05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Qofna kuma dhalan inuu noqdo difaace xuquuqda

aadanaha. Difaacayaashu waa dad caadi ah oo

u bareera khatar, marka ay shaqadooda ku gudo

jiraan ama marka ay qabanayaan howlahooda kale

ee ka baxsan shaqadooda, ayagoo marka si guud

loo fiirayo khatartaas qaada inta ay ku guda jiraan

noloshooda caadiga ah, waxeyna la wadaagaan

qoysaskooda iyo saaxibadood. Arrimahaas

dhammaantood ayaa saameyn cad ku leh sida

ay difaacayaashu u fahamaan khatarta, iyo sida

ay ka yeelaan xeeladahooda amni. Mar kasta oo

difaacahu la kulmo hanjabaadyada ugu horreeya,

haddana markuu shaqadiisa sii wataba uu la sii

kulmayo hanjabaadyadaas, waxay noqon kartaa

billowga xaalad aad u kurbo badan oo uu la kulmayo

difaacahu. Kurbada iyo siduu difaacahu ula tacaalo

labadaba ayaa la tixgalinayaa markaan abbaareyno

baahidooda amni.

Marka ay difaacayaashu khatar wajahayaan, waxay

sameeyaan waxa ay dadka kaleba sameeyaan:

Waxay qaataan dabeecad la qabsi ayagoo isku

daya in ey fududeeyaan habka go’aan-gaarista, oo

waafaqsan xeerarka lagu abaabiyo bulshada iyo

kooxaha.

Cilmi-baaris cilmi-nafsiyeed oo ku saabsan sida ey

dadku u wajahaan khatarta ayaa muujisay in ey

fududahay u bareeridda khatarta marka uu qofku

iskiis u qaato, marka uu qofku u garto inuu illaa

iyo xad uu khatarta xakameyn karo, iyo marka

khatartaan ay noqoto mid la yaqaan 10 . Marka laga

eego dhinaca cilmiga bulshada, khatarata ayaa

ah wax ey bulshadu dhistay, oo la xiriira arrimo

dhaqan-bulsho ee ku xiran dhismayaal bulsho 11 .

Sidaas awgeed, qeyb kasta oo bulshada ka mid ahi

waxay buunbuunisaa khataraha qaarkood ayagoo

iska illooba qaar kale. Sidaas oo kale, ayaa cilmiga

barashada dhaqanka aadanahu waxuu muujiyay 12

in qof kasta uu illaa iyo xad u janjeero u bareeridda

khatarta, ayadoo u janjeeriddaan ay ku xirantahay

abaalmarinta la socota khatarta iyo fahamka

qofka ee la xiriira khatarta. Waxaa aad muhim u

ah in la aqoonsado in ka leexashada khatarta ee

aadanahu eysan ka jawaabeyn oo kaliya fahamka

suurtogalnimada in ey waxyeello dhaliso, balse sidoo

kale rabitaanka u bareerka khatarta, abaalmarinta

laga helay u bareerkaan, ama u sinnaanta qeybsiga

khatarta.

In maalin kasta loo bareero khatar ayaa abuuri

karta muqaal “dabeecad aan waxba la-kala jecleyn”,

oo ku xiran inkiraadda khatarta, taasoo qofka u

10 Crouch and Wilson (1982; bogagga: 85-6), ay soo xigteen

López and Luján (2000; bogga: 71)

11 López and Luján (2000; bogga:72)

12 Adams (1995:15)

horseedi karta inuu qabto shaqada caadiga ah aydoo

aysan jirin tallaabooyin amni iyo xataa in la diido in

mowduucaba la soo hadal qaado 13 .

Ayadoo la tixgalinayo xaqiiqooyinkaan, ayaa marka

lala soo qaadayo difaacayaasha arrimaha amniga ey

aad muhim u tahay in la tixgaliyo sida difaacahu u

arko khatarta (oo ku xiran arrimo bulsho iyo koox,

iyo dabeecadda qofka) iyo sidoo kale in la tixgaliyo

fikradaha ay ka midka yihiin ballanqaadka qofka

iyo kooxda, caddaaladda bulshada, awoodda loo

leeyahay in wax laga baaraandago, wada shaqeynta

kooxda, iwm.

Saameynta dhacdooyinka uur-ku-taallada

leh

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayaa arka

dhacdooyin uur-ku-taallo leh (traumatic events)

amaba noqda dhibbanayaasha dhacdooyinkaas:

Saameyntooda ayaa waxyeello u geysta caafimaadka

maskaxdooda iyo debeecadda kooxda iyo qofka

difaacaha ah. Taasi waxay guud ahaanba dhalisaa

in culeyska shaqadu badato waayo waxaa kordha

dalabaadka qiirada leh ee ku xiran dhacdooyinka

uur-ku-taallada leh (xanaaq, niyad-jab, quusasho,

iwm). Mararka qaar ayaa difaacayaashu dareemaan

inay si xad-dhaaf ah u yihiin dambiilayaal

(maadaama aysan awood u yeelan inay kahortagaan

dhacdada uur-ku-taallada leh) ayadoo

markaas kaddibna ay dhici karto inay yeeshaan

dabeecad khatarteedu sarreyso, 14 taasoo aysan wax

ka qaban karin xeeladaha amnigu oo aan tixgalin siin

qeybta macnawiga ah ee la socda debeecadahaas.

Falaanqeynta duruufaha shaqada

Waxaa si aad ah muhim u ah in la ogaado lana

falaanqeeyo duruufaha shaqada si loo qeexo

kuwa ay yihiin xeeladaha amni ee saxda ah iyo

dokumentiyada tilmaamaya oo ay tahay in la fuliyo.

Sidoo kale, waxaa muhim ah in la sii saadaaliyo

duruufaha mustaqbalka jiri kara, si looga hortago falcelis

ka yimaada dadka hubeysan oo khatar galinaya

difaacayaasha.

Tan ayaa noo geyneysa qodobka labaad: sideedaba

naguma fila inaan falaanqeyno duruufaha, madaama

ay jirto baahi loo qabo in saadaasha la falaanqeeyo,

ayadoo la eegayo meelaha u baahan in wax laga

qabto iyo aydoo la darsayo fal-celisyada ay samayn

karaan dadka duruufahaan lugta ku leh inta aysan

wax dhicin ka hor (“sidee kuwa kale noo arkaan”) iyo

intaan wax laga qaban.

13 Beristain (1999; bogagga: 48-9)

14 Beristain (1999)

16

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!