05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

aahida loo qabo in muddo markii la joogaba la

qiimeeyo khatarta, gaar ahaan haddii ey jiraan

isbaddallo ku yimid duruufaha shaqada, khatarada

ama u nuglaanshaha. Tusaale ahaan, khatartu si

aad ah ayey u badataa marka dadka hubeysan

ey dareemaan in lagu wareegsan yahay; u

nuglaanshaha ayaa badata marka shaqaale cusub uu

shaqo billaabo ayadoon la siin tababbar habboon.

Tallaabooyinka amniga oo ey ka mid yihiin kamera

fidiyowga (video camera) ama gaari hubeysan ayaa

yareyn kara khatarta ayagoo wanaajinaya arrimaha

keena u nuglaanshaha, laakin tallaabooyinkaas kama

hortagaan isha ugu weyn oo khatartu ka timaado,

taasoo ka soo baxda hanjaabdyada iyo rabitaanka in

fuliyo, haddii falalka ka dhanka ah difaacayaasha aan

lala xisaabtameyn. Sababahaan awgood, ayaa loogu

baahan yahay in wax kasta oo loo qaadayo ilaalin

darteed ey u noqdaan kuwa lala beegsado yareynta

hanjabaadyada, oo ey wehliyaan yareynta arrimaha

keena u nuglaanshaha.

Qorsheynta shaqada iyo amniga

Marka shaqada la qorsheynayo ayaa waxaa loo

baahanyahay in lagu daro mid kasta oo ka mid

ah heerarka la falaanqeeyay maareynta amniga.

Waxuu amnigu buuxiyaa meel gaar ah marka la

falaanqeynayo duruufaha jira iyo marka la dajinayo

danaha iyo ujeeddooyinka shaqada, iyo sidoo kale

marka shaqada la qorsheynayo, dabaggal lagu

sameynayo iyo marka la qiimeynayo natiijooyinka.

Dokumentiyada tilmaamaya amniga ayaa ka

buuxinaya meel gaar ah (marka la joogo heerka

qorsheynta) hannaanka guud ahaantiis, halkaas oo

ey ku noqdaan dokumenti nool oo ka hela faallo iyo

talo heerarka dabaggalka iyo qiimeynta.

La-tacaalidda caqabadaha amniga:

maareynta amniga oo ah hannaan

kobcaya

Maareynta amnigu marna ma noqoto mid

dhammeystiran, mar walbana waa qabyo iyo

kala doorasho. Waa jira xudduud wiiqda habka 8 ;

xudduudda garashada (suurtogal ma ahan in

dhammaan arrimaha saameeya amniga hal meel

la isugu keeno, isku marna la wada tixgaliyo)

iyo xudduudda hannaanka dhexdiisa ka jirta

(muhimadda waqtiga la siinayo iyo sidey isugu

xigayaan oo lagama maarmaanka u ah wacyigalinta,

dhisidda isafgarasho loo dhanyahay, tababbaridda

dadka, xaqiijinta sidii loo heli lahaa waxsoosaarka

shaqaalaha ee la rabay, dhaqangalinta howlaha,

iwm.) Maareynta amniga ayey ku adagtahay in

8 Quinn, James B.: “Strategic change: logical incrementalism”.

Sloan Management Review Summer 1989 (pp. 45-60)

la isku dayo sameynta aragti waqti dheer leh oo

dhammeystiran: waxtarkeedu waxuu ku xiranyahay

kartida ey u leedahay sidii looga hortagi lahaa

shilalka iyo in ey tilmaanto baahida loo qabo in

ururku noqdo mid dhammeystiran isla markaasna

leh xiriirin si uu ula tacaalo shilalkaas. Waxaa laga

yaabaa in eysan tani aheyn wax weyn, waxaase

kaloo loo baahanyahay inaan tixgalino in kheyraadka

amniga loo qondeeyo uu badanaaba yaryahay,

sidaas darteedna suurtogal ma aha inaan noqonno

kuwa dhammaystir leh. Xaqiiqada ayaan laga fursan

karin marka laga hadlayo maareynta amniga.

Sidaan horay u soo xusnay, marka la eegayo

dhaqanka amniga ee urur samafal, waxaa suurtogal

ah inaad hesho qaar ka mid ah dokumenti

tilmaamaya ama qorsheyaal amni ama tallaabooyin

ama dabeecado soo noqnoqday oo lagu dhaqmayo.

Waxaa meesha ka jira arrimo badan, sida ayadoo

wax laga sheego dhaqanka amniga iyo in laga

cagajiido kordhinta culeyska shaqada haddiiba lagu

daro howlo cusub oo amni la xiriira. Sugidda amniga

ayaa badanaaba kala dhantaalan, xuubsiibata, kuna

xiran garashada qofka. Marka la eego maareynta

amniga waxaa lagama maarmaan ah in muddo

markii la joogaba tallaabo la qaado, ayadoo la

sameynayo isbaddallo yaryar oo lagu wanaajinayo

sida uu u shaqeynayo. Xeeladaha iyo hababka

amniga ayaa u muuqda in ey yihiin kuwo ka soo

ifbaxaya “nidaam-hoosaadyo xeeladeysan”, oo mid

walba oo ka mid ah uu daboolayo shaqada qeybteed

(sida taakuleynta, shaqaalaha goobta oo si gaar ah

uga walaacsan amnigooda, maareeyaha xaruun

uu cadaadis ka heysto walaac uu deeq-bixiyehu ka

qabo amniga, iwm). Kororsimada qunyar-socodka

ah 9 ee maareynta amniga ayaa albaabada u fureysa

habab aan rasmi aheyn ayadoo tixgalin siineysa

shaqaalaha isbaddal doonka ah. Ka qeybgalka

dhacadooyinka (sida shilalka amniga) ayaa keenaya

in la qaato go’aanno deg-deg ah oo ku-meel-gaar ah

oo muuqaal u yeela dhaqanka amniga oo haddii si

habboon loo maareeyo ka mid noqonaya isafgarad

ballaaran oo lagu howlgalo kana dhexeeya xubnaha

kooxaha goobta iyo kuwa maareynta.

Fikrado muhim ah oo ku saabsan

amniga iyo ilaalinta difaacayaasha

xuquuqda aadanaha

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha

ayaa ah dad caadi ah oo u illaa iyo heer u

bareera khatarta

9 Waxaa jira cilmi-baarisyo badan oo lagu sameeyay kororsiimada

qunyarscodka ah iyo qorshe xeeladeysan. Abbaraha

dukumentigaan lagu muujiyay ayaa xiganaya qaar ay ka

mid yihiin shaqooyinka C.E. Lindblom iyo James B. Quinn.

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

15

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!