13.07.2015 Views

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

e. 2 Timoteyos 2:22; 3:16f. 1 Yooxanaa 3:7g. 1 Butros 2:246. Ilaah dunida waxa uu ku kala xukumi doonaa xaqnimadoodaa. Faliimaha Rasuullada 17:31b. 2 Timoteyos 4:8Xaqnimada waa dabeecadda Ilaah, oo aadanaha denbaabayna waxa lagu siiyay Ciise Masiix aawadiis:1. Waa xukunka Ilaah2. Waa hadiyadda Ilaah3. Waa shaqadii MasiixaLaakiin sidoo kale in xaqnimada la yeesho waxa loo mara jid, oo maalin maalmaha ka mida ayaa ladhammays tiri doonaa, waana marka labaad ee Masiixu soo laabto.Kuwani waa waxyaalo lagasoo qaatay Dictionary of Paul and His Letters (Qaamuuska Bawlas iyoWaraaqihiisii)“Calvin, wuxuu si ka badan Luther, u sheegayaa xidhiidhka saamaynta ah ee xaqnimada Ilaah. Lutheraragtida uu ka qabo xaqnimada Ilaah ayaa waxa ay tahay dhinaca xorriyadda iyo xukun la’aanta. Calvinayaa isna waxa uu sheegayaa dabeecadda cajiibka leh ee wada xidhiidhka ku dhisan xaqnimada Ilaah inasiiyay” (p. 834).Aniga aragtidayda, xidhiidhka Ilaah la leeyahay Masiixiyiinta waxa uu taabanayaa saddex dhinac:1. Injiilku waa shakhsi (Kaniisadda Bari iyo fahanka Calvin).2. Injiilku waa runta (fahanka Augustine iyo Luther).3. Injiilku waa bedelitaanka nolosha (fahanka Kaatoliga).Dhammaantood waa run waxaana waajib ah in la isku qabto si loo helo Masiixiyad ku dhisan KitaabkaQuduuska ah.Waa inaan soo dhowayno Ciise!Waa inaan rumaysano injiilka!Waa inaan ku dayano tusaalaha Masiixa!NASB, NKJV “rumaysad ka timaada rumaysadna u socota”NRSV “ku timaadda rumaysad una ahaatay rumaysad”TEV“ku timaada rumaysad, bilowga ilaa dhammaadka”JB“waxay muujinasaa sida rumaysadku u keeno rumaysad kale”Waxa ay tusinaysaa guuritaan amaba Horumar, qaabka sidan oo kale ahna waxa uu ku isticmaalayaa 2Korintos 2:16 iyo 2 Korintos 3:18. Masiixiyaddu haddaba, waa hadiyad ka muuqanaysa qaab nololeedka iyodabeecadda.Waxa jira tafsiirro tarjumaado dhowra oo ereyadan lagu sameeyo, tusaale ahaan tarjumaadda Williams eeAxdiga Cusub ayaa waxay odhanaysaa “sida rumaysadku u keeno rumaysad kasii wayn.” Fahanka fiqi ahaaneedee arrintan ayaa haddaba waxa uu koobsanayaa dhowr qodod (1) rumaysadku wuxuu ka yimaaddaa Ilaah; (2)aadanuhu waa inay ka jawaaba celiyaan oo jawaab celintana sii wadaan; (3) natiijada rumaysadku waa inaynoqoto nolol quduusnimo.Haddaba, rumaysadka iyo isku hallaynta Masiixa ayaa ah mid aad u muhiim ah (5:1; Filiboy 3:9). Ilaahbadbaadada wuxuu ku bixiyaa shuruudda ka jawaaba celinta rumaysadka (Markos 1:15; Yooxanaa 1:12; 3:16;Falimaha Rasuullada 3:16,19; 20:21).NASB “Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolan doonaa”NKJV “Ka xaqa ahu rumaysad ayuu ku noolaan doonaa”NRSV “Kan xaqa ahi wuxuu ku noolaan doonaa rumaysad”TEV “kii xaqnimadiisa ay Ilaah ku xidhnaataa wuxuu ku noolaan rumaysad”JB“ka xaqa ahu wuxuu heli doonaa nolosha rumaysadka”Waxa laga soo qaatay Xabquuq 2:4. Axdiga Hore ‘rumaysadku’ waxa uu leeyahay macnaha labo jibaaran ee‘isku hallayn.’ Rumaysadka wax badbaadinayaa wuxuu ku tiirsan yahay xaqnimada Ilaah (3:5,21,22,25,26). Si26

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!