06.01.2015 Views

Somali - Committee to Protect Journalists

Somali - Committee to Protect Journalists

Somali - Committee to Protect Journalists

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Inkasta oo ay sii kordhayso khatartaas, haddana waxaa jira dhowr qaab oo lagu yarayn karo khatarta ah

in macluumaadkaaga ay si xatooyo ah u helaan kuwa wax jabsada, haba ku ahaadeena falkaas khubaro.

Markaad xiriir la samaynayso qof kale, qollo seddaxaad ayaa heli karta laba qeyb oo aad muhiim ugu ah

wada xiriirkiina: Ruuxa aad la xiriirayso iyo waxaad is leedihiin. Aaladaha isgaarsiinta ee casriga ah waxay

gudbin karaan macluumaad dheeri ah. Haddii aad isticmaalayso telefoonka gacanta ama kumbuyuutarka

gacanta oo internet ku xiran yahay, wicitaan aad samayso ama galitaanka cinwaankaaga imaylka waxay

gudbin karaan goobta aad joogtid, taasoo qof kale u suura galin karta inuu ilaaliyo dhaq dhaqaaqaada.

Softwareda qaarkood sida kuwa fariimaha deg degaha ah la isugu diro iyo baraha bulshada, waxay tusin

karaan dadka kale ee aad internetka ku taqaanid maadaama ay ku jiraan taxaalka asxaabtaada.

Wadasheekaysiga telefoonka wuxuu sahal u yahay in la dhagaysto haddii qofka doonayo arrinka uu

gacan ka heli karo shaqaalaha ka shaqeeya shirkada telefoonada. Telefoonada gacanta xataa way ku

jiraan. Fariimaha gaaban ayaa si fudud dhexda looga dhici karaa maadama aan loo baahneyn in la

dhagaysto ama wicitaanka la leexiyo; fariimaha waa kuwo xajmi ahaan aad u yar yar marka la diro

kaddibna la hubin karo. Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta ayaa soo bandhigay kiisas ay dawladdo soo

hordhigeen saxafiyiin fariimo gaaban oo tusaya handadaad ama falal wadan nacayb ah.

Tixgali inaad isticmaasho kalmado sir ah oo horay loo sii diyaariyay lana isla ogyahay, kuwaas oo lasii

marinayo khad ammaan ah. Fariimaha ku gudbi xiriir khaas ah ama isticmaal kalmado sir ah. Haddii aad

ka cabsi qabto maamulka inuu ilaalinayo wicitaankaaga, qaado telefoon aan magacaadu ku xiriirsanayn,

gadashada telefoon raqiis ah oo aad lacag ku shubato waa xeelad.

Inta badan wadamada waxay kaaga baahan yihiin aqoonsi markaad telefoon iibsanayso, balse waxaad

awoodaa inaad telefoon xiriirsan aad ka gadato qof horay u isticmaalayay. Xasuusnow, inkastoo dadkaad

la xiriirayso ay iyaguba bartilmaameed u yihiin in la dhagaysto, haddii aysan taxadareyn, wicitaankaaga

ugu horeeyo wuxuu tusinayaa lambarkaaga cusub.

Inta badan, telefoonada gacanta waxay u muujiyaan shirkada telefoonkaas goobta uu yaalo marka la

shido, waxayna shirkadu inta badan kaydisaa datada goobahaas gaar ahaan wadamada cadaadiska uu ka

jiro.

Telefoonada waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa aalada dabagal, xataa marka ay dansanyihiin. Haddii

khatarta dabagalka uu kuu keeni karo.

Saxafiyiin badan ayaa xilliyada qaar batariga ka bixiya telefoonkooda si aan loo dareemin, balse waa

inaad ogaataa daminta telefoonkaaga kahor inta aadan meel tagin ay shaki badan abuuri karto.

Iyada oo uu telefoonku yahay aalad ay dadka intooda badan u adeegsadaan wadasheekaysiga ayaa

haddina Internetka uu yahay mid aad ugu kobcaya wada xiriirka gaarka ah. Si ka duwan qaabka dhajisan

ee isgaarsiinta telefoonka uu isticmaalo, Internetka waa qaab aan dhajisneyn oo leh wadooyin badan oo

wadasheekaysi khaas ah lagu yeelan karo.

Internetka wuxuu datada gaarsiiyaa meela fog fog isaga oo macluumaadka datada sii marinaya

kombiyutaro badan. Inta badan, data waxay labada dhinac isu daba martaa iyada oo ah qaab ay dhexda

uga dhici karaan dadka iska leh aaladaha ay sii marayso. Ilaa datada sida adag looga difaacayo ama ay

jiraan shuruuc difaacaysa, shirkada ku siisa internetka waxay diiwaan galin kartaa lana socon kartaa

xiriirada aad samayso, si lamid ah sida shirkada telefoonka. Barta Facebook, goobaha internetka sida

cybercafé, hotelada ama xataa dadka aad isku khadka isticmaashaan ayaa arrimahaas samayn kara.

Datada u nugul in la daba raaco ayaa waxaa ka mid ah imaylada, fariimaha deg dega ah, iyo baraha

internetka ee aad booqato ama data ku shubto.

Waxaa jiro software kaa difaaci karo in dad kale ay fariimahaada aqristaan ama ay ogaadaan baraha

internetka ee aad booqado. Programyo si sir ah loo habeeyay ayaad u adeegsan kartaa dirida fariimaha,

waxaana aqrisan kara qofka loogu talagalay oo kaliyah. Waxaad dooran kartaa programkaas sirta loo

25

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!