05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

wareegid, shaqo laalid iyo ka saarid hannaanka

wadaxaajoodyada qaranka” taas oo ku saleysan

takoorid.

Caqabadaha Jinsjiga ku Saleysan

Caqabad aad u weyn oo hortaalla shaqada

difaacayaasha xuquuqda aadanaha haweenka

ayaa ah ayadoo galmoodka difaacayaasha uu

badanaaba noqdo udub-dhexaadka ololeha looga

soo horjeedo shaaqdooda. Badanaaba haweenka

difaaca xuquuqda aadanaha ayaa la yoolbeegsada

ayadoo ujeeddadu tahay in waxyeello loo geysto

dumarnimadooda 30 sida xadgudub galmood iyo

kufsi. Difaacayaasha dadka laga tirada badan yahay

ee u dooda xuquuqda ragga isu-taga iyo haweenka

isu-taga ayaa la kulmay weeraro ayadoo shaqadooda

ey la socoto hanjabaad in kufsi lagu “daaweynayo”.

‘Cambaareyn dhinaca galmada’ (‘Sexualitybaiting’)

ayaa badanaaba la adeegsadaa si “cabsi

loo galiyo, sharfta looga rido, wajigabax loogu

sameeyo, loo cabburiyo, ama niyadda looga jabiyo

si eysan haweenku uga hadlin arrimaha la xiriira

galmoodka, xuquuqda aadanaha ee galmoodka

iyo xuquuqda kaleba.” 31 Waxay tani yeelan kartaa

muqaallo kala duwan oo badankooda looga dan

leeyahay in waxyeello loo geysto sumcadda iyo

xushmada difaacaha. Waxaa lagu shabbadeeyaa

in ey yihiin haween u galmoota dumarka, cir-lagasoo-tuur

iyo dhaqan bi’iso si loo karaama dilo,

loogana dhigo kuwa sharciga ka baxsan xuquuqda

ey difaacayaan iyo waliba xaqa in qofku uu kor u

hadlo. Jogteynta in laga dhigo kuwa aan la soo hadal

qaadin galmoodmka iyo xuquuqda galmoodka ayaa

kaalmeynaya kuwa isku dayaya in ey aammusiyaan

difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee haweenka.

La-xisaabtan la’aanta Gabboodfalayaasha

Xadgudubyada loo geysto xuquuqda DXAH

ayaa yoolbeegsada shaqsiga difaaca xuquuqda

aadanaha haweenka iyo ururada u dooda xuquuqda

haweenka. Dadka takoorka iyo xadgudubyada

waaweyn u geysta xuquuqda difaacayaasha ayaa

waxay iskugu jiraan Dowlad 32 iyo kuwa kale oo

30 A/HRC/16/44, Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee qaabbilsan

Xaaladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, Margaret

Sekaggya, ey u soo gudbisay Golaha Xuquuqda Aadanaha

20kii Disember 2010. Waxaa laga helayaa faqradda 87 bogga

17. Waxey warbixintu xiganeysaa war-isgaarsiin laga soo

diray 2005 Central African Republic kuna saabsaneyd isku

day kufsi loo geystay gabar ey dhashay haweeney difaace ah

iyo kufsi loogu hanjabay qof u dooda LGBT ee Kenya.

31 Kor lr. 6 bogga 8

32 Kor lr.12 faqradda 107, bogga 20. “Ergeyga gaarka ah ayaa

ka walaacsan xadgudubyada faraha badan ee muuqda in

ey ka mid yihiin xubno ka tirsan dadka degaanka

iyo qoysaska difaacayaasha. In lagala xisaabtamo

kuwa xadgudubka sameeyay falka ey geysteen

ayaa ah howl dhib badan marka la eego degaanka

guud ahaanba ey ku yartahay arxanka loo hayo

difaacayaasha xuquuqda aadanaha haweenka

iyo xuquuqda ay difaacayaanba. Inkasta oo

xukuumadaha ka jira gobol-hoosaadka badankood

ey qaateen halbeegyada xuquuqda aadanaha

caalamka ayaa haddana sida ey ugu hoggansamaan

ku xirantahay hadba sida ey la noqoto iyo

qorshahooda siyaasadeed sida uu yahay. Taageerada

ey xukuumadaha qaarkood u fidiyaan “arrimaha

haweenka” ayaa badanaaba daaha laga qaadaa

ayagoo ah xuub dusha saran kuna xiran hadba

sida loo arko in ey dan ugu jirto aydoon si hufan

wax looga qabaneyn sababaha ey ku qotomaan

takoorka iyo sinnaanla’aanta joogtada ah. Gees-urixidda

joogtada ah ee haweenka lagu hayo ayaa sii

wiiqaya awoodda in ey caddaaladda horgeeyaan

kuwa ku xadgudbay xuquuqdooda. Waxey tani ku

sii dhabowday difaacayaasha xuquuqda aadanaha

haweenka oo jabiyay waxa loo nisbeeyo in ey yihiin

xeerar guud maadaama ey ka hadlaan xuquuq iyo

waxayaabaha uu qofku xaq u leeyahay. Madaxda

ayaa siyaabo kala duwan awoodahooda u adeegsan

kara sida joojinta diiwaangalinta urur ayagoo u

eegaya howsha ey qabanayaan, muddada go’aan

ka gaaridda dacwooyinka oo la dheereynayo iyo

qashqashaadda ey ciidamada amnigu geysanayaan.

Inkasta oo nidaamka caalamiga ah uu ku dhisan

yahay la-xisaabtan iyo waajibaad dowladaha

ka saaran muwaaddiniintooda ayaa haddana

ey adagtahay in wax laga qabto. Tabardarida

beesha caalamka ka heysta in ey cadaadis saarto

dowladaha xadgudubka sameeya ayaa badanaaba

la muujiyay in ey la xiriirto maqnaasha awoodla’aan

ka jirta arrimaha lagu tilmaamo dano qaran

oo carrabka lagu dhufto ayadoo la tilmaamayo

madaxbannaanida Dowladda. Waxey Ergeyga Gaarka

ahi, Margaret Sekaggya si gaar ah u sheegtay doorka

dowladaha iyo dhacdooyinka naxdinta leh ee la soo

gudbiyay oo sheegaya in dowladaha xadgudubka

geesta ey u muuqdaan in ey yoolbeegsadaan

difaacayaasha xuquuqda haweenka iyo dadka laga

tirada badan yahay.

Waxaa tacaddiyadaas u wehliya difaacayaasha

kuwa kale oo ey u geystaan dadka aan dowladda

ku xirneyn (non-State actors). Dadkaan kale

ayaa waxaa ka mid ah xubnaha qoyska iyo dadka

ey geesteen wakiillada Dowladda, kuwaas ey ka mid yihiin

saraakiisha booliska, milatariga, saraakiisha Xukuumadda

iyo garsoorka. Xadgudubyadaan ayaa iskugu jira xabsi,

qashqashaad, jirdil, dambi-u-yeelid, xukun khaldan iyo xataa

magac-xumo, hanjabaadyo, iyo hanjabaadyo dhimasho iyo

dil.”

40

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!