05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

degaanka, shirkadaha gaar ah, shaqaalaha

warbaahinta, kooxaha hubeysan, ururada asal raac

ah iyo hey’ado maaliyadeed ee dowli ah. Waxaa

nasiibdarro ah in nidaamka qaanuunka caalamiga

ah ee hadda jira uu tabardaranyahay marka la

eego qodobadiisa la xiriira la-xisaabtanka dadkaas

iyo sida loo dhaqangalinaayaba. Waajibaadyada

dowladaha ka saran difaaca muwaadiniintooda

iyo sidoo kale DXAH ayaa badanaaba la fulin, lana

fulin karin. Sidaas darted, ayaa dadka xadgudubka

geesta aan loola xisaabtamin. Xoogagga xagjirka

ah ee siyaasadda ama/iyo kuwa diinta ayaa sida

badan ku tunta xuquuqda rayadka ayagoo dajiya

qawaaniin si ula-kac ah ciriiri u galiya xorriyadaha

asaasiga ee bulshada. Waxaa badanaaba saldhig u

ah yoolbeegsiga haweenka jinsigooda iyo doork ey

bulshada ku dhex leeyihiin. Gaar ahaan, xaaladaha

ey jiraan iska-horimaadyo hubeysan iyo ka go’idda

dal ayaa dadka aan dowladda ku xirneyn yihiin

kuwa xadgudubyada ugu badan u geesta xuquuqda

aadanaha. Haweenka ayaa badanaaba la weeraraa,

sharfatoodana meel looga dhacaa taasoo mar kale

ku xiran doorkooda taranka iyo astaanta sharafta

qoyska. Difaacayaasha xuquuqda aadanaha

haweenka ee ka shaqeeya goobo iska-horimaad

hubeysan ka jiro ayey soo wajahaan caqaabado

badan maadaama ey yihiin difaacayaal isla

markaasna ah haween taas oo markaas u nugleeya

weeraro jinsiga u gaar ah. Difaacayaasha ayaa si

gaar ah loola soo baxaa marka la weerarayo si loo

muujiyo khatarta ka imaaneysa kor-u-hadalka iyo si

dadka degaanka looga niyadjabiyo in ey ku daydaan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ey yihiin xubanaha

qoyska iyo dadka degaanka kuwa ku xadgudba

xuquuqda difaacayaasha xuquuqda aadanaha

haweenka, in lala xisaabtamo iyo in magadhow laga

qaado ayaa sii adkaaneysa maadaama ey imaaneyso

caaddifad iyo isku tiirsanaanta bulshada. Raadadka

xun-xun oo howsha difaaca xuquuqda aadanahu ku

rebaan qoyska iyo carruurta iyo sida xun uu qofka

ey isku dhaxaan u arko, ayaa xannibi kara rabitaanka

haweenka u qabaan in ey kor u hadlaan. Cabsida

ey ka qabaan in la deyriyo iyo in bulshadu ka soo

qaadaan waxaan jirin oo kale ayaa si fudud saameyn

ugu yeelan kara in difaacayaashu ku dhiiradaan ka

hadalka arrin xasaasi ah. Sida caadiga ah, marka

loo hanjabo difaacayaasha waxaa yar meel ey

ka heli karaan amni oo ka baxsan guryahooda.

Xadgudubyada dhinaca jirka iyo dhinaca galmoodka

oo ka yimada gudaha qoyska kana dhasha shaqada

difaaca oo ey haweentu qabato ayaa sida badan

hey’adaha awoodda leh u tixgaliyaan “arrin guri”

taas oo keeneysa inaan waxba loo raacin dadkii

xadgudubka sameeyay. Xaaladahaan jira awgood,

ayaa in la wanaajiyo la-xisabtanka dadka dowladda

ka baxsan oo xadgudubyada sameeya iyo aqoonsiga

xuquuqda difaaca xuquuqda aadanaha ee haweenka

ey u leeyihiin in ey difaacaan xuquuqda dadka kale u

tahay caqabad weyn oo jirta.

Tallaabooyin yar-yar oo isbaddal keenaya

Sidee kale oo ilaalin wanaagsan lagu heli karaa

difaacayaasha xuquuqda aadanaha haweenka

Waxaa hubanti ah in eysan jirin jawaab fudud.

Hase yeseehee, markaan eegno faahfaahinta

kore, waxaa caddaan noqoneysa in abbaarahu

yeelanayo dhinacyo badan, ayadoo wax laga

qabanayo sababaha ey ku qotomaan takoorka

joogtada ah oo u keenaya DXAH khatro mucayan

ah. Waa in ujeeddada tani ey noqotaa baddalidda

sida ey u fakaraan kuwa xadgudubka geysta iyo

dhisidda hey’ado bulshada ka dhex jira oo awood

u leh siinta dhammaan muwaaddiniinta ilaalin

loo simanyahay ayadoo aan loo eegin jinsi. Tani

isla markiiba ma dhceyso, qoraalkanina kuma

andacoon karo inuu xal u hayo sinnaan la’aanta

joogtada ah ee ka jirta bulshadeenna. Hase yeeshee,

waxuu isku dayayaa inuu bixiyo fikrado wax looga

qabanayo nugaylnimada gaarka ah ee DXAH ee

socda muddada dheer. 33 Ololeha dowliga ah ee

DXAH ee kor ku xusan ayaa tusaale wanaagsan

u ah isku-dayga lagu abuurayo isbaddal loo

dhanyahay. Waxuu ka soo baxay dadaal isku-xiro

ka dhexeeyey kooxo u doda xuquuqda haweenka

iyo ururo xuquuqda aadanaha, kaasoo isku keenay

aqoon iyo niyad ka imaaneysay meelo kala duwan.

Ujeeddada lagu baaqay ee ololeha ayaa ahaa

teegeeridda difaacayaasha xuquuqda aadanaha

ee ka jira dunida dhammaanteed oo u halgamaya

kor-u- qaadidda xuquuqda dadka kale. Si kastaba

ha ahaatee, ololeha ayaa daneynaya inuu diiradda

saaro difaacayaasha khatarta ku jira sababo la xiriira

aqoonsiga galmoodkooda iyo/ama jinsigooda. Si

tan loo helo ayaa waxaa culeys la saarayaa sidii

“loo hormarin lahaa xeelado lagu falaanqeeyo

iyo kuwa siyaasadeed oo loo dhanyahay oo lagu

sii adkeynayo difaaca difaacayaasha xuquuqda

aadanaha haweenka taaso loo marayo aydoo

mar kale la qirayo ballanqaadyada dowladaha

oo dhan aqoonsadeen ee la xiriira mabaad’iida

dimoqraaddiyadda iyo xuquuqda iyo xorriyaadka

adanaha ee caalamiga.” Haddii la sii jiclciyo, taas

micnaheedu waxuu noqonoyaa in la sii wado

dadaallada qaramada iyo kuwa dowliga ah oo

is-dhinac socda si tixgalin loo siiyo waxyaabaha

qaran u gaar ah isla markaana loo adeegsado

33 Qeybaha kale ee buuggaan ayaa talooyin ka bixinaya sida

wax looga qabanayo walaacyada amniga ee shaqsiyeed.

Eeg cutubyada “Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha oo

loo Hanjabayo: Abbaaraha Amniga Goobta shaqadooda”

iyo “Nidaamyada Caalamiga iyo kuwa Goboleed ee Loogu

Talogalay Ilaalinta Difaacayaasha Xuquuqda Aadanha”.

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

41

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!