05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Si baaxadda daryeelka loogu tarjumo adeegyo isku

xiran iyo nooc dhab ah oo dadka degaanka lagu

hormariyo, waxaa loo baahanyahy in wareegyada

la sii ballaariyo. Waxey tani lagama maarmaan u

tahay in laga dhaqaaqo wareeg awood u yeelidda

shaqasiga (personal empowerment) halkaas oo sida

uu shaqsigu u yaqaan awoodda la sii hormarinaayo

illaa ey ka gaarto wareegga xiga ee horumarinta

koox yar (small group development). Halkaas

marka la joogo ayaa taageeroyinka dadka degaanka

ey dhaliyaan isbaddallo ku dhaca debeecadda

shaqsiga, waxeyna kooxda u horseedaan wareeg

urur degaaneed (community organisation

circle) oo asaguna hormarinaya tallaabooyinka

uu degaanku ka qaadayo arrimaha ey dadka

degaanku qeexeen, isla markaasna dhiirrigalinaya

wadaxaajoodyo dadka degaanka/xirfadlayaasha,

korna u qaadaya iska-horimaadka illaa uu ka gaaro

heer la garwaaqsado. Waxey tani badanaaba

dhistaa xiriiro lala yeesho kooxo degaanno kale,

markaasna abuurataa wareegga xiga ee isbaheysi

iyo u doodid (coalition and advocacy), qalqaalinta

siyaasado guud oo caafimaad qaba, gaarista

isafgarasho guud oo xeeladeysan, jidkana u xaartaa

iskaashi iyo xallinta iska-horimaadka. Waxaa

marar badan loo baahdaa wareeg shanaad oo ku

saabsan tallaabo siyaasadeed (political action) si

loo afjaro wareegyada silsiladda ah oo haddana ku

dhammaanaya xaalad awood u yeelid shaqsiyadeed.

Waxay tallaabooyinkaan siyaasadeed taageeraan

dhaqdhaqaaqyo bulsho oo ballaaran, ayagoo

abuuraya aragti mustaqbal waara ee la doorbiday

iyo kobcinta dimoqraaddiyad loo wada dhan yahay.

Xeeladda ey CCVT raacday si ey u xaqiijiso fulinta

hababka hoos ku qoran ayaa waxaa ku jira adeegyo

si gaar ah loo hindisay oo ey ka mid yihiin latalinta

dadka degaanka, barashada af Ingiriisiga

asagoo luqad labaad ah (oo loogu talogalay

badbaadayaasha uur-ku-taalladu heyso), lasaaxiibidda

xubno dadka degaanka ka tirsan iyo ku

xiridda edeegyada xirfadlayaasha si loo daaweeyo

iyo/ama loogu sameeyo diiwaangalin dhinaca

caafimaadka iyo qaanuunka. Jogteynta kooxo

iskaalmeya ayaa sidoo kale u diyaariya badbaadaha

inuu ka qeybqaaato habka ballaaran ee kor ku

xusan. Inkastoo adeegyada CCVT loo abuuray

dadka jirdilka ka badbaaday oo guud ahaanba

ayagoo qaxooti ah yimaada Kanada (tan ayaa

dhalisay in la sameeyo la-talinta dadka degaanka iyo

tababbarka luuqadda), ayaa sida dadka degaanka

iyo hey’adaha caafimaadka iyo kuwa qaanuunku

uga qeyb qaataan habka dhaqancelinta muhimad

gaar ah ugu leedahay difaacayaasha xuquuqda

aadanaha. Hey’adaha kor lagu muujiyay badankood,

haddii eysan dhammaantood aheyn, ayaa lagu

guuleysan karaa in loo habeeyo si ey u daboolaan

baahida difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee

goobta ka shaqeeya. Joogteynta koox iskaalmeysa

ayaa muujisay in ey lagama maarmaan u tahay

bogsashada iyo sidoo kale xoojinta xiriirada kala

dhexeeya bulsho weynta. Xataa marka arrintu

u muuqato rajo-beel daran, ma ahan waxaan

suurtogal aheyn in garb laga helo dadka caadiga

ah iyo kuwa jooga meel awood leh oo arxan kuu

gala. Maan-ku-heynta xiriiradaan iyo in awood loo

yeesho garashada marka ay soo ifbaxayaan ayaa

bogsashada u ah qalab lagama maarmaan ah.

Waxbarashada guud iyo isbaheysi dowli ah ayaa ah

qalab lagama maarmaan ah oo CCVT u oggolaaday

in ey wax la qabtaan dadka degaanka isla markaasna

ey xaqiijyaan xiriiro lala yeesho arrimo ballaaran

oo u baahan tallaabo siyaasadeed. La shaqeynta

dadka degaanka iyo beesha dowliga ah ayaa sidoo

kale hormarin doona saameynta iyo baaxadda

halganka xuquuqda aadanaha. Waxii aan kali ahaan

iyo si gooni ah lagu gaari karin ayaa lagu guuleystaa

marka la helo isku-xir kaalmo oo ballaaran. Tani waa

arrin dhab ah marka la eego bogsashada iyo sidoo

kale marka la eego shaqada xuquuqda aadanaha

qudheeda.

Awood siinta

Shaqsiga

Tallaabo

Siyaasadeed

Dadka degaanka

Barnaamijyo

Takhasus

Isbahaysi/Ol

ole Dowli ah

CCVT

Isbahaysi

dhisid

Kooxo Is

kaalmeeya

Waxbarasho

Guud

Horumarinta

Koox Yar

© CCVT, Toronto - Canada 2005

Ururka dadka

degaanka

Markaad caawineyso dad ay uur-ku-taallo heyso,

xusuuso:

Waayo-aragnimada jirdilku waxey ku xirantahy

shaqsiga.

Markaad kaalmeyneyso dadka kale si ey ula

tacaalaan uur-ku-taallo, xusuusnow in ey

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

25

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!