05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

(caadiyan marka urur samafal ahaan loo tixgaliyo

shaqadooda), waxuu qorshahooda amnigu ka

koobnaan karaa tallaabooyin ilaalin oo dhowr ah,

qorshayaal la adeegsado marka laga fursan waayo

iyo nidaamyo la isku badbaadiyo, oo laga yaabo

in ey waxtar u leeyihiin haddii loo adeegsado

dokumenti tilmaamaya amniga, laakin kama

dhaadhacsana xaqiiqada in amnigu uu u baahan

yahay maareyn guud oo habboon, iyo in micnahiisu

yahay wax ka badan qorshe amni. Waxuu amnigu

taabanayaa dhammaan wajiyada shaqada ururrada

samafalka: waxuu saameeyaa howlahooda

(maadaama yoolbeegsi kasta oo hey’adda lagu

waxyeelayo uu noqon karo natiijo ka dhalatay

waxqabadkeeda), waxuu saameeyaa qiimeynta

duruufaha isbaddalaya (ayadoo duruufaha iskahorimaadku

ey si dhaqso leh isku baddali karaan),

waxuu saameeyaa socodka wararka (diiwaangalinta

iyo qiimeynta dhacdooyinka), waxuu saameeyaa

howlwadeennada (laga soo billaabo marka la qorayo

illa marka la tababbarayo iyo marka la dhisayo

kooxaha isla shaqeynaya), waxuu kaloo saameeyaa

miisaaniyadda iyo maalgalinta iyo wixii soo raaca.

Su’aasha wali taagan ayaa ah: maadaam uu lagama

maarmaan yahay, sideen amniga ugu dari karnaa

dhammaan wajiyada maareynta shaqada ururka

samafalka Waxaan ognahay in ciriiri jiro, iyo in

ciriirigaas amniga ka jira uu la mid yahay kuwa ka jira

shaqada xuquuqda aadanaha: hanti yari, shaqaale

dhowr ah, iskaa-wax-u-qabso, cadaadis iyo cabburin

heerkoodu sarreyo, iwm.

Xeeladaha amniga iyo goobta shaqada:

Saddax-xagalka oggolaasho/niyadjabin

Waxaa xeeladaha amniga dhmmaantood lagu

soo koobi karaa hal weedh: in goobta shaqadu ey

furnaato. Si taas loo helo waxaan u baahannahay

inaan raadino, ugu yaraan, oggolaasho (dowladeed,

ama kooxaha hubeysan ama bulshada rayadka ah)

iyo aqbalid haddiba ey suurtogal tahay (tallaabo

dheeraad ah).

Markaan amniga si xaddidan uga hadalno,

goobta shaqada ee difaacayaashu ayaa u baahan

oggolaashaha dhinacyada iska-horimaadku ka

dhaxeeyo, gaar ahaan kuwa hubeysan, iyo haddiiba

ey suurtogal tahay codsi ka imaanaya dhinac ka mid

ah qeybaha uu iska-horimaadku saameeyay. Waxuu

ogoolaashahaan noqon karaa mid qayaxan (ruqsad

rasmi ah oo hey’adaha dowladdu bixiyaan) ama

mid dahsoon, asagoo sii xogeysanaya marka dhinac

hubeysan uu u arko inuu faa’iido ka helayo shaqada

difaacayaasha, ama sii laciifeysa haddii uu u arko in

qarash uga baxayo. Markaan oo kale, oggolaashaha

waxaa bixinaya qarashka siyaasadeed ee lagu

galayo weerar loo geysto difaacayaasha. Waxaan

oo dhammi waxey si gaar ah tixgalin u yeelanayaan

markey difaacayaashu ka shaqeynayaan meel ey ka

jiraan in ka badan hal dhinac oo hubeysan.

Waxaa goobta shaqada matali kara saddax-xagal

kaas oo la xiriira tixanaha oggolaasho-aqbalid iyo

tixanaha niyadjabin-kadhaadhicin:

Ballaarinta goobta shaqada ayaa la sameyn karaa

muddo dabadeed (taasoo imaaneysa marka la

aqbalo ayadoo loo marayo xeeladda ka-dhaadhicin,

oo ayadana ey tahay in ey tixgaliso qorsheynta

baahida dadka, sumcadda, dhacdooyinka, mideynta,

iwm), ama aqbalid ka timaadda dhinac ka mid ah

dadka hubeysan (isku-dheellitir dhib badan oo ey

matalayso goobta “b”). Hase yeeshee, sida caadiga

ah, meelaha uu iska-horimaad ka jiro goobtu waxey

ahaaneysaa mid xaddidan oo ku xiran oggollashaha

dadka hubeysan, isku-jirka niyadjabin iyo kadhaadhicin

(oo lagu soo koobay goobta “a”).

Khatarta, hanjabaadyada iyo u

nuglaanshaha: Kartida amniga (Risk,

threats and vulnerability: Capacities in

security)

Marka duruufo iska-horimaad ey jiraan ayaa

khatartu tahay qeyb ka mid ah shaqada. Ma laha

khatartu fasiraad ey dadka badankiisu aqbaleen,

waxaanse sheegi karnaa in khatarta loola jeedo “

dhacdooyin suurtogal ah, inkastoo aan la hubin, oo

keeni kara waxyeello”. 4

Duruuf kastaahi ha jirtee, waxey dhammaan

difaacayaasha xuquuqda aadanahu la kulmi

karaan khatar heerkeeda loo siman yahay, laakiin

difaacayaasha dhammaantood si siman uguma

nugla khatarta guud oo ka imaaneysa joogitaanka

ey joogaan isla meesha uu iska-horimaad ka jiro.

U nuglaanshaha (suurtogalinimada in difaace uu

la kulmo weerar ama waxyeello noocey doonto ha

ahaatee) ayaa kala duwan, taasoo ku xiran arrimo

4 López y Luján (2000), bog.23

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

13

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!