29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

denbiga lagu hor galay, ama lagu ag galay ilme ama ay jiraan sababo loo aaminsan yahay

in laga yaabo in denbiga lagu celiyo.

Adeegga dacwad oogiddu waxuu sharci ahaan nuqullo ka heli karaa wixii amarro ama

xukunno ah ee laga soo saaro kiisaska qoyska kuwaasoo uga yimaadda qolooyinka kiiska

ku jira, sida booliiska ama dhibbanaha. Qoraallada dheeraadka ah sida bayaannada ama

warbixinnada, waa in uu adeeggu u helaa rukhsadda maxkamadda qoyska ka hor inta

aanan kuwaas la helin ama laga isticmaalin kiisas kale 14 .

Marka uu adeegga dacwad oogiddu ogaado wax jebin ah oo lagu sameeyey amaro

madani ah, waxuu ka fikiri doonaa sida warbixintaas loo isticmaali karo iyo inay tahay

muhiim oo ay dhalinayso culeys dheeraad ah oo loo isticmaalo dacwad ka oogidda

kiisaska danbiile.

Kuwan ayaa ah faahfaahino ku saabsan sida adeegga dacwad oogiddu uu dacwad uga

oogo kiisaska dhibaateynta qoyska taasoo ku taal siyaasadiisa dib loo habeeyey, oo la

daabacay bishii Febraayo 2005 15 (www.cps.gov.uk).

Sidee bay yihiin imaatinka maxkamadda iyo waqtiyada sugitaanku?

Sida kor ku xusan dhibaateyn qoyska intooda badan waxaa xaliya maxkamadha ooga

denbiyada yar yar; gabal (qayb) yar ayaa loo soo gudbiyaa maxkamadda sare sida

hoos ku faahfaahsan. Waqtiyada sugista dacwo qaadista oo labada maxkamadooda

waxay u dhaxeeyaan laba asbuuc ilaa dhowr bilood. Geynta maxkamaddu waxay ku

xirnaa doontaa meesha ay ku taal iyo shaqada u taal maxkamadda laakiin waxaa kiiska

weliba dib u dhigi kara labada qolo midkood, tusaale ahaan, sababtoo ah diyaargaraynta

kiiska, warbixinnada iwm.

Kiis ayaa loo gudbin karaa maxkamadda sare sababo ay ka mid yihiin:

• Haddii u yahay mid laysku soo oogi kari oo keliya (eeg erayada sida xuruufaha loo

qoray) ama

• Waxaa weeye xadgudub dhan-walba marka laga eego aan ku habooneyn dacwad

kooban ama

• Waxaa weeye xadgudub dhan-walba tuhunsanuhuna uu rabo in dacwadda la geeyo

maxkamadda sare ama

• Waxaa weeye xadgudub dhan-walba maxakamadda denbiyada yar yarina ay u aragto

inaysan lahayn awood ay ku xukunto.

14 Fiiri Xeerasha kiisaska qoyska (ee la beddelay) 2005 (kala duwan)

15 Siyaasadda dacwadda laga oogo kiisaska dhibaataynta qoyska IYO sida go’aannada dacwad

oogidda loo gaaro: http://www.cps.gov.uk/publications/docs/DomesticViolencePolicy.pdf IYO

http://www.cps.gov.uk/publications/docs/DomesticViolenceLeaflet.pdf

34

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!