05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Lifaaqa 2aad

Macluumaad ku saabsan Farsamooyinka Dowliga iyo kuwa Goboleed

Nidaamyada Goboleed iyo Kuwa

Dowliga

Golaha Afrikaaka ee Xuquuqda

Aadanaha iyo Dadyowga (ACHPR)

Waxaa lagu dhisay Axdiga Afrikaanka ee Xuquuqda

Aadanaha iyo Dadyowga oo dhaqangalay 21kii

Oktober 1986 kaddib markii ey ku aqbaleen Nairobi

(Kenya) sanadkii 1981 Golaha Guud ee Madaxda

Dowladaha yio Xukuumadaha Ururka Midowga

Afrika (UMA). Waxuu Golaha Afrikaanka ee

Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga u xilsaaranyahay

xaqiijinta horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqda

Aadanaha iyo Dadyowga ee dhammaan Qaaradda

Afrika. Xaruunta Golahu waxay ku taallaa Banjul,

Gambia.

African Commission on Human and Peoples’ Rights

31 Bijilo Annex Layout, Kombo North District

Western Region

P. O. Box 673

Banjul, The Gambia

Email: achpr@achpr.org

Tel: (220) 4410 505 / 4410 506

Fax: (220) 4410 504

Official Site: http://www.achpr.org

Khariidada tubta loola Shaqeynayo

Bulshada Rayadka: Habka ey Dowladahu u

Wargalinayaan Golaha Xuquuqda Aadanaha

iyo Dadyowga

Adeegga Dowliga ee Xuquuqda Aadanaha

(International Service for Human Rights), Ururka

Caddaaladda, Nabadda iyo Dimoqoraadiyada

(Association for Justice, Peace and Democracy) , iyo

Xuquuqda Aadanaha ee Conectas (Conectas Human

Rights ) (2011)

Axdiga Afrikaanka ayaa saaraya masuuliyado

cayiman Dowladaha Xubnaha ka ah Midowga Afrika

(MA) si ay dalalkooda uga dhaqangaliyaan Axdiga

Afrikaanka. Gaar ahaan, Dowlad kasta oo dhinac ka

ah waxaa saran waajibaadka in ey labadii sano mar,

laga soo billaabo taariikhda uu Axdigu dhaqangalay,

u soo gudbiso warbixin ku saabsan tallaabooyinka

qaanuuneed iyo kuwa kale oo ey ka qaadday sidii

ey u hirgalisay xuquuqda iyo xorriyaadka lagu

aqoonsaday, laguna dammaanadqaaday Axdiga

(Qodobka 62). Waa fursad lagu qiimeynayo

tallaabooyinka ey Dowladahu u qaadeen sidii loo

hormarin lahaa xuquuqda lagu ilaaliyay AAXAD

(ACHPR) iyo hab-maamuuseedyada, lagu aqoonsado

caqabadaha horyaalla sidii loo xaqiijin lahaa

xuquuqdaas iyo sidii loo soo saari lahaa talooyin

lagu wanaajinayo dhaqammada Dowladda. Waxaa

lagama maarmaan ah ka qeybgalka bulshada

rayadka si loo helo qodobo ka dhan ah warbixinnada

xukuumadaha taas oo xaqiijineysa in Golahu uu

helo sawirka dhabta ah ee xaaladda jirta. Guud

ahaan, Dowladha dhinacyada ah ayaa muujiyay

in ey ka cagajiidayaan ka qeybgalka hannaanka:

Dowladaha dhincyada ah badankooda ayaan sidii la

rabay u soo gudbin warbixinnada; Dowladaha ayaa

ku dhacay in ey si firfircoon ula falgalaan AAXAD;

Golahuna ma laha awood uu ku xaqiijiyo inuu

sameeyo dabaggalkii la rabay iyo dhaqangalinta

talooyinka. Qiyaastii tiro aad u yar ayaa si joogto ah

uga qaybgala kalfadhiyada AAXAD ayadoo kuwa ka

qeybgala eysan badanaaba diiradda saarin habka ey

Dowladahu u soo gudbiyaan warbixinnada. Waxaa

intaas dheer, ayadoo talooyinka la heli karo ee ku

saabsan sida ey bulshada rayadka uga qeybgalaan

howlaha AAXAD eysan sidaas u eegin habraacaan.

Khariidaddaan muujineysa tubta la raacayo ayaa

ah dadaal wax looga qabanayo dulduleeladaan,

ayadoo ururrada bulshada rayadka (UBR) ku

dhiirrigalineysa inay si ballaaran uga qaybgalaan

habraacaan. Waxay bixineysaa warar asaasi ah,

ayadoo fasiraad ka bixineysa caqabadaha jira, sidoo

kalena nala wadaageysa tilmaamo ku salaysan

waayo-aragnimooyinka UBR oo ku saabsan sidey ula

shaqeeyeen AAXAD.

Link: http://www.ishr.ch/component/docman/doc_

download/1325-road-map-to-the-ahcpr-english

Af Faransiis: http://www.ishr.ch/component/docman/

doc_download/1326-roadmap-to-the-achpr-french

Xeerarka Habraaca Golaha Afrikaanka ee

Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga (Rules

of Procedure of the African Commission on

Human and Peoples’ Rights)

Xeerarka Habraaca ayaa dhisaya dokumentiyada

tilmaamaya howl maalmeedka Golaha Afrikaanka

ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadyowga. Waxaa

ka mid ah xubnaha uu Golahu ka kooban yahay,

xilkiisa, farsamooyinka la raacayo marka warbixin la

sameynayo iyo farsamooyin dheeraad ah.

Link: http://www.achpr.org/english/ROP/Rules%20of%20

Procedure.pdf

64

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!