallada Giriigta. Xagga Giriigta marka laga eero eraygani wuxuu la xidhiidhaa qof addeecawaxyaabaha la xidhiidha ilaahnimada iyo bulshada. Laakiinse xagga Cibraaniga waxa had iyo jeer ay katarjumaysaa axdi. Ilaah waa cadaali, oo waxa uu rabaa in dadkiisu ay ka tarjumaan oo muujiyaandabeecaddiisa. Haddaba, aadanahan denbiga la daahiriyey ayaa waxa ay noqonayaan abuur cusub. Noloshancusboonaanta ah waxa ka imanaya nolol wanaagsan oo ku dheehan cibaado (Roman Katoliguna waa waa sidaay xaqnimada u arkaan). Haddaba, maadaama oo Israa’iil iyagu gaar isu arkayeen may jirin siyaabo lagu kalasaaro dadka caadiga iyo kuwo qudiisiinta ah isla markaasna ku socda doonista Ilaah. Eraygan lagu dhexadeegsaday Cibraaniyada iyo Giriiggaba waxa loo tarjumay luqada Ingiriisida “xaq” (iyadoo la xidhiidhabulshada) iyo “xaqnimo” (oo la xidhiidha diinta).Injiilka amaba warka wanaagsan ee Ciise Masiix ayaa waxa uu yahay, in aadanahaas denbaabay dib loogucafiyay si ay Ilaah ula yeeshaan xidhiidh. Arrintan waxa lagu fuliyay jacaylka Aabbaha, naxariista, nimcada;nolosha Wiilka, dhimashadiisa, iyo sara kicistiisa; iyo Ruuxa inoo muujinaya warka wanaagsan. Xaqnimadu24

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!