05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

xoogga dhaqdhaqaaq dowliga oo lagu billaabayo

laguna riixayo sidii uu isbaddal u dhici lahaa. Tan

micnaheedu waxuu yahay in DXAH ey u baahan

yihiin in ey ayagu is abaabulaan. Marka laga eego

heer qaran waxey caqabaddu noqoneysaa sidii loo

mideyn lahaa DXAH iyo sidii ayaga oo wadajira ey u

tilmaami lahaayeen waxyaabaha turanturada leh ee

horyaala kuna saleysan shaqadooda iyo jinsigooda.

Waa in ey tani dhacdaa ayadoo la tixraacayo

nidaamka bulshadeed, qaanuuneed, siyaasadeed

iyo dhaqameed oo ey ku dhex shaqeeyaan DXAH

isla markaasna cayima takoorka lagu hayo iyo

nugaylnimadooda. Waxaa kaliya oo nidaamyo micno

leh oo lagu keeno isbaddal la sameyn karaa marka

si cad loo falaanqeeyo sababaha ay ku qotomaan

takoorka lagu hayo iyo amnila’aantooda. Kulamada

qarameed ee lagu wadaxaajoodo oo ey ka mid yihiin

kuwa lagu qabtay Togo iyo Nepal 34 ayaa noqon kara

jid la raaco oo la isugu wada keenayo DXAH si ey

falaaqeyn iyo qorshe xeeladeysan u sameeyaan.

Hase yeeshee waxaa lagama maarmaan u muuqda

markasta oo la sameynayo olole ama iskaashi lagu

raadinayo isbaddal in laga qeybgaliyo dhaqdhaqaaqa

ballaaran ee xuquuqda aadanaha qaranka. Aburidda

aqbalid guud iyo taageerada dhaqdhaqaaqa

ballaaran ee difaacayaasha xuquuqda aadanaha

ey u hayaan ansaxnimada sheegashada DXAH in

ey noqdaan dhinaca la siman marka la difaacayo

xuquuqda aadanaha ayaa ah mid ka mid ah

ujeeddooyinka.

Jidadka loo doortay in looga hadlo sababaha

dhaliyey nugeylnimada gaarka ah ee DXAH ayaa si

aad ah ugu xiran duruufaha qaranka. Hase yeeshee,

olole lagu jaangooyay sidii wax looga qaban lahaa

arrimahaan oo waafaqsan caqabadaha guud ee

horyaal DXA ayaa keeni kara taageero saldhig

ballaaran leh iyo saameyn waarta. Nidaamyada

iyo tallaabooyinka la aqoonsaday ayaa u baahan

in ey noqdaan kuwa qiimo u leh laguna dabbaqi

karo duruufaha jira ee wax loogu sheegayo

dadka muhimka ah – wadaxaajood lala yeesho

bulshaweynta rayadka ah iyo wadaagga casharada

laga bartay ololeynta iyo u doodidda ayaa faa’iido

aad u weyn u yeelan kara qabanqaabinta olole waxku-ool

ah oo yool leh. Ka-qeybgalinta dad aqoon

durugsan iyo waayo-aragnimo u leh howshaan

oo kale ayey tahay in la baadigoobo. Ujeeddada

asaasiga ah ee tallaabo kasta oo la qaadayo waa

in ey noqotaa abuuridda xaalad looga hadlayo

walaacyada u gaarka ah DXA, ayna ka helayaan

ilaalinta ku qoran dokumentiyada dowliga ah

sida Baaqa QM ee DXA taasoo ay sameynayaan

34 Wararka kuwaan iyo kuwa kale oo la mid ah ayaa laga heli

karaa http://www.defendingwomen-defendingrights.org/

actions.php

xukuumadda, dadka aan dowladda ku xurneyn iyo

bulshada rayadka.

Si loo qeexo baahida loo qabo tallaabo adag

oo si wanaagsan loogu ilaaliyo DXAH waxaa loo

baahanyahay in la fahmo baaxadda meelaha wax

laga qaban karo eyna tahay in dhab ahaan wax

looga qabto. U doodidda isbaddal qaanuuneed iyo

mid siyaasadeed ayaa ah hal meel oo u baahan in

si aad ah wax looga qabto. Qalqaalinta sidii Baaqa

QM ee DXA loogu aqbali lahaa inuu noqdo nidaam

qarameed oo qaanuun ahaan wax dabra iyo soo

saarista tallaabooyin lagu xaqiijinayo dhowriddooda

ayaa faa’iido u yeelanaya qaddiyadda guud ahaan

DXA, gaar ahaanna DXAH ayadoo isla markaasna

oggolaaneysa sidii loo xisaabin lahaa dadka aan

dowladda ka socon oo ku xadgudba xuquuqda DXA.

Si kastaba ha ahaatee, qaanuunka oo wax laga

baddalo ma ahan xalka kaliya. Isbaddalkaan ayaa u

baahan inuu la jaanqaado yoolbeegsiga maskaxda

iyo nidaamyada gacan ka geysta sii socoshada

sinnaan-la’aanta hadda jirta iyo fikradaha jinsiga

(raganimada iyo dumarnimada). Dhibaatooyinka

soo noqnoqda ee heysta DXAH kana yimaada dadka

dagaannkooda iyo qoysaskooda kuna saleysan

shaqadooda ayaa u baahan tallaabooyin dheeraad

ah oo bartilmaameed ka dhiganaya waxyaabaha

la rumeysan yahay ee ku saleysan dhaqanka iyo

caadooyinka. Sidaas darted, waxaa muhim ah

in olole iyo qiiro-galin laga sameeyo bulshada

dhexdeeda.

Marka laga soo tago shaqada qalqaalinta ee kor lagu

fasiray, DXAH ee goobta jooga ayaa waxaa ka heysta

khataro gaar ah gudashada shaqooyinkooda ayadoo

awoodda ey ku wanaajinayaan amnigooda aan wali

si buuxda looga faa’iideysan. Qeybo kale oo ka mid

ah buuggaan ayaa isku dayaya in ey siiyaan DXA

xog ey u isticmaali karaan maareynta amnigooda

iyo qiimeynta khatarta. Qeybta macluumaadka

ee buugga ayaa sidoo kale bixineysa waxyaabo

dheeraad ah oo marka la isku daro awood u yeelaya

DXAH in ey kala soo baxaan casharo ku saabsan

baahida gaarka ah ey u qabaan in ey amni helaan.

Ururo dhowr ah ayaa imminka kaalmeeya ilaalinta

DXAH. Waxaana kuwaas ka mid ah Front Line iyo

Urgent Action for Women oo sida loola xiriiri karo

iyo warbixinno kooban oo ku saabsan howlaha ey

qabtaan laga heli karo lifaaqyada buuggaan.

Aqoonsi

Abuurista hindisayaal kala duwan oo lagu

aqoonsanayo laguna sharfayo shaqada geesinimada

leh ee DXA ayaa loo adeegsan karaa si loogu

42

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!