05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Cutubka 3aad

Uur-ku-taallo iyo xeeladaha ey difaacayaasha xuquuqda aadanahu

kula tacaalaan

Haddii aad difaacdo xuquuqda aadanaha waxaa laga

yaabaa in aad la kulanto khatar inta aad shaqadaada

ku guda jirto. Kuwa badan oo idinka mid ah ayaa

lagu xadgudbay, la jirdilay ama uur-ku-taallo kale loo

geystay – si toos ah, ama si ku timid la kulanka iyo

diiwaangalinta sheekooyinka dadka kale. Sidaad ula

tacaaleyso waxa ka dhasha waayo-aragnimadaada

ayaa si aad ah u aadkaan karta, gaar ahaan marka

aad qaxdo ama go’doon noqto, kuwaas oo sidooda

u ah waayo-aragnimooyin uur-ku-taallo leh.

Helitaanka daryeel caafimaad oo sharaf leh amaba

xirfadle kaala taliya uur-ku-taallada muddada dhow

ama dheer (si waafaqsan baahidaada shaqsiyadeed)

ayaa lagama maarmaan ah taasoo ay wehliso

taageerda bulshada. Waxaa mararka qaarkood

adkaanaya in la helo daawadii habbooneyd – waayo

adeeg caafimaad ayaan jirin, ama cabsi guud oo

bulshada ka dhexjirta awgeed ayaan loo daaweyn

karin qofka ay uur-ku-taaladu heyso. Sidaas darted

waxaa loo baahanyahay in la sameeyo isku-xir

taageero oo ka dhaxeeysa bulshada, aadna ka heli

karto garasho iyo aqoonsi. Taageerada bulshada

ayaa mid kooban noqon karta sida ay u noqon karto

mid ballaaran, taasoo ku xiran duruufaha gaarka

ah ee qofka. Waxay ka imaan kartaa difaacayaasha

kale ee xuquuqda aadanaha, qoyska, saaxiibbada,

hoggaamiyaasha diinta, macallimiinta, warbaahinta,

hey’adaha, kooxaha bulshada iyo kuwa kale oo

badan. Bulshada ayaa muhimad leh waayo taageero

ayey ku siisaa ayadoo sidoo kale leh awood ay kuugu

dooddo si arrintaada wax looga qabto – waxay ku

qasbaan hey’adaha (kuwa dowladda iyo sidoo kale

hay’adaha diinta) in ey qirtaan inay wax dhaceen,

inay fahmaan sababaha keenay dhacdada iyo in ey

wax ka qabtaan, kana bixiyaan magdhaw. 17

Waxaa mahuraan ah in qofku micno u yeelo waayoaragnimadiisa

si u wax uga qabto, meelna isugu

geeyo. Fahamka sida ey uur-ku-taalladu saameyn

kugu yeelan karto ayaa muhim ah; waxay kaa

caawineysaa inaad sameysato xeelado habboon

oo aad kula tacaasho nolol maalmeedka taasoo

kuu saamaxeysa in aad u sii shaqeyso adigoo ah

bani-aadan dhammaystiran. Waxaa muhim u

ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha in ey ka

dhaadhacdo in waayo-aragnimadoodu eysan aheyn

arrin ayaga u gaar ah, balse ey tahay natiijo xeelado

cabburin oo si taxaddar leh looga fakaray, lehna

yoolal si cad loo qeexay. Fahamkaan, oo lagu daray

17 Qoraal ey sameeyeen Maria Teresa Dremetsikas iyo Michele

Millard.

daaweyn habboon, dhug u yeelasho sidii adigu

aad iskaa isugu daryeeli laheyd, adigoo dareemaya

inaad leedahay dad ku kaalmeynaya, ayaa kaa

caawin karta sidii aad wax uga qaban laheyd waayoaragnimada

aad u leedahay uur-ku-taallooyinka.

Waxaan rajeyneynaa in qeybtaan ey kaa kaalmeyn

doonto sidii aad u sameysan laheyd farsamo nooc

taageero asaasi ah oo adigoo ah difaace xuquuq

aadami, watana shaqadaadii, aad sii ballaarin karto

adigoo waafaajin kara baahidaada iyo degaankaaga.

Waxey ku saleysan tahay qaab daryeel ey soo

saartay Xaruunta Kanada ee Dhibbanayaahsa Jirdilka

(Canadian Centre for Victims of Torture) (CCVT) ee

ku taal Toronto, Kanada iyo shaqada ey hey’adda

Cordelia Foundation ka waddo dalka Hungary.

Jirdil iyo Shaqaaqo Abaabulan (Torture and

Organized Violence)

Ma ahan Jirdil iyo shaqaaqo abaabulan wax “iska

dhaca”. Ma ahan wax aan caqligal aheyn, aan

nidaam laheyn, falal waalli ah oo ay fuliyeen

dad aan miyir laheyn. Waa xeelado si taxaddar

ah loo qorsheeyay, caqligal ah oo bulshada lagu

xakameeyo. Farsamooyinka jirdilka iyo shaqaaqada

abaabulan ayaa leh taariikh, waana la bartaa.

Dalalka kala duwan ayaa leh dhaqammo iyo

takhasus ey mudnaanta siiyaan. Shaqsiyaadka fuliya

ayaa si ula kac ah xadgudubyada ugu jaangooya

qofka. Qof ayaa si shaqsi ah waayo-arag uga noqon

kara shaqaaqo abaabulan, hase yeeshee, bulshoweynta

ayaa ah daawadayaasha ugu muhimsan.

Ujeeddada ugu muhimsan ayaa ah in la burburiyo

qofka, jir ahaan, nafsi ahaan iyo ruux ahaan si cabsi

loo galiyo, niyadda looga jabiyo loona cabburiyo

bulsho-weynta uu ka tirsan yahay. Ma ahan wax iska

dhaca in hoggaamiyeyaashu ey noqdaan kuwa uga

horreyntiiba yoolka noqda. Ma ahan wax lama filaan

ah in difaacayaasha xuquuqda aadanahu ey noqdaan

kuwa si gaar ah loola soo baxo. Marka hoggaamiye

xoog leh bulshada lagala soo dhexbaxo, muddo la

hayo ayadoo xiriirka laga gooyo, qofna uusan ogeyn

waxa dhacaya, uusan jirin qof la abbaaro si kaalmo

loo helo, markaas kaddibna, haddiiba uu noolaado,

dib bulshada loogu soo celiyo, asagoo argagaxsan,

uur-ku-taalana heyso, waxey farriin xoog leh u

direysaa bulshada inteeda kale si eysan u halgamin,

eysan hadalka kor ugu qaadin, ama eysan u dalban

caddaalad iyo sinnaan. Waxey noqon kartaa aalad

si aad ah u xoog badan oo wax lagu cabburiyo.

Xaqiiqada ah in dadku sii wadaan halganka, korna

20

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!