12.07.2015 Views

Somali Core Quality Standards PDF - Crown Prosecution Service

Somali Core Quality Standards PDF - Crown Prosecution Service

Somali Core Quality Standards PDF - Crown Prosecution Service

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Heerarka Tayo ee Xuddunta ahHeerka 7Waxaanu qiimayn doonaa baahiyaha dhibanayaasha iyo markhaatiyada,waxaanuna la socodsiin doonaa wixii ka soo khordha kiiskooda,waxaanuna raadin doonaa gargaarka munaasibka ah ee ka caawinayainay bixiyaan cadaymahooda ugu wanaagsan 14 .7.1 La macaamilkayaga aanu la macaamilayno dhibanayaasha iyomarkhaatiyada, waxaanu ahmiyad gaar ah siinaa waajibaadkayaga ahin aanu o ololayno u sinaanta helitaanka cadaalad.7.2 Sarkaal Daryeel Markhaati (Witness Care Officer), ama kiisaska gaarkaah, sarkaal booliis ama Sarkaal Tacsi Qoys (Family BereavementOfficer) 15 , ayaa loo qoondayn doonaa kiis walba, kaas oo noqonayashakhsi keli ah oo ay dhibanayaasha iyo markhaatiyadu la xidhiidhaan,laga bilaabo marka ugu horaysa ee maxkamadda la yimaado ilaadhamaadka kiiska. Wuxuu dhibanahyaasha iyo markhaatiyada kuwargeiyaa wixii ku saabsan waxa kiiska ka soo kordha marxalad kastaoo ka mid ah hab-socodka maxkamadda, wuxuuna raadin doonaa inuuhubiyo in baahiyahooda la daboolo. Wuxuu sidoo kale hubinayaa indhibanahu sameeyey, ama la weydiiyey inuu doonayo inuu sameeyoQoraal Dhibane oo Shakhsiyeed, oo maxkamadda horteeda lagaakhriyo haddii dacwad-iska difaacuhu uu qirto dembiilenimo ama xukunlagu qaado.7.3 Haddii uu dacwad-iska difaacuhu sheegto inuu dembi la’aan yahay,Sarkaal Daryeel Maxkamaddeed ayaa:a) mudo wakhti xadiddan gudaheed ah ku ogaysiiya markhaatiyada loobaahan yahay inay cadaymo bixiyaan taariikhda kulan-doodeedkamaxkamaddeed, mudadaas kooban oo ka bilaabata markawarbixinahan laga helo adeegga dacwad-qaadidda;b) ma dib qirasho dembiilenimo, siiya markhaatiyada looga baahnaainay maxkamadda yimaadaan, qiimayn buuxda oo baahiyeed. Taniwaxay siisaa fursad ay kaga hadlaan welwelada ay ka qabaanimaanshaha maxkamadda, oo ay ka mid yihiin, tusaale ahaan, inlaga caawiyo arimaha daryeel caruureed iyo safarka. Waxay sidookale Sarkaalka Daryeel Markhaati awood u siisaa inuu markhaatigala lafaguro in ay jirto baahi loo qabo qaabab gaar ah si awood loogusiiyo inuu cadayntiisa u bixiyo si waxtar leh;14 Sidoo kale arag Wacadka Dacwad-qaadaha (Prosecutor’s Pledge), Qoraalka Xeerarka CPS eeDhibanayaasha iyo Markhaatiyada, Hanaanka Hawlgal ee Dhibanayaasha Dembiga iyo Heshiiskamarkhaatiga, dhamaan waxaa laga heli karo bogayaga internet-ka (www.cps.gov.uk) ama in la codsado(faahfaahin ka eeg jeldiga xagga dambe).15 Sarkaalada Tacsiyeynta Qoyska (marmarka qaarkood loo yaqaan Sarkaalada La-shaqaynta Qoyska)waa sarkaalo booliis oo si gaar ah loo tababaray oo bixiya isku xidh u dhexeeya dembi-baadhayaasha,dacwad-qaadayaasha iyo qoyska dhibanaha ee kiisaska dhimashada ku lug leh.27

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!