29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

siiyo. Hase yeeshee, inta codsiga laga fiirsanayo, sharcigooda haajiraadda ee hore ayaa u

diidaya in ay helaan deeq guryeynta la xiriirta. Haddii ayan haysan meel ay ku nabad

galaan ama wax ay isku taageeraan, waxaa dumarkaas badi khasab ku noqon karta in ay

ku noqdaan gurigooda halkaasoo ay kala kulmaan xadgudub dheeraad ah iyo, mararka

aad iyo aadka u daran, dil.

Masuuliyiinta dawladda hoose ayaa u baahan in ay xasuusnaadaan in dhibbaneyaasha

dhibaataynta qoyska qaarkood ay si gaar ah ugu baahan karaan daryeel iyo taxaddar loo

muujiyo oo/ama ay yeelan karaan carruur ku tiirsan, taasoo u qalmin karta in la caawiyo

marka la raaco qodobka 47 ee Sharciga Adeegga Qaran ee Caafimaadka (NHS) iyo

Daryeelka Bulshada, Sharciga Dawladda Hoose qod 2, Sharciga Carruurta 1989 ama

sharci kaloo muhiim ah marka kiisba kiis loo eego.

Sanadkii 1999kii, waxaa la soo saaray qodob rukhsaynaya in degganaansho loogu

oggolaado dadka iyagu ka soo tagay lammaanahooda ama xaaska ama ninka ku

xadgudbayey intii ay ku jireen muddadooda tijaabinta, ee welibana denbi maxkamadi ku

xukuntay ama wax la mid ah ku caddayn kara in uu xiriirku ku joogsaday dhibaataynta

qoyska awgeed.

Noofembar 2002dii, noocyaha daliilka ee lagu caddayn karo dhibaataynta waa la

kordhiyey. Inkastoo uu amar, denbi ku xukun ama digniin booliis ay yihiin caddaynta

ugu fiican, warbixinta Takhtarka Guud, bayaan maxkamadeed, iyo warbixin booliis oo ku

saabsan tegidda, warqad ka socota adeegyada bulsheed, ama warqad taageero oo ka

socota goob hoy siin ayaa sidoo kale looga dhigay wax la aqbali karo.

Agaasinka Haajiraadda iyo Dhalashada ayaa gooni u saaraya kiisaskaas oona

deddejinaya, dhawaanna, codsadeyaasha waxaa laga dhaafay nidaamka kharaashyada ee

cusub, haddii ay diihaalsan yihiin.

Waxaa la wadaa tallaabooyin cusub oo lagu wanaajinayo hawsha codsashada iyo

helitaanka caddaynta, taasoo uu ku jiro nidaam waxqabad oo loo dejinayo hay’adaha,

iyadoo la ballaarinayo macnaha iyo turjumaadda ereyga ‘hoy siin’. Abriil 2007da waxaa

jiri doona foom codsasho oo cusub 19 kaasoo qoraallo hagid ahi ay la socdaan.

SHARCIGA DIB U HABAYNTA BOOLIISKA 2002 - DHIBAATAYNTA

QOYSKA IYO CAAFIMAADKA

Adeegga caafimaadka qaran (NHS) waxaa laga sugayaa in uu caawimo gaar ah ka bixiyo

dhibaataynta qoyska, sababta oo aan ahayn oo keliya saamaynta caafimaadka

dhibbaneyaasha, laakiinse weliba sababtoo ah in Adeegga caafimaadka qaran uu noqon

karo barta ugu horraysa ee lagula xiriiri karo shaqaale garan kara waxna ka qaban kara

xaaladda.

19 xogwaraysiga dhibaataynta qoyska ee hadda:

http://www.ind.homeoffice.gov.uk/6353/11406/dvquestionnaire.pdf

44

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!