05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Cutubka 4aad

Ololelyaasha Xuquuqda Aadanaha

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ayaa marka ey

gudanayaan howlahooda ey ku difaacayan xuquuda

aadanaha ee dadka kale waxey qalab ahaan u

adeegsan karaan xeeladaha ololaha, howlaha

qalqaalinta iyo u doodidda. Ujeeddada ololeha laga

leeyahay ayaa ah in la helo isbaddal wanaagsan,

ayadoo dadka ka dhigeysa kuwa fuliya ballamada

ey qaadaan, gutana waajibaadkooda.Waxaa kaloo

loo adeegsan karaa sidii loo abuuri lahaa wacyigalin

ballaaran oo ku saabsan arrimaha qaarkooda. Waxaa

qoraalkaan looga danleeyahay inuu bixiyo saldhigga

muuqal guud oo ku saasban sida loo sameeyo

naqshadda xeeladaha olole lagu dabaqi karo arrimo

kala duwan, eyna adeegsan karan ururo qabta

howlo kala duwan. 19

Ololeyaasha xuquuqda aadanaha ayaa ah waddo

muhim ah oo lagu raadiyo joojinta tacaddiyada

xuquuqda aadanaha, looguna magdhabo kuwa

xuquuqdooda lagu tacaddiyay. Waxaa dhici karta

in shaqsiyaad iyo bulshooyin ey u istaagaan

xuquuqdooda (eeg sida beryahaan dambe uu u

kobcay halganka muwaaddiniinta) ama in kuwa kale

oo ayaga matalaya ey beddelkooda u ololeyaan,

gaar ahaan marka eysan kuwa hore aqoon u laheyn

xuquuqdooda iyo sida saameyn loogu yeesho

sidii isbaddal u dhici lahaa. Sida uu qabo Qodabka

1aad ee Baaqa QM ee Difaacayaasha Xuquuqda

Aadanaha 20 “Waxuu qof kasta xaq u leeyahay, shaqsi

ahaan iyo asagoo ey wehliyaan kuwa kale, inuu kor

u qaado iyo inuu u halgamo ilaalinta iyo xaqiijinta

xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka asaasiga ah

ee heer qaran, heer gobol iyo heer dowli ahba.”

Dhabtii, waxuu qof kasta xaq u leeyahay inuu u

ololeeyo xuquuqda dadka kale iyo kuwoodaba.

Qorsheynta olole

Si ololehaagu u guuleysto, waxaa loo baahanyahay

in la dajiyo ujeeddooyin ku xiran isbaddalka aad

dooneyso inaad keento. Ujeeddooyinkaani waa in ey

noqdaan kuwa mucayin ah, la cabbiri karo, la gaari

karo, la xaqiijin karo, isla markaasna muddeysan. Si

19 Qoraalka asalkiisii waxaa qoray Carol Magambo ayadoo

Rachel Nicholson ey casriyeeysay. Neil Blazevic ayaa ku daray

dhextaalka Warbaahinta Bulshada (Cutubka 4.5).

20 Magaca Baaqa oo dhammeystiran ayaa ah: Declaration

on the Right and Responsibility of Individuals, Groups and

Organs of Society to Promote and Protect Universally Recognized

Human Rights and Fundamental Freedoms. Si aad

u hesho waxaad u mari kartaa : Office of the United Nations

High Commissioner for Human Rights: http://www.ohchr.

org/english/law/freedom.htm

aad u ogaato illaa iyo heerka ey mucayin yihiin iyo

heerka ey yihiin kuwa la cabbiri karo, waa inaad ugu

horreyntaba aad isweydiiso waxaad rajeyneyso, iyo

waxaad fileyso in ey isbaddalaan marka uu ololehu

dhammaado.

Marka labaad, waa inaad cilmi-baaris sameyso si

aad u ogaato xeeladda ololehaagu yeelanayo. Waxaa

kaliya oo xeelad wax-ku-ool ah la sameyn karaa

marka arrimaha meesha jira si dhammeystiran loo

fahmo. Tan ayaa kuu saamaxeysa inaad qeexdo

mushkiladda aad dooneyso inaad xalliso iyo inaad

fahamto, tusaale ahaan, cidda ka masuulka ah

tacaddiyada iyo sababta ey u dhacayaan. Sidoo

kale, waa in markaad sameyneyso cilmi-baarista

heshaa jawaabaha su’aalaha ey ka midka yihiin:

waa maxay farriinta aan rabno inaan gudbino iyo

waa maxay isbaddalka aan rabno inaan aragno

Maxaan u rabnaa isbaddalkaan Waa kuwee dadka

aan yoolka ka dhiganeyno – waa kuwee dadka

danta ka leh iyo masuuliyiinta arrintaan saameynta

ku leh Sideen u sameynaa arrintaan iyo waa

kuwee qalabka aan adeegsaneyno Ma waxaan

ku sameyneynaa internetka, telefon, warbaahin,

casharo, doodo, bannaanbaxyo, bandhigyo,

mase waxaan diyaarinaa cabashooyin qoraal ah

Halkee baan dadaalladeenna yool uga dhignaa

Ma waxay noqoneysaa heer degaan, qaran, gobol

ama heer dowli ah Ugu dambeyntii, goorma ayuu

ololeheennu qabsoomayaa Marka cilmi-baarista

lagu sameynayo arrimaha ololeha, waxaa loo

baahanyahay in meel la isla dhigo waddada ugu

wanaagsan ee lagu gaari karo ujeeddooyinka iyo

sida la isugu darayo isticmaalka farsamooyinka kala

duwan ee lagu sameeyo ololeha oo mar dambe

aan gadaal uga hadli doono. Dood dhexmarta

kooxda abaabuleysa ololeha kuna saabsan hababka

la adeegsanayo ayaa waxter weyn yeelan doonta

maadaam la isbarbardhigayo kuwa faa’iidada leh iyo

kuwa khasaare keeni kara.

Waxaa halkaan ku qoran tusaale olole mucayan ah,

ayadoo tallaabo-tallabo loo qaadayo hannaanka

cilmi-baarista iyo qorsheynta.:

Waxaad tahay urur ka tirsan bulshada rayadka ah ee

Uganda oo doonaya in la ansixiyo Xeerka Xiriirada

Guriga. Waxaad u baahantahay inaad isweydiiso,

maxaan ugu baahannahay in Xeerka la ansixiyo

In la siiyo dumarka iyo raggaba sinnaan marka la fiiriyo

arrimaha guurka, furriinka iyo hantida qoyska.

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

31

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!