06.01.2015 Views

Somali - Committee to Protect Journalists

Somali - Committee to Protect Journalists

Somali - Committee to Protect Journalists

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Hordhac: Dunida cusub ee wararka

Dunidan waxaysii noqonaysaa goob halis badan u leh saxafiyiinta. Celcelis ahaan in kabadan 30 saxafi

ayaa la dilaa sanad walba, iyadoo gacan ku dhiiglayaasha ay la baxsadaan dambiga iyaga oo aan loo

ciqaabin ilaa ku dhawaad 9 ka kamid 10kii dhacdaba. Boqolaal saxafiyiin ah ayaa sanad kasta la

weeraraa, loo hanjabaa, ama la waxyeelayaa. Kuwa badan waxaa lagu sameeyaa dabagal jaajuusnimo

wicitaanadooda ama xiriirkooda khadka Internetka ayaa laga farageliyaa. In kabadan 150 saxafi ayaa

xiran, kuwaa oo waqtiyo kala duwan la xiray, qaar kamid ah ayaan wax dambi ah lagu soo oogin. 35

saxafi ayaan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen. saxafiyiintu waxayshaqadan oo dhan kala kulmaan

walwal mar kasta oo ay tebiyaan sheekooyin xanuun leh ama dhimasho ay ku lug leedahay, laga soo

billaabo gaboodfalada faraxumeyn carruurta iyo weerarada argagixiso ee ka dhanka ah dadweynaha.

Sidoo kale dunida waxaynoqotay goob ku yar saxafiyiinta. Aalada farsamada casriga ah uma suurtagelin

oo kaliyah in qof walba uu la socdo dhacdooyinka xilligii loogu talagalay balse waxaysidoo sahashay soo

tebinta wariyeyaasha Kooxaha ku lugta leh rabshadaha iyo musuqmaasuqa

ee dunidan ma fahansana oo kaliyah sida akhbaartu ay u jihayso aragtiyada balse waxaa ay sidoo kale

ogyihiin in shaqada saxafiyiinta shaqsiga ah ay qabtaan ay halis gelin karto howlahooda. Wadamada qaar

heer aan waligeed la samayn oo ah wadashaqeyn isku xiran, idaacadaha, iyo shirkadaha wararka ee

internetka ayaa waxaycaad saareen kala duwanaashaha wariyeyaasha iyo u doodayaasha, tannoo

keentay cabsi ku aadan fikirkii horey looga qabay saxafiyiinta ee ahaa mid dhexdhexaad ah oo ku

salaysan dulmeere xirfadle ah. Natiijada waxaynoqotay in cadaawad badan loo hayo saxaafadda laga soo

billaabo magaalooyinka yar yar iyo goobaha colaadaha caalamiga ah. Saxafiyiinta meel kasta ha

joogaane waxayu baahanyihiin in ay eegaan waxyaabaha isa soo taraya sidii hore si ka taxadar badan.

Ganacsiga akhbaarta waa mid sidoo kale isbadelay. Shaqaale yareynta qolalka barhaahinta

waxaysababtay in saxafiyiin badan oo madax banaan ay ka soo waramaan jiidaha hore ee goobaha ay

sheekooyinka ka dhacaan, laga soo billaabo Tsunami ilaa dhacdooyinka waddooyinka heeraheeda ka

dhaca, qubashada saliida badda ilaa mudaharaadyada siyaasadeed, khilaafaadyada hubeysan iyo

dambiyada abbaabulan. Inkastoo in badan oo kamid wariyeyaashan ay aqoonsi saxaafadeed ka qaataan

ururada warbaahinta waaweyn, haddana waxaywali yihiin shaqaale qandaraas, kuwaa oo masuul ka ah

diyaargarowgooda, qalab, ceymis, iyo daryeelba. Saxaafadda ay dadku ka qeyb qaataan oo noocyo kala

duwan leh ayaa waxayu badan tahay in ay la kulanto caqabado noocaas ah. Soo direyaal aan wax lacag

ah la siin ayaa sheekooyin u soo tebiya shabadaha warbaahineed ee hadda soo shaacbaxaya ama cusub,

iyagoon aan la siin tababar iyo taageero. Maanta, saxafiyiin ka badan kuwii barigii hore ayaa

waxay sheekooyin ay soo tebiyaan iyo habkii ay u wajihi lahaayeen. Haddii si kale loo

dhigo, saxafiyiintaas iyaga ayaa isku tiirsan.

Hagahan waxa uu faahfaahinayaa waxayu baahanyihiin saxafiyiinta in ay ka ogaadaan dunidan cusub ee

isbedbedelka badan. Waxaa uu u jeedkiisu yahay saxafiyiin kale duwan oo kamid

ah kuwa gudaha iyo caalamiga ee leh heer kasta oo qibrad ah. Hagahan wuxuu hoosta ka xariiqayaa

diyaargarowga aas-­‐aasi ga ah ee ay u baahanyihiin saxafiyiinta cusub ee billaabaysa shaqooyinkooda

ugu horeya ee caalamka, waxa uu saxafiyiinta qibrada dhexe leh iyo kuwa ku laabanaya goobta uu

4

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!