05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

muhimadda in laga soo qeybgaliyo dad kale oo

fahamsan qaddiyadaada, diyaarna u ah iney kugu

soo biiraan.

Qondeynta kheyraadka

Ololeha ayaa sida badan u baahan dhaqaale. Sidaas

darted kooxda ololeha sameyneysa ayaa u baahan

in ey qiimeeyaan hantida iyo dadka la heli karo si

ololeha loo qabto. Maxuu yahay kheyraadka aad

heysato Ma jirtaa fursad meelo kale taageero

looga heli karo Yaa shaqada gacan ka geysan kara

maadaama y suurtogal tahay in dadka badankiisu

waqtigooda firaaqada ah ey ololeha ka shaqeeyaan

Su’aalahaan iyo kuwa kale oo badan ayey tahay in

la isweydiiyo muddada lagu gudo jiro qorsheynta

ololeha madaama ey yihiin kuwa cayimaya qaabka

iyo baaxadda uu ololehu yeelanayo waayo diyaarinta

iyo fulinta ololeha ayaa qaata waqti badan iyo

kheyraad badan. Mar kale, iskaashiga ayaa faa’iido

yeelan kara ayadoo ururada kale ee DXA ey la imaan

karaan maal ama dad aqoon leh iyo qalaba.

Qiimeynta Saameynta

Muddada uu ololehu socdo iyo kaddiba waxaa

lam huraan ah in la qiimeeyo saameyntiisa.

Waxaa lagama-maarmaan ah in la isbarbardhigo

natiijooyinka iyo ujeeddooyinkii la qeexay horraantii

ololeha. Waxaad u baahantahay inaad isweydiiso:

Waa kuwee dadkaan gaarnay Maxaan illownay

inaan tixgalino Ololehu ma keenay wax isbaddal

ah Ma isbaddalkaan dooneynaybaa Maxaa ku

xiga oo ey tahay inaan qabanno Arrimahaan ayaa

kooxda ololehu kala soo bixi karaan sawir cad oo

ku saabsan waxa u qabsoomay iyo casharada ey

barteen oo loo adeegsan karo ololeha kan xiga.

Daacadnimo iyo inuu qofku si wanaagsan u abbaaro

dhaliilaha shaqadiisa ayaa lagama maarmaan u ah in

la gaaro natiijo dhab ah.

Markaan isku soo duubno, qabashada ololeha ayaa

qiimo leh haddii uu keenayo isbaddal dhab ah oo

muddadiisu dheertahay. Waxaa mararka qaar adag

in la cabbiro saameynta ololeha laakin waa in eysan

taasi ku niyadjabin. Waxuu leeyahay fursad weyn

oo isbaddal wanaagsan lagu gaari karo maadaama

uu soo jiidanaayo taageerada dadweynaha una

baddalayo taageeradaas tallaabo la qaadayo.

Marka si wanaagsan loo adeegsado ayaa ololehu

keenaa natiijooyin waaweyn oo lagula dagaallamayo

xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka jira

dunida dacalladeeda asagoo keenaya in kuwii

xadgudubyada geystay lala xisaabtamo. 22

22 Si aad u hesho aqris dheeraad ah oo ku saabsan ololeyaasha aqriso: Amnesty Campaigning Manual adoo ka

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

35

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!