29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

QAYBTA 2: CARRUURTA

SHARCIGA CARRUURTA 1989

Taxanaha 6 ee Sharciga xeerka qoyska 1996 ayaa wax ka beddelay Sharciga Caruurta

1989 si maxkamadda loogu oggolaado inay ku lifaaqdo shardi, wata awoodda wax lagu

xiro haddii muhiim loo arko, si qof loogu saaro ama loogu diido guriga ilmaha, ama

qofkaas loogu diido gelitaanka meelo go’an oo u dhow guriga ilmaha. Marka ay

maxkamaddu awood u leedahay amarka shardiga u diidista waxay halkaa ka aqbali kartaa

ballanqaadka qofka habboon.

Maxkamaddu waxay keliya oo ay amaradan ku bixin doontaa (iyadoo eegaysa qodobbada

44A, 44B, 38A iyo 38B ee Sharciga Carruurta 1989) (sida ku qoran Taxanaha 6 ee

Sharciga xeerka qoyska 1996) haddii amar ilaalin deg deg ah, ama amar daryeelis ku

meel gaar ah la gudbiyey.

SHARCIGA ILMO KORINTA AADAN DHALIN (ADOPTION) IYO

CARUURTA 2002

Sharciga ilmo korinta aadan dhalin iyo caruurta waxaa la soo rogay Nofeembar 2002.

Sharcigani wuxuu hadda caddeeya markii ay maxkamadi ay go’aan ka gaareyso

dalabyo iyadoo eegaysa qaybta 8aad Sharciga Badbaadada Ilmaha ee 1989, waxay

kaloo go’aan ka gaareysaa haddii uu ilmuha dhib ka soo gaaray, ama laga yaabo inuu

dhib kasoo gaaro, waxaa waajib ah inay u aragto dhib inay ilmaha ku dhacdo

rabshado qoys balse ay dhibaato ugu filan tahay inuu markhaati joogo goob ay ka

dhacayso rabshado qoys (witness).

Qeexitaanka la cusboonaysiiyey ee waxyeellada waxuu si rasmi ah u hirgelay Jannaayo

2005tii. Dib-u-habeyntan ayaa ah hage loogu talogalay maxkamadda si loogu daro kuwa

hadda jira- kuwaasoo loogu talogalay maxkamadda iyo xirfadleyaasha ku shaqada leh

– wax ka qabasho dhibaateyn qoys.

Foomamka C1 iyo C1A (ee loo yaqaanno foomamka ‘Gateway’ (Iridda)) oo dib loo

cusboonaysiiyey, kuwaasoo loogu talagalay codsiyada xiriirka iyo deggannaanshaha

ilmaha waxaa iyagana sidoo kale la soo saaray 31kii Jannaayo 2005tii . Codsadeyaasha

iyo danbiileyaasha waxaa la siiyey fursad ay marxalad hore kaga walaac sheegtaan wixii

waxyeello ah, iyagoo Maxkamadaha ku siinaya warbixin si ay uga fiirsadaan in

dhacdooyinka dhibaataynta qoysku ay saamayn daran ku yeesheen ilmaha, ama ay

saamayn karaan ilmaha mustaqbalka.

SHARCIGA CARUURTA 2004

Sharciga Carruurta 2004 ayaa beddelay xeerasha u yaalla sheegidda warbixinta marka

laga hadlayo kiisaska carruurta khuseeya. Xeerar cusub ayaa soo hirgalay 31kii Oktoobar

2005tii. Si aad faahfaahin buuxda u hesho fiiri hagista ku taalla bogga internetka ee

Adeegga Maxkamadaha: http://www.hmcourts-service.gov.uk/docs/ex710_1105.pdf

26

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!