05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

Midowga Haweenka Isku Galmooda ee Afrikaana

(CAL). Codsiga goobjoognimada 60 ayaa la buuxiyay

sanadkii 2008, ayadoo labo sano kaddib bishii

Oktoobar 25dii 2010 la diiday codsigoodii. Golaha

Afrikaanka ayaa ku dhacay inuu sheego sababta

codsiga loo diiday inkastoo laba mar oo hore uu dib

u dhigay.

Kulanka Bulshada Dunida (World Social Forum)

Si isbaddal loo helo, ka sokow adeegsiga

hey’adaha, waxaa kale oo dadka u ololeeya

LGBTI u baahan yihiin in ey raadiyaan kulammo

ey qaddiyadooda ku soo bandhigi karaan.

Tusaale ahaan, waxaa kulamadaan ka mid ah

Kulanka Bulshada Dunida oo ka dhacay Kenya

Jannaayo 2007, halkaas oo ururada LGBTI oo

ka kala yimid dunida daafaheeda, gaar ahaan

Afrika ey u adeegsaden fursad ey kaga hadlaan

caqabadaha horyaalla iyo sidii ey u bari lahaayen

bulsho weynta xuquuqdooda iyo baahidooda.

Waxey sameeyeen aqoonisweydaarsiyo, ayagoo

sidoo kale abaabulay kalfadhiyo wadaxaajood

oo dhowr ah, isla markaasna wararkooda u soo

bandhigay dadweynaha. Jawaabta ey ka heleen

dadka kale ee ololeeya iyo dadweynaha ayaa

aheyd mid wanaagsan taasoo saldhig u noqotay

sii socodsiinta ololehooda, gaar ahaan gudaha

dowladda martida loo ahaa ee Kenya. Horumarka

lagu gaaro kulamadaan ayey tahay in si xeeladeysan

loo adeegsado, dadka ololeeyana ey dabaggal ku

sameeyaan.

Abaalmarinta Martin Ennals ee Difaacayaasha

Xuquuqda Aadanaha 2011 (Martin Ennals Award

for Human Rights Defenders 2011)

Markii ey jirtay da’da 21, ayaa Kasha Jacqueline

Nabagesera billowday in ey la shaqeyso xuquuqda

ragga isku galmooda ee Uganda. Laga soo billaabo

xilligaas waxey aheyd afhayeen awood badan oo u

dooda xuquuqda LGBTI. Kasha ayaa ka mid aheyd

shaqsiyaadka ugu horreeyay ee dibedda soo dhiga

aqoonsiga galmoodkeeda. Waxey la kulantay

qashqashaad kaddib markii sanadkii 2007, muddadii

uu Kenya ka socday Kulankii Bulshada Dunida, ey ka

hadashay xushmada iyo dulqaadka daka isku jinsiga

ah ee isku galmooda. Waa Aasasihii iyo Agaasimaha

Freedom and Roam Uganda (FARUG). Magaca Kasha

ayaa billowgii sanadkii hore ku soo baxay daabacaad

ey qortay Rolling Stone. Waxaa Kasha sanadkii 2011

60 http://www.defendingwomen-defendingrights.org/cal_application.php

lagu sharfay in ey qaadato Abaalmarinta Martin

Ennals ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha.

Inkasta oo ey qashqashaad guud la kulantay ayaa

haddana Kasha waxey ku mitiday difaaca xuquuqda

LGBTI.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dadka u ololeeya

xuquuqda LGBT laga rabaa in ey si taxaddar leh u

qiimeyaan duruufaha ka jira dalalkooda. Caqabadda

kowaad ayaa ah helitaanka dad la aamini karo oo

lala shirkoobo, si la isugu afgarto waxa ey tahay in

laga gaaro dalka gudahiisa, iyo in la cayimo sida taas

si wax-ku-ool ah loogu sameyn karo. Waxaa muhim

ah in la tilmaamo dadka ey u badantahay in ey

qaddiyada kaalmeeyaan, oo sida badan laga xusho

ururada haweenka ee degaanka ka jira, ururada

xuquuqda aadanaha ee dowliga ah, ururada deeqda

bixiya, shaqaalaha ururada dowliga ah, iyo ergada

dibolomaasiyiinta. La sameysashada ururkaan oo

kale isbaheysi ayaa yeelan kara natiijooyinka liita

iyo kuwa wanaagsan. Ka faa’iideysiga awooddooda

bulshadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa

xayeesiin ahaan caawimaad ka geysan kara, illaa iyo

xadna xalaaleyn kara arrimaha LGBTI. Hase yeeshee,

marka laga eego gacan si muuqata uu urur dowli

ah ugu yeelanayo halgan degaanka ka socda, waxaa

loo baahanyahay in kaalmada dowliga ah eysan

hareyn isxilqaanka, dhabnimada iyo naftihurnimada

dadka ololeha ka wada degaanka, maadaama ey

dad badani aaminsanyihiin doodda ku saabsan in

dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ey tahay

arrin “dibedda ka timid” iyo wax “Afrikaankana

ka baxsan”. Dadka ololeeya ayaa sidaas darted

laga rabaa in ey isbaheyso xeeladeysan la galaan

taageerayaasha aydoo la tixgalinayo natiijo kasta

ee suurtogal ah, una adeegsadaan isbaheysiyadaan

badidooda heerka sharcidajinta iyo sameynta

siyaasadda. Dhinaca kale, deeq bixiyayaasha iyo

ururada dowliga ah ayey tahay in markasta oo ey

suurtogal tahay ku daraan howlahooda qeyb ku

saabsan LGBTI. Tusaale ahaan, in lagu martiqaado

dadka u ololeeya LGBTI aqoonisweydaarsiyada iyo

tababbarada ayaa kor u qaadaya awooddooda ey ku

difaacayaan xuquuqda shaqsiyaadka ka tirsan LGBTI

ayagoo sidoo kale helaya fursad ey ugu gudbiyaan

fikradahooda dadka kale ee xuquuqda u ololeeya,

isla markaasna ku ogaanaya arrinka aadaminnimada

oo sida badan laga tago marka laga doodayo dadka

isku jinsiga ah ee isku galmooda. Haddii ey ku daraan

shaqsiyaad LGBTI ka tirsan daryeelka caafimaadka

galmoodka, iyo mashaariicda HIV/AIDS, waxey

ururadu isku dayi karaan in ey la dagaallamaan

dayaca ey kooxdaan kala kulmeen goobtaan, taasoo

nugeylnimadooda sii kordhisay.

Helitaanka taageerada bulshada rayadka ee

50

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!