05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

ayaa loo isticmaalay tan iyo markii la aqbalay Baaqa

difaacayaasha xuquuqda aadanaha sanadkii 1998.

Xilligaas hortiis waxaa sida badan la adeegsan jiray

ereyada kala ah “u ololeeye”, “xirfadle”, “shaqaale”

ama “dabagale” xuquuqda aadanaha. Ereyga

“difaace xuquuqda aadanaha” ayaa hadda loo arkay

inuu yahay ereyga ugu habboon uguna waxtarsan.

Tusaaleyaasha sida caadiga ah laga bixiyo howlaha

difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayaa aheyn

kuwa hal meel lagu soo wada koobi karo. Tijaabada

muhimka ahi waxey tahay in qofku uu difaacayo

xuquuqda aadanaha iyo in kale.

(C) Sida uu gobolku u abbaarayo hirgalinta

Baaqa.

Masuulka xilka u haya QM ayaa markasta soo

bandhigayey baahida loo qabo in hirgalinta Baaqa

QM uu yeesho abbaare goboleed ayadoo tani

aheyd farriinta Marwo Hila Jilani u soo gudbineysay

kalfadhigii Golaha Xuquuqda Aadanha iyo Dadyowga

ee Afrikaanka ee lagu qabtay Pretoria bishii May

2002. Jawaabo dhiirrigalin muujinaya ayaa ka yimid

dhinaca Ameerika, Midowga Yurub (MY) iyo Afrika.

Waxey caqabadi ka jirtaa Bariga Dhexe iyo Aasiya oo

aan laheyn gole goboleed oo kuwaas la mid ah.

Ayadoo la hirgalinayo abbaarahan ayaa Marwo

Margaret Sekaggya iyo dhiggeeda Marwo Reine

Alapini-Gansou ee Golaha Xuquuqda Aadanaha

iyo Dadyowga Afrika (eeg hoos) si wadajir ah u

booqdeen Togo sanadkii 2008. Ergeyga Gaarka ah ee

Qaramada Midoobay iyo kan Afrika ayaa si wadajir

ah u soo saaray war saxaafadeed. Dhaqamadaan

ayaa siinaya muuqaal iyo culeys weyn talooyinka

ey soo jeediyaan, ayada oo ey socdaan dadaal lagu

dhiirrigalinayo iskaashi baallaaran oo dhexmara

hababka gaarka ah ee QM iyo kan Afrikaanka.

(D) Xiriirada lala yeelanayo difaacayaasha

xuquuqda aadanaha

Ugu horreyntii, Ergeyga Gaarka ahi ayaa ku

dadaaleysa sidii ey xiriir ula yeelan laheyd

difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayadoo:

Diyaar u ah helitaanka warar ka imaanaya

difaacayaasha, oo ey ku jiraan eedeymo la

xiriira xadgudubyo loo geystay xuquuqdooda

aadanaha ayadoo u isticmaaleysa wararkaan

sidii loo muujin lahaa walaacyo lala soo qaadayo

Dowladaha;

Si joogto ah ugu qeybgashaa dhacdooyinka

qaramada, gobollada iyo kuwa dowliga ah ee

la xiriira xuquuqda aadanaha (sida mid ka mid

ah saddaxda kalfadhi ee Golaha Xuquuqda

Aadanaha ee sanad kasta la qabto), kuwaas oo

siinaya fursado ey kula kulanto difaacayaasha ka

kala imaanaya dunida daafaheed.

(E) Xiriirada lala yeelanayo Dowladaha

Ergeyga Gaarka ah ayaa dowladaha la yeelaneysa

xiriiro joogto ah kuwaas oo ka dhacaya kalfadhiyada

Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Geneva iyo

Golaha Guud ee New York kuwaas oo muddada

ey socdaan Ergeyga Gaarka ahi dowladaha u soo

jeedineyso warbixin sanadeedka, kana jawaabeyso

su’aalahooda ayadoo si gooni ah ula kulmi karta

wufuudda Dowladaha ka kala socda si ey ugala

hadasho arrimaha uu walaac ka jiro, oo ey ka mid

yihiin kiisas gaar ah. Ergeyga Gaarka ah ayaa xiriiro

hoose oo laba dhinacle ah la yeelata Dowladaha

kuwaas oo loo marayo kulammo ama qoraallo

Ergeygu u adeegsaneyso si ey ugala hadasho arrimo

uu si gaar ah walaac uga jiro iyo si ey taageero uga

hesho dowladda. Waxaa tusaale ahaan loo soo

qaadan karaa marka xal loo raadinayo kiis, ama

marka ey rabto in ey hesho martiqaad ey dalka ku

booqaneyso.

(F) Xiriirada lala yeelanayo hey’adaha kale

ee muhimka ah

Ergeyga Gaarka ah ayaa sanadka gudihiisa kulammo

la yeelata hey’ado kale oo tiro badan oo muhimmad

u leh gudashada xilkeeda iyo howlaheeda, kuwaas

oo ey ka mid yihiin baarlamaannada qaramada, urur

goboleedyada dowladaha ka dhaxeeya, iyo kooxo

dowlado ah oo ku ballanqaaday in ey wanaajinayaan

doorka iyo xaaladda ey ku sugan yihiin difaacayaasha

xuquuqda aadanaha.

(G) Kiisas gooni-gooni ah

Ergeyga Gaarka ah ayaa ku soo qaada Dowladaha

ey quseyso kiisas gooni-gooni ah oo la xiriira

xadgudubyo loo geystay xuquuqda aadanaha

ee difaacayaasha xuquuqda aadanaha. Wararka

kiisaskaan ayaa laga helaa ilo kala duwan oo ey ka

mid yihiin hey’adaha Dowladda, ururada samafalka,

hey’adaha Qaramada Midoobay, warbaahinta iyo

shaqsiyaadka difaaca xuquuqda aadanaha.

Ergeyga Gaarka ah ayaa, marka uu war yimaado,

ugu horreyntiiba eegta in arrintaasi hoos imaaneyso

xilkeeda. Waxaa marka labaad la sameeyaa dadaal

kasta oo lagu ogaanayo sida ey xaqiiqada ugu

dhowdahay eedeynta loo nisbeynayo xadgudubka

loo geystay xuquuqda aadanaha iyo sida loogu

kalsoonaan karo ilaha wararkaas laga helay. Waxaa

mar saddaxaadka Ergeyga Gaarka ahi la sameysaa

6

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!