05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

oo loogu soo shubo deeqaha ama iibsiga qalab.

Shuruudaha loo baahanyahay si loo socodsiiyo urur

ayaa markasta aan aheyn kuwa ey buuxin karaan

dadka ololeeya, haddana helitaanka tababbar ayaa

waxaa ciriirigalinaya takoorka ku saleysan jihada

galmoodkooda iyo/ama aqoonsiga jinsigooda oo

marka ugu horreysaba ka dhigay lagama maarmaan

ololeyntooda.

Qeybsanaanta ka dhaxeeysa dadka u ololeeya

LGBTI iyo iska-hormaad dhexdooda ah oo ku

saabsan arrimaha mudnaanta leh iyo hababka la

adeegsanayo si loo hormariyo xuquuqda LGBTI ayaa

weeqiya hufnaantooda. 52 Waxaa sidaas darteed

lagama maarmaan ah in dadka u ololeeya LGBTI laga

caawiyo xallinta khilaafaadka iyo sameysiga qorshe

xeeladeysan si ey meel isugu geeyaan dadaalkooda

iyo xooggooda si ay wax uga qabtaan caqabadaha

imminka soo foodsaaray dadka galmood ahaan laga

tirada badan yahay. Caqabado dheeraad ah ayaa

dhaqdhaqaaqa gudahiisa ka dhalanaya kuwaas

oo ku imaanaya is-aamindarro, khiyaamo iyo kutakrifal

awoodeed kuwaas oo ka dhashay gees-uriixa

fog ee dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha iyo

sidoo kale jiritaan la’aanta fursado oo ku qasbaya in

badankoodu ey badbaadintooda shaqsiyadeed ka

horumariyaan halganka ballaaran, ayadoo waliba ey

jirto saameynta xun oo dhaqanka deeq-bixiyeyaasha

ku reebeen. Arrinka dambe, ayaa sida badan ku

yimaada qaab cilmi-baaris aan dhammeystirneyn oo

lagu qoondeeyo deeqaha, qiimeyn aan buuxin oo

ku saabsan awoodda uu shaqsigu u leeyahay in uu

wax ku maareeyo, iyo sidoo kale filasho aan caqligal

aheyn oo la xiriirta natiijooyinka iyo diiwaangalinta

marka loo fiiriyo awoodda ururada. Arrimahaan

ayaa sida kaliya oo wax looga qaban karo ey tahay

wadaxaajood dheer oo dhexmara dhammaan

dadka ey quseyso, si loo xoojiyo awoodda uu

dhaqdhaqaaqa wax uga qaban karo caqabadaha

buuraha ah ee ayaga ka baxsan.

Jiritaanla’aanta kaalmo ka timaada ururada

xuquuqda aadanaha ee soo jireenka ah ayaa lagu

fasiri karaa mid la xiriirta nidaamka qaanuuneed ee

cadaadiska ku dhisan iyo ra’yiga dadweynaha ee

hadda jira sida uu ugu arko in ey tahay sharcidarro

in dadka isku jinsiga ahi isku galmoodaan.

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee soo jireenka

ah badankood ayaa ka baqa cadaadis uga yimaada

dowladda marka ey difaacayaan xuquuqda dadka

galmood ahaan laga tiro badanyahay. Waxaa taas sii

dheer, in badanaaba xuquuqda LGBTI aan loo tixgalin

kuwa ansax ah oo qiimo leh, taasoo badanaaba ku

52 Urgent Action Fund for Women’s Human Rights (2005) LGBTI

Organizing in East Africa: The True Test for Human Rights

Defenders. http://www.urgentactionfund.org/documents/

UAF-LGBTI%20REPORT%20FINAL.pdf

saleysan jaahilnimo. Waxey tani si cad u jabineysa

caalaminnimada xuquuqda aadanaha oo ey tahay

in difaacayaasha xuquuqda aadanahu kaalmeeyaan

haddii ey tahay in sidaas loo aqoonsado (eeg

Gogoldhigga Baaqa QM ee DXA). Sidaas awgeed,

ayaa mid ka mid ah howlaha ugu waaweyn ee dadka

u ololeeya waxey tahay in ey qaddiyadooda ku

qalqaaliyaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha.

Waxaa habboon, in tan loo maro ayadoo la

raacayo abbaare ku saleysan xuquuq, oo hoosta

ka xariiqaya qiyamka asaasiga ah ee sinnaanta iyo

takoorla’aanta ee ku qoran halbeegyada saldhigyada

dowliga ah oo ey ka mid yihiin Baaqa Caalamiga ee

Xuquuqda Aadanaha (UDHR), iyo Axdiga Afrikaanka

ee Xuquuqda Adanaha iyo Dadyowga. Helitaanka

kaalmada dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa

lagama maarmaan u ah xoojinta codka dadka u

ololeeya LGBTI iyo sumcadda qaddiyadooda marka

ey abbaarayaan sharcidajiyayaasha iyo guud ahaan

dadweynaha.

Si ey isbaddal u helaan, waxaa dadka LGBTI u

ololeeya u baahanyihiin in ey si xeeladeysan wax

uga qabtaan caqabadha kor lagu xusay. Waxey

dhawaanahaan ka heleen kaalmo dhaqdhaqaaqa

xuquuqda aadanaha gudihiisa taasoo la xiriirta

ololeha ey ugu jiraan sidii wax-kama-jiraan looga

dhigi lahaa xeerarka iyo dhaqamada takoorka ku

dhisan, inkastoo ey wali sii jiraan howlo badan oo

wax-ka-qabasho u baahan.

Ka sokow dhisidda iskaashi adag oo lala yeesho

bulshada rayadka, waa in dadka u ololeeya LGBTI

ey dhammeeeyaan jidadka uga furan hey’adaha

dowliga ah, sida Qaramada Midoobay ama Golaha

Afrikaanka ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga.

Nidaamka Qaramada Midoobay ee Hey’adaha

Heshiiska 53 iyo Hababka Gaarka ah (Teaty Bodies

and Special Procedures), 54 ayaa waxaa ku jira

53 Hey’adaha Heshiiska ayaa ah guddiyo khabiiro ah oo loo

dhisay in ey dabaggal ku sameeyaan sida dowladaha

dhinacyada ah ugu hoggaansamaan farriimaha heshiisyad

ey ka midka yihiin Heshiiska Dowliga ah ee Xuquuqda

Madaniga iyo Siyaasadda (ICCPR), Heshiiska Dowliga ah ee

Xuquuqda Dhaqaalaha, Bulshada iyo Dhaqanka (ICESCR),

Heshiiska Lidka ku ah Jirdilka, iyo Dhaqan Kasta oo Naxariisdarro

ah, Lid ku ah Adminnimada ama Liidid ah ama Ciqaab

ah, Heshiiska Reebbanaanta Qaab kasta ee Takoor Lid ku ah

Haweenka, Heshiiska Reebbanaanta Qaab Kasta ee Midab

Takoor, Heshiiska Xuquuqda Carruurta iyo Heshiiska Daryeelka

Xuquuqda Dhammaan Shaqaalaha Muhaajirinta ah iyo

Xubnaha Qoysaskooda.

54 Hababka Gaarka ah ayaa ah khubaro Mowduuc iyo Dal oo

uu magacaabay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM (oo

hadda ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM) oo eegaya

xadgudubyo gaar ah ama xadgudubyo ka dhaca dalal/dhulal

gaar ah. Waxaa loo nisbeyn karaa in ey yihiin “ergey gaar

ah”, “wakiil gaar ah ee Xoghayaha Guud”, “khabiir madaxban-

48

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!