29.08.2013 Views

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

Somali version - A Guide to Civil Remedies and - Judiciary

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

SHARCIGA KA ILAALINTA DHIBAATADA 1997 (MADANI)

Sharciga ka ilaalinta dhibaatada ee 1997 (PHA 1997) wuxuu xanbaarsan yahay daaweyn

madani ah iyo ganaax danbiile labadaba markii laga hadlaayo dhibaateyn qoys. Waxaanu

ku sharaxeynaa ganaaxidda danbiile Qaybta 3 ee Hagahan.

Daaweynta ku xusan sharcigan waxay la siman yihiin kuwa Sharciga xeerka

qoyska ee 1996. Sharciga ka ilaalinta dhibaatada ee 1997 waxaa markiisi hore loogu

talogalay in lagu xaliyo dhibaatada daba socodka ama jid-u-fadhiisiga laakiin waxaa

kaloo isticmaali jirey dadka aan dalban karin amar marka la eego sharciga xeerka

qoyska 1996 maadaama aanay soo buuxin karin shuruudaha loogu tala galay ‘la xiriiris’

loo soo maraayo xiriir qoys ama/iyo mid wada noolansho. Ilaa xad waxaa xaaladdaas

lagu wanaajin doonaa Sharciga dhibaataynta qoyska 2004: qodobka 3 – kaasoo

lammaaneyaasha isku jinsiga ah ee wada nool u oggolaan doona helitaanka amarrada

Qaybta IV sida lammaaneyaasha kala jinsiga ah (kaasoo hirgalay Diisembar 2005tii), iyo

qodobka 4 - kaasoo lammaaneyaasha aan weligood wada noolaan ama is guursan u

qalmin doona amarrada Qaybta IV (kaasoo hirgalaya 1da July 2007da).

Sharciga ka ilaalinta dhibaatada ee 1997 wuxuu bixiyaa daaweyn madani ah si loo

xanibo danbiilaha - oo la xukumo habdhaqankiisa iyo/ama laga saaro meelaha u dhow

guriga codsadaha ama meeshiisa shaqada - iyo in la raadiyo dhaawacyo ay keeneen

dhibatooyinkaasi. Kuwan waxaa ka mid ah amaro ay maxkamaddu bixisay oo reebaaya

sameynta ficilada qaar (injunction) iyo dalbashada dhaawacyo. Tusaale ilaa xad dhow

ayaa muujinaya baaxadda suurogalka ah ee Sharcigan. Waxaa codsi lagu guulaystay laga

dirsaday hooyada ninka goortaas oo codsadaha la siiyey £35,000 oo magdhow ah

markaasoo ay dhibaatadu ahayd xadgudubka ulakac iyo taxaddar la’aanta ku yimid ee loo

geystey haweeney da’ yar ayna u geysatay hooyada ninkeedu 11 .

Yaa dalban kara?

Markii sharcigan la eegaayo qof walba ayaa dalban kara amarada ay maxkamadi

bixiso ee reebaya ficilada qaar (injunction) ama dhaawacyo ay cid kale geystay.

Marka la eegaayo qaybta 3aad ee sharcigan waxaa lagu saleyn karaa, “sharci jabin

dhab ah ama mid laga cabsi qabo ee qaybta 1aad”. Tani waxay kasoo horjeedaa

dacwadaha danbiile ee sharcigan, kuwaasoo u baahan cadeyn ah “habkey wax u

dhaceen” oo macnaheedu yahay danbiile inuu dhibay dalbadaha ugu yaraan laba mar

oo hore.

Maxkamadahee ku shaqo leh?

Dalbashooyinka hoos imanaaya qaybta 3aad ee sharcigan waxaa laga dalban karaa

maxkamadda sare, ama maxkamadda xaafadda, maxkamadda arrimaha qoyska wax

kama qaban karto kiisaskan.

11 Singh –v- Bhakar (4NG17900) Nottingham County Court 24 July 2006

22

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!