13.07.2015 Views

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

C. Axdiga Cusubi wuxuu u adeegsaday xerta:1. Labo iyo tobankii ahaa xerta Ciise (Luukos 6:13; Falimaha Rasuullada 1:21-22).2. Koox gaara oo ahaa caawiyayaasha Rasuullada sida:a. Barnabas (Falimaha Rasuullada 14:4,14)b. Andaronikos iyo Yuniyas (Rooma 16:7).c. c Abolloos (I Korintos 4:6-9).d. Yacquub oo ahaa Sayidka walaalkiis (Galatiya 1:19).e. Silfaanoos iyo Timoteyos (1 Tesalonika 2:6).f. Waxa suurto gal ah Tiitos (2 Korintos 8:23)g. Waxa suurto gal ah Ebafroditos (Filiboy 2:25).3. Hadiyad kaniisaddu leedahay oo ilaa hadda socota (1 Korintos 12:28-29; Efesos 4:11).D. Bawlos ayaa magacan adeegsanaya waraaqihiisa badanaa marka uu qorayay, waxaanu sheegayaa inIlaah siiyay awood uu ku matalayo Ciise Masiix ( Rooma 1:1; 1 Korintos 1:1; Galatiya 1:1; Efesos1:1; Kolosay 1:1; 1 Timoteyos 1:1; 2 Timoteyos 1:1; Tiitos 1:1). “Oo gooni looga dhigay” waxa ay tilmaamaysaa in Ilaah horeba uu arrintan ugu talo galay iyadoo ilaaiminkana gooni looga dhigay (Yeremyaah 1:5 iyo Galatiya 1:15). Isagu waxa uu xagga sharciga ka tirsanaaFarrisiinta (Filiboy 3:5) waxayna ahayd intii aanu Ciise Masiix tilmaamin isaga, hase ahaatee imika waxa goonilooga dhigay injiilka.Waxay la xidhiidhaa erayga Cibraaniga ah ee ‘quduus’ kaasi oo loogala jeedo ‘in gooni looga dhigay adeeggaIlaah’(Baxniintii 19:6; 1Butros 2:5). Erayga ‘quduus’ iyo ‘gooni looga dhigay’, waxay leeyihiin asal Giriig ah,waana (hagios). “Injiilka Ilaah” waxay tusinaysaa ujeeddada gaarka ah ee Bawlos loogu yeedhay iyadoo gooni looga dhigayInjiilka Ilaah inuu u adeego.Erayga Injiil wuxuu ka kooban yahay oo macnihiisu yahay ‘warka (eu) wanaagsan (angellos)’, waana cibaarolagu sheegay oo si wayn uga muuqanaysa waxbarista Axdiga Cusub (Yeremyaah 31:31-34; Yexesqeel 36:22-32),oo Ilaah uu kusii ballan qaaday Masiixa (aayadaha 3-4).Waana Injiilka Ilaah oo maaha injiil uu Bawlos iska leeyahay (Markos 1:14; 2 Korintos 11:7; 1 Tesaloonika2:2,8,9; 1 Butros 4:17). Sidoo kalena Bawlos waxa uu dadka ku wacdinayay runta uu helay (1 Korintos 1:18-25).1:2 “Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballan qaaday xagga Qorniinka qoduuska ah” Injiilkumaaha wax cusub oo Ilaah keenay imika, laakiinse waa mid weligiisba jiray, oo ku socday ujeeddo iyo qorshahaIlaah (Bilowgii 3:15; Ishacyaah 53; Sabuurka 118; Markos 10:45; Luke 2:22; Falimaha Rasuullada 2:23, 3:18;4:28; Tiitos 1:2). Qoraalladu dhamaantood waxa ay sii sheegeen Ciise Masiix, oo isaguna wuxuu ahaa middhammays tiray dhammaanba wixii qoraallada quduuska ahi ka sii sheegeen. Wacdiyadii wakhtiyadii hore eeFalimaha Rasuullada(the kerygma), ayaa iyaguna sidoo kale koobsanayay in Masiixu uu dhammays tiray ballanqaadyadii lagusii sheegay Axdiga Hore.MAWDUUC GAAR AH: WACDINTII KANIISADDII UGU HORRAYSAYBallan qaadyadii Ilaah ku sameeyay Axdiga Hore waxay ku dhammays tirmeen imaatinka Ciise Masiix(Falimaha Rasuullada 2:30; 3:19,24; 10:43; 26:6-7,22; Rooma 1:2-4; 1 Timoteyos 3:16; Cibraaniyada 1:1-2; 1Butros 1:10-12; 2 Butros 1:18-19).1. Ciise waxa loo doortay inuu yahay Masiixa markii la baabtiisayay (Falimaha Rasuullada 10:38).2. Ciise shaqadiisa wuxuu ka bilaabay Galilee markii la baabtiisay dabeed (Falimaha Rasuullada 10:37).3. Shaqadiisa waxa ku dheehnaa samaynta waxa wanaagsan iyo mucjisooyin ka tarjumaya awooddaIlaah (Markos 10:45; Falimaha Rasuullada 2:22; 10:38).8

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!