05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Cutubka 1aad

Farsamooyinka Dowliga iyo kuwa Goboleed ee lagu Ilaaliyo

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha

Cutubkaan waxuu ka hadlayaa sidii u ku

billowday Baaqa Qaramada Midoobay ee Xaqa

iyo Masuuliyadda Qofka, Kooxaha iyo Hey’adaha

Bulshada ee Kor-u-qaada isla markaasna Ilaaliya

Xuquuqda iyo Xorriyaadka Aasaasiga ee Aadanaha

ee Caalamku Aqoonsanyahay (oo loo wada yaqaan

“Baaqa difaacayaasha xuquuqda aadanaha” asagoo

dulmaraya Baaqa qudhiisa. Waxuu kaloo fasiraad ka

bixinayaa farsamooyinka dowliga iyo kuwa goboleed

ee sida gaarka ah u ilaaliya Difaacayaasha Xuquuqda

Aadanaha, xilalkooda iyo qaababka ey u shaqeeyaan

oo kala ah:

Ergeyga Gaarka ah ee QM ee u Xilsaaran

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha (UN Special

Rapporteur on Human Rights Defenders)

Ergeyga Gaarka ee u Xilsaaran Difaacayaasha

Xuquuqda Aadnaha ee Afrika (Special Rapporteur on

Human Rights Defenders in Africa)

Dokumentiyada Midowga Yurub ee ku saabsan

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha (European

Union Guidelines on Human Rights Defenders)

Waxaa aqristayaasha lagu dhiirrigalinayaa in ey kor

u qaadaan hirgalinta halbeegyada dowliga ee ku

xusan Baaqa Qaramada Midoobay ee Difaacayaasha

Xuquuqda Aadanaha ee ilaaliya difaacayaasha

xuquuqda aadanaha meel kasta oo ey dunida

ka joogaan iyo in ey isticmaalaan isla markaasna

xoojiyaan farsamooyinka halkaan ku qoran. 1

Siduu ku billowday Baaqa QM ee

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha

Kor-u-qaadista iyo ilaalinta xaqa lagu difaacayo

xuquuqda aadnaha ayaa manta ah arrin sida loo

daneeyo ey ku sii kordheyso dunida oo dhan.

Hase yeeshee, ololeha dowliga ah ee loogu soo

jeedinayo dareenka dowliga xaaladda ey ku sugun

yihiin difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayaa

abaabulkiisu si isdabajoog ah u soo kordhayey tan

iyo billowgii 1980dii.

Marka Afrika la eego, wadaxaajoodyo is-dabajoog

ah ayaa saameyn weyn ku reebay horumarinta

Baaqa QM ee difaacayaasha xuquuqda aadanaha.

Ololeyaasha gobol-hoosaadyada iyo kuwa Afrika oo

mideysan ka dhacay 1998 ka hor intaan la aqbalin

baaqa, ayaa waxey si cad u mujiyeen daneynta iyo ka

1 Qoraalkii asalka ahaa waxaa lahaa Musa Gassama, ayadoo

mar dambe ey wax ku dartay Rachel Nicholson.

go’naanshaha ururada samafalka in ey difaacayaan

difaacayaasha xuquuqda adanaha, iyo sidii loogu

ololeyn lahaa helitaanka degaan u suubban u

ololeynta difaacayasha qaaradda gabi ahaanteedba.

Waxaa arrimihii ka soo baxay ololeyaashaan lagu

daray Kulankii Paris oo dhacay Disember 1998

iyo qoraalka Baaqa Caalaamiga ee difaacayaasha

xuquuqda aadanaha.

Ayadoo laga jawaabayo xaaladda qallafsan ee ku

wajahan difaacayaasha ayaa go’aankii 53/144 ee soo

baxay Disember 1998 uu Golaha Guud ee Qaramada

Midoobay si loo wada dhanyahay ku aqbalay Baaqa

difaacayaasha xuquuqda aadanaha. Arrintani waxey

ka dambeysay u ololeyn iyo gorgortan socday in

ka badan tobaneeyo sano. Dhacdooyinka la xiriira

hannaanka soo saarista Baaqa ayaa billowday

Feberaayo 1980 waxaana la soo gabagabeeyey

Feberaayo 1997, asagoo Golaha Guud uu aqbalay

Baaqa 9 Disember 1998, taasoo ka dhigeysa 18 sano

intii ey dooddiisu socotay, isla markaana ah kii ugu

gaabiyay taariikhda QM!

Baaqa QM ee Difaacayaasha

Xuquuqda Aadanaha

(A) Faallooyin guud

Aqbaliddii Baaqa QM ee difaacayaasha xuquuqda

aadanaha ee 1998 ayaa aheyd tallaabo weyn oo

horay loo qaaday. Marka ey Baaqa aqbaleen, waxey

dowladaha xubnaha ahi aqoonsadeen:

rafaadka heysta difaacayaasha xuquuqda

aadanaha meel kasta oo ey dunida ka joogaan.

jiritaanka xaqa ey difaacayaasha xuquuqda

aadanahu u leeyihiin in ey difaacaan xuquuqda

aadanaha; iyo

baahida loo qabo iskaashi dowli ah si loo ilaaliyo

xaqaan lagu difaacayo xuquuqda aadanaha.

Ma ahan Baaqu heshiis ama axdi, sidaas darteed

ayuusan u aheyn farsamo lagu qabto qofkii jabiya.

Hase yeeshe, waa mid:

Matalaya iskaashiga dowladaha ee lagu

ilaalinayo difaacayaasha xuquuqda aadanaha

meel kasta oo ey dunida ka joogaan;

2

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!