Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary
Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary
Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary
You also want an ePaper? Increase the reach of your titles
YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.
in uu dhibbanuhu u baahan yahay ilaalin loo sii wado. Waxaa dhab ahaan u furan

dhibbanaha in uu raadsado amar horjoogsanaya faraxumaynta ama mid reebitaan oo uu

ka helo maxkamadda madaniga. Hase yeeshee, tallaabada taas ka camali ah ayaan ka

hortagayn uun dib u dhaca iman kara iyo korodhka kharashka soo gaara miisaaniyadda

gargaarka sharciga, waxayse weliba dhibbanaha siinaysaa ilaalin sii waxqabad fiican.

Denbi ku waayidda ka bacdi, waxay maxkamaddu ugu baaqi kartaa dhinaca dembi

oogidda iyo dhinaca difaaca labadaba in ay soo bandhigaan wixii ah caddayn dheeraad ah

ee aanan laga aqbali karin dacwadaha denbiyeed laakiinse laga oggolaan karo dacwadaha

madani. Iyadoo adeegsanaysa caddayntaas, waxay maxkamaddu go’aan ka gaari doonta

in loo baahan yahay amar si dhibbanaha looga ilaaliyo dhibaatada. Haddii kale, waxay

maxkamaddu go’aankaas gaari kartaa iyadoo isticmaalaysa caddaynta hore loogu soo

bandhigay dacwadda denbiyeed. (Tusaale ahaan, qof ayaa lagu waayi karaa denbiga

waxyeellada jirka ee daran laakiinse waxaa dhici karta in uusan muran ka jirin in uu

qofkaasi xoog u garaacay albaabka isagoo ku qaylinaya hanjabaad oo uu xoog ku galay

aqalka.)

Ujeeddada laga leeyahay amarka xakamayntu waxay noqon doontaa mid ka hortag ah, oo

aan ganaaxid ahayn – tallaabo qofka lagaga ilaalinayo dhibaatada. Waxaannu aaminsan

nahay in ay jiraan xaalado keenaya in ay dhibbaneyaashu ilaalin ama badbaadin

degdegga ah u baahan yihiin, xataa inkastoo aanan la hayn caddayn ku filan in qofka

denbiga lagu xukumo. Marka ay ka fiirsanayso in ay amar samayso waxay maxkamaddu

tixgelin doontaa isla su’aasha ay maxkamad madani u tixgelin lahayd codsiga amarka

xakamaynta marka la raaco qodobka 3 ee Sharciga ka ilaalinta dhibaatada, taasoo ah

miyaa amar loo baahan yahay si dhibaatada qofka looga ilaaliyo? Su’aashaasi waa mid

ku xiran aragtida maxkamadda.

Marka ay ka fiirsanayaan in la caddeeyey eedaymaha gaarka ah ee habdhaqan xun oo

hore, waxay maxkamaduhu adeegsan doonaan xeerka madani ee caddaynta. Hase

yeeshee, sida ku cad sharciga kiiseed ee loo adeegsaday amarrada noocaas ah (amarrada

akhlaaqda bulshada u daran iyo amarrada mamnuuca ee kubbadda cagta) xeerka madani

ee dabbakhmayaa waxuu ku xirnaan doonaa nooca kiiska, iyo xataa heerka xumaanta

habdhaqanka lagu eedaynayo iyo nooca wixii ganaax ah ee lagu xukumi karo.

Sharciga dhibaataynta qoyska 2004 ayaa weliba qof kastoo ku magacaaban amarka

xakamaynta xaq u siinaya in “la maqlo”, tusaale ahaan la matalo, haddii la soo gudbiyo

codsi lagu beddelayo ama lagu tirtirayo amarka. Xeerasha u yaalla Maxkamadda ayaa

maxkamadda waajib kaga dhigi doona in qof kastoo ku magacaaban amarka xakamaynta

ay ka wargeliso codsiga noocaas ah si uu qofkaasi hore u sii ogaan karo waxa dhacaya, si

markaasna uu fursad ugu helo in uu codsiga kaga doodo maxkamadda dhexdeeda.

42