29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Laga bilaabo Abriil 2007da waxaa England iyo Wales ka jiri doona 64 goobood oo ay ka

hawlgalaan Maxkamadaha Khibradda u leh Dhibaataynta Qoyska.

Maxkamadaha Dhibaataynta Qoyska ee Midaysan

Markii kan la daabacayey, Croydon waxay dhexda ugu jirtay tijaabintii sanadka ahayd ee

Maxkamaddii Dhibaataynta Qoyska ee Midaysan ee ugu horraysay (IDVC). Waxaa

tijaabinta la qiimayn doonaa xilliga dayrta/jiilaalka 2007da isagoo uu barbar socdo

mashruuc qiimayn oo lagu cabbirayo saamaynta qodobbada Sharciga guri ku

dhibaataynta, denbiga iyo dhibbaneyaasha 2004.

Sifada ugu weyn ee maxkamadda dhibaataynta qoyska ee midaysan waxa weeyaan

kiisaska denbiyeed iyo qoyseedba ee khuseeya qoys keliya, markaasoo ay dhibaataynta

qoysku tahay arrin, in iyaga lagu hor dhegeysan doono isla Qaadi keliya markastoo ay

suurogal tahay - sida kuwa ka jira Maraykanka.

Ereyga IDVC fududnaantiisa ayaa loo isticmaalayaa - kiisaska waxaa lagu

dhegeysanayaa maamullada Maxkamadaha denbiyada yar yar iyo arrimaha qoyska

hoostooda - maxkamad cusub ma aha.

Mabda’yada iyo ujeeddooyinka Tijaabinta Croydon ayaa loogu malaynayaa in tallaabo

lagu qaadi doono oo keliya sharciga hadda dejisan, iyo in go’aannada maxkamadeed lagu

gaari doono marka kiis kaste loo eego xaqiiqooyinka:

• Hal qoys, hal Qaadi markastoo suurogal ah, iyo iyadoo la adeegsanayo sharciga iyo

nidaam xaq ah.

• Kiiska denbiyeed waa in la dhammaystiro , oo laga gaaro ugu yaaraan barta xukunka

ama denbi ku waayidda, ka hor inta uusan isla Qaadigaasi dhegeysan kiiska qoyseed.

• Nidaamka la adeegsado si kiiska looga dhegeysto maxkamadda dhibaataynta qoyska

ee midaysan waa in uusan dib u dhac u keenin kuwa iyagu ku jira.

• Wadaagga warbixinta ee waxtarka leh ayaa lagu gaari karaa go’aanno lagu

badbaadayo oo waxtar leh

SHARCIGA KA ILAALINTA DHIBAATADA 1997 ( Danbi galid)

Faa’iidada ugu wayn ee xeerkan waa faa’iidadiisa uu u leeyahay dumarka aan la

deganeyn ku xadgudbahooda, aanna u dhalin wax caruur ah. Xeerka ka ilaalinta

dhibaatad ee 1997 waa daaweyn saameyn leh wuxuuna u yahay dhibanayaasha aan

raadsan karin ilaalin marka la eego Sharciga xeerka qoyska ee 1996 sababtoo ah ma

soo buuxin karaan shuruudaha adag ee looga baahan yahay dalbadaha ee ku sharaxan

xeerkaas (eeg lifaaqa A iyo qaybta koowaad ee hagahan).

Dacwadaha denbiile ee xeerka ka ilaalinta dhibaatada ee 1997 waxay keeni kartaa

denbi ku helis iyo amar mamnuucis ah, laakiin ma saameyn karto wax amarro ah oo ku

saabsan xuquuqda hanti.

40

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!