05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Cutubka 5aad

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Haweenka - Baahida loo qabo

Tallaabo Qorsheysan

Doorka muhimka ah oo ey ciyaaraan difaacayaasha

xuquuqda aadanaha haweenka (DXAH) ayaa si

aad ah sanadahaan dambe loo aqoonsaday. Hase

yeeshee, caqabadaha iyo baahida gaarka ah oo

ey leeyihiin ayaan gabi ahaanba la fahamsaneyn,

sidoo kalena aan waxba laga qaban marka la eego

gudaha dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo

dibaddiisaba. Qodobkaan ayaa ujeeddadiisu tahay

inuu muuqaal guud ka bixiyo xaaladda ey ku sugan

yihiin iyo caqabadaha horyaalla DXAH iyo sidoo kale

qaabab suurtogalinaya sidii ey gobolka Bariga iyo

Geeska Afrika ugu heli lahaayeen ilaalin iyo tageero

wanaagsan. 23

Caqabadaha

Qeexidda difaacayaasha xuquuqda aadanaha

haweenka kuma saabsana haweenka difaaca

xuquqda aadanaha kaliya balse waxaa kale oo ey

ku saabantahay ragga difaaca xuquuqda haweenka.

Haddii aan eegno sida loo qeexay muddadii uu

socday ololeha DXAH ee 2004, 24 “’Difaacayaasha

Xuquuqda Aadanaha Haweenka’ waxaa ah

haweenka ku howlan difaaca xuquuqda aadanaha

oo loo yoolbeegsado cidda ey yihiin iyo sidoo kale

dhammaan dadka ku howlan difaaca xuquuqda

haweenka ee loo yoolbeegsado waxa ey qabtaan.” 25

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha haweenka ayaa

badanaaba waxaa soo foodsaara caqabado badan

taasoo ey ugu wacantahay ayagoo ah difaacayaasha

xuquuqda aadanaha iyo ayagoo haween ah iyo/

ama ayagoo difaacaya xuquuqda haweenka. Tani

waxay ku timaaddaa ayadoo leh muuqaal takoorid

joogto ah oo salka ku heysa qawaaniin dowladeed,

kuwa dhaqameed iyo kuwa diineed. Xaqiiqada ah

in difaacayaasha xuquuqda aadanha haweenka

ey ku dhex shaqeeyaan bulsho si aad ah uu raggu

ugu xoog badan yahay oo haweenka u yeela

dabeecado ey ka mid yihiin is-dhiibid, xannaanobixin

iyo adeecid, ayaa sii adkeynaya inuu qofku

u istaago xuquuqdiisa iskaa daa kuwa dadka kale.

Tallaabooyinkaas ayaa isla markiiba waxaa loo

tixgaliyaa wax khatar ku ah nidaamka jira (oo raggu

ka arrimiyo), aydoo wax kama jiraan loo tixgaliyo

23 Qoraalka asalka ah waxaa lahaa Nora Rehmer, ayadoo ay

casiriyeeyeen Lynsey Allan iyo Carina Raj Maria Jacobs

24 Wararka iyo macluumaadka ololehaas iyo arrimaha la xiriira

waxaad ka heli kartaa http://www.defendingwomen-defendingrights.org.

25 International Consultation on Women Human Rights Defenders.

Resource Book. (p.6) http://www.defendingwomendefendingrights.org/pdf/WHRD-Resource-English-press.pdf

maadaama ey ka soo horjeedaan dhaqanka iyo

caadooyinka. Xaqiiqada ah in badanaaba wali raggu

muuqaal u yeelaan aragtida iyo qiyamka dadka

degaanka ku nool iyo bulshooyinka ayaa sahlaya in

awooddaan loo adeegsado sidii loogu muujin lahaa

daadalladaan kuwa xun oo waxyeello u geysanaya

bulshada, si arrimaha loogu hayo sida ey yihiin.

Waxaa kaloo muhim ah in la tixgaliyo ragga ku

howllan dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo

sidoo kale loo yeelbeegsado in ey caqabad ku yihiin

‘nidaamka jinsiga’ (labnimada iyo dheddignimada).

Xuquuqda ey haweenka (iyo ragga qaarkiis)

u doodaan sida u sinnaanta guurka, xaqa loo

leeyahay dhulka iyo lahaansha mulkiyadda, xaqa loo

leeyahay daryeel caafimaad iyo waxbarasho iwm,

ayaa sida badan aan loo tixgalin in ey yihiin kuwa

qiimo leh ama ansax ah. Jawaabta loo soo jeediyo

difaacayaasha xuquuqda aadanaha haweenka ayaa

sidaas darteed ah diidmo iyo wax kama jiraan, taas

oo u horseedda ciqaab iyo xadgudub ey sameeyaan

qoysaskooda, dadka degaanka iyo bulsho weyntaba.

Tusaalooyinka ka imaanaya gobolhoosaadka

Kenya:

Tusaalooyinka kaalmeynaya dooddaan ayaa

badan, waxaana ka mid ah tan DXAH oo ka soo

horjeeda Gudniinka Gabdhaha (GG) ee degaanka

Somaalida ee Kenya. Markii ey si qasab ah

qaraabadu ku gudeen gabadheeda, ayey waxey

gurigeeda ka billowday olole looga soo horjeedo

caado dhaqameedkaan aadka u baahsan. Waxey

xusuusataa,

“Markii ugu horreysay ee aan la imid

fikradda ololeha ka soo horjeeda gudniinka

gabdhaha, waxaa ka hor yimid diidmo

iyo colaad muuqata oo ka imaaneysay

dadkeyga. Waxaa la igu eedeeyay

inaan keenay qiyam Reer Galbeed oo

baddalaya dhaqankii Soomaalida. Xataa

hoggaamiyeyaal diineed oo aamminsanaa

in diintu ey fareyso gudniinka ayaa ka hor

yimid halgankeygii. Hase yeeshee, tani

waa faham khaldan. Waxaan noqday

qofka looga sheekeysto magaalada, suuqa,

xaafiisyada iyo xataa masaajidyada.

Waxaa si sharaf-dhac ah la iigu neynaasay

“kintir”. Tani igama weecin u halgamiddii

xuquuqda haweenka; waxeyse saameysay

38

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!