12.07.2015 Views

Somali Core Quality Standards PDF - Crown Prosecution Service

Somali Core Quality Standards PDF - Crown Prosecution Service

Somali Core Quality Standards PDF - Crown Prosecution Service

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Heerarka Tayo ee Xuddunta ahArar/GogoldhigAdeegga Dacwad-qaadidda Maxkamaddeed (Crown Prosecution Service,CPS) waa adeega guud ee dacwad-qaadidda dadweynaha ee Ingiriika iyoWeelishka. Bishii Jannaayo 2010, waxay isku biireen Xafiiska Dacwooyinkaee Cashuuraha iyo Kastamyada (Revenue and Customs Prosecutions Office,RCPO). Adeegga waxaa madax u ah Agaasimaha Dacwad-qaadiddaDadweynaha (Director of Public Prosecution, DPP) kaas oo sidoo kale ahAgaasime Xafiiska Dacwooyinka ee Cashuuraha iyo Kastamyada. DPPwuxuu hawlgalladiisa u sameeyaa si madaxbanaan, oo u hogaansan kor-kalasocodka Qareenka guud, kaas oo ay hawlaha adeegga dacwad-qaadiddakala xisaabtamaan Baarlamaanku.Heerarkaas gudahooda, erayga dacwad-qaadayaal (prosecutors) waxaa looisticmaalayaa inuu tilmaamo xubnaha adeegga dacwad-qaadidda ee looqoondeeyey Dacwad-qaadayaasha Maxkamaddeed; dacwad-qaadayaashaxubin ka ah RCPO; Dacwad-qaadayaasha Urureed, kuwaas oo looqoondeeyey si waafaqsan qaybta 7A ee Sharciga Dacwad-qaadidda Falalkadembiyeed ee soo baxay 1985, ee awooddooda u adeegsada si waafaqsanqaab-tilmaameedka ay samaysay DPP; iyo xubnaha kale ee RCPO kuwaasoo ay qoondaysay DPP kartidiisa Agaasimaha Dacwooyinka ee Cashuurahaiyo Kastamyada ee 2005. Waxaanu erayga u-doode u isticmaalaa in aanutilmaano dacwad-qaadayaal iyo maxkamad-ka doodayaal ama qareenohawlgal khaas ah, kuwaas oo kiisaska maxkamadda gudaheeda uga hawlgalaiyagoo anaga na metelaya.Dacwad-qaadayaasha waxaa taageera shaqaale sharciyeed oo qabta intabadan shaqooyinka loogu baahan yahay in la dhaqangeliyo go’aanadooda,iyo shaqaale isku–duwayaal oo u hawlgala shaqooyinka sida la socodka wixiikiisaska ka soo kordha, wadashaqayn la sameeya ururada kale, iskuhagaajiya waxyaalaha soo xeroonaya iyo faylalka kiiska iyo sawiridda iyodiridda dukumeentiyada.Heerarkan gudahooda odhaahda booliiska ama dembi-baadhayaasha kale(police or other investigators) waxaa loo isticmaalayaa in la tilmaamo xubnahadhammaan ururada dembi-baadhista, oo ay ka mid yihiin Ururka DembiyadaWaaweyn ee Qorshaysan (Serious Organised Crime Agency) iyo UrurkaXuduudaha UK, kaas oo kiisas u diyaariya una soo bandhiga adeeggadacwad-qaadidda.Booliiska iyo dembi-baadhayaasha kale waxay mas’uul ka yihiin inay su’aaloweydiin ku sameeyaan eedayn ah in laga yaabo in lagu kacay fal-dembi.Kiisaska waaweyn ama dhinacyada badan leh, dacwad-qaadayaasha ayaago’aan ka gaadha in qof lagu xukumo fal dembi iyo in kale, iyo haddii ay sidaatahay, waxa uu falka dembi noqon doono. Kiisaska kale, waxaa laga yaabaain booliiku uu eedaysane amar ku fuliyo, laakiin dacwad-qaadayaasha ayaamas’uul ka ah go’aaminta in kiis sii socdo iyo in kale. In kasta oo adeeggadacwad-qaadiddu si buuxda ula shaqeeyo booliiska iyo dembi-baadhayaashakale, haddana way ka madaxbannaan yihiin. Madaxbanaanida dacwadqaadayaashuwaa muhiimad dastuur oo aasaasi ah.1

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!