29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

maxkamaddii go’aanka gaadhay.

Racfaanada waxaa lagu qabtaa maxkamado ka duwan tan kiiska xukuntay:

• Go’aano ay bixisay maxkamadda denbiyada yar yar (Magistrate) waxaa racfaan

looga qaadan karaa maxkamadda sare ( High Court)

• Go’aano uu bixiyey qaaddiga xaafadda ee fadhiya maxkamadda xaafadda, waxaa

looga racfaan qaadanayaa qaaddiga sare ee maxkamadda xaafadda (Circuit Judge)

• Go’aano uu bixiyey qaaddiga maxkamada xaafaddu ee maxkamadda sare waxaa

racfaan looga qaataa qaadiga maxkamadda sare ee isla xaafaddaas.

• Go’aano uu bixiyey qaadiga sare ee maxkamadda xaafaddu waxaa racfaan looga

qaadan karaa maxkamadda racfaanka.

Maxaa laga filan karaa awoodda xabsi ku hayn?

Awoodda xabisidda waxaa lagu lifaaqi karaa qodob kastoo horjoogsanaya faraxumaynta

(ilaa 1da July 2007da) ama amar degganaansho marka hanjabaad dagaal la arko.

Awoodda xabisiddu waxay sarkaal booliis ah awood u siisaa inuu xiro dacwad lagu

soo oogaha, iyadoon aanu haysan ogolaansho maxkamadeed (warrant), haddii

iyada/isaga looga shakisan yahay inuu si muuqata inuu jebiyey amar

maxkamadeed. Faa’iidada weyn ee ay u leedahay dacwad oogtada waa inaysan u

baahneyn inay soo buuxiso arji kale si loo sameeyo ogolaansho maxkamadeed

(warrant). Maxkamaduhu waxay ku lifaaqi karaan awooda xabisidda (xiridda) markay

xukumid bixinayaan (ama qeyb amarka ka mid ah ay bixinayaan) ha ahaadeen

xukumidaasu kuwa la wargeliyey ama kuwa aan la wargelin. Booliiska waxaa looga

baahan yahay markii ay xiraan danbiilaha inay soo hor taagaan maxkamada

(maxkamaddaas oo ah tii markii hore xukun riday) muddo 24 saacadood ah (oo ka

bilaabanta waqtiga la xiray). Haddii aanay maxkamadu wax ka qaban karin arinta

islamarka dacwaddaas, waxay leedahay awood ay kusii hayso danbiilaha xabsiga ama

inay kusii dayso dammiin ahaan.

Hase yeeshee, qodobka 1 ee Sharciga dhibaataynta qoyska 2004 ayaa beddelaya sharciga

xeerka qoyska si jebinta amarka horjoogsanaya faraxumaynta looga dhigo fal denbi ah

marka la hirgaliyana 1da July 2007da, sharci ahaan uma suurtogali doonto

maxakamaduhu in ay awood xabisid ku lifaaqaan amarrada horjoogsanaya faraxumaynta.

Taas waxaa dheer, Sharciga Denbiga Habaysan ee Daran iyo Booliiska 2005 (SOCPA)

ayaa beddelay liiska denbiyada xirista wata ee Qodobka 24 ee PACE wixii ka dambeeyey

Jannaayo 2006dii si denbiyaasha dhammaantood looga dhigo kuwo xiris wata sidaasoo

uu ku beddelay qodobka 10 ee Sharciga dhibaataynta qoyska 2004. Waxaa awood xabisid

weli lagu lifaaqi karaa amarrada degganaanshaha, marka habboon.

Waa inay cadaan tahay awoodda xiristu xiliga ay dhacayso (expiry date). Mar marka

qaarkood waxay dhici karaan ka hor inta amarada ay ku lifaaqan yihiin aanay dhicin.

Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaaa tani inay dhacdo, markii awoodda xabisiddu

(xiriddu) ay ku saabsan tahay qayb ka mid ah amarka la bixiyey.

Arjiga awoodda xabisiddu (xiriddu) FL406, waxaa waajib ah inuu caddeeyo

18

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!