05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Cutubka 4.5aad

Warbaahinta Bulshada ee Lagu Ololeeyo

Waa in difaacayaasha xuquuqda aadanahu aqoon u

yeeshaan isticmaalka teknoolojiyada warbaahinta

bulshada ayna xeeladeeyaan sida ey ugu adeegsan

karaan gaaritaanka yoolasha ololeha. Sidoo kale

waa in teknoolojiyada cusub si adag loo baaro si

loo ogaado waxtarkooda, taasoo u oggolaaneysa

difaacayaasha xuquuqda aadanaha in ey gaaraan

go’aanno ku salaysan xog iyo aqoon marka ey waqti

iyo kheyraad u qoondeynayaan fulinta ololeyaasha

xuquuqda aadanaha.

Ololeyaasha badankooda ayaa dabeecad ahaan ah

kuwa guud hase yeeshee marka, sabab kasta ha ku

dhacdee, ololehaagu ku saabsan yahay xog gaar

ahaaneed amase uu yoolkiisu yahay bulsho gaar ah,

waa inaad dib u tixgalisaa sida aad u adeegsaneyso

warbaahinta bulshada. Qalabka warbaahinta

bulshada badankiisa ayaa u furan dadweynaha

ayadoo qaababka aad ku sugeyso amniga

warisgaarsiintaada qaarkeed si fudud loo jabin karo.

Baraha warbaahinta bulshada ee kala duwan ayaa

adeegsada qaabab kala duwan oo looga dhigi karo

warisgaarsiinta kuwa gaar ahaaneed waana in la

fahmo qiimaha ey sidooda u leeyihiin.

Marka laga gudbo tixgalinta gaarnimada iyo amniga

ayaa waxaa jira su’aasha wax-ku-oolnimada. Farriin

olole oo erayadeeda la wanaajiyay laguna gudbiyay

warbaahinta bulshada ma baddali karto warqad

rasmi ah, qoraal loo soo gudbiyay hey’ad ilaalisa

xuquuqda aadanaha, ama kulan lala yeesho xilhaye

ey arrintu quseyso. Qaar ka mid ah yoolasha ololeha

ayey wanaagsantahay in lagu gaaro qaababkii hore

ee la adeegsan jiray.

Waa maxay warbaahinta bulshadu

Warbaahinta bulshada ayaa ku billaabatay baro

internet ey dadku kula xiriiri karaan saaxiibadood

iyo qoysaskooda ayagoo iskugu gudbinaya

warisgaarsiino shaqsi ah. Markii ey isku-xirada

bulshadu si aad ah u caanbaxeen ayey sidoo kale

noqdeen isku-xiro lagu qaybiyo waxyaabo nuxur leh.

Marka qeyb ka mid ah nuxurka ey caan noqoto ayaa

waxaa qofba u gudbiyaa qof kale ayadoo loo marayo

isku-xirada bulshada, taasoo circa ku shareereysa

dadka nuxurkaas dhageysanaya ama daawanaya.

Tani markey dhacdo ayaa waxaa la yiraa nuxurkii

‘farahuu ka baxay’.

Arrintaan ayaa kor u qaadeysa farqiga u dhaxeeya

warbaahintii hore iyo tan bulshada. Waxey ku

saabsantahay go’aan-gaaridda tifaftiridda iyo

daawadeyaasha/dhageyteyaasha. Markaan eegno

warbaahintii hore, shirkado warbaahineed oo

xididdeystay ayaa go’aan ka gaara waxa la sheegayo,

cidda leh aragtida la qaadanayo, iyo sida loo

dhiirrigalinayo, ayagoo dhammaan hoos imaanaya

awoodda tifaftirid dhexe. Ma ahan in shirkadaha

warbaahintu go’aaminayaan kaliya waxa la tabinayo

iyo waxaan la tabineyn, balse waxey kaloo doortaan

guud ahaanba farriinta la gudbinayo iyo raadka ey

ku reebeyso aqristaha, iyo waliba go’aanka inuu

noqonayo ‘warka bogga hore’ ama sheeko lagu

duugay bartamaha jornaalka.

Marka la eego warbaahinta bulshada, nuxurku

waxuu ka soo billaabanayaa ilo kala duwan ayadoo

loo qeybiyo si waafaqsan aragtida aqristayaasha.

Haddii aqristayaasha isku-xirka bulshada midkood uu

u bogo qeyb nuxurka ka mid ah waxaa dhici karata

inuu ‘la wadaago’ ama uu ka ‘helo’ nuxurka una diro

xiriiradiisa ku jira isku-xiradooda bulshada. Haddii

eysan nuxurka daneyneyn waa iska dhegatiraan.

Ayadoo jidkaan la raacayo ayaa warbaahinta

qiimaha leh ee ku dhexjirta isku-xirada bulshada

ee ballaaran, haddana isku dhex-yaacsan gaari

kartaa ‘danwadaagyo’ maadaama shaqsiyaadku

ey u gudbiyaan waxyaabaha nuxurka leh oo ey

daneynayaan kaliya dad kale oo ey isku wax

daneeyaan. Marka aad la falgasho warbaahinta

bulshada adigoo ujeeddadaadu tahay shaqo

xuquuqda aadanaha, waa inaad hesho

danwaadaagyada ku habboon xerada aad ka

shaqeyso laguuna bartaa inaad xubin ka tahay

danwadaagyadaas.

Adeegsiga Warbaahinta Bulshada

Qalabka warbaahinta bulshada ayaa markasta

isbaddalaya, ayadoo isku-xirada kala duwan ey

sumcaddoodu kordheyso, haddana yaraaneyso

markii muddo la joogaba. MySpace, oo ka mid

ahaa horseedayaasha ugu waaweynaa warbaahinta

bulshada, ayaa sumcaddeedii lumisay muddadii u

dhexeysay 2005 oo ah markii shirkadda lagu iibiyay

$580 milyan, iyo 2011 oo ah markii labaad oo la

iibiyay laguna gaday $35 milyan kaliya. Waqtiga

la daabacayay buuggaan ayaa baraha isku-xirada

bulshada ee ugu caansan waxaa ka mid ahaa

Facebook, Twitter, Youtube, Linkedln, Reddit, Digg,

iyo Google+.

Xusuusnow in isku-xirada kala duwan ey faa’iido

u leeyihiin ujeeddooyin kala duwan. Twitter ayaa

36

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!