29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Dalbashooyinka aan la wargelin badanaa waa la bixiyaa, laakiin haddii ay

maxkamaddu mid diiddo (badanaa tani ma dhacdo), maxkamaddu waxay hubisaa in

dacwaddaas la dhageysto si dhaqso ah badanaa asbuuc gudihiis ah. Amarada

faraxumeyn ka reebista badanaa in la ogolaado ayey aad u sii badan tahay marka loo eego

amarada hanti la wareegis. Mararka aad iyo aad degdeg u ah waxay maxkamaduhu

fadhiisan karaan waqtiyada ka baxsan saacadaha caadi ahaan la shaqeeyo ama maalmaha

wiikeendiga.

Sidee loo dalbadaa amarada faraxumeyn reebis 9

Dalbaduhu waa inuu:

• Soo buuxiyaa arjiga FL401 (koobiyo ayaad ka helaysaa maxkamadda ama internetka

www.hmcourts-service.gov.uk/HMCSCourtFinder);

• Sheegtaa xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo jawaab laga sugaha (isagoo calaamadinaaya

goobta ku haboon);

• Tilmaamaa si kooban, meesha loo baneeyey, daaweynta uu raadinayo;

• Soo buuxiyaa arjigaa C8 haddii uu dalbaduhu doonayo inay ka tagto cinwaankiisa

markuu buuxineyo arjiga FL401- wax ogolaansho ah loogama baahna maxkamadda

si tan loo sameeyo; iyo

• Soo gudbiyo qoraal dhaar ah oo uu ku kaalmeynayo badalashadiisa (kani waa inuu

muujiyaa xaqaa’iqa ugu waaweyn ee kiiska, oo ay ku jiraan faahfaahin wixii falal

danbiyeed ah iyo soo dhexgelis ay boolisku sameeyeen).

Iyadoo maxkamadda ogolaasho looga haysto, arjiga FL401 ayaa caddeyn afka ah lagu

taakulayn karaa ka sokow. Kiisaska aad degdega u ah maxkamaddu waxay diyaar u

tahay inay aqbasho dalabka iyadoo aanay jirin qoraal kaalmo ah, laakiin waa caado

jirta inay maxkamaddu weydiiso dalbato inay soo gudbiso cadeymaheeda waqti kale.

Sidee bay amarada hanti la wareegistu uga duwan yihiin?

Sababo kala duwan awgood amarada hanti la wareegistu way ka adag yihiin kuwa

faraxumeyn reebis, laakiin maadaama ay jiraan shan qaybood oo ka tirsan qeybta IV

ee Sharciga xeerka qoyska ee 1996 oo ka hadlaaya arinta (qeybaha 33,35,36,37,38).

Bixinta amar waxay ku xiran tahay xiiirka u dhaxeeya qaybaha is haya iyo haddii

dalbaduhu hadda haysto xuquuq hanti la wareegis ah.

Waa muhiim in la ogsoonaado in dalbadayaashu ay raadiyaan amar hanti ka reebis

kaasoo la xiriira guri ay deganaan jireen, deggan yihiin ama ay rabaan inay degaan

dadka is qabtay. Tusaale ahaan amar looma sameyn karo haddii hantida loo iibiyey

9 Foomamka maxkamadda waxaa laga heli karaa bogga internetka ee Adeegga Maxkamadaha ee

Boqortooyada (HM Courts Service) oo ah

http://www.hmcourts-service.gov.uk/HMCSCourtFinder/FormFinder.do codsiyada qaarkoodna internetka

ayaa looga soo diri karaa halkan www.hmcourts-service.gov.uk/onlineservices .

14

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!