13.07.2015 Views

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

Injiilka Siduu u qoray Bawlos: Rooma - Free Bible Commentary

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

xidhiidha Masiixa, waana marka la eego (2 Esdras 7:28; 13:32,37,52; 14:9 iyo Enoch 105:52).Magacani wuxuu aad uga dhex muuqdaa Axdiga Cusub, waxaanan ka arki karnaa meelo badan oo sigaara utilmaamaya:1. Jiritaankiisii hore (Yooxanaa 1:1-18).2. Isagoo ka dhashay gabadh bikro ah oon nin arag (Matayos 1:23; Luukos 1:31-35).3. Markii la baabtiisayay (Matayos 3:17; Markos 1:11; Luukos 3:22. Codka Ilaah ee samada ka yimidwuxuu midaynayaa boqortooyada Sabuurka 2 iyo adeegaha dhibaatoonaya ee Ishacyaah 53).4. Jirrabaadii shaydaanka (Matayos 4:111; Markos 1:12,13; Luukos 4:1-13. Wuxuu shaydaanku iskudayay inuu ka shaki geliyo inuu yahay Wiilka Ilaah amaba ugu yaraan inuu ujeedooyinkiisa kudhammays tiro waxyaalo ka gedisan tan isku tallaabta).5. Isagoo ay qireen kuwo kasoo horjeedaya. jinniyadii iyo ruuxyadii wasakhaysnaa (Markos 1:23-25; Luukos 4:31-37; Markos 3:11-12).b. Rumaysad laawayaashii ( Matayos 27:43; Markos 14:61; Yooxanaa 19:7).6. Xertiisa oo qirtaya. Matayos 14:33; 16:16b. Yooxanaa 1:34,49; 6:69; 11:277. Isagoo naf ahaantiisa qiraya. Matayos 11:25-27b. Yooxanaa 10:368. Isagoo Ilaah kasoo qaaday Aabbihiisa. Ilaah wuxuu ugu yeedhay ‘Aabbow’1) Markos 14:362) Rooma 8:153) Galatiya 4:6b. Isagoo adeegsaday eragya Aabbe (patēr) si uu u tilmaamo xidhiidhka uu la leeyahay Aabbaha iyoIlaahnimadiisa.Marka aan soo koobno magacan ah “Wiilka Ilaah” waxa uu macne wayn u leeyahay kuwa yaqaanayAxdiga Hore iyo ballan qaadyadii lagusii sheegay, laakiin qorayaasha Axdiga Cusub, waxa ay dhibaato kasoogaadhaysay sida ay u isticmaalaan dadka aan Yuhuudda ahayni, maxaa yeelay waxay ahaayeen jaahiliin aanwaxba aqoonin. “Kii ka dhashay farcankii Daa'uud” waxay la xidhiidhaa wax sii sheegistii 2 Samuu’eel 7, maxaa yeelayMasiixu waxa uu noqon doonay kasoo farcamayay qoyskii boqortooyada ee Daa’uud (Ishacyaah 9:7; 11:1, 10;Yeremyaah 23:5; 30:9; 33:15), oo kasoo jeeday qabiilkii Yahuudah( Bilowgii 49:4-12; Ishacyaah 65:9). Haddaba,injiilka uu qoray Matayos ayaa Ciise waxa uu ku magacaabayaa ina Daa’uud dhowr jeer (9:27; 12:23; 15:22;20:30), waxaanu tilmaamayaa sidii Yuhuuddu u rajaynayeen badbaadiye iman doonay.Waxa haddaba layaableh Bawlos oon arrintan aad uga hadal, waxaanu ku tilmaamayaa halkan iyo Timoteyos 2:8.NASB, NKJV, NRSV “xagga jidhka”TEV“Xagga aadaninimada”JB“xagga dabeecadda aadananimada”Tani waa dhammaystirka waxsheegyada iyo qirista dhinaca aadananimo ee Ciise kaasi oo xitaa ay diideenkuwii diimaha haystay qarnigii koowaad (1 Yooxanaa 1:1-4; 4:1-3). Haddaba, aayadani waxay tusinaysaa inBawlos aanu eraygan ‘jidh’ (sarx) u isticmaalin dareen xun (2:28; 9:3). Si kastaba ha ahaatee Bawlos isticmaalay‘jidh’ isagoo muujinaya farqiga ay is dheeryihiin ‘ruuxa’ ( 6:19; 7;5,18,25; 8:3-9,12,13; 1 Korintos 1:17; 11:18;Galatiya 3:3; 5:13,16,17-19,24; 6:8; Efesos 2:3; kolosay 2:11,13,18,23).Marka aan eegno aayaddan 4 Ciise wuxuu isugu jiraa aadane(xagga jidhka aayadda 3) iyo Ilaah(xagga Ruuxaaayadda 4). Caqiiqadani waa mid muhiimad ka leh (1 Yooxanaa 4:1-3). Sidoo kale waa middii Ciise uu sheegayisaga oo naftiisa ku tilmaamay ‘Wiilka Aadanaha’ (Sabuurka 8:4; Yexesqeel 2:1[aadane] iyo Daanyeel7:13[ilaahi]).10

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!