05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

aad ku noqoto beel ka cabsaneysa gacan-ka-hadal

iyo xadgudbyo joogto ah, oo arrimaha qaarkood

aan sinnaba loo soo hadal qaadin Ma qabi kartaa

caafimaad adigoo ku dhex nool deegaan aan

caafimaad laheyn

Arrimaha bulsho ee caafimaadka saameeya ayaa

ah xaaladaha dhaqaale iyo bulsho oo ey dadku

ku nool yihiin, ayaga ayaana sababa sida uu

caafimaadkoodu yahay. Waxaa dhawaanahan socday

doodo dhexmarayey dadka aqoonta durugsan u leh

arrintaan taasoo ku saabsaneyd in si rasmi ah loogu

daro shaqaaqada arrimaha saameeya caafimaadka.

Arrimaha caafimaadka saameeya waxaa si rasmi ah

imminka uga mid ah:

sinnaanla’aanta daqliga

ku jiridda iyo ka saaridda bulshada

shaqaalenimada iyo amniga shaqada

duruufaha shaqada

gacan-ka-geysashada dhaqaalaha bulshada

xannaanada ilmanimada hore

waxbarashada

helitaanka cunto

helitaan guri

Waxaa caddaan ah in xusidda arrimaha bulshada

iyo kuwa jirka eysan kaligood ku filneyn wax ka

qabashada dhibaatooinka ka dhashay uur-kutaalada.

Waa in muujinta shaqaaqada loo tixgaliyo

arrin gooni u taagan si kor loogu qaado wacyiga laga

qabo baaxadda dhibaatada ey keentay iyo jidadka ay

suurtagalka tahay in arrinta laga abbaaro.

Si ey iskugu daydo waxkaqabashada baahida dadka

ka badbaaday shaqaaqooyinka muddadii u socday

dagaalka iyo jirdilka loo geysanayay shaqsiyaad,

qoysas iyo beelo ayaa CCVT shaqadeeda waxay

saldhig uga dhigtay aragtida loo yaqaan uur-kutaallo

nafsi iyo burbur (psychosocial trauma and

destruction) ee uu qeexay Ignacio Martin-Baro.

Martin-Baro ayaa ahaa wadaad Masiixi (Jesuit) ah

isla markaasna ahaa khabiir cilmi-nafsi una dhashay

Spain, kana shaqeyn jiray dalka El Salvador sanadihii

1980dii. Waxaa qoraalladiisa daabacay Madbacadda

Jaamacadda Harvard (University of Harvard Press).

Markii ay la xiriireen dadkii la shaqeyn jiray oo

doonayay in ey turjumaan shaqadiisa ayuu ku

jawaabay: “Marka la eego dunidiina, waa daabac

ama dhimo. Teyda marka la eego, waa daabac

oo dhimo”. Dhabtiina, waxaa 1989 ku dilay dalka

El Salvador koox dilaa ah oo xasuuqay asaga,

haweeney guriga uga adeegi jirtay, gabadheedii iyo

dhowr wadaad iyo aqoonyahanno kale oo goobta ka

shaqeynayey.

Aragtidiisa ayaa fasiraad ka bixineysay sida uu

“dhaqan uur-ku-taallo” u soo ifbaxo. Aragtidiisa ayaa

sidoo kale bixisa saldhigga ay CCVT ku fuliso nooc

adeeg ey ku kaalmeyso dadka ka badbaaday jirdil.

Waa qaab dhammeystiran oo isku xiraya adeegyo

lagu daboolayo baahida badbaadayaasha jirdil.

Waxey ku saabsantahay adeegyo “guriga ka dhex

dhaca” iyo isku-xiro ballaaran ee shaqsiyaad iyo

ururro siinaya adeegyo macaamiisha CCVT ama ku

xiraya isku-xiro kale oo dabooli kara baahidooda.

Sida uu aamminsanaa Martin-Baro, waxa ur-kutaallo

nafsi ah ee bulsho (psychosocial trauma) ka

kooban tahay saddax arrimood:

1. Inkasta oo shaqsigu yahay dhibbanaha ugu weyn

ee shaqaaqada abaabulan, waxay dabeecadda

uur-ku-taalladu ku tiirsan tahay asalkeedii

bulshonimo.

Jirdil iyo shaqaaqo abaabulan ayaa ugu

horreyntiiba ah mashaakil bulsho, ee ma ahan

falal u gooni ah shaqsiyaad. Waa qaab bulshada

lagu xakameeyo oo oggolaasho heerar kala

duwan ah heysta. Qofka fulinaaya ayaa waxaa

fasax siiyay horjoogahiisa tooska ah, kaasoo

asaguna ka heysta taliyahiisa, ayadoo sidaas

kala-sarreyntu kor ugu sii soconeyso. Bulshada

ayaa gacan ku leh arrintaan maadaama ey ka

aamusaan amaba ey inkiraan marka falalkaani

dhacayaan.

2. Maadaama bulshada ey soo saarto uur-kutaallada,

shaqsiga dhibbanaha ah iyo arrimaha

bulsho ee sababay in ey dhacdo ayaa labaduba u

baahan daawo iyo xal.

Si taas loo helo, kuma filna in la dhayo shaqsiga

oo kaliya. Haddii markaas dibadda loo saaro

ayadoo ay jiraan isla duruufahii oggolaaday

in uur-ku-taalladu dhacdo, waxaa haddana

dhacaya uur-ku-taallo labaad. Haddii jirdil iyo

shaqaaqo abaabulan ey yihiin mashaakil bulsho,

waa in xalalkooduna noqdaan kuwa bulsho.

3. Waxey uur-ku-taalladu ahaaneysaa mid joogto

ah marka arrimihi dhaliyay ay sidoodii sii

ahaadaan.

Waxaa ka mid ah uur-ku-taallada nafsi/bulsho

fahamka in shaqaaqada abaabulan ey abuurto

xaalado ey ku bullaalaan “dhaqammo uur-ku-taallo”,

marka:

Ey jiraan kala fogaasho bulshadeed iyo sinnaan

la’aan;

Ey been ka soo baxday hey’adaha iyo wareegyo

22

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!