05.01.2015 Views

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

Difaaca Xuquuqda Aadanaha - East and Horn of Africa Human ...

SHOW MORE
SHOW LESS

Create successful ePaper yourself

Turn your PDF publications into a flip-book with our unique Google optimized e-Paper software.

ku takhasustay farriimaha qoraallada aadka u yaryar

oo sida badan ey ku jiraan isku-xir iyo xuruuf

fure ah. Youtube ayaa ku takhasustay fidiyowga

khadka internetka halka baraha Flickr ama Picassa

ay bixiyaan adeegyo muuqaal ah. Linkedln ayaa ah

isku-xir bulsho ay adeegsadaan xirfadlayaashu, halka

Facebook uu isku daro warbaahin noocyo badan

oo loo isticmaalo warisgaarsiin shaqsi ah iyo mid

xirfadlayaal.

Inkasta oo kala-duwanaanshahaasi u dhaxeeyo

minbarada, ayaa haddana loo baahanyahay in la

tixgaliyo xeelado mideysan marka la dejinayo ama

la hirgalinayo xeeladdaada ku saabsan warbaahinta

bulshada:

Tilmaan iska bixi – marka la eego ‘wararka xad

dhaafka ah’ ee shabakada internetka, waxaa muhim

ah inaad si cad u matasho ururkaaga iyo ololehaaga

si qofka daawanaya uu si dhaqso leh oo fudud ugu

fahmo. Dooro magac qeexaya shaqadaada adoo iska

ilaalinaya erayo la soo gaabiyay oo haddana dheer

(long acronyms). Ku dhaji calaamadda ururkaaga

ama ololehaaga koontadaada iyo warisgaarsiintaada

khadka internetka.

Noqo il war laga helo oo la aamino – u adeegso

manbarkaaga warbaahinta bulshada inaad ku fidiso

farriinta ololehaaga, nuxurkaaga asalka ah, iyo sidoo

kale inaad dib ugu qeybiso nuxurada qiimaha leh

oo aad ka hesho ilo kale. Marka aad si joogto ah u

qeybiso nuxur qiimo leh oo ku saabsan mowduuca

ololehaaga , waxaad noqoneysaa il laga aamino

bulshada daneysa isla mowduucaas dhexdeeda.

Haddii aad dariiqaan raacdo sumadda ololehaaga

iyo ururkaaga ayaa xoogeysaneya isla markaasna

yeelaneya awood laga dhex aqoonsado xerada aad

ka shaqeyso.

Hal-abuur yeelo markaad qalabka warbaahinta

bulshada u adeegsaneyso howshaada xuquuqda

aadanaha. Samee olole wacyigalineed oo maalmo

badan soconaya adigoo maalin walba u diyaarinaya

nuxur gooni ah. Ku martiqaad aqristeyaashaada in

ey ka soo jawaabaan sheekooyinka shaqsiyadeed

iyo fidiyowyada la soo bandhigay (video-blogs).

U ballanqaad abaalmarinno la siinayo qofkii soo

gudbiya farshaxan, sheekooyin ama sugaan. Doodo

dhexdhig xubnaha ururkaaga, ishana ku haay waxa

ey ururada kale ka sameynayaan xeeladahooda

warbaahinta bulshada.

Ka bax qadka – aqoonso in dhammaan dadka ka

faa’iideysanaya iyo dadka kale ee danta ka leh

howsha ururkaaga eysan awood u lahayn in ey kaala

socdaan warbaahinta bulshada. Tijaabi sidii aad u

adeegsan laheyd barnaamijyada ey ka mid yihiin

FrontlineSMS markaad qeybineyso farriimaha SMS

si aad farriintaada ugu baahiso dadka ka faa’iideysta

iyo kuwa daneeya howlaha ururkaaga adoo u

maraya farriimaha qoraalka ah. Ku dhiirrigali dadka

sidii ey farriintada u faafin lahaayeen ayagoo wajika-waji

ula hadlaya dadka kale ama in ey noqdaan

safiirada ololehaaga ee degaanka. Howlaha iyo

nuxurka warbaahinta bulshada aad leedahay

dhexgali xeeldaha ururkaaga ee caadiga ahaa.

Isku- xir iyo isla falgal – ula falgalidda warbaahinta

bulshada si joogto ah ayaa si wanaagsan kuugu

xireysa ururada iyo dadka aad isku aragtida tihiin.

Waxaa dhici karta inaad ogaato inaad la falgali karto

ururo waaweyn ama shaqsiyaad caan ah iyo dadka

go’aannada gaara haddii ey isticmaalaan qalab

warbaahin bulshadeed taada la mid ah. Marka

ey miro dhasho, u qaad wadahadalkaaga ‘meel

albaabadu u xiran yihiin’ halkaasna kula wadaag

wararka ama kala hadal sidii uu iskaashi idiin

dhexmari lahaa adoo ku soo gudbinaya farriimo,

email, ama telefon. Warbaahinta bulshada ayaa

ah meel aad dib uga heleyso waxaad galiso: sidaad

dad kale ula xiriirto ayaa lagugu soo jawaabaya,

laguulana soo xiriirayaa.

Hal-abuure noqo – warbaahinta bulshada ayaa ah

ifafaale cusub iyo goob hal-abuurkeedo badanayo.

Difaaca Xuquuqda Aadanaha: Buug Xambaarsan Macluumaad loogu Talogalay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha | Caddadka 2aad

37

Hooray! Your file is uploaded and ready to be published.

Saved successfully!

Ooh no, something went wrong!