06.01.2015 Views

Somali - Committee to Protect Journalists

Somali - Committee to Protect Journalists

Somali - Committee to Protect Journalists

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

xiro meel colaada ka baxsan, cunno la siiyo, adeeg caafimaadna ay helaan. Sidoo kale waa in loo

aqoonsadaa maxaabiis ayna waraaqo dirsan karaan, heli karaana. Maxaabiista dagaalka laguma qabsan

karo dambiyada sida basaasnimo ama inay si sharci daro ah dalka kusoo galeen.

Saxafiyiinta waxay xaq u leeyihiin inay kasoo waramaan goobaha dagaalka iyaga oo ah rayid ka madax

banana ciidamada dagaalamaya sida ku cad faah faahinta dheeraadka ah ee xeerka Geneva oo la

sameeyay sannadkii 1977. Ciidamada dagaalamaya ma beegsan karaan dadka rayidka ah oo ay ku jiraan

saxafiyiinta. Balse saxafiyiinta madaxa banaan dhibaata ayay la kulmi karaan. Saxafiyiinta la qabto iyaga

oo kaligood socda waxaa lagu soo oogi karaa dambiyo rayid sida basaasnimo, waxaana lagu xiri karaa

goobo aad u xun.

Isbaarooyinka

La macaamilka kooxaha hubaysan ee isbaarooyinka joogo waa mid khatarteeda leh aana la qiyaasi karin.

Shacab badan oo ay ku jiraan ugu yaraan afar saxafi ayaa lagu dilay isbaaro ay ciidamada Maraykanka

Iraq ku lahaayeen inta u dhaxaysay 2003 ilaa 2005.

Ciidamada ku sugan isbaarada ayaa inta badan ka cabsada naftooda haligayaasha iyo weerarada kale.

Kahor inta aadan ku safrin dhulka, la tasho asxaabtaada, taliyayaasha ciidanka, iyo ilo wareedyada aad

aaminsantahay, waxaad ogaataa inta isbaaro ee taala iyo cidda maamusha. Sii baro dhamaan waxa

lagaaga baahanyahay isbaaro kasto, sida qaabka ay gaadiidka u joojiyaan. Yaree xawaaraha marka aad

ku dhowdahay goobta isbaarada, iska bixi ookiyaalaha, muuji in gacmahaada maran yihiin, ahowna mid

xushmad leh.

Sidoo kale waxaa haboon inaad u ogalaato ciidamada inay baaraan gaarigaaga. Ahow mid diyaarsan,

taxadarna muuji marka aad marayso wada aad aqoonin, maankana ku hay in calaamadaha isbaarada

aysan muuqan karin. Inta badan dadka ku dhinta isbaarooyinka ayaa loo sababeeyaa is fahan l

Wadooyinka qaarkood ma haboona in la maro gaar ahaan xilliyada habeenka ah.

Isbaarooyinka ay maamulaan kooxaha hubaysan ayaa ugu khatar badan, isla markaana aan la qiyaasi

a kooxda dhexdeeda ah.

Sannadkii 2011 waxaa dalka Libya isbaaro u taalay koox taageersan madaxweynihii Qaddafi lagu

qabsaday 4 ka tirsan wariyeyaasha New York Times, waxayna u xirnaayeen 6 maalmood iyaga oo la

jirdilay si xuna loola dhaqmay. Darawalkoodii Mohamed Shaglouf ayaa goobta lagu dilay.

Saxafiyiinta waxay isbaarada kula kulmi karaan ilaalo qamraysan ama aan si fiican wax u arkin, waxayna

ku amri karaan inay lacag ama laaluush kale bixiyaan si loogu ogalaado inay gudbaan. Qaar kamid ah

saxafiyiinta waxay horay usoo qaataan lacago yar yar, sigaar, ama saacado raqiis ah si ay ugu

laaluushaan ilaalada isbaarooyinka.

Ha samaynin wax kicin kara xaalada ama dalabka ilaalada. La xaaltan oo si xushmad leh ula hadal, addiga

oon baqdin lagaa dareemayn ama isku kalsooni buuxda inaad marayso. Sida looga gudbo isbaarada waa

qeyb muhiim ah oo ka mid ah koorsooyinka tababarka saxafiyiinta badankood. (Eeg Lifaaqa B: tababarka

ammaanka).

Tiknoolajiyada satellite-­‐ka ee dhulka colaada

Tiknoolajiyada satellite-­‐ka waa mid muhiim u ah saxafiyiinta ka shaqaynaya goobaha colaada ka jirto,

halkaas oo internet-­‐ka iyo xiriirada caalamiga ah aan la isku halayn karin ama uu maamulka damiyo.

Sannadkan 2012, magaalada Homs ee dalka Suuriya, oo ah magaalo ay mucaaradka ku xoogan yihiin,

dawladduna duqeyso isla markaana isgaarsiinta ka jartay, saxafiyiinta guddaha iyo dibada waxay

adeegsanayeen tiknoolajiyada satellite-­‐ka si ay wararka usoo tabiyaan.

Wariye Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray Marie Colvin iyo sawir qaado Faransis ah, Rémi

Ochlik, oo la shaqaynayay saxafiyiin kale ayaa bishii Febraayo 2012 lagu dilay duqeyn ay dawladda

Suuriya u geysatay goob rayid ay joogeen. Wariyayaal horay uga shaqeeyay Homs ayaa sheegay in

33

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!