05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Dokumentiyadaan ayaa ah in ey bixiyaan talooyin la

dabbaqi karo oo lagu hormarinayo tallaabada MY

ka qaadayso arrintaan. Waxaa Dokumentiyadaan

loo adeegsan karaa marka lala xiriirayo dalalka

saddaxaad heerkii ey doonto ha ahaatee iyo marka

laga qeybgalayo shirarka xuquuqda aadanaha looga

hadlayo oo ey dhinacayo badan ka soo qaybgalaan,

si loo taageero loona xoojiyo daadallada socda

oo MY ku dooneyso in kor loogu qaado laguna

dhiirrigaliyo xushmeynta xaqa loo leeyahay in la

difaaco xuquuqda aadanaha.

Link: http://www.consilium.europa.eu/uedocs/

cmsUpload/GuidelinesDefenders.pdf

Midowga Yurub: U Kicidda Caqabadda

Horyaalla Ilaalinta Difaacayaasha Xuquuqda

Aadanaha (European Union: Rising to the

Challenge of Protecting Human Rights Defenders)

Amnesty International (2008)

Waxaa buuggaan loogu talogalay kuwa sida tooska

ah ugu howlan hirgalinta ‘Dokumentiyada Yurub ee

ku Saabsan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha’.

Ujeeddada laga leeyahay Dokumentiyada “ayaa ah

bixinta talooyin la dabbaqi karo oo lagu hormarinayo

tallaabada MY” ey qaadeyso ee la xiriirta

difaacayaasha xuquuqda. Haddii si buuxda loo

hirgaliyo, waxaa jireysa fursad ballaaran oo isbaddal

lagu keeni karo. Ujeeddada dokumentigaan ayaa

ah xoojinta talooyinka ey Amnesty International

ku soo saartay warbixinteedii 2007 iyo in la qaado

tallaabo dheeraad ah, wax-ku-ool ah, nidaamsan

isla markaasna si joogto ah loogu taagerayo, laguna

ilaalinayo difaacayaasha xuquuqda aadanaha.

Barta Rasmiga ah: http://www.amnesty.org/en/library/

info/EUR01/009/2008/en

Af Ingiriis: http://www.amnesty.org/en/library/asset/

EUR01/009/2008/en/af7612f2-3eb0-11dd-9656-

05931d46f27f/eur010092008eng.pdf

Af Faransiis: http://www.amnesty.org/en/library/asset/

EUR01/009/2008/en/9433a40d-6d26-11dd-8e5e-

43ea85d15a69/eur010092008fra.pdf

Qaramada Midoobay

Baaqa Qaramada Midoobay ee Difaacayaasha

Xuquuqda Aadanaha (1998)

Baaqa QM ee ku saabsan Xaqa iyo Masuuliyadda

Shaqsiyaadka, Kooxaha iyo Hey’adaha Bulshada

si loo Horamariyo loona Ilaaliyo Xuquuqda

Aadanaha iyo Xorriyaadka Asaasiga ah ee Caalamku

Aqoonsaday (oo loo yaqaan marka la soo gaabiyo

Baaqa QM ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha)

ayaa xeerinaya halbeegyada dowliga ee ilaaliya

howsha difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee ku

nool dunida daafaheeda. Waxuu aqoonsanyahay

sharciyadda howsha xuquuqda aadanaha iyo

baahida loo qabo ilaalinta howshaas iyo kuwa

sameeyaba. Sida uu qabo Baaqu, waxaa difaace

xuquuqda aadanaha ah qof kasta oo ka shaqeeya

horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Qeexiddaan ballaaran waxaa soo hoos galaya

xirfadlayaasha iyo kuwa xirfadlaaweyaasha ah ee

ka shaqeeya xuquuqda aadanaha, mutadawaciinta,

wariyeyaasha, garyaqaannada iyo qof kasta oo

kale oo qabta, xataa si mar-soo-dhacaal ah, howl

xuquuqda aadanaha ku saabsan.

Barta Rasmiga: http://www.ohchr.org/EN/Issues/

SRHRDefenders/Pages/Declaration.aspx

Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha

Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, oo

Golaha Guud ee QM aqbalay 10 Disember 1948,

ayaa ah natiijada waayo-aragnimada laga dhaxlay

Dagaalkii Dunida ee Labaad. Markii uu dhammaaday

dagaalkaas, lana dhisay Qaramada Midoobay,

ayaa beesha caalamku axdi ku martay in aan mar

kale la oggolaan xasuuq la mid ah kii dhacay iskahorimaadkaas.

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa

go’aansaday in lagu xoojiyo Axdiga QM khariidadda

tubta la raacayo si loo dammaanadqaado xuquuqda

qof kasta leeyahay, meeshuu doono ha ku

noolaadee.

Barta Rasmiga ah: http://www.un.org/en/documents/

udhr/

Ergayga Gaarka ah QM u Qaabilsan Xaaladda

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha

Xilka ku saabsan xaaladda difaacayaasha xuquuqda

aadanaha ayaa waxaa dhisay sanadkii 2000 Golaha

Xuquuqda Aadanaha (asagoo ah Hab Gaar ah) si loo

taageero hirgalinta Baaqa ku saabsan Difaacayaasha

Xuquuqda Aadanaha ee soo baxay 1998. Qaraarkii

7/8 ee 2008 iyo qaraarkii 16/5 ee 2011 ayaa Golaha

Xuquuqda Aadanahu ku go’aansaday in la sii wado

xilka difaacayaasha xuquuqda aadanaha muddo

saddax sano ah oo xiriirsan. Qofka xilka imminka

haya, Marwo Margaret Sekaggya ayaa waxaa

magacaabay Golaha Xuquuqda Aadanaha bishii

Marso 2008. Marwo Sekkaggya ayaa ah Garsoore

reer Uganda ah, horeyna u aheyd Guddoomiyaha

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Uganda muddadii u

dhaxeysay 2006 iyo 2008. Waxey xubin ka aheyd laga

soo billaabo 2006 illaa 200 Xoogga Shaqo ee Heerka

Sare ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Hirgalinta

Xaqa Horumarka (UN High Level Task Force on the

66

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!