05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

sida aadka ah u daneyn jiray mashruuca ama kooxda

uu xeyndaab isku wareejiyo illaa uu gaaro heer

uusan waxba kala jecleyn.

Xiiqsanaan niyadeed, maskaxeed iyo jireed

Dereen kalmo-la’aan iyo rajo-beel

Dareen marnaansho

Astaamo jireed: madax xanuun, tabardarro,

tognaasho, qoor iyo dhabar xanuun, calool

xanuun, miisaanka oo kordha, u adkaysiga

cudurrada oo yaraada, hurdo xumo

Astaamaha niyadda: niyadjab, kaalmo-la’aan,

rajo-beel (“dhimashaa ii dhaantay”)

Astaamaha maskaxeed: si xun wax u arag, adadeeg

iyo ka fogaasho la xiriiridda dadka, shaki

badan oo gala halkii arxanka.

Sida waayo-aragnimada uur-ku-taallo kasta oo kale

ayaa dadku u janjeeraan in ey sameystaan farsamo

difaac si loola tacaalo. Qaar ayaa ka caafimaad

badan kuwa kale. Difaacyada aan caafimaadka

laheyn waxaa ka mid ah inkiraad iyo aamindarro,

waxayna keentaa: “xukuumadda ayaa cadowga ah”,

adigoo is dhiga meesha dhiibbanaha ama qofka

wax weeraraya, kalajabin: kaalmeeye/cadow; “ama

waa nala jirtaa ama waa naga soo horjeeddaa”,

iyo yareysi: “wax yar oo jirdil ah un...” Difaacyada

waxtarka leh ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha

qosolka leh iyo adigoo tamartaada dhanka

wanaagsan u weeciya (ka qaybgalka howl wax- soosaar

leh ama farshaxan).

Ka-hortagga iyo Ka-soo-Kabashada

Basbeelka

JOOJI INKIRAADDA. Dhageyso xikmadda

jirkaaga. Billaaw in adigoo xur ah aad qirato

kurbooyinka iyo cadaadiska muuqda jir ahaan,

maskax ahaan, ama niyaad ahaanba.

JOOJI GOONI ISU SOOCIDDA. Wax walba ha

qaban adigoo kaligaa ah! Samee ama cusboonee

xiriir dhow oo aad la yeelato saaxiibbo iyo kuwa

aad jeceshahay. U dhawaanshahu ma keeno oo

kaliya inaad meel dhow wax ka aragto, waxuu

kaloo ka hortagaa isku buuqidda iyo niyadjabka.

BADDAL DURUUFAHA AAD KU SUGANTAHAY.

Haddii shaqadaada, xiriiradaada, xaaladda aad

ku sugan tahay, ama qof uu hoos kuu sii jiidayo,

isku day inaad duruufaha baddasho, ama haddii

ey lagama maarmaan noqto, aad ka tagto.

YAREE CAADAADISKA NOLOSHAADA KA JIRA. U

fiirso meelaha ama dhinacyada kaaga baahan u

dhugyeelasho xad-dhaaf ah kana howlgal sidii

aad u yareyn laheyd cadaadiskaas.

JOOJI KOOL-KOOLINTA FARAHA BADAN. Haddii

aad si joogto ah u qaaddo mashaakilka iyo

masuuliyadaha dad kale, baro inaad si sharaf

leh faraha ugala baxdo. Isku day inaad adigu

naftaada u hesho kool-koolin.

BARO INAAD TIRAAHDO “MAYA”. Waxaad

kaalmeyneysaa yareynta cadaadiska hadii aad

naftaada u hadasho. Tani micnaheedu waxuu

yahay inaad diiddo codsiyaal kale ama dalabaad

la xiriira waqtigaaga iyo dareenkaaga.

BILLAAW INAAD DIB U NOQOTO IYO INAAD

GOYSO. Baro inaad qof kale u xilsaarto arrimaha

la xiriira shaqada, guriga iyo saaxiibbada.

Markaan, goysmada micnaheedu waxuu yahay

adigoo badbaadinaya noloshaada.

DIB-U-QIIMEYN KU SAMEE QIYAMKAAGA.

Isku day inaad ka soocdo qiyamka micnaha

kuu leh kuwa ku-meel-gaarka ah iyo kuwa

waqtigoodu kooban yahay, kuwa muhimka ah

kuwa aan muhimka aheyn. Waxaad sidaas ku

keydsaneysaa tamar iyo waqti, billaawna inaad

dareento mid meel dhexe jooga.

BARO XOWLIGA AAD U YEELEYSO NOLOSHAADA.

Isku day inaad nolosho xakameyso. Tamarta

aad heysato waa koobantahay. Hubso waxa

laga rabo iyo waxa lagama maarmaanka u ah

noloshaada, dabadeedna billaaw sidii aad isgu

miisaami laheyd shaqada iyo jaceylka, raaxada

iyo nasashada.

KA TAXADDAR JIRKAAGA. Ha u goyn cuntada,

ha ku dhibin naftaada cunto qallafsan, ha

ismoogeysiin baahida aad u qabto hurdada,

hana jabin ballamada dhaqtarka. Isdaryeel

dhinaca nafaqada.

YAREE WALAACA IYO WALBAHAARKA. Isku

day inaad walaaca quraafaadka ah si aad ah u

yareyso – waxuu baddalayo ma jirto. Waxaad

si wanaagsan xaladdaada wax ugu qaban karta

haddii aad waqti yar ku qarash gareyso walaaca,

waqti badana wax ka qabashada baahidaada

dhabta ah.

KAFTANKAAGA SII WAD. Ku billaaw inaad

marar farxad iyo raynrayn leh noloshada soo

dhexgaliso. Dad aad u tiro yar ayuu basbeelku ku

dhacaa marka ay faraxasan yihiin.

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

29

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!