29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Maxaa laga filan karaa denbi ku helis?

Maalintii 7dii Diisembar 2006dii, Guddiga Xeerasha Xukumidda ayaa soo saaray xeerar

kama dambays ah oo ku saabsan Mabda’yada Ugu weyn; Dhibaataynta Qoyska 16 iyo

Jebinta Amarka Ilaalinta 17 .

Si tuhunsanaha loogu helo xadgudub denbiilenimo, guddiga kiiska go’aaminaayaa (jury)

ama qaadiyada denbiyada yar yar/qaaddiga waxaa waajib ku ah inay hubiyaan

denbiilenimada is difaacaha “ si ka fog wax shaki ah” intii ay wax ku xukmi lahaayeen

“dheelitirka ixtimaal” sida ka dhacda maxkamadaha madiga ah. Haddii aanay ku

qanacsanayn hubitaankooda in uu tuhunsanuhu denbiga geystey, ma lahaan karaan war

ikhtiyaar ah oo aan ahayn inay siidaayaan is difaacaha.

Haddii tuhunsanuhu uu qirto ama lagu helo denbiga ka dib dacwadda, xukumista

suurtagalka ahi ee lagu soo rogi karaa way kala duwan yihiin aragti ahaan. Ganaaxyada

denbiile waxay xoogga saaraan baxnaaninta tuhunsanaha waxay weliba horjoogsadaan

denbi galidda dheeraadka ah ee mustaqbalka. Marka kuwaas la

barbardhigo, daawaynta diyaarka u ah kiisaska madaniga ah waxaa marka ugu horraysa

loogu talagalay in ay ilaaliyaan dhibbanaha.

Maxkamadaha denbiyada yar yar waxaa u yaalla fursado xukumis oo kaladuwan laga

bilaabo sii-daynta buuxda ama mid shuruudo leh, ilaa ganaaxyada iyo amarrada ganaaxa

beeleed ilaa xabsiga. Xukunnada xabsigu waxay noqon karaan kuwo islamarkaaba

hirgalaya ama goor dambe hirgalaya waxaana dhici karta in xukumidda taariikhda dambe

laga dhigo si loo fiiriyo in uu tuhunsanuhu addeeco halka ama dhowrka shuruudood ee ay

maxkamaddu dejiso. Isagoo ah amar siyaado ku ah xukunnada kor ku xusan, waxay

maxkamadaha denbiyada yar yari weliba tuhunsane ku amri karaan (taasoo ku xiran

karaankiisa) in uu magdhaw siiyo qolada la dhaawacay.

Amarka ganaaxa beeleed waa amar maxkamadeed oo ka kooban ugu hal ama dhowr ka

mid ah shuruudaha soo socda:

• Shardiga shaqo aan mushaar lahayn;

• Shardiga waxqabad;

• Shardiga barnaamij laga qaybgalo (xataa barnaamij wax lagaga qabanayo akhlaaqda

denbiilenimada ee keenaysa dhibaataynta qoyska);

• Shardiga waxqabad mamnuuc ah;

• Shardiga bandoo;

• Shardiga bixid;

• Shardiga degganaanshaha;

• Shardiga daawaynta caafimaadka maskaxda;

• Shardiga ka baxnaaninta mukhaadaraadka;

• Shardiga daawaynta khamriga la xiriirta;

16 http://www.sentencing-guidelines.gov.uk/docs/domestic_violence.pdf

17 http://www.sentencing-guidelines.gov.uk/docs/breach_of_protective_order.pdf

37

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!