05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

You also want an ePaper? Increase the reach of your titles

YUMPU automatically turns print PDFs into web optimized ePapers that Google loves.

Chapitre 6

Difaaca dadka galmood ahaan laga tirada badanyahay (Sexual

Minorities)

Arrinta ku saabsan dadka galmood ahaan laga tirada

badanyahay ayaa si aad ah xasaasi uga ah Afrika.

Kuwa u dooda haweenka isku galmooda (lesbian),

raga isku galmooda (gay), kuwa labada jinsiba u

galmooda (bisexual), jinsi-gudubka (transgender)

iyo labeebka (intersex) oo dhammaantood marka

la soo gaabiyo loogu yeero LGBT, ayaa kala kulma

hanjabaadyo culculus dhinaca xukuumadaha iyo

guud ahaanba bulshada taasoo ugu wacantahay

qaddiyadda ay hormarinayaan. Xilligaan la joogo,

dadka u ololeeya qaddiyaddaas ayaan ka heysan

taageero dhaqdhaqaaqa ballaaran ee xuquuqda

aadanaha, taasoo ah arrin niyad jab weyn u

keeneysa. Dhaqdhaqaaqa LGBTI ayaa sidaas

darteed waxaa horyaalla caqabado farabadan oo

dibadda uga imaanaya. Hase yeeshee, waxaa jira

caqabado ayaga ka dhex jirta iyo kuwa aragtiyeed oo

wiiqaya awoodda ey si xeeladeysan isla markaasna

xakameysan ugu socodsiinayaan arrimahooda.

Qodobkaan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu ka bixiyo

muqaal guud arrimaha LGBTI asagoo keenaya

fasiraadyo isla markaasna qeexaya caqabadaha

horyaalla dadka arrimahaan u ololeeya, kuna xiraya

shaqadooda dadaalka ballaaran ee difaacayaasha

xuquuqda aadanaha iyo xuquuqdooda. 37

Erey bixin

Ereyada la soo gaabiyay ee LGBTI ayaa isku-jirkooda

loola jeedaa haweenka isku galmooda, raga isku

galmooda, kuwa labada jinsiba u galmooda, kuwa

jinsi-gudubka iyo kuwa labeebka ah, kuwaas oo

daboolaya jihooyin galmood iyo aqoonsi jinsi kala

duwan (sexual orientations and gender identities

(SOGI)). LGBTI ayaa loo tixgaliyay eray ka ballaaran

“dadka jnisigooda u galmooda” (homosexual) ama

“ragga isku galmooda” (gay). Waxaa loola jeedaa

jiho galmood oo ka duwan waxa loo tixgaliyo

nidaamka galmoodka ka dhaxeeya jinsiyada kala

duwan. Ereyga lesbian waxaa loola jeeda haweenka

jecel, galmood ahaana ey soo jiitaan haween kaliya,

halka gay loola jeedo ragga ey soo jiitaan ragga

kaliya. Shaqsiyaadka Bisexual ayaa ah kuwa jeceel

ahaan iyo galmood ahaanba ey soo jiitaan rag ama

haween.

Ereyga kooban ee LGBTI ayaa waxaa ka mid ah

noocyo aqoonsi jinsi, sida ereyga ‘jinsi-gudub’

(transgender). Jinsi-gudub waxaa loola jeedaa

shaqsiyaad aqoonsiga jinsigooda uusan galeyn

37 Qoraalkii asalka ahaa waxaa lahaa Nora Rehmer, waxaana

casriyeeyay Lynsey Allan iyo Carina Raj Maria Jacobs

noocyada lab/dheddig oo ah tilmaamo badanaaba

dusha laga saaro dadka marka ay dhashaan.

Dhabtii, micnayaasha, waxyaabaha laga filaayo,

iyo waajibaadyada la socda noocyada jinsiga ee

“lab” iyo “dheddig” ayaa ah wax ay dadku malaawaaleen.

Marka la barbardhigo ereyga bayoolojiga

ee xubinta taranka ayaa loola jeeda xaaladaha

jireed ee lahaanshaha xubnaha taranka labka ama

dheddiga. Xilliga dhalashada ama ka hor ayaa ilmaha

la siiyaa magac lab ama dheddig taasoo ku xiran

sida qoyska, umuliyayaasha iyo/ama dhaqaatiirtu

u arkaan xubintooda taranka. Dadka jinsi-gudubka

ah ayaa maskax ahaan, jir ahaan, niyad ahaan,

galmood ahaan iyo/ama ruux ahaan dareema in ey

yihiin jinsi ka duwan kan la siiyay xilliga dhalashada

ama aan waafajin karin sida ey isku aqoonsadaan

labada jinsiba. 38 Dadka labeebka (intersex) ah ayaa

ah shaqsiyaadka uusan “jinsigooda” caddeyn marka

lagu saleeyo xubnahooda taranka ama sida ay u

dhisanyihiin hidde-sideyaalkoodu (chromosomal

structures). Waxaa jira xaalado iyo tilmaammo kala

duwan oo ereygaan la socda. Waa ifafaale noololeed

(biological syndrome). 39

Caqabadaha horyaalla shaqsiyaadka

LGBTI

Shaqsiyaadka LGBTI loo yaqaan ayaa waxey

Afrika kala kulmaan khataro iyo caqabado kala

duwan. Inkasta oo sida liidata ee loo qadariyo

iyo qawaaniinta takoora dadka LGTBI ey

gumeystayaashii keeneen ayaa haddana waxaa

maanta sida badan cambaareynta bulshada oo

marmarsiyo ka dhigta diinta iyo/ama dhaqanka

u muujisaa falalka iyo iskutagga dadka isku

jinsiga ah kuwo “ka baxsan Afrikaanka” iyo “wax

ka soo horjeeda nidaamka dabiiciga”. Inkasta

oo shaqsiyaadka jinsi-gudubku, iyo xiriirada ka

dhexeeya haweenka isku taga dhexdooda iyo

ragga isku taga dhexdooda ey meelo badan oo ka

tirsan Bariga iyo Geeska Afrika ugu jireen qaabab

la aqbalay ka hor dullaankii xoogagga shisheeye

ayaa haddana sida xun oo loo arko iyo qawaaniinta

dambiga ka dhigeysa oo ey gumeystayaashu

38 Fasiraadda qaar ka mid ah ereyadaan ayaa wali la isku

heystaa ayadoo la leeyahay si habboon uma sheegayaan

xaqiiqooyinka ey isku dayayaan in ey fasiraan. Sida ey isku

sheegaan shaqsiyaadka LGBTI qudhoodu ayaa ka duwanaan

kara ereybixinta kore. Si kastaba ha noqotee, qodbkaani ma

oggolaanayo inuu ka bixiyo dood buuxda arrimahaan.

39 Waa fasiraadda ey bixisay hey’adda la yiraahdo Swedish

Federation for Lesbian, Gay, Bisexual and Transgender Rights.

Waxaad ka heleysaa http://www.rfsl.se/p=3307

44

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!