05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Maxaa illaa iyo hadda loo ansixin waayay

Waayo waxaa diidanaa qaar ka tirsan qeybaha

bulshada.

Waa kuwee dadaka saameynta ku leh arrintaaan

Xildhibaannada, wasiirada iyo shaqaalaha Wasaaradda

Jinsiga.

Haddaba sideen uga dhaadhicin karnaa inay

waxqabtaan

Taas ma ku gaari karnaa haddii aan si wadajir ah u

saxiixno dhambaal cabashooyin qoraal ah, haddii aan

sameyno mudaaharaadyo iyo bannaanbaxyo, mase

waraaqo ayaan mid-mid ugu qoraa, mase qabashada

kulammo ayaa ka wax-ku-oolsan

Yaa kaloo ku mashquulsan arrintaan – ma la sameyn

karnaa isku-xiro ururada kale ee bulshada rayadka ah

Goormaa ugu wanaagsan oo aan taas sameyn karnaa

Jawaabaha su’aalahaan ayaa ku siinaya saldhigyada

xeeladaha ololehiinna.

Ololeynta ayaa sida badan lagu tilmaamaa in ey

tahay wadahadal lala yeelanayo bulshada, ayadoo

bulshada laga dhaadhicinaayo in ey si aan caadi

aheyn u daneeyaan in ey taageeraan tallaabo

ay dhici karto in eysan u laheyn faa’iido toos.

Ujeeddada ololeynta ayaa ah in la abaabulo lana

dhiirrigaliyo dad aad u badan ayadoo haddii si

wanaagsan loo adeegsado ah qalab lagu abuuro

isbaddal. Si olole loo billaabo waa in ey meesha

jirtaa wacyigalin, tasoo loola jeedo in jiritaanka

mushkiladda meel la isla dhigo, lana garanayo.

Marka labaad, waxaa loo baahanyahay in

dadweynaha iyo dhammaan inta ey quseyso ey hal

dhinaca u wada jeestaan eyna isku afgartaan waxa

mushkiladdu tahay, cidda ey asiibtay, cidda eedda

leh iyo waxa ey yahiin xalalka suurtogalka ah ee jiri

kara. Markaas dabadeed, ayaa dadweynaha, ururada

bulshada rayadka oo ey quseyso iyo cid kasta

oo daneyneysa in ey ka qaybqaaadato, la iskugu

yeerayaa tanoo u baahan farsamo la wada heli karo

intaan la qaadin tallaabadii ugu dambeysay. Marka

la eego ololeha looga soo horjeedo xadgudubyada

xuquuqda aadanaha, Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

(DXA) ayaa ugu horreyntiiba u baahan in ey awood

u yeelaan ama ey xaqijiyaan in kooxda yoolka ah

(shaqsiyaad ama guud ahaanba dadweynaha)

ey garanayaan xuquuqdooda, eyna qirayaan in

xuquuqdooda lagu xadgudbay iyo in ey tahay in wax

laga qabto, waxna laga qaban karo (fahamka in wax

laga qaban karo ayaa ugu muhimsan).

Marka lagu dhaqaaqayo olole lagu joojinayo

xadgudbyada xuquuqda aadanaha, waa in DXA

yaqaan cidda uu wax u sheegayo, uuna awood u

leeyahay inuu ayaga fahmo. Si tan loo gaaro waxaa

muhim ah in la sameeyo “falaanqeynta danleyda”

(stakeholder analysis). Waxaa jira kuwo horeyba “loo

baddalay”, haddii si kale loo yiraahdo, kuwa horeyba

u ogaa mushkiladda isla markaasna doonaya in la

baddalo. Waxaa in baaris lagu sameeyo mudan

halka iskaashi lagala sameyn karo kooxaha kale

uu mowduucaagu quseeyo iyo halka isku-xiro kale

laga sameyn karo. Dabadeedna, waxaa jira koox ey

adagtahay in la gaaro si loogu gudbiyo xogta aad

heyso, waayo waxey isu heystaan in ey wax walba oo

ku saabsan xadgudubka xuquuqda aadanaha kaaga

ogaal badan yihiin. Waxaa kooxdaan ku jiri kara

xeerdajiyeyaasha. Waxaa loo baahanyahay in waqti

iyo tamar loo huro kooxahaan si looga dhaadhiciyo

xaqiiqooyinka iyo faa’iidooyinka ku jira ololehaan.

Qorshaha/qalabka isgaarsiinta ololeha

Waxaa jira qalab kala duwan oo loo adeegsado

qaadista ololeha. Waxaa muhim ah in la barto

sida qalabka saxda ah loogu adeegsado shaqada

taalla ayadoo la isticmaalayo xogta iyo kheyraadka

la heli karo. Waxaa ka mid ah qalabkaan waraaq

qoris: waxaa waraaqaha loo diraa dad gaar ah oo

xadgudubyadu ay quseeyaan ayadoo si cad loo

sheegayo mushkiladda iyo waxa loo baahanyahay

in la sameeyo si isbaddal loo helo. Waa fududdahay

sida loo qoro, waana arrin shaqsiyadeed, waxaana

laga faa’iideystaa shaqaalaha dowladda (marka

la gudbiyo ama boostada la dhigo waxey toos

ugu tageysaa qofka ey ku socoto ayadoo aan lagu

oraneyn barri soo noqo) hase yeeshee, waxaa

dhibka jira ka mid noqon kara qarashka lagu dirayo

iyo ayadoo ey dhici karto in bulshooyinka qaarkood

ey yartahay heerka ey wax ku aqrin karaan taasoo

meesha ka saari karta dad ey suurtogal ahayd in ey

kaalmo geystaan.

Qalqaalintu (lobbying) waxay ku saabsantahay in

dadka go’aanka gaara la siiyo fikrado iyo warar si

saameyn loogu yeesho oo ey wax uga qabtaan

tallaabada aad dooneyso in la qaado. Waxaa

badanaaba tan loola jeedaa in lala kulmo saraakiisha

dajiya qawaaniinta iyo siyaasadaha, in la gudbiyo

waxyaabaha aad u hanqaltaageyso iyo fikrado, in

laga hortago doodaha dhinacyada kaa soo horjeeda,

iyo in la muujiyo taageero ballaaran oo arrin loo

hayo.

Cabashooyin (petitions) waa farriimo rasmi ah oo

qoraal ahaan la isugu gudbiyo loona diro dad awood

leh ayadoo looga codsanayo in ey soo saaraan

war rasmi ah ama ay qaadaan tallaabo rasmi ah,

waxaana codsiga la socda liis ay ku qoran yihiin

dadka saxiixay. Sida caadiga ah waa wax fudud,

32

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!